SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Labada Korneel, Xabashi Bixideeda Waa U Shar, Shikh Shariifna Waa U Sharaf.

Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com


Shirka Jabuuti muxuu kaga duwan yahay kulamadi horay loogu dhigay ummadda Soomaaliyeed si xal loogu helo arrimaha murugsan ee dalkooda ka jiray tan iyo inti afka dhulka loo daray rejiimki uu horkacayay Gen Maxamed Siyaad Bare, Allha ha u naxaiista.

Waa su'aal jawaabteeda ay aad ugu adkaatay ummadda Soomaaliyeed laakin marki aan hadalka ka laalno meel si u sahlan, waxaa isweydiin Mudan shirkan ma yahay mid u dhaxeeyo Soomaali, misa waa mid u dhaxeeyo DFKM,Xabashi iyo waxa loogu yeero Beesha Caalamka oo dhinac ah iyo Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka oo dhinac ah.

Inta aanan ku dheeraan hordhaca gogol dhiga aragtidayda ,waxaa hubaal ah in shirkan uu kaga duwanyahay shirarki hore oo iyaga geddigood looga hadli jiray sidi loo wada unki lahaa dowlad raali la isaga yahay dhamaan, halka shirkan uu dhinacyada is haayo mid ka mid ah(Isbahysiga) ku doodayo, waddankeena marki ay xabashi isaga baxdo oo kaliye ayaan ka hadlaynaa, sidi ummadda Soomaliyeed loogu heli lahaa dowlad ay ummadda oo dhan raali ku wada yihiin ,halka uu dhinaca kalana(DFKM) doodiisa tahay, Xabashi waddanka kama baxayso ,annagaana u yeeranay ee ma ka wada hadalnaa sidi aad u joojin lahaydeen dagaalka aad ku haysaan DFKM ,waxna aan idinkaga siin lahayn kackada aan ka qadinay kuwi 18 Sano Soomaali ka hortaagnaa in ay helaan dowlad u adeegto danaha ummaddeeda.waxaa iyagana shirkan goob joog ka ah,iyagana gogosha dhigay Beesha Caalamka oo iyada markaan aad ugu howlan in ay meel dhaxdhaxaad ah isugu keento kooxahan, si isugu diidan joogitaanka xabashida ee wadankeena, sina ugu hardamayo gacan ku sareynta gacan ku dhigida halbowlaha maamul shaqeeyo oo uu yeesho waddanka Soomaaliyeed.

Shirkan in guul laga gaaro waa mid ay si aad ah isugu howleen Beesha Caalamka ,waxaana uu gun-dhigiisa ka soo bilowday Shirweynihi dib-u-heshiisiinta Soomaliyeed ee lagu qabtay xerada Hore ee Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho, Shirkaas wuxuu ahaa mid aan laysku waafaqsanayn in ay kasoo qeyb-galkiisa Soomali ku dhamayd ,laakin haddana waxaa Shirkaas ka soo baxay qaraaro fara badan ,buuga qaraaradaas lagu qorayna waxaa lagu soo saxiixay waddanka Sacuudi carabiya ,waxaana bilowgi howl gelinta buugaas uu la kacay Wasiirka koowaad ee DFKM Prf Geedi ,waxaana ku yimid Col Nuur Cade wasiirka koowaad ee haddeer,waxaana la filayaa dhamaystirka buugaas in uu hogamiyayaal kale shubaakada kala bixi doono. Buugaa waxaa kale oo ku qornaa qabashada Shirka Jabuuti haddeer ka socdo ,walow aanan buuga lagu cayimin makaanka shirka lagu qabanayo ,haddana buuga waxaa ku qornaa in shir dib-u-heshiineed loo qabto kooxaha isku haayo ka arriminta waddanka Soomaaliyeed ,dastuur cusub in la unko, tirakoob in la sameeyo,in Soomaali doorasho loo qabto 2009 iyo waxyaaba badan oo kale.

Labada dhinac ee la doonayo in ay Shirkaan isa soo hor fadhiistaan, dhinac walba waa ku kala qeybsan yahay ajandaha ay doonayaan in ay la soo shir tagaan Shirka Jabuuti . Kooxda Asmara ma ogola wada hadal lala galo DFKM inta ay xabashi joogto waddankeena ,hadalkaan waa mid aynan ku kala qeybsanayn kooxdan, hadaba maxaa ka caraysiiyay Col Shikh Xasan Aweys iyo jameecada ku fikira ah oo iyaga ka biya diiday ka qayb-galka shirkaas ee kooxdooda kol haddii uunan Shikh Shariif kaga ra'yi duwanayn in ay Xabashi isaga baxdo waddankeena, ka hor wada hadal lala galo kooxaha ay ku adeegato iyada. jawaabta Runta ah oo aynan korneelka iyo jameecadiisaba cadayn Karin waa in aynan doonayn in Shirka jabuuti lagu gudoomiya ciidan caalamiya oo lagu bedelo Xabashida, Ilayn taa waxay ka hor-imaanaysaa in waddankeena uu ka taliyo Diktatoore ku habar kacsado qabiil in uu horkaco Dowlad Soomaaliyeed oo gogashaas ka soo if baxdo.Col Shikh Xasan Aweysna ma'ahan nin ku maqan dan Soomaaliyeed ee waa nin ku howlan gaarista dana guracan iyo in ay waddankeena hogaankiisa ka arrimiyeen qabiil kaliye oo iyada ah waxay soomaali kaga gadootay rejiimka Maxamed Siyaad Bare Allah ha u naxariistee.

DFKM iyadana waa ku kala qeybsan tahay qaabka ay beesha Caalamka u dhaqayaan habsami u socodka shirkaas ,Wasiirka koowaad waa Col Nuur Cadee , ma diidano in xabashi wadanka laga saaro kol haddii lagu bedalayo ciidan Caalami ah ama mid Afrikaan ah, halka Col Cabdulahi Yusuf Madaxweynaha DFKM uu kasoo horjeedo in laga hadlo Bixida Xabashida ,xabashi oo waddanka laga saaro warkeeda iskaba daaye,waxaa isagana taa ku qasbayo, korna uunan u dhihi Karin in ay si cad ugu muuqato haddii xabashi waddanka laga saaro ,laguna bedalo Ciidan caalamiya in uu weynayo kursiga Madaxweyninimo dhowr arrimood dartood

1) isaga oo howl gab ah jir(Jasad) ahaan iyo da' ahaanba ,

2) isaga oo og in aynan ciidamada caalamiga ah ku imaan hashiis hoosaad uu isaga la galay, sidaana uu ciidan walba u xaglin doono halka ay ku jirto danaha waddankiisa ka leeyahay waddanka Soomaaliyeed.

3) Col Cabdullaahi oo aad uga dheragsan in beesha caalamka ka dambeyso in isaga lagu qodqoda Chanalka Afraad ee Ingriiska si loogula gorgotamo in uu si nabada uga dego kursiga uu ku fadhiyo,iyagana aynan wax denbi ah ku soo oogayn.

4) In ay soo afjarmayso riyadi uu ku kiciyay jameecada sidiisa ku habar kacsado reer hebel haddii nahay iyo waddanka Soomaaliyeed oo gacanta u galo rejiim ka talo qaato qabiil kaliye ,taasoo iyadana ah waxay soomali kaga gadootay Rejiimki Maxamed Siyad bare Allah ha u naxariistee.

Shirki Jabuuti wuxuu kashifay arrima badan oo aanan kor loo sheegi Karin ,wuxuu kashifay in ay labada Korneel shirkaas ka doonayn in uu noqdo mid laga mira dhaliyo, Soomaalina guul u noqdo.waxaadna moodaa in uu shirkaas yahay dhamaadka Daadki Dayrta ee Cabdulaahi Yusuf ugu Ribeeyay mucaaradkiisa ,balsa daadkaas wuxuu noqday mid aan Soomaaliya kaga tegen nin xun oo dhan oo ay ugu Horeeyaan Col Cabdulahi Yusuf iyo Col Shikh Xasan Daahir.

Dad badan waxay iska wediinayaan ,waddankeena haddii xabashi laga saaro ,ciidan caalami ahna la keeno, sidee Al-Shabaab looga sare kori karaa. Al Shabaab ma ahan dad sahlan ,laakin dad badan oo kale waxay qabaan in xooga shabaab uu ku jiro in ay waddankeena ka jirto nabad daro baahdo oo kaliye, sida nabad darada ay waddankeena ka abuureen Col Cabdullahi Yusuf iyo Xabashada oo iskaashanayo.

Xabashi bixideeda ma'ahan in ay soomali isticmaar kaga baxayso laakin waa nasasho iyo Qatar xoog leh oo laga gudbay iyo in isticmaarka bedelay Xabashi uu bixintiisa ka sahlan yahay isticmaarka Xabashida.

Shirka Jabuuti haddii uu hergalo qorshaha laga leeyahay waa shaar ka dhigida Col Cabdullahi Yusuf,waa shahaada siinta Shikh Shariif ,waa shaabadaynta Shikh Aweys. Kulankaas waa mid ay Soomalida intaooda badan ka doonayaan in xabashi waddankeena lagaga saaro Ilahey idinkiis iyo in Xabashidaas lagu bedelo Ciidama Caalamiya oo dib u soo nooleeyo dowlad ka madax-banaan kooxa gaar ah ,qab-qablayaal dagaal ,qabiil xume doonayo in uu Soomalida inteeda kale kaga sad bursado gacan ku haynta halbowlaha dhaqaale ee maamul uu yeesho dalkeena. 31/05/2008

Labada Korneel, Xabashi Bixideeda waa u Shar,Shikh Shariifna waa u Sharaf, Soomaalina waa u Shifo,Xabashi iyo Aritreena waa u shido.

Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS