SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


MAANSADA DANKAHADAL - Calikheyr Shekh Cumar Guure

Maansadan lagu magacaabo (dankahadal) waxaa curiyay abwaan Calikheyr Shekh Cumar Guure, oo ku nool cariga Ingiriiska gaar ahaan magaalada London. Maansada waxeey soo baxday 17/04/2008, waxeey maansada cabireeysaa dalki oo ka hadlaayo dhibaatadii ku habsatay qeeyb ka mid ah, waxeey maansadu habareeysaa kuwa markastaa dhibaatada u soo hooya dalka , waxeey maansadu u duceeyneeysaa dadka ayna markasta u taagan in dhibaatada laga saaro dalka iyo dadkaba, gabagabada waxeey maansada tilmaameeysaa in dhibka laga bixi doono, hadana waxeey i shaareeysaa in dadka qaar leeyska jiro oon la soo dhaweeysan sida dabadhilifyada iyo kuwa diintooda iibsaday IWM.

Hadaba waa tan Maasadii Dankahadal..............

Dada maanso deeleey ma tirin, taniya deeyrtiiye.
Mana daayo goortaan danqado waan daliishaniye,
Dulan kuma difaacee xaqaan doon, is leeyahaye.
Dadka waxii isku duubaayo, baan ugu daneeyaaye.
Dariiqada islaamkiyo Alihi, diinta nagu dhowray.
Dunidane asaa kala dabaro, daa,in abidkiiye,
Daaraha janood iyo, inuu kheyrka nala doono.
Ilaaheey damaadaan u diri duhurka maantaaye.
Adinkane dir kheeylaa tihiin duulki nabigiiye.
Daa imkeey inuu iga aqbalo ducayo aamiin dheh.

Daacadoow dadkii aad ducada, ugu dadaaleeysay.
Daafahiisa dalkeenii hadaan halad ka soo duubay,
Waxuu yiray dareen baan qabaa, la igu sii daayaye
Dibirada qarsoon baa durjiyay, damaca keeygaaye.
Sidii duumo ruuxeey dishaan duluf u aalaaye,
Dayacbeey dadkeeygii yihiin, aniga teey daaye,

Dooxatiyo ibliis baa dhaxdagay, dagaladeeydiiye,
Dariiqyada dadkii mari jireey dagal ka tuuryeeyne,
Uma daayin waxii daqal ku jiray weey ka daadsaniye,
Dudumin iyo madaafiic horlaa loogu sii daraye,

Dumarkana sidii dabatadeey wada damcaayeene.
Daankeeda tow diilanyahay weey la dagayeene,
Dadka kama xishoon meesha beey, kaga daneeysteene.
Ayagoo daligan beey rasaas ugu daraayeen.
Ayagoo is daba yaacayeey soo dagaandagiye.
Dagmadeey dul heehaabayeen sida dir coowleede.
Dadkeeygii mid dibad jiriyo kii dagaladaan joogay,
Dantoodii ma garan oo horeey uga dayoobeena,
Daryeelkeeyga kuwa diindan inuu eeba daba gooye,
Illaaheey damaadaan u diri duhurka maantaaye.
Adinkana dir kheeyrlaa tihiin duulki nabigiiye.
Daa'imkeey inuu iga aqbalo ducayo aamiin dheh.

Dulmigaa dartii cara Allaa la igi sii daaye.
Dalagiyo doogii ma jiro dibada yiil yiile.
Dagalkeeyga doox ama duleed amase diishiiye.
Deelaaf baa ku laay duunyadii igu dul nooleede
Disba kuma dhahoo Roobka waa laga dul qaadaye.

Digir iyo galeey dari ma bixin taniyo deeyrtiiye.
Dadka kuma dhaqnoo uunku waa igu dul ooyaaye,
Dariiqyada kuwaa daadsan oo dawarsan gaadiidka.
Daqalkiyo muraalkana ka jabay damaca laabtaaye.
Sideey wax dayaayeen indhuhu kor u daliigmeene.
Dabeeysha eey ku laaftoo kabahaa lala dulqaadaayo,
Naf ku daahimeeysoo dadkii weey ku diriq leede.
Danyartiyo masaakiintan ,aan cidi daneeyneeynin.
Doodaha intaad iga duwdaan hadalka daacdaahe.
Dadaal badan inaad soo gashaan qolana soo doosho,
Dalka intaad timaadaan daryeel iguma daaweyne,
Digdigta iga duwa waa horaan uurka duubsadaye.

Dadka dibada aadaan lahaa weey ku darajeeyne.
Danyartiyo daleenkaan lahaa weey dadaaminiye,
Daryeel caafimaad baan lahaa weey la soo dagiye.
Da'yarteey waxbari baan lahaa, ama duruus siine
Daarihii dudumay baan laa, weey dayactiraayaan.
Dad intaan u moodeey daciifnimadi doorteene,
Dibnahaa u duleeshaday waxbeey dalamsanaayeen.
Waxba kama duwneeyn daalimada saad ii dilaye.
Ayagaad dallaal iyo dulsaar ugu dareeyseene,
Doodiina iga duwo marabo daacsi iyo beene.

Deelkaas dadkeeygoon fariin durugsan gaarsii dheh.
Dareenkeeyga oon ciil ku daray ugu dir email dheh,
Danqashiyo haduu damac ku haray hadalka deeqsi dheh.
Doorkoodi ineey daba mareen, wada dareensii dheh.
Dada kalana waa ducadi iyo ,inaan dardaarmaa dheh.

Dabeeyl caafimaad baa kiciye yaan la dacareeynin.
Daanyeero diidane warkood yaanan lagu daalin,
Duubaanlaha qabiilka uu dardaray, yaanan lala doodin.
Kuwa diidan diintiyo waxyiga yaan la darajeeynin.
Dublamaasi dabadhilif noqdana yaan dan laga yeelan,
Doqon qolaka eey soo direen yaanba lagu daalin
Damaaclaha madaxnimada dayan ,yaanba laga dooran ..
Daneeystaha ku daba laaban yaan doorba laga siinin
Dakhiiliga bakhiilka ahna yaan xoola laga doonin.
Daryeelkeeyga kuwa doono inuu eeba darajeeyo,
Illaaheey damaadaan u diri duhurka maantaaye,
Adinkana dir qeeylaa tihiin duulki nabigiiye
Daa'imkeey inuu iga aqbalo ducayo aamiin dheh

Calikheyr@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS