SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalida iyo Si xun u Xisaabtanka 
 

Marka hore mahad idilkeed waxey u sugnaatay Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii suubanaa ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta qaaliga ah ee Islaamka ( A. C. W. W ). 

Soomaalidu meel walboo ay joogaanba, halkii ay shisheeye wax la qeybsan lahaayeen, oo ay la xisaabtami lahayeen, ayaad moodaa inay iyagu isku mashquulsan yihiin, oo 24ki saac aad maqleysaa annaga reer hebel, ayaa magaalo hebla iska leh, reer hebel meeshaas ma degaan, sidee ayeey reer hebel u heleen sadkaas, annaga reer hebel ah ayaa waxaas ka mudan iyo waxyaalo kale oo tira baddan, oo aan ku wanaagsaneyn dhegaha dadka caafimaadka qabaa. Waxaad maqleysaa hadalba hadalka uu ka liito iyo weliba iyadoo la buun buuninayo nin liita, oo aan waxba loo dirsadeen haddii xisaabtan jiro, hadalkiisa. 

Soomaaliyeey aynu xisaabtanno, oo ku eegno indho caafimaad qabaa dhulka intaas baaxad iska leh, oo uu Allaah noogu maneystay, badda dhirirka baddan oo aynu iska leenahay, Wabiyadda har iyo habeen iska qulqulaya, dhul Beereedka baaxadda weyn iska leh, Xoolaha nool, Beeyadda qaaliga ah, kheyraadka badaheena ku hoos jira, iyo weliba kheyraadka kale ee aan weli loo helin waqti ama aqoon lagula soo baxo. Soomaaliyeey ma u heynaa dad camira dhulka intaas la’eg, oo ka faa’ideysta nimcooyinkaas. Xaqiiqdii, annaga iska daayee xitaa haddii inteynu tiro la’egnahay iyo in ka baddan oo dad ah waddankeena la keeno, ma jiraan cid camiri karta. 

Soomaaliyeey maxaa ina tusaya walaalkeen ama walaasheen, Soomaali nala ah, muslimnimo nala wadaagta, ehel iyo qaraabo inala ah, in aynu ula xisaabtanno si cadawtinimo ah. Soomaliyeey ma ii sheegi kartaan magaalo ay degaan reer qura oo horumar sameysay.Sidoo kale Soomaaliyeey ma ii sheegi kartaan reer soomaaliyeed oo reerayowga kale ka maarma. Xaqiiqdii waxaan qabaa in ay jawaabtu maya tahay. 

Adduunkan horumaray, waxa maanta la qiimeeyaa dhaqaale iyo aqoon, qof walboo lagu tuhmayo inuu aqoon ku soo kordhinayo waddan ama dhaqaale, irdaha ayaa loo furaa, oo waxaa deg deg lagu siiyaa shaqrci iyo aqoonsi. Tusaale wanaagsan waxaa inoo ah magaaladan aan hadda deganahay ee Leicester, qiimeyntii ugu danbeysay ee looga hadlayey dadka ajaanibka ah iyo waxa ay ku soo kordhiyeen magaalada Leicester, waxaa leysla qiray in haddanay soo dejin dadkii Hindida ahaa ee laga soo barakiciyay Ugaanda, aysan Leicester macno baddan yeelateen. Waxaa aad iyo aad loogu amaanaa dadkaas in ay sameeyeen horumar aan caadi aheyn, oo ay maanta sameeyeen dhaqaale aad iyo aad u tiro baddan, aqoon aan caadi aheyn, ay ka qeyb qaateen dhismaha casriga ah ee lagu soo kordhiyay magaalada, inay leeyihiin Lowyarada ugu baddan magaalada, taqaatiirta, injineerada iyo weliba qeyb walboo la eegaba. 

Mareykanku wuxuu isku dayaa inuu soo iibsado qof walbuu ku tuhmayo aqoon iyo xirfad, isagoo aan u eegayn halkuu ku dhashay iyo reerkuu yahay, waxaa kaliya muhiimada la siinaya mareykanka wax ma ku soo kordhin karaa. Maanta dunidoo idil waxaa fadhiga looga istaagaan ninba ama qofba qofku ka canshuur bixis baddan yahay, iyadoo la eegayo qofkaas daqliga uu ku soo kordhinayo waddankaas. Visahan dunida la la’yahay qofku hadduu lacag ama dhaqaale heysto, horaa loo siiyaa, iyadoo la ogyahay inuu qofkaasi uu maalgelin ku sameynayo waddanka. 

Annaga Soomaali haddeynu is eegno, waa leyska dilaa qofka aqoonta leh ama dhaqaalaha leh. Waxyaalaha ugu naxdinta baddan waxa weeye qof baa qof dilaya, waxaad maqleysaa ninkan dilay wiilkeena ama qofkeena uma dhigmo qofkeena, ee reer hebel aynu raadsano ninka laga dilo, oo ugu aqoonta ama magaca ama dhaqaalaha baddan. War arintaasi intee ayeeynu kasoo min guurinay. Immisaa qof qiimo lahaa, sharaf lahaa, aqoon lahaa, dhaqaale lahaa, caalim ahaa, bulshadda qeyb weyn kaga jiray, oo loo dilay kaliya Muxuu Allaah reer hebel kaaga dhigay. Yaa isweydiiyay, oo yaala la xisaabtamay dadkii falalka waxashnimada ah ka danbeeyay. 

Soomaaliyeey aynu iska deyno, annagaaa magaalo hebla iska leh, annaga degan magaalo heble, reer hebel masoo degi karaan magaalada, sidee reer fulaan u yeelan karaan dhaqaale, aqoon ama mansab. Soomaaliyeey aynu ku qiimeyno qof walba qiimihiisa shaqsiyadeed, aqooneed, dadnimo iyo diineed, ee yeeynaan ku qiimeyn waa reer hebel. Annigoo reer hebel ah ayaan kaaga wanaagsanaan karaa mujrim reerkaaga ka dhashay. Soomaaliyeey yeeynaan dabar go’in, ee aynu is daba qabano. Wixii dhacay wey dhaceen, oo masoo noqonayaan laakiin aynu isku dayno inaynu asaageen la xisaabtanno, oo aynaan ku mashquulsanaan sokeeye. Waxeynu nahay ul iyo diirkeed, waxeynu nahay dad aan kala maamrmi karin, sdoo kale meel aynu kala tegeyno ma jirto illaa iyo qiyaamaha, ee aynu soo celino derisnimadii wanaagsaneyd, marti soorkii lagu yiqiin Soomaali, aynu u diir naxno caruuraheen dhaqan rogmay, ku baa’baya xabsiyada adduunka, dadkeena har iyo habeen lagu gumaadayo South Africa iyo waddamada kale ee Dunida, oo cid u hadleysaa aysan jirin. Maxaad u hortaagan tahay walaalkaa ama walaashaa rabtay inay waddankeeda u soo noqoto oo dadkeeda iyo dalkeeda wax u qabato, Soomaaliyeey ma isweydiisaan, haddii dadkeenii ay gabi ahaanba waddanka uga qaxaan, ama loo laayo aano qabiil, yaa u haraya aakhirka waddankeenii wanaagsanaa. Soomaaliyeey ma lasocotaan in  Afrikada kale ay la yaaban yihiin anngoo tirada dakeenu ay aad u yar tahay haddan inaynu heysano dhulka intaas baaxadda ah iska leh. Soomaaliyeey caqliga ha shaqeeyo, oo ha is raadsadaan inta caqliga u saaxiibka ah, oo reer walba oo soomaaliyeed ka dhashay, hana loo soo jeesto war dadkan iyo dalkan sidii loo badbaadin lahaa. 

Waxaan qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa Soomaaliyeey aynu xusno ama xusuus yar bal u yeelano muwaadiniintii Soomaaliyeed ee isugu jiray Culumo, Aqoonyahano, Isimo, Ganacsato, haween iyo ragba, oo loo dilay ama u dhintay kaliya waa reer hebel ama fal ayan shaqo ku laheyn oo uu geystay mujrim ay reer uun wadaagaan. Waxaan leeyahay dadkaas Allaha u naxariisto, oo janatul ferdowsa ka waraabiyo, illeyn waxaa dishay gacmo ka xaq daran. Sidoo kale Soomaalina waxaan leeyahay Allah u soo celiyo walaaltinimadeedii iyo ehelnimadeedii, oo ka saaro jahliga na dabar gooyay ee qabyaaladda.  

Qoraalkeygii waa iga intaas, wixii aan asiibay waxey ka sugnaatay Allaah, wixii aan ku gefayna waa nafteyda iyo sheydaan, 

Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS