SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

QAAMUUSKA GANACSIGA iyo GOGOLDHIGGA GANACSIGA 

Qore: Suldaan Nayruus Xaaji Aadan. 
Karachi- Pakistan. 
Tel:  +92-345-811-8910.
E-mailka:   snayruus@hotmail.com ama nayruus@gmail.com

..........
...


 

Qoraha – Suldaan Nayruus Xaaji Aadan- oo horey u soo-saarey buug badan oo isugu jirtey kuwo dhaqan, kuwo siyaasadeed, sheekooyin iyo kuwo wax barasho intaba, ayaa wuxuu hadda soo-saarey labo buug oo waa-weyn oo qiimi badan. Labada buug magac-yadooda, waxay ka sheekaynayaan, meelaha laga heli karo iyo wakiilladoodaba hoos ayaa lagu faahfaahiyey: 

QAAMUUSKA GANACSIGA QAAMUUSKA GANACSIGA 

  • Buuggaan loogu wal-qalay; “QAAMUUSKA GANACSIGA”, oo ka kooban 250bog, waxaa lagu soo ururiyey in ka badan 3500 oo eray, oo la xiriira Ganacsiga, Dhaqaalaha, Maaliyadda, Suuq-geynta, Xisaabinta, Maamulka, Xafiisyada, Bangiyada, Xayeysiinta, Canshuuraha, Sharciyada ganacsiga, Farriimaha, Gaadiidka, Caymiska, Ganacsiga caalamiga ah, Hantida, Warshadaha iyo kuwo kale oo badan.
     
  • Erayada Qaamuuskaan ku jira waa erayada Ganacsiga kuwooda logu isticmaalka badan yahay.
     
  • Waxaa Erayada lagu fasirey Soomaali fudud oo, qof walba oo Soomaali ah fahmi karo.
     
  • Erayada intooda badan waxa la raaciyey sharraxaad kooban iyo tusaalooyin, si ay u fududaadaan fahamkoodu.
     
  • Qaamuuskaan waxaad kaloo ka helaysaa Magacyada waddamada Adduunka iyo caasimadahooda iyo weliba magacyada iyo calaamadaha lacagaha ay kala isticmaalaan.
     
  • Qaamuuskaan, waa Xog-haye muhiim ah, oo u noqon kara il tix-raaceed qofka Akhrista Buugaagta, Majalladaha iyo Wargeysyada ay ku jiraan Erayo ama jumlado la xiriira Ganacsiga Adduunyada.

GOGOLDHIGGA GANACSIGA 

GOGOLDHIGGA GANACSIGA 

  • Buuggaan la magac-baxay “GOGOLDHIGGA GANACSIGA” oo ka kooban ilaa 300bog ayna ku jiraan 15 Cutub, wuxuu macluumaad guud iyo mid gaar ahba ka bixinayaa Ganacsiga.  Waa buug qacda horeba kuu iftiiminaya waxa uu dhab ahaan yahay ganacsigu, isagoo si wanaagsan kuugu sharraxaya deegaannada kala duwan ee uu ganacsigu ku habboon yahay.
     
  • Wuxuu faham weyn kaa siinayaa Nidaamyada dhaqaale ee qaarkood maanta dunidu ku shaqeyso, isagoo dhanka kalana, si dhaammaystiran kaga warramaya qaybaha kala duwan ee Ururada ku lugta leh ganacsiga.
     
  • Wuxuu aad kaaga haqab-tirayaa Suuq-geynta, Isku darka suuq-geynta, Jumlada, Tafaariikhda, Ganacsiga caalamiga ah iyo weliba haayadaha caalamiga ah ee ku lugta leh, isagoo geesta kalana xog buuxda kaa siinaya Agaasinka, Maamulaha iyo Maareynta shaqaalaha.
     
  • Wuxuu si faahfaahsan tooshka kuugu shidayaa meelaha ay dhibaatooyinka, mashaakillada iyo halisaha ganacsiga qul-qulateeya ama soo food saara ka imaan karaan iyo habka looga hor-tago halisahaas ama lagu yareeyo.
     
  • Waxaa buuggaan lagu soo ururiyey cilmi fara badan oo la xiriira ganacsiga, waxaadna kaga bogan kartaa oo kaliya, adigoo si wanaagsan u dhex gala.

HALKA BUUGAAGTA LAGA HELI KARO IYO WAKIILLADA 

Magaca Wakiilka Halka uu joogo Taleefankiisa
Qoraha; S. Nayruus Karachi- Pakistan +92-345-811-8910
Cusmaan Xassan Saalax          Islamabad- Pakistan +92-333-5395616
Eng. Xassan Diiriye iyo Barakaat Book shop Muqdisho +25262370008
Deeq Ciise Hargeysa +25224437636
Mustafa Xaaji Boorama +25224456644
Shaafici Maxamuud Ciise Burco +25224133339
Saacid Aadam Madoobe iyo Maxammed Ashkir. Boosaaso +2525-711363
Sh. Maxammed Cismaan Gaalkacyo + 25290753400
Hooyo: Ruqiyo Jaamac C/waaq +25215856641
Eng. Xassan Diiriye Gedo, Baay iyo Bakool +25262370008
C/Rixmaan Shiikh Xassan Kismaayo +25215117143
Maxammed Axmed Samatar Balad-weyne +2521-5566971
Maxammed Mowliid Warfasa Jig-jiga +251915741313
Yaasiin Ciise Wardheere Nairobi – Kenya +254722359228
Eng. Xassan Cismaan Cilmi Jabuuti +253-850011
C/llaahi Dhoollayare Cajman – UAE +971504292439
Muxyadiin M. Kaalmooy San’a – Yemen +67733324896
Axmed Cali Ohio - USA +6146227325
C/rihman Warsame Yuusuf Minnesota - USA +16145718298
Naciima Cabdi Maxammed London – UK +442087492906
C/Qaadir Axmed Guuleed Stockholm – Sweden +4631435525
 
Wixii Faahfaahin ah oo intaas dheer fadlan kala xiriir: 

Qoraha:   Suldaan Nayruus Xaaji Aadan. 
Goobta:   Karachi- Pakistan. 
Taleefanka:  +92-345-811-8910.

E-mailka:   snayruus@hotmail.com ama nayruus@gmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | July 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS