SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Siminaar lagu baranayay maamulka iyo maaraynta deeqaha gargaarka ee hey’ada samofalka maxaliga ah ee Kafaalo oo lagu qabtay Johannesburg K/Afrika.

Wakiilo hey’ada Kafaalo ka socda, oo ka kala yimid magaalayin K/Afrika kuyaala ayaa maanta uu Johannesburg oga furmey siminaar lagu barayomaamulida iyo maareynta deeqaha gargaarka ah ee ay hey’aduy ku howlgasho,Siminaarka waxaa casharoka bixinayay muftiuga weyn ee Sh. Maxamed Idiris .

dadka ka qeybgalayay siminaarka ayaa ka kalala yimid magaalooyinka CapeTown, Port Elisaberth iyo Johannesburg oo lagu qabanayo siminaarka,waxaana lagu baranayaa Maareyta aalad ahaan iyo habka computerka loogamaamulo deeqaha, sida uu ii sheegey Khadar Yusuf oo ah maamulaha arrimahadhaqaalaha iyo xisaabaadka hey’ada Kafaalo oo safar dalka Norway kagayimid howlahani dartood.

Muftiga caanka ah ee Soomaaliyeed Sh. Maxamed Idiris oo ka mid ah maamulkaKafaalo ayaa casharo ka bixinayay siminaarka.

Muftiga iyo wafti kale oo wadamada Yurub kala yimid ayaa maalmaahan dalkaK/Afrika u joogay , sidii xafiis iyo wakiilo hey’ada ah looga samayn lahaadalkani, mudaneKhadar oo aan ka waraystey ayaa ii sheegey in ilaa hadda oo muddotodobaadyo ah eey dalka joogeen eey ku guuleysteen in 350 wakiil eeyhey’ada halkaan ku yeelato, kuwaaso si joogto ah xubno oga noqon doonaaKafaalo, isla markaasina wali eey ku hami weynyihiin in eey sii kordhidoonaan xubnaha wakiilada.

Kafaalo waa hey’ad samofal oo maxali ah (Soomaalida eey leedahay,maalgasahatayna), waxay ka shaqaysaa daryeelka agoonta oo xarumo dhowr aheey Soomaaliya ku leeyihiin, iyagoo agoonta xanaaneeya islamarkaasina waxbara, waxaa kale oo eey ka shaqeeyaan mashaariic indho fiiqid ah oo eeymagaalooyinka keenaan dhaqaatiir dadka indhaha u fiiqda, waxaa kalooy kashaqaysaa hey’ada arrimaha gargaarka degdega ah, gaara ahaan in cunooyingargaar ah loo qeybiyo dadka eey masiibooyinka haleelaan.

Kafaalo ayaa waxa eey bah wadaag howlaha gargaarka kula tahay hey’ada kaleee Manhal.

Qoraalada Hoose waxaan kasoo qaadnay webka hey’ada kafaalo.com

“Hay’adda Kafaalo Welfare Organization loosoo gaabiyo [KWO] waa hay’addSoomaliyeed oo u taagan taakulaynta agoonta iyo dadka tabarta daran eeSoomaliyeed iyo kor u qaadidda waxbarashada umadda Soomaliyeed. Markaanleenahay waa hay’add Soomaliyeed waxaan ula jeednaa waa hay’add ayasaaskeeda, shaqaalaheeda iyo kaalmo bixiyayaasheeduba ka kooban yihiindad Soomali ah kaliya. Waana hay’add uusan lahayn qabiil gaara, ama kooxgaar ah ama aan laga lahayn gobol gaara, balse ka dhaxaysa dadkaSoomaliyeed oo dhan, kaalmana u fidin doonta dadka ku dhaqan dhulalkaSoomalidu degto oo dhan insha Allah. Taas oo ah mid mudan in lagu faano,maadaama dadka Soomaliyeed inta badan u barteen in hay’addo ajnabi amainay dad ajnabi ah u qumaan caawimaadaha loo yaqaan gargaarkabini’aadinimada, iyada oo lawada ogsoon yahay in soomalidu karti uleedahay inay iyagu isgacan qabtaan isna caawiyaan.”.

Sida lagu faafiyey webka (Barta xuubka caarada/barta internetka),Kafaalo.com hey’ada kafaalo iyo Al-0manhal waxa eey indho fiiqid bishiilasoo dhaafay u sameeyeen illaa iyo 1100 qof oo kala jooga Marko iyoBaydhabo, qorshuhuna wuxuu yahay in ilaa sanadka dhamaadkiisa dadkaindhaha loo fiiqayo eey noqon doonaan 4450 qof guud ahaan dalka, gaarahaan magaalooyinka waawey. Hoos ka aqri shaxda iyo diiwaanka magacyadamagaalooyinka iyo tirakoobka dadka iyo goorta

1-Hargeysa 600(qof)April,2008
2-Baydhabo 500(qof) April, 2008
3-Dhuusomareeb 300(qof) May,,2008
4-Garowe 200 (qof) May,2008
5-Haalcakacayo 400 (qof) June,2008
6-Bahdhan 200(qof) june,2008
7-Xuddur 400 (qof) July,2008
8-Borama 300(qof) August,2008
9-Kismaayo 500 (qof) September,2008
10-Gurigeel 300(qof) October,2008
11-Burco 500(qof) Novembe,2008
12-Buulo Mareer 450(qof) December,2008.
Sweden:8327-9,904 132 959-1Ku soo dir kontada u gaarka ah indhofiiqida
waana: 0539 5449011

Aduun weynaha kale: Sweden:8327-9,904 132 959-1Ku soo dir kontada u gaarka
ah indhofiiqida waana: 0539 5449011

C/naasir Axmed Sh. Bashiir saxansoxo, Somalitalk.com, Johannesburg.
Email:saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008
 

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS