SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DHIBAATADA DHAQAALE

" Deyrtii 2000, howl-gab ayaa ku yimid shirkadda Greenspans IT. Taasi waxay ahayd mid ka dhalatey macaamilkii dhaqaale ee kharibnaa ee jiray sanadihii 90-aadka. Dhacdadaasi waxay sababtey laba arimood. Marxalad ah in uu si kedis ah u hakado xowligii uu ku socdey maamulkii G.W. Bush muddadii u dhexeysey 2001-2005. Iyo guud ahaan fadhiid ku yimaada guud ahaan hannaankii macaamil-cumladeedka dhaqaale ee dunida. Fadhiidkaasi maahan mid ay suuragal tahay in uu dhaco am la sugayo in uu dhowaan dhaco. Balse waa hore ayuu dhacay oo waanu ku guda jirnaa " (Earth's Next Fifty Years. By. Lyndon H. Larouche. 2005. p. VII).

Hadalkaas waxaa qorey dhaqaalyahan Mareekan ah oo magaciisa la yiraahdo Lyndon H. Larouche. Ninkaasi wuxuu goor hore ka digey dhibaatada dhaqaale ee dunida maanta heysata. Isagu 25 sano horteed ayuu arkayay shiddada laga dhaxlayo hannaanka dhaqaale ee khariban oo ay ku socdaan shirkadaha waawayn ee ka dhisan dalalka reer galbeedka, gaar ahaan kuwa Mareekanka. Wuxuu si cad weerar ugu qaadey siyaasadaha ceynaanka u haya hannaanka hanti-goosiga ah ee aanan aadamiga lagu xushmeyn, bal ku dhisan xoogga iyo boobka bahal-nimada ah. Taasi waxay gebi ahaan curyaamisey kobcinta hal-abuurkii iyo wax soo-saarkii aadamiga.

Fadhiidka ku yimid hannaanka dhaqaale ee dunida waa mid xambaarsan khatar baaxad wayn. Qof kasta oo wax ka sheega, maahan mid soo gudbin kara beeg dhab ah oo looga cabir qaato heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca laga dhaxlayo fadhiidkan dhaqaqaale. Maxaa yeeley maahan arin la qiyaasi karo inta ay le'eg tahay wax-yeellada ay geysan karto shiddada soo muuqata. Si haddaba aanu u helno faham bilow ah halka ay salka ku heyso dhibaatadan, aynu faallo gaaban ka bixinno qodobada u saldhigga ah aqoonta dhaqaalaha.

Ereyga dhaqaale (economy) waxaa laga fahmayaa saddex micne oo waawayn, kaas oo laga qaatey marka la sarifo hannaanka uu leeyahay nadaam kasta ee dhaqaale. Ereyga dhaqaale wuxuu noqonayaa mid ka taagan saddex arimood oo is biirsadey. Waxay yihiin sidan:

1) Physical Economy - Hantida maguurtada ah
2) Financial Economy - macaamilka dhaqaale
3) Monotery Sysytem - hannaanka cumladaha

Midda koowaad ee ah Physical Economy waa hantida ma guurtada ah oo Eebe inoogu deeqey, taas oo ceegaagta dhulka guudkiisa iyo gudihiisa. Hantidaasi waa joqraafiga deegaan-dhaqaale, ciidda, hawada, biyaha, buuraha, dhagxanta, xoolaha, ugaarta, dhirta, macaadinta, taranka bulshada, iyo garaadka aqooneed oo bulshadu ay leedahay. Majiro 1 meter square oo dhulka oogadiisa ah oo aanan lahayn nafac dhaqaale. Laakiin weli waxaa kooban aqoonta aadamiga uu u leeyahay sidii uu uga faa'iideysan lahaa. Waxaa hubaal ah hantida ceegaagta dhulka in ay tahay mid ku filan aadamiga, tira kasta oo uu yahay. Taasina waa xisaab Eebe xaggiisa ka ahaatey oo jaangooyadeeda ay waa hore dhacdey.
Dhaqaalaha rasmiga ahna waa hantidaas ma-guurtada ah.

Midda labaad ee ah Financial Economy waa hannaan macaamil ee aadamiga dhex-marta marka uu is-dhaafsanayo walxahaas aanan nolosha looga maarmin. Kala duwanaanshaha aadamiga ee ku dhisan garashada, garaadka, dhaqanka, iyo cimilada uu ku nool yahay waxay sababtaa in wax soo-saarkooduna uu kala duwanaado. Markaas ayaa qolo waliba waxay hanti u yeelataa waxyaabo qolada kale ka maqan. Waxaa halkaas ka imanaya baahiyo badan oo aadamiga ku khasbaya in uu dhex-maro wax is-dhaafsi. Habsami u-socodsiinta howlaha wax is-dhaafsiga, wxaan looga maarmin maamul ku dhisan xeerar hagaagsan iyo heshiisyo lagu ballamay oo leysku aaminey. Islamarkaa la huwiyey kalsooni iyo anshax aadaminimo. Habsamida u-socodsiinta macaamilka dhaqaale ayaa waxay tahay mid tayo u yeelaysa walxaha leys dhaafsanayo.

Midda saddexaad ee ah Monotery Sysytem waxay tahay hannaan la xiriira cumladdii sahli lahayd in wax leys dhaafsado. Taasina waa lacagaha xaashiyaha iyo qadaadiicda ah ee wax lagu kala iibsado. Inkasta oo ay kamid tahay hannaanka macaamilka ee dhaqaalaha, misana mugga ay ku leedahay hannaanka dhaqaale ayaa kallifaya in ay ahaato qodob gooni u taagan.

Saddexdaas qodob oo wada socda ayaa lagu magacaabaa dhaqaale, waxayna ku yimaadeen baahiyo badan ee aadamigu la soo gudboonaadey. Dhaqaaluhu waxaa hooyo u ah baahi (nessecity). Mana ahan arin qof keliya uu dhameystiri karo, haddaan bulsho ahaan loogu howl gelin. Meesha ugu sareysa oo bulshadu ay ka gaarto nolosha dhaqaalaha hagaagsan waxay tahay isku-fillaansho (sufficient) iyo in caqli lagu ilaashado noloshaas la gaarey. Masaafada u dhexeysa labada heer-nololeed (baahi & isku-fillaansho) waxay tahay nolol qallafsan oo harjad iyo halgan adag la marayo.

Laba arimood oo camali ah ayaa loo baahan yahay maareynta hantidaas leynoogu nicmeeyey. Waa iyada oo taranka dadka la badiyaa si loo helo ciddii ka faa'iideysan lahayd nicmadaha Eebe. Iyo iyada oo dadka aqoon loo yeelo si loo helo shaqaale badan oo aqoon wax kula soo baxa. Halkaas ayay ka curaneysaa bulsho ka faa'iideysata xeerarka Eebe. Waana bulshadaas midda heleysa nolol beryasamaad wacan.

Fadhiidka dhaqaale wuxuu ka yimid saddexdii qodob oo dhaqaalaha uu ku dhisnaa ayaa lagu tuntey. Niman mooryaan ah ee la baxay New Conservatives ayaa gacanta ku dhigey caynaanka dowladdii dunida ugu xoogga wayneed. Siyaasaddooda dhaqaale waxay ku dhisan tahay dhac iyo boob. Maahan siyaasad lagu doonayo dhaqaale ku dhisan wax soo-saar iyo mu'asasaad. Iyagu waxay iska fogeeyeen garaadkii wax soo-saarka iyo in laga faa'iideysto hantida ceyriin ee Eebe inoo ceegaagshey dhulka oogadiisa.

Qodobka labaad ee macaamilka ah, waxay dardareen xeerkii wanaagsanaa oo ay dejiyeen raggii kaga horeeyey ceynaanka siyaasadeed ee dalka Mareekanka. Raggaasi ayaa waxay ka tageen hannaan dhaqaale oo mu'asasaad ku dhisan, kaas oo leh xeerar adag. Islamarkaana lagu xushmeeyo aadamiga looguna adeego dan-yarta. Raggaas kuwoodii ugu danbeeyey wuxuu ahaa madax-weynihii 34-aad ee Mareekanka Dwight D. Eisenhower. Madax-weynahaas ayaa wuxuu ka tegey hannaan dhaqaale oo lahu ilaashey mu'asasaad hagaagsan. Waa xilligiisii marka la qaatey nadaamka deeq-bixinta ay qaataan dadka itaalka daran sida waayeelka, caruurta iyo kuwa xanuunsan. Waa xilligiisii marka la guddoonsadey in Yurub laga hir-geliyo mashruucii ahaa Marshall Plan si waddamadii qaaradda ay dib ugu noqdaan waddamo wax soo-saara. Waa xilligiisii marka Mareekanku uu ku khasbaey dowladaha Yurub in ay ka dul-kacaan ummadaha ay gumeynayeen. Ugu danbeyntii waa xilligiisii marka la dhigtey heshiiskii la magac-baxay Bretton-wood Agreement, ee lagu ilaalinayay hannaanka dhaqaale ee dunida.

Heshiiskaan ayaa wuxuu dhacay saddexdii toddobaad ee ugu horeeyey bishii julay sanadkii 1944-kii, iyada oo dagaalkii II-aad uu weli socdo. Waxaa isu yimid aqoonyahanno tiradoodu dhantahay 730 qof. Waxay isugu jireen siyaasiyiin iyo dhaqaalyahanno. Iyagu waxay matalayeen 44 dal oo markaas xor ahaa. Heshiiska waxaa lagu magacaabey magaaladii uu ka dhacay ee ahayd Bertton-wood ee dalka Mareekanka (New Hampshare).

Dadkaasi waxay isla meel-dhigeen aayaha hannaanka dhaqaale ee dunida iyo sidii looga badbaadin lahaa dhaawacyadii ka soo gaarey muddadii ahayd dagaalka hortiisa. Waxaa xusid mudan in dunidu ay weli xilligaas ku jirtey fadhiidkii dhaqaale ee waynaa kaas oo ah midka loo yaqaan (The Great Depression). Dabeylihii uu fadhiidkaasi ku kiciyay dhaqaalaha dunida ayaa waxay kamid ahayd sababihii waynaa ee curiyay dagaal-waynihii II-aad. Waxaa kaloo fadhigii leysla meel-dhigey siyaasadda cumladeed (monetary policy) iyo qiimaha uu yeelanayo sarifka cumladdu (exchange rate), iyada oo aanan leysku dulmeyn sarifaadda. Taasina waxay ku dhacdey in marka hore la helo cumlad caalami ah oo heer care-edeg wax loogu kala iibsado.

Waxaa leysku raacey, dalka martida loo ahaa lacagtiisa in loo qaato mid caalami ah. Sababo badan ayaa jiray oo ay kamid ahayd dowladda Mareekanka oo dhaqaalaheedu uu markaas ka badbaadey dagaalkii iyo iyada oo xiiso u heysey in ay kaalintaas buuxiso. Sidaas laguma deyn ee waxaa loo sameeyey dabar xayira in lacagtu ayan noqon mid xarga goosata oo ummadaha lagu dulmiyo. Waxaa lagu heshiiyey in lagu dabro beeg dahab ah, kaas oo u dhigma sidan: (1 US $ = 35 wiqiyad oo dahab ah)

Heshiiskii waxaa kale oo ka soo baxay in la dhiso laba mu'asasad oo caalami ah, kuwaas oo ka qeyb qaata hagaajinta hannaanka dhaqaale ee dunida. Waxay yihiin World Banka oo loogu tala galey in uu ka qeyb qaato kobcinta dhaqaalaha dowladaha soo koraya, islamarkaana ka sheqeeyo sidii loo sahli lahaa ganacsiga dunida. Iyo IMF (International Monotery Found) oo iyadana loogu tala galey in ay hagaajiso nadaamka cumladeed ee dunida.

Caqliyaddaas is biirsatey ee daacadda ahayd ayaa sababtey in dunida ay ka baxdo dabeylihii qallafsanaa ee dagaalka hortiis wax-yeelada u geystey hannaankii dhaqaale. Waxaa markaas dunida ka bilowdey dib u-dhis dhisma-hoosaadkii mu'asasaadka dhaqaale. Waxaa bilaabatey in dhaqaalaha dunida uu dib kor ugu kaco.

Nasiib-darro wiilashii ay dhaleen mooryaantii ka danbeysey dabeylihii hore ee dhaqaale xumida keeney ayaa mar kale khalal geliyay hannaankii lagu heshiiyay. Mooryaantaasi waa caa'iladaha hantida leh ee Ingiriiska iyo Mareekanka ah (Anglo-American Oligarchy Familys). Iyaga ujeeddadoodu waxay tahay siyaasad dhaqaale oo ku dhisan boob iyo bililiqeysi. Sidaa darteed muddo dheer kama soo wareegan in ay kala dhilqiyaan doolarkii iyo dahabkii is haystey. Tallaabadii ugu xooganeyd waxay qaadeen sanadkii 1963-kii, markaas oo ay khalal geliyeen siyaasadihii ay ku socdeen qaar kamid ah dowladihii xoogga lahaa.

Sanadkaas aanu soo xusney, dhowr jeer ayaa leysku deyey in la dilo madax-waynihii Faransiiska General Charles de Gaulle. Islasanadkaas waxaa lagu guuleystey in la dilo madax-waynihii Mareekanka Jhon F. Kennady. Islasanadkaas waxaa is casiley ra'iisul-wasaarihii Ingiriiska Harold Macmilan. Sababtu waxay ahayd fadeexad lagu sameeyey wasiirkiisii dibadda Alexander Fredrich Douglas-Home. Islasanadkaas waxaa kale oo fadeexad isla casiley hoggaamiyaha dowladdii la oran jiray Jarmalka Galbeed. Ninkaasi wuxuu ahaa Konrad Adenauer. Waxaa markaas Jarmalka odey u noqdey Ludwig Erhard.

Falalkaas guracan waxaa saaxaddii siyaasadda ay ka fogeysey rag maqaawiir ah ee hannaanka dunida wax ka hayay. Waxaa xigey sheeko dheer oo lagu boobey dahabkii dowladaha u keydka ahaa ee yiil World Bank. Waxaa halkaas ku kala furtey xiriirkii dahabka iyo cumladda doolarka ah. Taasi waxay ku abyootey in maanta wiqiyaddii dahab ah, qiimaheedu uu kor u dhaafey 700 oo doolar. Waxay noqotey in xaashiyo doolar ah wax lagu kala iibsado. Mareekankii dhankooda ayay ka bilaabeen in ay xaashiyo daabacdaan lamid ah kuwa lagu daabaco Xamar iyo Boosaaso. Waxaa halkaas ku joogsadey xooggii wax soo-saar dalkii ugu waynaa dunida. Xaashiyahaas bugta ah oo dunida hafiyay, waxaa la qiyaasayaa in seyladaha dunida ay maanta yaaliin 330 trilyan oo doolar. Walxaha lakala iibsanayo oo seyladaha dunida yaal waxay la qiimo yihiin 30 trilyan oo doolar. Taas micnaheedu wuxuu yahay in adduunku oo waa hore uu ka tallaabey inflation, oo uu ka tallaabey deflation, oo uu ka tallaabey hyperflation, si markaas uu ugu gudbo pubble.

Shanta qaaradood waxaa ka ridey qeyladiyo buuqa
Qunbuladihiyi sawaariikhda iyo qaraxa naabaalka
Waxa qamarka guud iyo hawada qalabka loo saarey
Waa quud nin heystiyo nin raba inuu ka qaataaye (Dhoodaan)

Qore: Dr. Saadiq
dr_saadiq@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS