SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maraykan, Meles iyo Midowga Yurubba na taageeree maxaa qaldan oo aan u sugi la’nahay Ammaanka Muqdisho???

Waxaa mahadleh Ilaahay. Waa yaabanahay oo ma aqaan wax inaga qaldan. Haddaannu Dowladda iyo taageerayaasheeda nahay, waxaan muddo ku taameynnay inaan dalka qabanno. Inaan Waddanka xasilinno. Inaan sida u dhaanno oo bulshada nabad dhadhansiinno. Si walba waa yeelnay, geed yar iyo mid dheerba waxaan u fuulnay sidiii Min raas ganbooni iyo ilaa raas casayr la isugu keeni lahaa, loogana dhigi lahaa hal waddan, Hal Calan iyo hal Dad, sidii aan awalba ahayn. Nagama maqna awood, mid millatari, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed toona. Waxaa na taageeray Dowladda ugu weyn Adduunka, oo waliba nasiisay Hubkeeda iyo kuwa ugu casrisan Dayuuradaheeda. Intaas kaliya ma ahane waxay nagu dartay Xabashida aan jeensan ee Itoobiya, waxay sidoo kale aqoonsi nooga raadisay Midowga Yurub iyo Qolyaha Carabta.

Howshu waxay u muuqataa inaan dhan walba ka dharagsanahay oo ay isugu kaaya duba dhacsantahay. Laakiin haddana dhib baa jira. Annagoo intaas oo Tabar iyo tayo ah haynna baan haddana qaban wayney Magaaladii Xamar. Xaruntii Soomaaliya oo aan xataa Maalin galinkeed gacanta ku dhigi waynay Ammaankeedii. Dadkii baa le’anaya. Maalin walba boqol baa dhimanaysa. Xataa shacabku haba iska le’deen hadday rabaane, laakiin Madaxdii iyo dowladddii baa iyagana la dilayaa. Madaxwaynihii iyo wasiiradii baa gacan ku kabada. Iyadoo ay Tobannaan kun oo ilaalo ah joogto baa qaraxyo looga soo dusinayaa.

HADDABA XAGGEE MUSIIBADU KA TAAGANTAHAY?!!!!!!.

Xaggee Salaaddu iska qaban la’dahay. Maxay 50-ka kun oo Itoobiyaanka ah wax uga qaban la’yihiin Ammaanka Muqdisho. Maxaa dhaqaalihii Reer Galbeed wax u tari la’yahay. Maxay nataraysaa inaan Alqaacida iyo Al-itixaad Waddanka ka saarno haddaanaan annagu nabad ku joogi karin?... Alleelehe waa yaab mana yara!!!.

Is daji, ha dagdagin kuna dadaal inaad bal wakhti yar siiso maskaxdaada si ay jawaab waafiya kaaga siiso su’aalaha kor ku xusan.

Ugu horreyn aan eegno oo isla meeldhigno ereyga Dowladnimo si aan tooshka ugu iffinno mushkiladda taagan maanta.
Soo dowladnimadu ma ahan badbaadinta dhibic walba oo kamida Dhiigga shacabka. Soo dowladdu ma ahan tii u horseedi lahayd shacabkeeda horumar ballaaran iyo hannaan sare. Ujeedada loogu baahanyahay dowlad soo in sidii hore laga fiicnaado oo kaliya ma ahan?

Hadday sidaas tahay, Maxay Dowladda Soomaaliya kusoo siyaasiday waddanka tan iyo intii la dhisay Dhowr sano ka hor? Keebaa badan dheefta iyo dhibta ay u keentay dhulkii ay dowlada u ahayd?.

Sida ay qoreen goobaha wararka ee ay leeyihiin Reer Galbeedku sida Reuters iyo associatedpress waxaa Magaalada muqadisho isaga baxay Dad lagu qiyaasay 1 Million oo qof, waxaa ku dhintay in ka badan Tobannaan kun, waxaa sidoo kale aan qiyaas lahayn dhaawaca aan la tirinin ee shacabka Muqdisho wada gaaray.

Inkastoo aan la beenin Karin oo Intii aan dowladdu imaan Dad lagu dili jiray Magaalada Muqadisho, haddana taariikhda kama dhicin waxa ka bilowday Muqdisho laga bilaabo tan iyo markii ay Dowladdu timid.

Inkastoo Gaajo iyo dad tabaraysan jireen, Haddana intaan dowladdu imaan Muqdisho waxay lahayd mid kamida suuqa ugu lacagta badan Qaaradda Africa. Bakaaraha waxaa Ilaahay og yahay, Qof walba oo muqdisho ka warqabayna markhaati ka yahay, inaykusoo xiranjireen Maraakiib iyo Ganacsi aan la keenin in badan oo kamida Waddamada Africa. Waxaa sidoo kale jirtay Horumar Layaable oo ay Reer Muqdisho ka sameeyeen Dhinacyada Tacliinta , Warbaahinta iyo Isgaarsiinta, taasoo keentay inay Soomaaliya noqoto waddanka saddexaad ee ugu horreeya isgaarsiinta Qaaradda Africa. Markaan sidaas leeyahay ma ahan inaan buun buuninayo sawirka Magaalada Muqdisho ee Dowladda ka hor, Laakiin waa warbixin xaqiiq ah oo aad ka eegi karto inta badan Meelaha warka lagu kaydiyo ee Reer Galbeedka.

Oran mayo Magaalada Muqdisho Qori iyo qalalaaso kama jirin Muddadii aysan dowladdu imaan, laakiin ugu yaraan Shacabka muqdisho waxay haysteen Horumar iyo Hub wada socda. Labo iyo ama Shan Qof baa la dili jiray maalintii balaayo soo dagto, markii kalena hal iyo ka yar bay ahayd.

Haddaba Maxaa maanta dhacay? Suuqii Bakaaraha ee Muqdisho seeyahay? Maxay ku danbeeyeen Idaacadihii iyo saxafiyiintii tiroda badnaa ee Muqdisho. Soo lama waayin Boqollaalkii kun ee arday oo subax walba u jarmaadi jiray Iskoolada kala duwan ee Magaalada. Soo Hal Million oo qof kama cararin Magaalada?

Hadaba yey Dowladdu u tahay Dowlad? Maxay tahay ceebta ka wayn Dowlad ay ka carareen Hal million oo qof oo kamida Shacabkeedii? Maxay xukuntaa dowladdu haddii shacabkii noqday wax dhintay, wax dhaawacmay iyo in hadda dhuumaaalaysi ku jirta? Dowladda Soomaaliya xataa Boqol kun oo dollar ma u qorshaysay shacabkii soomaaliyeed ee dabaysha iyo daacuunku ku laayey bannaanada cidladaa?

Muuse Suudi waxaa laga sheegay, Ar hooy xaan u daaweynayaa minaan markii horeba laayey, soo ficilka dowladdu uma eka hadalkaas, Hadday xalaal yihiin oo damiir dhaqaaqa ku jiro masuuliyiinta Dowladda, May Boqolllaalkii million ee dollar oo loogu deeqay waxyar ka siiyaan dadka ay dowladdu u yihiin? Xataa hadday run sheegayaan, may xoogaa shilimaada siiyaan gawaarida gurta qashinka, si ay maydka iyo dhiiga daadsan magaalada uga qaadaan. Ilaahey baan idinku shaarshaye sidaas ma tahay dowladnimo?.

Walle Aadanow waxaad maaggantahay Adiyo Maankaagu, Iyo meel Ilaahay ku dhigin kala mid weeyaane.

Waxaa muuqata inaysan Masuuliyiinta dowladdu damiir lahayn, inay cabbayaan dhiig saafi ah oo laga soo miiray Malaayiinta shacabka ah ee ilaahay la maagay Imtixaanka. Waxaan shaki ku jirin inayAmeerica Ujeeddo leedahay, Yurub iyo Itoobiyana dan wataan. Laakiin wixii aan Rabbi rabin ma runoobaan. Waa taariikh soo jireen ah oo aan cidina baddali Karin.

Hadalkayga waxaan kusoo gunaanadayaa Masuuliyiinta leh magaca Dowladdu ha ogaadaan inuu xalku ku jiro aan heshiinno iyo aan wax wada qabsanno. Waxaad si fudud Muqdisho iyo Guud ahaan dalka ammaan u yeeli kartaan markaad xoolaha idiinku jira jeebka u celisaan Shacabkii lahaa.

Mahadsanidin.

Bishaar C/risaaq Cabdi
Seattle ,Washington, USA
Bishaar100@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
 

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS