SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Axmed Saciid Awnuur: Bishii Sagaalaad Waxaan soo Xaraynay 48 Bilyan Shiling Cidna mushaar lama siin, Waxaa cad in Laqaatay lacagtaa. (Video hoos ka daawo)

Musharaxa jagada Madaxweyne DGPL Axmed Saciid Awnuur ayaa Qadasharaf u sameeyay Haweenka Reer Puntland ee ku nool magaalada Garoowe ee Caasumada DGPL Qado Sharaftaan ayuu Musharaxu ku weydiisanaayay Haweenka in ay Taageeraan Fagradiisa Musharaxnimo sida uu u sheegay Musharax Axmed Saciid Awnuur.

Musharaxa oo la hadlaayay Haweenka ka soo Qayb galay Xafladaa ayaa tilmaamay in haweenku Cod lahayn lakiin ay ka shaqeeyaan sidii Codkooda u soo bixi lahaa oo ay u Ololeeyaan sidii loo heli lahaa Nidaamka Xisbiyada Badan Mustaqbalka Doorashooyinka soo socda lakiin uu sheegay Musharaxu hadii uu helo Jagada Madaxweyne nimada DGPL uu Haweenka DGPL siin doono Wasaarado ay Wasiir ka yihiin iyo Tiro Xubno Baarlamaanka ah oo uu ku daro Golaha Wakiilada DGPL xiliga uu hayo Xilkaa hadii uu ku guulaysto Madaxweyne DGPL Hadii Illaah Idmo.

Musharaxa oo ka hadlaayay Puntland iyo Dhibka haysta ayaa sheegay in uu ka mid ahaa Xukuumada Mudadii 10ka Sano ay jirtay oo uu jagooyin badan ka soo Qabtay kana gaaray ilaa heer Wasiir uuna ogyahay Dhibka iyo sida loo daweeyn karo.

Musharaxa ayaa ka hadlay Dhaqaalaha Puntland iyo waxyaabaha keena Sicir bararka ay u sabab yihiin Xukuumada hada jirta taasna ay sababtay in lacagta la,iska qaato oo lagu shubto Bankiyo lagana Sarifto Suuqa Doolarka ee Boosaaso kadibna ay keento sicir barar oo Doolarku kor u kaco, Musharaxa ayaa sheegay in ay Bishii Sagaalaad oo uu ka midka ahaa Xukuumada hada Jirta ay soo saartay Dekada Boosaaso Qarash dhan 48 Bilyan Shilin Somali uuna garanay meesha la geeyay cid mushaar laga siiyayna ay jirin xataa Shaqaalaha iyo Isagaba meesha la geeyayna la garan karo waa tan laga Sariftay Suuqa Marqaatigeedana uu hayo.

Musharaxa ayaa ka hadlay hadii uu ku guuleesto in uu hagaajinayo Dhaqaalaha uuna u samaynayo Cashuur bixiyayaasha Gudi la xisaabtama Dowlada lixdii Biloodba mar ayna weydiiyaan Lacaga Cashuurta lagu bixiyo meeshii la geeyay.

Musharaxa ayaa ka hadlay Waxbarashada uu mar Wasiir ka ahaa dhibka uu ka soo maray isagoo taageero ka helaya Hay,adaha Caalamaigaa ee Deeq bixiyayaasha ay ku guuleesteen in ay dib u nooleeyaan Wasaarada Waxbarashada DGPL.

Musharaxu mar uu ka hadlaayay Caafimaadka ayuu sheegay in hadii Dhaqaatiirta la siiyo Guno lana yiraahdo ka shaqeeyay Isbitaalda ay si fudud ku shaqeynayaan Isbitaaladu dhaqaatiirtana ay joogaan Wadanka ayna u baahan yihiin in la dhiiri galiyo.

Musharaxa ayaa ka hadlay Amniga isagoo sheegay in hadii la doorto uu dhiiri galin doono Garsoorka oo hadii aan garsoor jirin uu amni jiri karin ayna wada shaqeeyaan Booliska, Garsoorka iyo Xabsiyada.

Musharaxa oo hadaladiisa ay soo jiidatay Dumarkii ka soo qayb galay Xaflada Qadasharafta ayaa Dhaliil iyo Eedayn u soo jeediyay Maamulka hada Jagada haya DGPL oo uu ka mid yaha Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa iyo Wasiirka Maaliyada DGPL

Daawo hadalkii Musharaxa....


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS