SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wafdi u hogaaminaayo gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Casmara ugu laabtey

Wafdi u hogaaminaayo gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ayaa Jimcadii 28/3/2008 dib ugu laabtey magaalada Casmara ee dalka Eritareeya iyagoo ka soo kicitimay magaalo madaxda dalka Khartuum ee Suudaan oo ay ku sugnaayeen mudo asbuuc ah, iyagoo u joogay halkaas kulan wadatashi ah ay la lahaayeen dowlada dalka Suudaan oo ay martiqaad ka heleen.

Mudane Sheikh shariif Sheikh Ahmed oo ay wehliyaan ku xigeenka gudoomiyaha fulinta mudane Jeneraal Jaamac Mohamed Khaalib, Mudane Mohamed Abdi Yusuf iyo Dr Omar Iimaan ayaa Casmara isla maanta kulan aan caadi lahayn kula yeeshay labada xubnaha labada gole ee ku sugan halkaasi , si ay uga xog waramaan kulamadii ay la soo yeesheen dowlada Suudaan iyo martiqaadka u soo direy ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay Soomaaliya Ambasador Ahmedou Ould-Abdallah.

Waxaana horey u gaarey wafdi hor dhac ah oo u hogaaminaayo gudoomiyaha golaha dhaxe ee Isbaheysiga dib u xoreynta mudane Sharif Hassan Sheikh Aden iyo Prof Ibrahim Caddow oo ah lataliyaha arimaha dibbada ee Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya,iyadoo ay horey halkaasi uga sii horeeyen Prof Abdirahman Ibbi, mudane Abdulkadir Dhaqane iyo Mohamed Amin Osman oo dhamaantood ka wada tirsan golaha dhaxe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wafdigaan ayaa saakay gaarey magaalada Nairobi iyadoo ay soo dhaweeyeen xafiiska United Nation-ka ee NAIROBI, waxaana la dajiyey Safari Park Hotel.

Waxaan berito (Sabti)  la sugayaa inay Nairobi soo garaan wafdi kale oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Dib u xoreynta Soomaaliya mudane Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ayna wehliyaan ku xigeenka gudoomiyaha fulinta mudane Jeneraal Jaamac Mohamed Khaalib, Mudane Mohamed Abdi Yusuf iyo Dr Omar Iimaan oo ka tirsan golaha dhaxe Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in maalinimada Isniinta ay shirweyn isugu imaan doonaan madax u hogaaminaayo ergayga wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya Ambasador Ahmedou Ould-Abdallah, Ergo ka socota midowga Yurub iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, war rasmi ah aan ka heleyno magaalada Nairobi ayaa noo sheegaya inay kulan balaran la yeelan doonaan u qaybsanaha arimaha Soomaaliya ee dowlada Mareykanka iyo safiirka Mareykanka ee fadhiya magaalada Nairobi.

Hogaanka sare ee Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa la kulmi doono mudane Raila Odinga iyo mudane Faarax Macalin iyo siyaasiyiin reer Kenya ah oo la socda arimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa inay la kulmaan jaaliyada Soomaaliyeed ee dagan dalka Kenya iyo muslimiinta dalka Kenya.

Hogaanka sare Isbaheysiga ayaa noo cadeeyay inaysan doonaynin inay la kulmaan xubnaha DFKMG ee ay garabka siiyaan Tigreega ee ku sugan Nairobi, iyagoo sabab uga dhigay inaysan aqoonsanayn ayna u arkaan dambiilayaal dalkooda khaa'imay.

Wixii ka soo baxa arimahaas oo dhan dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa hadii Eebe idmo.

Wargal..

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2008

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com