Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Soomaalia
Waa maqaal aan ku eegayo burburkii Soomaaliya ama dagaaladi sokeeye ee
Soomaaliya.
Waa marka ugu horaysee waa inaan xusaa inaanan ahayn qof taariikhyahan ah
(Historian). Waxaa taas macnaheedu yahay in waxyaabaha hoos ku qorani ayna ahayn
fikradayda iyo fahmideyda shakhsiyeed, balse uu qoraalkani yahay ururin guud oo
aan ku sameeyay bugaagtaas qalaad ee faraha badan ee aan nasiibka u yeeshay
inaan akhriyo.
Maadaama ay hadaba siyaasadii Soomalidu ay 150 sano ee u danbeesay ay ku
salaysnayd kuna dhisneyd qabiil ama qabyaalad, ayaa waxaa lama huraan noqonaysa
in lamagacaabo qabiiladii ama shakhsiyaadkii kaalinta laxaad ka ciyaaray
burburka Soomaaliya.
Inkasta oo aanan wax aflagaado ah ku samayn qabiiladaas, hadana waxaa mararka
qaarkood ka fursan waayey inaan faaqido siyaasadoodaas gurracan anigoon u aabo
yeelayn magaca qabiilkooda ama darajada shakhsigaas.
Yaa Riday Dawladii Maxamed Siyaad Barre?
Madaxwayne Maxamed Siyaad wuxuu ahaa nin marka laga bilaabo maaliintii uu
xukunka dalka hantiyay 21kii Oktober , 1969 tan iyo maanlintii laga tuuray
xukunka Janaayo 27,1991. Hadba xeelado kala duwan ku ayaama gaara, wuxuu ahaa
nin aan aqoon wadan lahayn oo wax walba ku dayay : Somalinimo, Carabnimo,
Afrrikaanimo, Ciidanimo, Xisbi ahaan, Hantiwadaag ,Laba kaclayn, Laba gadoon ,U
tuuta gashasho ,Hanti goosad, Ul yar u qadaasho ,Kala qalajin, Hanjabaad
,Dhabarjabin,Qabiildiid, Oday odayeen qabiil ku shaqaysasho iyo in ala inta tab
ah oo uu is lahaa ayaamo ayaad ku sii daaqi doontaa marka laga bilaabo sanadahii
uu horeeyay tan iyo bartamahii sideetaanadkii wuxuu ilaa iyo xad soo dhawaystay
qabiilka uu ka dhashay ee (Mareexaan) iyo labada qabiil ee Ogaadeen iyo
Dhulbahante. Markii uu xooray Axmed Sulaymaan wuxuu waayay qayb wayn oo ka mid
ahayd Dhulbahantaha.
Laakiin Dhulbahantuhu waxay ku fiicnaayeen oo ay ku amaana yihiin marnaba hub
inta ay gurteen jabhad ma aysan samaysan amxaaro iyo meel baasna may aysan
aadin. Markii ay isku kaceen isaga iyo Aadan Gabayaw dabayaaqadi 1988 oo ka
dibna uu xabsiga dhigay wuxuu maalmahaasba waayay kalsoonidii ogaadeenka oo waa
tii ay baxeen oo ay samaysteen jabhadoodi ay ugu magac dareen SPM.
Sanadkii 1989kii waxay ninkaas talada xumaa isku soo hareen oo ummada
Soomaaliyeed isugu danbeeyeen qaar ka mid ah qabiilka uu ka dhashay Mareexaan oo
kuwo farabadan oo ay ka mid ahaayeen reer dalalka hore isu waayeen.
Intaas kuma uusan joogine ee bilawgii sanadkii 1990kii wuxuu maamulkii
gaashaandhiga iyo gaar ahaan umuurihii Xerada 77 ka wareejiyay Maslax isago oo u
dhiibtay Morgan. Arrintaas waxay aad uga xanaajisay xoogi ugu danbeeyay ee
ninkaas waayahaas danbe talada ku hayay iyo qabiilkuu isagu ka dhashay.
Dawladii Maxamed Siyaad waxay ahayd Dawlad ay iska hor yimaadeen dadwaynihii
iyada hoos imaanayay, waxaana dhacday inuu maalinba qabiil ka mid ahi qabiilada
Soomaaliyeed dibada u baxo oo hubka gurto .
Qabiilkii ugu horeeyay ee ay dadkiisu iska hor yimaadaan wuxuu ahaa qabiilka
Majeerteen oo 1979 samaysatay jabahad magaceeda la yidhaah SSF, hase yeesha
sanad kadib isu badashay SSDF.
Waxaa ku xigay qabiilka Isixaaq ( ISAAQ ) ee goboladda woqooyi daga , waxayna
sanadkii 1981kii samaysteen jabahad la magac baxay SNM.
Waxaa iyana ku xigay qabiilka Ogaadeen oo 1988kii samaystay jabhada SPM.
Waxaa ugu danbayntii hal sano iyo bar intaysan Dawladaasi dhicin jabhad
samaystay qabiilka Hawiye oo isna jabhadiisa ula baxay USC uu hogaaminayo
caydiid.
Ugu danbayntii sanadkii 1990 iyadoo dhibaatadii dalka ka jirtay sii badatay oo
xitaa caasimadii dhamayd ay noqoqay nal,aan, biyo la,aan ,nabad galiyo la,aan
Bangiyadii ay baaba,een sicir barakii boqolkiiba dhawr boqol isku taagay oo
waxba walba isku dhalaaleen oo xitaa urur siyaasi ah oo "Manifeisto" la yiraahdo
odayaal Soomaaliyaad oo qabiil walba leh magaalada bartankeeda ku sameeyeen ,
waatii dadku bandaw sameeyeen talo-xumadii iyo farsamo-xumadii Dawlada awgeed ,
waatii dadku hubka gurtay oo madaxtooyadii la weeraray.
Hadaba su aasha is waydiinta mudani waxay tahay , sidee baa looga adkaaday
Maxamed Siyaadkii dhamaa ee haystay Dawlada dhan wax walba haystay ,ciidamo
bad,daayuurado, taangiyo, madaafiic iyo wax walba.? ¨
Jawaabtu waa dhawr arimood.... Mar haddey meel ka dhacdo xaq daro cid ala cidii
xaq daradaas la dagaalantaaba waxay noqdaan dad xaq ku diriraya, xitaa inkasta
oo aynu aragnay inay jabhadii Soomaaliyeed ahaayeen kuwo laftigoodu aan xaq ku
socon waliba kasii liita Maxamed Siyaadkey doonayeen inay badalaan kuwaasi marka
ugu horaysaba kuwo cadawgii ummada u tagay oo xaq daro adeegsanaya ayeey
ahaayeen, waxay ahaayeen xaq daro xaq daro ku badal, qabyaalad qabiil ku badal.
Hadana cid ala cidii ka hortagta xaq daro waa la hubaa inay ka guulaysanayso oo
ay liibanayaso, xaq daro sida la wada ogsoonyahay lugo ad-adag oo ay ku taagan
tahay ma leh oo ugu danbaynta ma noqoto mid sii taagnaata, Ninka shalay Somaliya
madaxwaynaha u ahaa wuxuu ahaa nin talada xumadiisa iska dhaafe cid kale ee
mushaharo u waayay kuwii isaga ilaalinayay,ciidamadii koofiyad guduudka lagu
magaacabi jiray.
Nin farsamo xun mar haduu talada hayo mudo kasta oo uu meel joogo wixiisu waxay
noqdaan wax dabada ku furan oo aan meel gaareen. Waxaa ninkaa madaxweynaha ahi
ku hareersanaa niman uu wasiiro iyo madax sare ka dhigtay oo ay talo xumadiisu
keentay inuu reerahooda ku bixiyo sidii Amxaaradii ciidamo iyo saraakiil aan
cilmi garaadba lahayn sidii Dhaga-bacayr oo kale oo isagu ahaan jiray ninkii
Maxamed Siyaad dharka u dhaqi jiray.
Bilawgii Mucaaradka.
Feb. 1980kii ayaa niman mucaarad ah oo Addis Abab isugu tegay ayaa waxa ay
aasaaseen jabhad mucaarad ah oo la odhan jiray Jabhada Badbaadinta Soomaliya SSF
(Somali Salvation Front). Marka laga bilaabo maalintii SSF la aasaasay,
nidaamkii Dawladu wuxuu isu badalay qabiil. Inkast oo SSF qabiil fara badani ku
jireen, haddana raga doorka ugu wayn ka ciyaarayay waxay ahaayeen Majeerteen.
Sidaas darteed, Maxamed Siyaad Barre iyo siyaasiyiinti ku hareeraysnaa waxa ay
is tuseen in cadwga ugu wayn ee xukunkiisa carqalada ku ahi uu yahay Majeerteen.
Waxaa kale oo ay aad u aaminsanaayeen in reerka Majeerteen ku duulaan yahay
kursiga M.S. Barre.
Inkasta oo M.S. Barre waqtigaas Majeerteen cadawga ugu weyn u arkaayay, waxa
bilawgii sideetamaadkii dhinaca woqooyiga Somaliland kaga soo furmay mawjad
cusub oo mucaarad ah. Kaddib markii Isaaqi Woqooyiga deggena cadaadiskii iyo
cabudhintii siyaasadeed kusii badatay iyo Ogaadeenkii qaxootiga aha ee agagaarka
Hargeisa la dajiyay khilaafkoodi sii kordhay. Qaxootigaas oo dagaalkii 1977kii
ee Soomalida iyo Xabashida dhex maray kasoo qaxay, mudadii ay dhulka Isaaqa soo
degeen waxaa la sheegay in gacmo furan lagu soo dhaweeyay, hase ahaate, ka dib
markii Dawladu qaxootigii arrimo siyaasadeed oo Isaaqi meesha degenaa sheegay in
basaasid iyo dhulbalaadhsi iyo darajooyin xaq darro ah la siiyay Ogaadeenka
meesha qaxootiga ku ahaa, ayaa hadana Isaaqi meesha degenaa waxay dareemeen in
dhulkoodi laga dhaxal wareejiyay.
Waxa kale oo ay Isaaqi is tuseen inaan qaxootigaas meelna u socon ee M.S. Barre
doonayo inuu dhulkooda uga qaado.
Khilaafkaas xaga qaxootiga ah iyo waliba arrimo kale oo Isaaqu Dawlada u
tirsanayeen waxa ay keneen in kulan lagu qabtay magaalada Jidda ee dalka Sucuudi
Arebiya 1981kii laguna dhawaaqo jabhad cusub oo mucaarad ku ah Dawlada Maxamed
Siyaad Barre. Jabhadaas oo lagu magaacabay Jabhada Dhaqdhaqaaqa Soomaliyeed
amaba Somali National Movement (SNM). Abuuritaanka SNM wuxuu keenay in Isaaq
badani gaar ahaan dhalinyaradii ay jabhadaas ku biireen. Maamulkii SNM
hogaaminayay iyaga oo ka faa,idaysanaya xidhiidhkii xumaa ee M.S. Barre iyo
Minguste Xayle Mariam ka dhexeeya, waxaa ay saldhig ururka u doorreen dalka
Itoobiya.
In kasta oo waqtigaas M.S.Barre awoodiisi xukunka waddanka farahiisa ka baxday
gaar ahaan gobolada woqooyiga iyo gobolada dhexe, dadkuna ay baryihii danbe ku
naanaysi jireen " Duqa Magaalada Muqdisho " amaba " The Mayor of Mogdisho ",
hadana way ku adkaatay M.S.Barre inuu xukunka si sahlan ku dhiibo. Waxaana
maalin walba sii yaraanayay tiradii dadkii iyo qabiiladii tageerayay xukuumada.
Tusaale waxaan usoo qaadan karaa Korneyl Axmed Cumar Jees oo kasoo jeeday beesha
Ogaadeenka madaxwaynahana ay aad isugu fiicnaan jireen uu mucaaradkii Dawlada
kasoo horjeeday ku biiray 1990kii, ka dibna uu qabtay hogaanka dhinaca
Mileteriga ee jabhadii Absame ee la odhan jiray SPM (Somali Patriotic Movement).
Aasaaskii SPM waxaa ka horeeyay jabhadii Digil iyo Mirifle SDM (Somali
Democratic Movement) oo la aasaasay 1989kii.
Arrintu si kastaba ha ahaate waxaa cadaatay in ay aad u adkaatay sdii Dawladii
M.S.Barre u badbaadi lahayd.
Waxaana bilaabmatay in habeen walba dad lagu dili jiray magaalada Muqdisho,
dawladuna ku eedayn jirtay waxa ay ugu yeedhay qaran dumis, hadana waxaa cadayd
in askarta Dawladu dadka dhinacooda ka xasuuqi jireen, iyaga oo gaar ahaan
ugaadhsan jiray Hawiyaha iyo Isaaqa. Nabad galyo la,aanta Muqdishona waxay
dhalisay in Hawiyihii magaalada degenaa ishubeeyaan. Dagaalkii sokeeyena wuxuu
si rasmi ah Muqdisho ugu bilawday 27kii Dicember 1989kii.
Si haddaba looga hortago dhiig intaas ka badan oo daata, ayaa xubnihii Sulux
(Manafeesto) waxay dawlada ka codsadeen in ay kulmaan si arrinta halista ah ee
wadanka ku soo socota looga hortago.
Bishii January 23keedi ayaa waxaa kulmay xubnihii Sulux oo ka koobna 114 iyo
kuwii Dawlada ka socday oo iyana ka koobna 25 nin. Ragii Dawlada ka socday ee
M.S. Barre ku hadlaayay waxaa xubnihii Sulux u shegeen in dariiqa kaliyah ee
dhiiga daata iyo waddanka oo kala burbura looga hortegi karaa uu yahay in M.S.
Barre xukunka iskaga dego si ku meel gaadh ahna maamulka loogu dhiibo Cumar
Carte Qaalib oo hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibedda, muddo badana u
xidhnaa xukuumadii M.S. Barre. Aakhirkiina shirkaas waa la isku mari waayay,
kadib markii nimankii M.S. Barre ka socday ay soo jeediyeen " Madaxweyne xukunka
ka deg wax lagu hadloo maahe, fikrad kale ma haysaan" Shirkaas natiijadii kasoo
baxday, waxa ay markhaati u noqotay inaan dagaal iyo burbur wadanka ku habsada
laga badbaadi karin. Magaaladii Muqdishona waxay noqotay goob dagaal.
Dagaalkii ugu cuslaa oo muuda Bil ku dhaw Muqdisho ka socday, wuxuu suurto
galiyay in M.S. Barre iyo ciidamadiisi ilaalinayay Muqdisho laga saaro
Jan.27keedi 1991. M.S. Barre oo habeen madaw Muqdisho ka baxay, ciidamadiisi,
xubnihiisii dawlada iyo dadkii taagersana midna uma sheegin inuu baxsanayo,
markii la ogaaday inuu baxsadayna ciidamadiisi intii hadhay iyo qofkasta oo ka
baqay in reer ahaan loo dilaba cagaha ayuu wax ka deyay.
Waxaa si gaar ah cabsidii ugu waynayd u gashay reerka Daaroodka siduu u dhan
yahay, waayo inkasta oo qaarkood xukunka M.S. Barre kasoo horjeedeen, odayaala
gaadhay 25 nina ay xubnihii 114 qof ka mid ahaayeen, hadana waxaa hubaal ahayd
in raga miyiga laga keenay ee Hawiye aanay dilka Daaroodka kala jaclayn.
Ragga miyiga laga keenay ka sokaw, waxaa iyaguna aad u kacsanaa beelaha Hawiye
oo diidanaa dulmigii xukuumada M.S. Barre oo ay u arkayeen in uu yahay maamul
Daaroodka u danaynaaya. Sidaas darteed, dad badan oo reerka Daarood ka dhashay
ayaa markii danbe ku dooday arrintu waxay ahayd "Baroortu orgiga ka weyn" oo
M.S. Barre kaliyah looma socone, Hawiye waxa ay doonayeen in ay Daarood
gumaadan.
Gabagabo
Markii ay cadaatay in M.S. Barre ugu danbayntii Xamar ka baxsaday, gudigii
xubnaha Sulux iyo USC ee Xamar joogay waxay markiiba madaxweyne ku meel gaadh ah
u magacaabeen Cali Mahdi Maxamed oo reerka Abgaal ka dhashay. Cali Mahdi oo ahaa
nin baayacmushtar ah, horrena aan u ahayn ragii siyaasiyiinta Hawiye ee hore loo
yiqiinay, waxaa la filaayay in hadii uu wax kale qaban kari waayo inuu kacdoonka
USC joojiyo, laakiin waxay ahayd arrin aad u adag, waxaana markiiba soo ifbaxay
magacii cusbaa ee "Mooryaan", magaaladii Xamarna waxay noqotay meel ay Mooryaani
u taliso .
Waxaana si rasmi ah u bilawday dil,bililiqo iyo boob. Dhibaatada kale ee Cali
Mahdi iyo maamulkiisi ka hor timid waxa ay ahayd in dhamaan mucaaradyadii
Dawlada ka soo horjeeday oo ay ka mid ahaayeen, USC (faracii Caydiid), SNM, SPM
iyo waliba xubno ka tirsan SDM ay ku dhawaaqeen inaanay aqoonsanayn Dawlada
cusub ee Xamar laga dhisay .
Arrintaasina waxay muftaax u noqotay burburkii iyo kala qaybsanaantii waddankii
loo yaqaanay "Jamhuuriyada Soomaaliya".
Waxaa kale oo halkaas kusoo af-jarmay rajadii laga qabay "Shanta Soomaliyeed" oo
midooba.
Lasoco Qeybta 2-aad oo Xiiso badan.
Q/ Abdikarim Ahmed Huseen.
E-mail: skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom Tel +46739512789
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2008 |