SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa Ka danbeeya u kala tartanka P/land iyo S/land ee Cadowga Xabashida.

Waxaa baryahan umada Somaliyeed Kunoqday fajac Waxyaabaha ay ku kaceen Maamulada Puntland iyo Somaliland ee ahaa in ay dadkii walaalahood ahaa ee Somali Galbeed u dhiibaan cadowga.

Dad warkooda lagu kalsoonaan karo oo ka agdhow labada maamul ayaa waxa yiraahdeen sababtu waa sidatan:

Labada maamul raga kataliya oo ay soo wajahday cabsi ah in xukunku gacantooda ka baxo ayaa waxay bilaabeen sheekadii ahayd "Cadyahow ku cunay ama ku careeyay!!". Haba ugu darnaadee Cadde oo marar badan si bareer ah ugu hanjabay reer Puntland inuu xabashi keeni hadaan dhibka laga dayn.!!. Waxaa is waydiin mudan dhibka cade muxuu uyaqaan? Wuxuu uyaqaan in ay halis gasho magaca ah inuu yahay madaxwaynaha Puntland.Xataa ma uu kala jecla inuu maamul jiro iyo in kale. mar la waydiiyay cade Puntlad gacantaadii way ka baxday wuxuu ku jawaabay ( Hadii Qardho ii soo harto xataa iyadaan ka noqonaa Gobornotore).

Arintan ayaa aqoonyahanadii Su aalaha ku waydiinayay London waxay ku noqotay fillan waa, oo waxay arkeen cadde inuu hamigiisu uusan dhaafsiisanayn sidii qaar ka mid ahaa hogaamiyo kooxeedyadii Muqdidho ee inay xaafado ka taliyaan ku qanacsanaa, hadaysan kasoo gaarin umada mujaahidiintii. Hadaba cadde waxaa laga fishaa waa wax walba oy sameeyeen hogaamiyo kooxeedyadii hadii uusan kadarinba sababtoo ah waxa layiri sabban walba sabbanka ka danbeeyaa kasii daran baaska.
Wararka aan hayo waxay sheegayaan in cadde xabashida heshiis lasoo galay qodobadii ay xabashidu ka dalbatay waxay ahaayeen kuwo badan waxase ka mid ahaa:

In dadyowga somali galbeed laga curyaamiyo xaga dhaqaalaha oo cunaqabatayn lasaaro si aysan Bosaso wax uga dhoofsan ugalana soo dagin sidii Somaliland horay uyeeshay oo kale.(isu caqli dhawaa xabashida iyo yuhuudu bal eeg GAZA)

Arintan cadde waxaa la sheegay inuu yiri arintan seen ku fuliyaa way adagtahay dadkaan waa dad qaraabo ah kama celin karo dakada oo si aan uga celiyo ma jirto oo sikastaba way isticmaalayaan. ganacsigoodana ma hor istaagi karo oo waa dad iskudhax jira. markaas ayaa cadde loo sheegay inuu fuliyo sidii somaliland oo kale markaas iyagaa cararaya e meel kale oy aadaana ma jirto e, Xabashigii isagoo qoslaya wuxuu hadalkii sii raaciyay muqdishana anagaa uga horayna kismaayana waan tagaynaa.

Qodobo kale ayaa cadde layaabay oy kamid ahaayeen inuu soodhiibo wadaado caan ka ah Puntland ama uu laayo. cadde jawaabtiisii waxay noqotay xukun aan siihaysto warkiis daaye waa la i afganbinaa ee yaakhay idinka soo gala ma ka roonoo.

Xabashigii wuxuu ku jawaabay marka hore taako taako ayaan u fulinaynaa arinta dadkana saysan kuugu kicin anagaa og!! Been ma sheegin xabashiga qorshihii u horaysay markii labilaabay Puntland meeshii la filayay inay shacabku mudaaharaad dhigaan kaaba qabiiladuna ka dhiidhiyaan sheeko waxay kusoo koobantay canbaarayn af ah kadibna la iska iloobo ka anamaa iyadoon wax dhicin oo kale, waxaan oran lahaa waa in shacabku ka dhiidhiyaa walaalahooda cadowga loogacan galinayo.

Miso waxaad sugaysaan tan soo socota. Xusuusta dawladii dalabaan ee u burburtay inay dhiibaan sheekhii martida u ahaa waa iyagii yiri nin islam ah oo hadana marti noo ah waligayo dhiibi mayno wax walba oo dhaca. waxaanu ilaalinaynaa diinta islamka iyo sharaftayada ayay yiraahdeen. reer Puntland iyo somaliland tolow diin iyo sharaf ay ilaaliyaan ma leeyihiin mase ku hartay!!!

Waxaa layaab lahaa cadde waxaa ay xabshidii ku tiri qorshayaashan fulintooda waxaa kaa caawin Somaliland oo Ku guulaysatay.Malaha riyaale wuxuu ku helay 1 sanno oo kororsi ah iyo laascaanood oo loo gacan galiyay!!

Shacabka somaliyeed ee ku nool dhulalyowgaas aan soo sheegay waxaan kula talinayaa in aysan somali kagalin danbi waligoodna aysan iloobin oo ay ka dhiidhiyaan waxa walaalahood lagula kacayo.
Ogaadana waxa koonfur haysta idina wuu idinku soo socdaa bal taariikhda dib u eega waxaad moodaa inaan daawanayno wixii ku dhacay Andalus.

Amiir Abdifatah.
Kariir@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS