SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WIILKAAN JECLAA ITOOBIYAA DISHAY

WAXAN AHAY QORAA WAX KA QORA ARIMAHA BULSHADA, WAXANA WAX KA QORAA QISOOYINKA DHACDADA AH - WAA QISADII IGULA YAABKA BADNEED MAR AAN BOOQDAY XERADA QOXOOTIGA EE KAKUKMA GABADHAAN OO LUGU MAGACAABO SHAMSO WAA GABAR QURUX BADAN BALSE AAD IYO AAD U AAMUSBADAN NOLASHEEDANA AY KA BUUXDO QISO WAXANA DOOR BIDAY IN AAN QISADAAN QORO - WAXA AY KU BILOWDAY SIDATAN
Qalad ma aan galin
qaadirbaa oge
qiyaamo islaam kuma sameen dhoorsan baan ahaye
qadarbaa igu dhacay waa xukin rabiye
qunyar socod baan ahaa dagaal ma aan galine
qorigaan qaadanayaa dantaa ibadaye
SHAMSO BURAAN BUR AY TIRISAY AYEEY HORDHAC U TAHAY


Qadarka ma diidayo balse waxan u ekahay in aan ahay Gabar nasiib xun, waxan jeclahay iyo waxan rabo waxad moodaysa in uu qadartu igaga hormarayso, waxan xasuusta, in aan ku barbaaray Gobolka Soomaali galbeed Ee ismaamulka Kiladka Shanaad, Qabri bayax Baadiyaheeda, Waxan lanolaa Hooyaday iyo Caruur aan isku hooyo nahnay balse markii aan barbaaray waxan ka soo cararay Ciidamada Gumeystaha oo ciddayada ku hayey dhibaato aan dhamaan mararka qaarkood waxan seexan jiray Kaymaha baadiyaha balse waxan ka warhelay Hooyaday in ay lahadashay AAabahay oo ku nool Magalada Muqdisho isla markaana usheegtay in ay isoo dirayso, Subax Aroor ah hooyaday oo ka timid magalada Qabribayax iisoo sheegtay in aan safar u Aadayo Muqdisho taas oo sababtay Cabsi ay igaga qabtay Ciidamada Gumeystaha oo inta badan falal xun xun u geysta Gabdhaha Da'deeyda oo kale ah, laakinse waxan is weydiiyey AAabahay sida aan u aqoon sanayo ama ii aqoon sanayo waayo waxaan jiray waqtiga AAabahay igu dabaysay Laba sano waana xili laga jogo dhoor iyo Labatan sano waqtiguu furay Hooyaday laakinse hadda waxaan ahay gabar ka gadisan gabadhii uu yaqaanay.

Waxan imid Magalada Muqdisho, Waa magaalo weyn ahna Caasumadda Soomaaliya, waxan ka daganaa Xaafadda Yaaqshiid waxan tagay waqtigi ay Maxkamadaha ka curteen Magalada Muqdisho, waa ay xasilooneed, Waxan ku dagay Guriga AAabahay, AAabahay waxa uu leeyahay Halxaas oo u leh Sideed Caruur ah Afar waa wiilal, afarna waa gabdho balse wiilasha walaalahay waa ay yar yar yihiin, AAabahay waa ganacsade ka shaqeeya Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxan ku soo dagay Eadaday oo run ahaanti ah Eedo wacan Caruurta walaalahayna waxa ay isoo dhaweeyeen Sifiican oo wanaagsan.

Waxan ku biiray Bareefad ku yaalay oo la yiraahdo Brothers, waxan baranayey Luqadda English ka iyo Computer ka, waqtigaan ku soo biiray waxan bartay Wiil ka mid ah Ardayda iskuulka, isbarashadeeni waxa ka dhex abuurmay jaceyl xoog badan, jaceyl kaan u Qabo Cabdifitaax yare waxa uu ka mid naqday qeeb ka mid ah wax barashadayda waayo Cabdifitaax waxa uu i baray nolol wanaagsan oo ka duwan tiihore aan ku soo bar baaray, Cabdifitaax iyo aniga markii aan ka soo baxno guriga waxan imaaan jirnay Guriga aan daganaa waxana baray Cidayadii oo dhan wayna soo dhaweeyeen, Cabdifitaax jaceylka uu ii qabo iyo qadarinta AAabahay iyo Eedaday ayuu ku gaari jiray Habeenkii ilaa sadexda Saac madaba uu dagan yahay meel xoogaa ii jirta, laakiinse jaceylkeeni waxa soo dhexgalay Dagaalkii Maxkamada iyo Dowlada Kumeel garka iyo ciidamada Ethiopia, Reer kii Cabdifitaax waxa ay u gureen Xaafada Madiina si ay oga durqaan Dagaaladaan aan laheyn dhamaadka, Magalada waxa ku yimid isbadal aan la qabsan waayey in muddo ah waxan bilowday Dagaal aan istaageen iyo Ciidamo aan naxariis laheyn.

Waxan maqlay in uu Cabdifitaax Xanuun saday oo la dhigay Isbitaalka ku yaalay Xaafada Madiina ee Isbitaalka Madiina Hospital , Subax aroor nimo ah Abaarihii Sadexdii subax nimo waxan isku diyaarshay in aan aado Cabdifitaax gurigoodi oo intuu xanuunsan uu isoo baray, Subaxii markii aan soo baxayey AAabahay wuu diiday in aan baxo waxana sababay Ciidamada Ethiopian ka in ay wada meel kasta daad san yihiin isagoo dhageystay Idaacadaha Magaalada Muqdisho, laakinse waxan ahaa qof dhalinyaro ah iskuma taxaluujin jirin dhagaysiga balse hadalka Aabbe dhagta uma Jalaq siin oo waan dhaqaaqay waxan maqlay Abbe oo dhahaya habixin oo igu soo orday kadibna wuu igu qayliyey maalintaas waan iska baaqday laakinse habeenkaas waan seexan wayey waxana la hadlay Ruqiyo waa Abdifitaax walaashii oo igaga dayrisay Xaaladiisa caafimaad markii laga helay Malaariyo iyo Tiifow, habeenkaas oo dhan hurdo waan ladi wayey waga markii uu bidhaamay ayaan iska furay Albaabka intuu Abbe Hurdada kasoo kicin waqtigaas oo ahaa Laba iyo toban kii ama lixdii qofba siduu u yaqaanay.

Subaxaas waa maalin Nolashayda Qeeb ka mid ah Bur burtay, Waxan Arkay Askar igu soo yaacday oo ku haysa Qum Qum Anti dhiqaandhiq oo micnaheedu ahaa istaag ha dhadhaqaaqin waxana iri waayahay madaama aan garanayey afkooda, waxan kula hadlay anigo qaylinaya kuna hadlaya Afka Amxaariga waxan is dhahayey hadii aad aftaqaan waad ka baxsanaysaa balse way noqon wayday - mid ka mid ah ayaa si an arxan laheyn ii lagday kadibna ii geystay dhaawac hadda jirkayga ka muuqda waxana ay igu sii dareen in ay i kufsadeen waxa ay iga tageen anigo miyir la waxan jiifay muddo Saacado ah intii ay dhameysanayeen Howl galkoodi, markii ay dhameysteen Howlgalkodii waxa meesha iga qaaday Dhalinyaro Rag iyo dumar iskugu jirta waxa ay igeyeen Isbitaalka ku yaala huriwaa ee SOS ayagoo ii wacay waalidkay Meeshaas waxa yimid AAabahay iyo Eedo dhamaantood waxa ka muuqatay Murugo laakiinse aniga wax hadal ah ayaa layga waayey In muddo ah, Muddo Shan casho ah waxan ku jiray isbitaalka kadibna waxan lay iqaaday Xaafadii aan daganaa, Waxan cidayadii ku iri hadii Telephone idin soo diro Cabdifitaax waxad ku dhahdaan waxa ay aaday Safar oo arinkaygaan ha usheegnina.

Balse Maalintii labatanaad aan is moognahnay Aniga iyo Cabdifitaax waxa Gurigeena Soo gar garaacay Cabdifitaax oo Wajigiisa xanaaq ay ka muuqato hadana waxa uu ii wadaa sawiro aniga iyo isaga aan isla galnay taas oo ugula jeedo in uu xariirkeeni uu jaro markii uu ka war helay in aan joogo xafada una micnaystay in aan ka haray jaceylkiisiina aan udubyada ujaray balse Cabdifitaax salaan kadib waxa uu iyiri wax kama aan qabo hadii aad inacday balse aniga waan ku jeclahay intaan noolahayna waan ku jeclaan doona balse intuu hadlayey waxa indhahayga ku soo istaagay ilmo balse waxa uu layaabay ooyinta, kadibna waxan ka warhelay anigoo sariirta jiifa markii aan suuxay isagoo geesta ka fadhiya sariirta AAabahayna i dultaagan yahay balse AAabahay uu usharaxay xaaladayda markii uu muddo uu ka murugsana xaaladdayna aan laheyd ka soo raynta qaasatana niyad jabka sidoo kale AAabahay waxa ku kordhay wal wal iyo walbahaar taas oo sababtay gabadhiisa muddo sanado ah uusan arag looguna keenay in ay ka bad baado Dhibaatooyinka sida Kufsiga iyo jirdilka ay ugeystaan ciidamada Gumeystaha ee Ka jira ismaamulka soomaali galbeed balse hada uu arkay gabadhiisa oo iska ilmaynaysa niyadadana ka jabsan.

Markii aan soo baraarugay waxaan iri, cabdifitaax waxaad tahay qofka aan jeclahay waxaadna tahay qofka qisadaan igu dhacday dartiis, waxan ka war helay in aad xanuun santahay oo aad ku jirtid isbitaal, habeenkaas waan seexan waayey balse subaxaas waxan toosan xili aan toosi jirin intaan gaarin meesha gaariga laga raaco waxan la kulmay Ciidamo Ethiopian iyo Soomaali iskugu jirta kadibna waxa i kufsaday Ciidamada Ethiopian ka ah Toban casho waxan ku jiray Isbitaal, kadib markii aan kasoo baxay isbitaalka waxa nolashaydii ku soo siyaaday Murugo weyn.

Kadib waxan ilmadii iga daadanaysay waxa ay isku badashay in aan hadli waayo codkii oo dhan ayaa iga guuray waxan bilaabay in aan Gacmaha sheekadii kasii wado sii wax dhagool ah laakiinse Cabdifitaax isago ooyaya waxa uu iyiri Shamso aniga waxan ahay wiilkii ku jeclaa waxana ahay wiilkii nasiibka uyeelan waayey intaad jiraneed in uu garabkaaga buuxsho balse waxad tahay qeeb ka mid ah nolashayda shalay aniga ayaa ku rabay maantayna aniga ayaa ku raba.

Balse todobaad ka diba maxa dhacay, waa todobaadkii igu murugada badnaa waana todobadkii aan wayey Nolashayda.... hoos ka Akhri qaybta labaad.


Sheekada Qeebta labaad

Markii aan joogay Ismaamulka Soomaali galbeed waxan maqli jiray Reer hebel Xalay Gabdhahoodi waa la kufsaday wiilkii reerka waa la dilay ama waaba la qafaashay balse intaas dhagahayga waan ku maqli jiray, Hayeshee markii aan bar baaray. Adeerkay waa AAabahay oo kale waxa uu qabaa Hooyaday aniga iyo gabar uu adeer u yahay waxa uu nageyn jiray Kaymaha isagana inta badan waxa uu aadi jiray meelaha uu isleeyahay waad ku bad baadi kartaa, balse waxan imid Magaalada Muqdisho nolasha waxan ka qiyaasayey in ay isbadal ay igu timaado anigoo ku biiray iskuul waxan rajeynayey xaquuqda ka Maqan Gabdhaha da'deyda oo kale ah oo ku nool meesha aan ku barbaaray in aan gacan ka geysto laaikinse waqtiga ayaa is badalay waxan soo xasuusta Maah Maah aheyd Kud ka guur oo Qanjo u guur, waxan Muqdisho kala kulmay Kufsi Naxariis daro ah iyo Murugo aan iga harin ilaa hadda laakinse ma aan rajo gabin.

Waxan filayey wiilkii aan jeclaa in uu igu nacayo Masiibadii igu dhacday iyo mustaqbal la aantii, laakiinse Cabdifitaax waxa uu ahaa wiil inta badan aan is iri Kan oo kale Soomaali kama uusan dhalan ma ahan jaceyl ka aan u qabo in aan u faaninayo laakiinse runta ayaa ah in uu ahaa wiil fiican, Aabahay waxa u ka wal walsanaa Gabadhiisa kasoo carartay cadowga kana soo carartay dhacdada ku dhacday Gabadhiisa oo kale in aysan ku dhicin balse hada ay Calfatay, anigana waxan ka murugsana Jaceyl kayga in aan waayo balse cabdifitaax intaba wuu daboolay siduu ii jeclaa si ka sii siyaado ah ayuu ii jeclaa aniga iyo Cabdifitaax jecayl keeni waxan fursad u wayey in aan maalin walbo aan isla kulano ama telephonekii aan ku sheekaysan jirnay marka laga reebo habeenkii aan wicijiray ama uu isoo wici jiray isagoo had iyo jeer iyiraahda maxaa kugu dhacay waxan oran jiray waxan adaa iskuul sidaas darteed ayaan isku waynay, Run ahaantii iskuul aan aadi jiray ma jirin balse waxan aadi jiray Cali waa adeerkay wiilkiisa oo ka mid ahaa Dhalinyaradii ka sheqayn jirtay Goobta lugu kala gato Hubka waqtigii ay haysteen hogamiye koxeedyada oo lagu magacaabo Cirtoogte, wiilkaas waxa u i bari jiray sida qori loo fur furo loona shiisho loona rido sida oo kale tobabar isagoo xeelad iga siin jiray markii uu dagaal ku qabsado sida looga baxsan kar ama naftaada loo difaaci karo.

Run ahaantii waxan raadin jiray koox aan ku biiro sida ONLF oo kale laakiinse dhibta i haysatay ayaa ah xamar waxa ka dagaalama dhalinyaro la magacbaxday Alshabaab iyo maxkamadaha aan laheyn saldhig loogu soo hagaago, waayo waxa ay wadaan dagaal ku dhufo ka dhaqaaq tasna waxa ay keentay in aan hanan waayo.

Abbahay waxa lagu tiriyaa in uu yahay Aabbayaasha ugu wacan mararka qaarkood waxan isdhahaa Hooyadaa iyo Abbahaa maxaa kala furay balse waa qadar labadooda kala kaxeeye, laakiinse Aabbahay jaceyl ka duwan caruurtiisa ayuu ii qabaa waxana ahay Curadiisa uusan soo korsan laakiinse cuqdadii aan u qabay, Habeen ayaan waxan ku iri Aabbow waxan ku barbaaray Gobolkaas Kiladka shanaad waxana gumeysta Itoopiya, Hadana Soomaaliya ayeey ka dhigteen Kililka lixaad marka labadaba waxa ka jira Dhibaato aan laheyn dhamaad qof wax ku dhaca waxan ahay qofkii ugu yaraa oo wax ku dhaca, waxan ahaa Gabar dunida ku leh mustaqbal iyo hormar laakiinse intaan aqliyeystay ilaa hadda waxan maqlayey dhibaato Ethiopia ah, hada waxa ay ii geysteen Kufsi balse waxan ogsoonahay haddi aan sii joogo in ay gacantooda igu dili doonaan, waxan doorbiday in aan dhulkayga aan u huro naftayda balse hadda aniga ma garan karo meel aan ka bilaabo waxan is tusay in aan aado Gobolkaan aqaanay waxa ka jira Jamhad xornimo u dirir ah waxan jeclahay in aan ku biiro.

Weligay isma aan oran Aabahaa wax ka oysiiya samee taa tan Aabahay ilmada dhamankiisa ay qoysay isagoo i dhahaya miyaadan ogeen in muddo aan ku tabayey maantay markii aan ku helayna in aad igu tustay wadadii aan kugu wayn lahaa, waan ogahay waxad dareemaysaa dhibtii foolxumada ahayd balse waxad ogaata in ay ahayd qadar lagu qoray oo aadan dhaafi karin hayeeshee waxan jeclaa in aad iska hilmaantid ma ogtahay maalin kasta waxa ka dhacda meshaan dhibaatoyin kala duwan dil iyo kufsi barakac dhamaantii boob intaasna waxa ay ku dhacayaan dad anagoo kale ah, laakiinse aniga waxan rabaa in aan kuu guuriyo Cabdifitaax, maalin dhexdaas ah waxan iskula kulanay meel maqaaxi ah oo lagu shaaho waxana kawada hadalnay arooskaaga anigana bixinaya wixii qarash ah marka Maandhay iska hilmaan wixii dhacay xalay ka dhalay kasoo qaad fadlan waan ku ducaynayaa.

Run ahaanti waxan dhaafi wayey ilmadi Aabbe iyo ducadiisi balse daacad ayeey iga aheyd in aan ku biiro Jamhadda Xereenta Soomaali Galbeed, Aabbe ayaa u yeeray Cabdifitaax maalin Jimco ah anigana waxan usii diyaarshay Qado iyo soo dhaweyn wacan Markii loo dhawaa xiligi uu imaan lahaa Bacdo Salaad, Qadadii waxan ku diyaarshay Miiska Qadada anigana waxan isku diyaarshay is qur qurxin markii uu Aabbe isheegay in ay maantay kawada hadlayaan xiliga uu dhici lahaa Arooska isagoo iisheegay Aabbe in uu bixinayo kharashka arooska balse Cabdifitaax laga rabo xiliga in uu noqon doono Arooska, Aad iyo aad ayaan u faraxsaneen aniga iyo Aabbe isagoo isheegay in uu isiin doono lacag aan ku shaqaysto.

Balse waqtigii uu nala balamay Cabdititaax waa la dhaafay, waxan wacay Mobile kiisi wuuna dansan yahay, hadana waxan wacay Gurigii Cabdifitaax nasiib xumo telephone kooda waa busy oo waa lugu hadlayaa in yar ka dib waan ku ceshay waxa iga qabatay Ruqiyo oo ah Cabdifitaax walaashiis, wey ooyeysay waxan ku iri waa Shamso wey iga aamustay balse waan fahmi waayey waxan iri maxaa jira ayadoo ilmaynaysa ayeey igu tiri saakay Ciidamada Itoobiyaanka iyo dowlada ayaa howlgal ay ku samaynaysay waxa ay kala kulantay Dagaal Cabdifitaaxna wuxuu soo aaday Magaalada waxana toogtay Ciidamada Itoobiyaanka wuuna dhintay ilaa hada lama xabaalin oo wadada ayuu yala xitaa lama soo qaadi karo.

Maalintaas waxan waayey laba Shay, mar waxan wayey Wiil kii aan jeclaa aan ka rabay rajadayda mustaqbal waxan rajeynayey Aroos in aan wada galbisano farxad in aan kuwa noolano wixi hore in aan ilaawo laakiinse maysan dhicin, shayga kale oo aan ku wayey waxa ay aheyd Maskaxdaydii oo maalintaas waan waashay ilaa shanbilood waxan ku jiray isbitaal lagu hayo Dadka waal waalan markii muddo bil ah layga quustay kadibna Dr. Xabeeb ayaa ku taliyey in aan seexdo isbitaalka kadibna waxan seexday isbitaalka, laakiinse jiifitaankii isbitaalka Miyaan ku caafimaaday mise qiso jaceyl ayaa igaga dhalatay.....

WAXA QORAY QORAAGA SARE EE ARIMAHA BULSHADA SIDA JACEYL, SIYAASADA

WIXI TALO BIXIN AH WAXAD KALA XARIIRTAAN QORAAGAN
EMAIL KA HOOS KU QORAN
mohalimaslah@hotmail.com
Xeryaha Qoxootiga Kaakuma
Duleedka u dhaxeya Kenya iyo Sodan


Eng.Mohamed Ali Maslah (Ilka'se)
Nairbo-Kenya
Telephone:254206766589
Cellphone: 254728343385
Email: mohalimaslah@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2008 | Updated: May 1, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com