SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

cudurkii galbeed laga sheegay gondahaaga kaday(puntland)

maqaalkani aan oogu magacdaray cudurkii galbeed laga sheegay gon'dahaaga kaday ayaan diirada ku saari doona alle haduu idmo dhinacyo badan
wadanka dhamaantiis cuduro ayaa ka jiray balse cudurada ayaa kalaweynaa sida darte cudurkii konfur ka jiray ayaan ku hormari doonaa insh'allah.

Dowladii dhexe ee somalia sidey u burburtay waxaa bilowday fowdo baahsan iyo hagaamiya kooxedyo mid kasta sheeganaayo in uu qabiil horjooge u yahay
bal aan ku hormarno hogaamiya kooxeedyadii kajiray koonfur, waqti badan masiineyno sawir guud ayaan ka bixin doonaa alle hadu idmo.

sida lawada ogsoonyahay Somalia gobolada eey ka koobantahay oo dhami majirin gobol amaankiisa laisku haleen jiray weey'se kala roonaayeen matalan waqooyiga
iyo bariga waxeey dhaameen amaandarada ka jirtay koonfurta.
gobolada koonfureed waxaa afduub ku heystay ragii caanka ahaa ee hogaamiya kooxeedkii aniga'se aan u garanayay sibirwadayaashii.

ragani waxeey iska hormarin jireen hubkana u siday dhalinyaro ku caqliyeestay Dowlad la'aan shaqa kasta eey u diraan sidii loogu diray ayey u fulin jiren
arinkaasna waxuu dhalay amaan daro meel kaste taabatay,waxaan'se xusi doonaa arimaha eey caanka ku ahaayeen sibirwadayaash.

1-Isbaaro:isbaarooyinka waxey dhigan jireen sida meelaha looga baxo magaalooyinka,Dakadaha,Garoomada,Meelaha bulshad rayidka loogu adeego,isbaarada waxeey gartay heer guryaha hortooda ladhigta iyo qofkii wadda lagu arko in la canshuuro.
Waxyaabaha cajiiibka waxaa ka mid ahayd isbaarada Markey yimaadaan gawaarida waxaa la oran jiray keena lacagaha Markey naga dhima dhahaan’na waxaa la dhihi jiray buushkaasi qofka ku jira u tag isaga hakaa dhimee,mis’na qofka loo tilmaamaayo waaba qof meyd ah oo la dilay.
arinkani ma'ahan mid aan ku ceebeynaayo ee waa arimo aan u soo joogay aniga.

2-Dilalka:dilalka ey shacabka ku qaabili jireen ayaa ahaa kuwa wajiya badan, cid looga naxayna maysan jiran,sida caruurta,hogaanka dhaqanka,hooyoyinka.
dilalkaasi waxaa garab socday kuwa qorsheeysan oo lagu leen jiray dhaqaatiirta,culumaa'u diinka iyo qof kasta oo u isku dayo in uu xaaladaha foosha xun ka hadlo,qofkii indha wax lagu arko leh indhaha ayaa laga bixinayay arinkaasi waxaa caan ku ah jabhada Addis-abbaba iyadaana u soo yerisay wayo hubkaba weysiin jirtay.
-lacagaha been abuurka:lacagaha been abuurka ee lagu soo sameensan jiray wadanka dibadiisa ayaa ahaa kuwa oogu dhibka badnaa,waayo balaayiin been abuur
ah ayaa la sameen jiray waxeeyna dhalisay shacabkii awalba la ildarnaa dhibka in ey gadan waayaan quutul yoomka kadibna eey ladhamaadaan baahi cafimaad daro
qofkii heystay lacag yar una badan jeex jeex sidee buu ku gataa wax qaali ah.

arimahaasi iyo kuwa lamid ah ayey nadhaxalsiiyeen sibirwadayaashaasi,hadalka hadu bato wuu nuxur beela wuuna daaliyaa qofkii aqrinaayo bal aan muhimada
abaarno puntland state maxey kalamid noqotay sibirwadayaashsi?
july 23 1998 waxaa madaxweynaha puntland loo doortay kornel C/llahi Yuusuf axmed waxuu xilkaasi hayay ilaa july 1 2001 waqtigii lasiiyay intaa ayuu ku ekaa
waxuuna bilaabay dhaqdhaqaaq milatari uu kaga soo horjeeday hogaankii uu horboodaha ka ahaa jamac Cali Jamac No 2001.
May 2002 kornelka waxuu gacanta ku dhigay xarunta gobolka puntland Garoowe cabsi laga qabayna waxaa loo aqoonsaday in uu madaxweyna yahay,kornelka
jagadaasi xooga ah waxuu hayay ilaa october 2004,kadib markii lagu caleema saaray wadanka kenya maxaa'se dhacay intuu uu horjoogaha ka ahaa
puntland?
-waxaa lagu eedeyay ciidamo daacad u ahaa kornelka in eey is ula kacleh u dileen laba nin anan ka qeebqadan dagaalkii u dhaxeyey kornel yuusuf iyo
Jamac Cali Jamac.
-january 2002 mah'd saciid go'ad oo ahaa ganacsada ayaa la sheegay in eey si ula kac ah udileen xoogagii kornelka ayagoo joojiyay gaari u watay deedna togten.
-augusta 17, 2002 sultan Ahamed Mah'ed Hure oo heystay dhalasha British ayaa dileen wardiyayaasha qaaska ee kornelka,dilkaasi kornel C/llah waxuu ku
sheegay in uu ahaa shil.

Qoraalka wuu socdaa ujeedada maqaalka aan ka lahayn wali manan gaarin,qoralka kan xiga waxaan ku soo qaadan doon’naa Jenaral Cadde Muuse inta uu xilka qabtay waxa iska badaly amaanka Puntland?

Xasuusnow yoolka maqaalka waa Puntland maxey kalamid noqotay konfur?

Qore:C/raxman Cali Adam
E_mail: baadiyow12@hotmail.com
Seattel,WA,USA

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS