SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

15 May Qolaba cayn u ah.

Maalinta 15 may waa milin xambaarsan taariikho kala duwan gaar ahaan Somalia falastiin iyo Israil. 

Aynu kuhoreynee 15 may waa maalintii lagu dhawaaqay dawlada yahuuda. Kadib. markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunku dadka yahuudu waxay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan bariga dhexe dhulkaas oo ay kaqexeen waqti hore inta joogtana waxay hootagi jireen dadka carabta ah.

Amina Muday Story

Read: mckoolsmith.com
Video: washingtonpost.com
Video:cbsnews.com
Read: washingtonpost.com

Hadaba markii ay taariikhdu ahayd 15 may 1948kii waxaa si rasmi loogu dhawaaqay dawlada yahuuda caaimadeeduna tahay Qudus ama jurislam  inkastoo ay si kumeelgaar ah ugu shaqayso tal-abib, 11 daqiiqo kadib markii lagu dhawaaqay dalda yahuuda waxaa dawladii ugu horeysay ee aqoonsata noqotay dawlada maraykanka. Dhisitaanka dawlad ay yahuudu yeelato waxay farxad iyo rayn-rayn u ahayd dhammaan dadka yahuuda meelkasta oo ay caalamka kajoogaan. Laakiin waxay murugo iyo tiiraanyo u hayd shacabka reer falastiin iyo carabta oo dhan kuwaas dhulkoodi iyo guryohoodiba ay israil lawareegtay taas oo ay usii dheerayd gumaad iyo barakicin ilaa manta ay kujiraan.

15 may qolaba waa u cayne bal aan eegno soomaaliyana.

15 may 1943kii waxaa magaalada muqdisho looga dhawaaqay ururkii dhalinyarada soomaaliyeed ee SYL inkastoo magucu markii hore ahaa S Y C.  S Y L  waxa uu ahaa urur ay aas aaseen 13 dhalinyaro soomaaliyeed oo uu madax u ahaa  halyeygii soomaaliyeed ahaana aas aasihii SYL waakee ninkaasi waa geesigii YAASIIN XAAJI CUSMAAN SHARMA’ARKE, kuwaasoo kadamqaday dhibaatada gumaystuhu kuhayo shacabka soomaaliyeed, SYL  waxay geed dheer iyo gaabanba ufuuleen sidii gumaysiga uga saari lahaayeen dalkooda una midanlaahaayeen shacabka soomaaliyeed meelkasta ee uu joogo. Haddaba 17 sano oo ay halgan adag kujireen SYL waxay kuguulaysteen inay gumaystayaashii kasifeeyaan dhulka jamhuuriyadda soomaaliya.

Ayaan daranaa.

Hadaba 48 sano kadib guushii ay shacabka soomaaliyeed usoo hooyeen halagamayaashii SYL intee kuxoornay haddaan nahay shacabka soomaaliyeed. Waxaa murugo leh 48 sano kadib guushii SYL noosoo hooyeen inay sifudud gacantayada uga baxday ayadoo aysan jirin cid dibada nooga soo duushay. Hadaba dhalinyarada soomaaliyeedey ma garanaysaan cidda naga faramaroojisay guushii ay nagaarsiiyeen aabbayaasheen SYL jawaabtu waa haa waana qabyaalad iyo qurun.

Maxaa lagudboon dhalinyarada soomaaliyeed?

Dhalinyarada soomaaliyeedey waxaad kazoo daasheen qabyaalad iyo qurun mustaqbalkii wadankiini iyo kiiniiba waa baaba’ay dalkii waa burburay dadkii land land ayuu ukala tagay  ee is daba qabta dadkiinana isku soo celiya dhagahana ha udhinina land land-ka ay meelaha lataag taaganyihiin tabcanayaasha tikreegu ee dadkiinna iyo dadkiinba marka dib umideeya.

WQ Cali muxamed diini (calidhuux) Nairobi Kenya.

Email calidhuux20@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS