SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Puntland: Ciqli baa la rabaa

Maamul gobolleedka puntland waxuu ku dhismay nidaam hufan, rabitaanka bushada deegaanka, waafaqsan waxyaalihii lagu heshiiyay shirkii wada tashaga aha 10-12/03/`98 Garoowe. Shirkaas wada tashiga ahaa waxaa ka soo qeybgalay wakiilo ka kala socday gobollada Bari, Galgaduud, Mudug, Nugaal, sanaag iyo Sool. waxaa looga wada hadlay sidii loo sameeyo maamul gobolleed.

Furitaankii shirweynihii : Waxuu si rasmi ah uga furmay Xeradii ciidamadii Soomaaliyeed ee 54aad, duleedka Garoowe, wakhtigii loogu talagalay 15/03/`98, 3.00 galabnimo. Furintaankii shirka waxaa khudbo duco ah ku furay Islan Max`ed Islan Muuse, Alle ha u naxariistee oo shirkii wada tashiga ahaa loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha shirguddoonka shirweynihii dastuuriga ah ee dhismahii maamulka puntland. Islaanka oo aad u faraxsan baa yiri” “ waxaan ilaahay ka baryayaa in shirkani noqdo mid ilaahay nagu guuleeyo, dawlad kheyr qabtana noo dhiso”. Waxaa hawlihii loo dhexgalay qaabkii ay usoo diyaariyeen guddigii qaban qaabadu:

  • Magacaabidii shirgudoonka: Tirade shirguddoonku waxay ahaayeen Islaan Max`ed iyo 5 xubnood oo wakiil ka ahaa shanta gobol.
  • Magacaabidii xoghayntii shirweynaha: waxay ka koobneyd toban xubnood.
  • Ajendadii iyo habsocodkii shirka:. Ka dib markii ergadu ka dooday ajaedadii waxay ku kordhiyeen, waxna ka saareen, waxaa loo galay cod bixin u dhacay sidaan: HAAH 253 MAYA 49 AAMUS 10  tiradii fadhiday 312
  • Dooddii Axdiga: Axdiga oo ah laf dharka maamul gobolleedka puntland shalay iyo maantay, maadaama ayn jirin wax kale oo lagu badelay, baa ahaa qeybtii ugu muhinsaneyd ajendadii shirweynaha. Dooddihii Axadiga baa ahaa kuwo aad u kululaa, waxaanna la badelay saddex jeer nuqulkii ay soo diyaariyeen guddigii qaban qaabadu iyo labo kale oo ay isugu tageen garyaqaano iyo shirguddoonkii, si loo helo mid ka taliya aayaha puntland iyo Soomaaliba. HAAH 359 MAYA 31 AAMUS 12.Waxaan markasta reer puntland u mahadcelinayaan, Alle naxariis ha siiyee Marxuum Adan Jamac Bixii oo suuragaliyay dhaabicaadii dhamaan nuquladii Axdiga puntland.
  • Doorashadii caasimada: Garoowe waxaa u codeeyay 246 Boosaso 36
  • Doorashadii guddigi doorashada:  5 xubnood oo wakiil u ahaa gobollada.

Markii amar Alle, lagu guuleystay dhismihii maamulkii loo hanweynaa, loona doortay 23/07/`98 madaxdii layslahaa dareenkii iyo baahiyihii jiray bay wax ka qabannayaan.

MaxkamaddaRacfaanka shareecada islaanka ee gobolka Nugaal waxay soo saartay go`aan maxkamadeed 26/07/`98 “ waxay caddeyneysaa in doorashadii iyo codbixintii la qaaday 23/7/`98 ay ahayd mid xaq  u dhacaday”.

Gunnaanadkii shirweynihii waxagaradkii reer puntland oo uu hoggaaminayaan Isimadii iyo waxgaradka kale waxay ku wareejiyeen madaxdii maamulkii cusbaa maamulkii  shanta gobol iyo deegaanada kale ee reer puntland.Dardaaran ahaan waxaa loogu sheegay ilaalinta midnimada iyo nabadgalyada.

Ka dib maxaa dhacay

In la fulinwaayo hawlaha hoos ku xusan iyo waajibaad kale ee loo doortay madaxda puntland intii u dhexaysay 23/07/`98 ilaa xilligaan 2008 oo toban sano ah, sida:

  1. Ilaalinta midnimada, nabadgalyada guud iyo baahinta maamulka dawlada oo la wada gaarsiiyo degmooyin iyo tuulooyinka deegaamada puntland.
  2. Dhisidii golayaasha deegaanka, oo iaygu soo doorta duqa magaalooyinka.
  3. Dhisida maxkamad dastuuri ah iyo tirokoobkii dadweynaha
  4. Diyaarintii dastuurkii badelilahaa Axadiga puntland oo lagu ansixiyo afti laga qaado dadweynaha.
  5. Magacaabidii guddi doorashada iyo sameyntii Shuruucdii doorashada,
  6. Sameyntii shuruucdii iyo shuruudihii lagu furan lahaa ururo siyaasi ah,
  7. Horumarinta ilaha dhaqaalaha, kobcinta wax soo saarka, sida ( dekadaha iyo garoomada dayuuraha) iyo arimaha bulshada, sida caafimaadka iyotacliinta
  8. Ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha asaasiga ah. Fiiri Axdigii Qod 6-aad.

Puntland iyo doorashada 2008

Maadaama uu san jirin qaab la raacikarayo ee suurtagalinaya in puntland xilligaan doorasho la qabto. Ma fileyno in la helayo doorasho cadaalad ah ee lagu doorto madaxdii puntland inta damaca shakhsiga ah iyo qabyaalad hoggaaminayaan iyo maqnaanta nidaamka xisbiyada badan. Marka haddii ay saas xaalada dhabta ahi ay tahay waxaa mudan in aan isweydiino su`aalaha ay ka mid yihiin:

    • Maxaa dan ugu jira shacabka puntland doorashooyin aan cadaalad ahey, oo ay ku sii waayaan bidhaamaha ka muuqda midnimo, magacii maamulka puntland, daqar horleh iyo himilooyinkii harsanaa.
    • Dood maran haddii la keeno, ma waxaa jiraa musharax aan qabiilkiisu ku wareegsaneyn, oo lagu raaco barnaamijkiisa? maxuuse dhaamayaa musharaxa cusub  kuwa hadda jooga ee laga qeylinayo?

Talo soo jeedin:

  • In guddiyada dooraashada ay soo magacaabaan shanta gobol.
  • Muddada la kordhiyo waa inay wada maamulaan puntland: 
    A) Madaxtooyo wareegta ee wakiilo ka ah shanta gobol. 
    B) Gole wasiiro ah oo soo magacaabaan shanta gobol.Tirada golahaasi waxay noqonkaraan 5 wasiir. Waxaa muhiin ah in laga wada tashado cidda qabaneysa wasiirada kala ah Amaanka, maaliyada iyo madaxda ciidamada.
  • Waa in gobolladu si xilkasnimo ah u soo doortaan wakiilada, ayagoo tixgalinaaya beelihii aan tobankii sano ee hore aan laga qeybgalin. Taas oo keeneysa kalsooni beelaha dhexdooda, cadaalad iyo sinnaan. Waxaanna ka digeynaa xulasho ku saleysan wareegtadii ka soo baxaday madaxtooyada.
  • Markii doorashana la qabto, si looga hortago waxkasta oo nabadgalyada wax u dhimaya, waxaan soo jeedineynaa in xubnaha wakiiladu ay ku codbixiyaan  gobolladooda. Codbixintu waxay noqonkartaa mid maqal iyo muuqaal ah oo aduunka oo dhan lagala socdo, maadaama aan heysano warbaahin suurtagalinkarta. Hawshaasna waxaa maamulikara golayaasha deegaamada. 

Gunnaanadkii qormadaan

Taariikhda baa maalinba si kuugu soo mareysa ee talooyinkaan kore oo kale waxaan soo jeedinay lix billod ka hor doorashadii puntland ee baaqatay January 2001. Waxaan wada xusuusanaa dhacdadaas dhiiggii badanaa ku daatay, dantii la dhaafiwaayayna ay noqotay walaalow iyo aan wax qeybsano. Markale waxaan ka digeynaa tii oo kale. waxaanna ka rajeyneynaa dadka reer puntland waayeel iyo dhalinyaraba ineysan oggalaan dhibaato ku saleysan doorashada xilligaan.

Doorashada kaliya oo xilligaan reer puntland u furan waxaa weeye sidii loo ilaalinlahaa midnimda iyo nabadgalyda. Waxaan idin ku boorineynaa in waxkasta oo ciil, caro iyo cadaalad daro ah oo la tarsanayo aan ku ilowno Hor Alle, ehelnimada dhexdeena, ilaalinta nabadgalyada iyo in aan isku hawlno sidii aan u toosin laheyn hoggaanka siyaasadeed ee ka weecday wanaagii. Maanta dhamaanteen waxaan saaranahay miisaan iyo buug xusuus qore oo dhalaankeenu ay ka dheehan doonaan cidii cad quureed qaata iyo waxgaradka danta guud horseeda.

Maxaase dhacaya haddii muddo kooban (6-12 bilood) ayna dhamaan waxgaradka reer puntland isugu tagaan sidii loo sameyn lahaa gole ku meel gaar ah? Si loo dhameystiro hawlaha dhiman, sida hirgalinta xisbiyo siyaasi ah, dastuurkii badelilaha axdiga, gole dastuuri ah, golayaashii deegaamada iyo in maamulka la gaarsiiyo dhamaan deegaamada gobollada puntland (degmo iyo tuulo). WAA GUUL

Wabillahi Tawfiiq.

Qore

Shakib Dhowre

shakib_dhowre@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS