SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Soomaliya Waa Ay Bugtaa

GaaniWaxaan marka hore Akhristayaasha Soomaliyeed ee kala jooga Aduunka daafahiisa ku salaamaya salaanta Islaamka, Asalaamu caleykum waraxmatulahi wabarakatuhu.

Salaanta ka dib, akhristow hadii ALLE subxaana watacalaa ku siiyey caqli suuban oo aad ku kala garan kartid waxa xun iyo waxa fiican, mugdiga iyo iftiinka bal isweydii maxaa ay la bugtaa Soomaliya ?
Waxaa ay la bugtaa Soomali waa Qabyaalad. Bal aynu fiirino erayga Qabiil waxa uu ka kooban yahay labo qeybood: waa Qab oo ah KIBIR iyo IIL oo ah qabriga meesha laga dhigo qofka dhinta; Qanyaaladuna waa abaabul iyo kicin dareen Qabiil oo leh ujeedo xun oo lagu kala qeybinayo Bulsho isku dan ah oo aan kala maarmin, deeganna ku wada nool. Markaan Tusaale Tusaale u soo qaato Murtidii Abwaan Cabdullahi Suldaan Timacade isagoo Tilmaamaya xumaanta Qabyaalada waxaa uu yiri:

DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYANE.
waxaa abwaan kale oo la yiraah Cabdi Dhuux Yuusuf isagoo tilmaamaya inaan Soomali weyn qaadan waanadii Timacade oo uu tilmaamayo in Soomalidu la jiratay Qabyaalada wuxuu tiriyey Heesta Caanka ah ee Soomalidu wey bugtaa:

Soomalidu wey bugtaa Besteed weeyoo la hibi
Inuu cudur ba'ani helay Muqaalka laga gartaa
Ma Beerkaa laga hayaa Ma dhabarkiyo bowdyahaa
Burburayoo aan kabmeyn Wadnaha bidixiyo kalyaha
Miyaa howshii bar gabay Bartii maqalkoo dhegaha
Ma aragii baa damay Badweyntiyo buurihiyo
Banaan ma isagu midbaa Dareenkii miyaan bed qabin
Baadiyi meel aaney jirin Ma helo qof ka baafiyee
Dhankee looga badan yahoo Dawada lala beegsadaa ?

Markii loo baaray hoos Xanuunka waa bulshada
Qabiilku ku beeran yahay Inuu baday ba'iyo hoog
Balaayada sabab u yahay Buugeedaba kuma dhignee
Haday buunbuunisaa Ilmaha ku barbaarisaa
Abtiriskaa loo baraa Billaahiye sidii Qur'aanka
Biseyl baa weli u haray Danteennii beylahdoo
Badbaadiyo nabad la'aan Booraan nagu sii ridee
Sidee looga bixi karaa ? Asaageen u beegsannaa ?
Inaan boolida la cunin Inaan la rumeysan been
Inuu xilku baratan yahay Beel iyo reer laga bogsado
Cadaalada loo balamo Dadweynoo baraarugiyo.

Hadaba Qofkii dhug lahow dheeho,Qofkii dhaayo lahowna arag Qabyaaladi Dugsi maleh waxay dumiso mooyaane.

Waxaana aaminsanahay in Soomaliya waxa dadkeedii isku diray in ay tahay waxa sida xun loo fasiray ee la yiraah "Qabiilka"

ALLE subxaana watacalaana waxaa uu diinteena suuban ee Islaamka ah ku sheegay in Qabiiku yahay in la isku aqoonsado oo kaliya.

Hadaba Bahweynta Soomaliyeed, waxaa ay u isticmaashay bilcagsigeeda,taas oo wiiqday Sharaftii iyo karaamadii Dalkayagii hooyo iyo Sharaftii uamddii Soomaliyeed.

Waxaan ku soo gabaganeenayaa walaalayaal sida kaliya oo looga bixi karo tahay in ALLE subxaana watacalaa loo toobad keeno,isla markaasna aan ka xorowno maskaxda, maanka in aynu ka xorowno, in aynu ka xorowno gunnimada, in aynu ka xorowno isla yaraanta, in aynu ka xorowno libirkii beenta ahaa ee mansuuqa ahaa, in aynu ka xorowno walaalayaal khiyaanada waxa la yiraah, Xaasadka in aynu ka xorowno, Xanta in aynu ka xorowno, waa in aynu ka xorowno waxakan la yirah damaaciga miskiinka ah,daciifka ah aadamiga ah waligiis firdhiya colkana u ah walaalayaal waa in aynu ka xorowno.

Waxaana aaminsanahay ILAAHAY idinkiis markaan ka xorowno waxaas aan soo sheegay dhamaantood oo qalbigayaga ay ka baxdo waxaa la yiraah Qabyaalada oo ALLE subxaana watacalaa loo toobadkeeno si wada jir ah, markaas ayaa wax walba ka soo dhawaanayaan isha baalkeeda waa hadii ALLE idmo ee.
Waxaa laga maarmaan ah in aan is xasuusino aragtida Soomalida ee oraneysa "Damiin" far waaweyn baa wax loogu dhigaa oo aynu dhamaantayo far waaweyn wax isagu dhigno oo taasi ay tahay waa markaan ka baxno Qabyaalada ee in aad anigu u shaqeyso umadda, in aad adigu u shaqeyso umadda, in uu isagu u shaqeeyo umadda, in ay iyadu u shaqeyso umadda,markii qof waliba u shaqeeyo umadda oo laga madaxnaanado qabyaalada ayaa waxaa aynu gaaraynaa in aan hanano dalkayaga hooyo,kana difaacno cadowga dibada iyo gudahaba.

Walaalayaal aynu la dagaalanao waxa dalkayagii burburiyey,taas oo ah qabyaalada foosha xun ee aynu caadeysanay. Wabilaahi Towfiiq.

Qore: Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani
sgaani@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS