SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

DAABKII MASAARTA (Gabay)

Gabaygan waxa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 2008-05-13. Waa farriin ku socota umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta faraha kula jira xal u raadinta mushkiladda umadda iyo xoraynteeda. Magacaabidda hoggaamiyihii maxkamadihii islaamiga Sheekh Shariif  Sheekh Axmed, kama dhigayso gabayga mid isaga gaar ugu socda laakiin waa tilmaan cad in Sheekh Shariif ugu horreeyo dadka la hoga tusaalaynayo. Farriintani waxa ay xambaarsantahay sawirka dhabta ah ee mushkiladda umadda iyo mawqifka saxda ah ee ay tahay in laga qaato dabaylaha siyaasadeed ee hadda dhacaya. Maxaa ka soo bixi kara shir la nooc ah kan hadda Jabuuti laga wad-wado???.

Wuxu yidhi: 

  1. Damacyada is maandhaafsan iyo danahan kooraysan
  2. Damaqiyo xanuunkaan qabiyo diifta igu taalla
  3. Kala daadsanaantayda iyo duullanka i saaran
  4. Dunidaysu kay kaashatiyo kala dayowgayga
  5. Dabinnada la ii qoolay iyo dalaq ku hayntayda
  6. Dawakhaadda iga muuqatiyo daaladhiciddayda
  7. Dalanbaabi socodkayga iyo dib u hayaankayga
  8. Halkii laygu soo dilay haddeer, samo ka doonkayga
  9. Didmo orodka xiiqayga iyo daw ka lumiddayda
  10. Waxan doonayoo ii dhaw iyo diirad liŽidayda
  11. Demanaanta qoomkayga iyo cadow dadaalkiisa
  12. Dublamaasi beenaadka iyo daacadnimadayda
  13. Shirar aan dawaba keenahayn daba wareegooda
  14. Waa waxan la daandaansanee diirku ii gubane
  15. Dibnahaygu waxay leeyihiin duhur cad eedaane
  16. Dareenkay ayaan sheegayaa, diidmadaan qaboŽe
  17. Waxba yaan la ii dudin runbaan daah ka furayaaye 
     
  18. Doodyahan Shariifow adaan kuu danleeyahay
  19. Docdaadaan walaaloow ka baqay daad ka soo galaŽeh
  20. Ninkii maalmo lagu diirsadee lagu degoow heedhe
  21. Ninkii shacabku wada doonayee, daba socdoow heedhe
  22. Waayadan dareenbaa na galay diilalyiyo ciile
  23. Iyadoo dalkaagii dhammaan cadow ka doobyaayo
  24. Iyadoo nin doorkii hurdada lagu duqaynaayo
  25. Iyadoo ducaaddii sidii duunyo loo qalayo
  26. Sideebaad u dooyeysataa damalka hoostiisa? 
     
  27. Adoo dawlad iyo xooglahaa nimankii kuu diiday
  28. Ma haddood daciif tahay ayey darajo kuu quudhi?
  29. Miyaad dagantay sawtaad ogayd dakharka kii geystay?
  30. Sideed ugu dacwootaa kuwii dooxatada keenay?
  31. Boqolkaa dirays ee nin qudhi tolay dawaarkooda
  32. Ee adiga kuu kala duwani waa dun waaxida eh
  33. Waa duul iskala qaybiyoo dani midaysaaye
  34. Waa kii qorshaha soo dejiyo kii debberay maalka
  35. Iyo kii laguu soo diree, koray dabbaabaadka
  36. Iyo kii dawada siinayee dhab u daryeelaayey 
     
  37. Waa niman waxay doonayaan sii dejoo garane
  38. Nabadda ay haddeer kaa dalbeen, daacad haw qabine
  39. Dib u gurasho iyo waa sidii xeelad dirireede
  40. Daabkii masaartoo kalay kula damcayaane
  41. Marka hore distoorkay ku odhan daaya waa sahale
  42. Marka xiga ducaadday ku odhan daadi waa badowe
  43. Marka xiga nindoorkay ku odhan dayri waa halise
  44. Marka xiga dilkiisay ku fari kii u sii darane
  45. Dembigey faleenbay haddana kaaga dhigi dawwe
  46. Dabadeed aday kugu dulleyn goob darxumo weyne 
     
  47. Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye
  48. Walaaloow dagaalkani ka wayn dawlad iyo reere
  49. Walaaloow  dagaalkani ka wayn duullan xabashaade
  50. Walaaloow dagaalkani ka weyn dano Maraykaane
  51. Walaaloow dagaalkani ka weyn dib u heshiisiine
  52. Waa diinta nebigaaga iyo damac inaad laasho
  53. Diirkaa madow inad nacdoo kii cad darajayso
  54. Waxa dunida khayraad dhexyaal inad ka daaduunto
  55. Dabadhoon inaad noqoto iyo loo dirsade liita
  56. Ama inaad ilaahay dartii, diiddo amarkooda
  57. Oo aad dil iyo weerar iyo filato duullaanba
  58. Labadaas dariiqbaa ka furan degelkii Soomaale 
     
  59. Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye
  60. Nabad doontayaa iyo colaad duub u xidhataaba
  61. Kuma degayso xaajadu ciyaar doorkan maanta ahe
  62. Waxay doorashadu saarantahay daw cidhiidhayahe
  63. Dar-Allaan walaal kuu baryoo, ruux dun laad tahaye
  64. Ka deg faraska aad saarantahay waa mid noo darane
  65. Ka deg faraska aad saarantahay waa mid kuu darane
  66. Ka deg oo kac oo orod midee, xoogga diriraaya! 

Maxamed Xirsi Guuleed
2008-05-13
abdibashir@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS