SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharaxiinta Puntland oo si cad u qaadacay Guddiga Ansixinta iyo khilaafaadka Baarlamaanka DGPL 2009 ee uu Magacaabay Gen. Cadde Muuse....

Wareegtooyin ka soo baxay Boosaaso iyo Garoowe (Nov 16, 2008)

Warsafadeedka Mushaxiinta DGPL Qaarkood ay ka soo sareen magaalada Garoowe

Musharaxiinta u tagaan jagada Madaxweyne DGPL 2009 Qaarkood ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay ku diidayaan Gudiga Xalinta Qilaafaadka Golaha Wakiilada DGPL 2009 ee uu Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse uu magacaabay 15 Nov 2009.

Musharaxiinta warsaxaafdeedkan soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa

  • 1- Axmed Saciid Awnuur
  • 2- C/Raxmaan Maxamed Faroole
  • 3- Cabdi Xaaji Yuusuf Shuloco
  • 4- Maxamed Cabdinuur Xirsi..


Midig: Axmed Saciid Awnuur, Cabdiraxmaan faroole, Maxamed Cabdinuur, Cabdi xaaji Yuusuf Shuluco

Gudiga (ay musharaxiintu diidan yihiin) ayaa shaqadooda waxaa ay tahay sidii ay u xalin lahaayeen khilaafaadka iyo isku qabqabsiga Golaha Wakiilada ay soo xulanayaan beelaha ku leh Xubnaha Baarlamaanka DGPL.

Musharaxiinta ayaa ka soo saaray Qodobo Warsaxaafadeedkooda magaalada Garoowe ayna ku sheegeen in ay xubnaha Gudiga Xalinata ay yihiin kuwo loogu tuhun qabo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo gudigaa uu noqon Karin Dhexdhexaad.

Musharaxiinta ayaa mar ay tilmaamayeen Gudiga meelaha ay ka yimaadeen ay yihiin Xubno ka tirsan Xukuumada hada jirta ayna ka hayaan Jagooyin iyo kuwo isku hayb ay yihiin Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa.

Musharaxiinta ayaa ku taliyay in Hogaamiye Dhaqameedyada DGPL ay dhex galaan arintaa soona Xulaan Gudiga Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada DGPL ee ay soo xulanayaan Beelaha si dhexdhexaada u yimaado arintaa oo ay ku tilmaameen in ay jiraan Shaqsiyaad lacag lasiiyay oo ku qabsanaya Xubintii Saxa ahayd kadibna laga cabsi qabo in Xubnaha Golaha wakiilada ay noqdaan kuwo codka siiya Madaxweynaha hada haya jagada oo Musharax ah.

Musharaxiin kale ayaa ku sugan Degaano kale oo ka mida DGPL aydoo qaarkood aan wax ka weydiinay mar aan kula xiriirnay Qadka Telefonka sheegay in ay la qabaan Fagrada Musharaxiinta kale si arintaa cadaalad looga gaaro.

Madaxweynaha oo Arintaa wax laga weydiiyay ayaa sheegay in xubnaha uu soo xulay uu ku soo xulay Qibrad iyo in ay wax ka qaban karaan arinta is qabqabsiga Xubnaha Golaha Wakiilada.

Gudiyadaan ayaa xiliga Doorashooyinka la,isku qabqabsadaa tasoo sababtay Kalsooni darada Xubnaha Sare Xukuumada iyo Musharxiinta.DGPL wallow marka buuqu bato ay soo kala dhex galaan Hogaamiye Dhaqameedyada DGPL.


Boosaaso: War Saxaafadeed Murashax Nuuradiin Aadan Diiriye, Jeneraal C/Laahi Axmed Jaamac iyo Prof. Muxayadiin Cali

mush2

Nofeember 16, 2008 

KU: DHAMMAAN ISIMADA DGPL  FADHIYADOODA
DHAMMAAN SAXAAFADA MADAXA BANAAN EE GUDAHA IYO DIBADA  

 Ka dib Markii aan aragnay Wareegtada aan sumadda lahayn ee ka soo baxday  xafiiska Madaxweynaha , kuna taariikhaysnayd  15ka November 2008, taasoo lagu magacaabay guddiga ansixinta, iyo khilaafaadka baarlamaanka Cusub ee la xulan doono dooarashada soo socota 2009  

Ka dib markii aannu eegnay qodobka 54aad ee dastuurka qabyada ah ee D.G Puntland ee qeexaya  awoodaha Madaxweynaha Ka dib markii aan eegnay marxaladda adage e ay maraysa Dowlad Goboleedka Puntland Ka dib markii aan eegnay baahida loo qabo doorasho xaq iyo cadaalad ku salaysan oo ka  dhacda DGPL Ka dib markii aan eegnay baahida loo qabo in musharaxiintu ay u sinaadaan qabanqaabada doorashada puntland  

Waxaan anagoo ah murashixiinta magacyadoodu hoos ku qoran yihiin aan qoraalkan ku cadaynaynaa in aanaan waafaqsanayn isla markaasna aanu qaadacnay kalsoonina aanaan ku qabin xubnaha uu Murashaxa Madaxweynaha ahi Magacabay.

SABABAHA AAN KU DIIDNAY GUDDIGAAS WAA KUWA HOOS KU QORAN:-

Ma jiro qodob dastuuri ah oo awood u siinaya Madaxweynaha magacaabista Guddiga Ansixinta iyo Khilaafaadka Baarlamaanka Cusub.

Qodobka 54aad ee dastuurka ee loo cuskaday sharci ahaan kuma jirto meel ka mid ah oo qeexaysa inuu madaxweynuhu awoodaas leeyahay. Ragga lagu magacaabay wareegtada aan sumadda lahayn ee ku taariikhaysanayd 15 November 2008, waxay ka kooban yihiin:     

La taliye Madaxweynaha Musharaxa ah Shaqaale Dawladeed(Agaasime guud iyo isuduwayaal) Dad ay qaraabo yihiin Madaxweynaha Murashaxa ah iyo Ku xigeenkiisa Shakhsiyaad ku caan baxay u ololeynta dib u doorashada Madaxweynaha iyo M/xigeenkiisa Sidaas darteed waxaan halkaan ku caddeynaynaa in Gudiggan dhexdhexaad ma noqon karaan kamana madax banaanaan karaan saamaynta iyo fara gelinta Madaxweynaha Murashaxa ah iyo M/xigeenkiisa. Sidoo kale mar haddii Madaxweynaha iyo M/xigeenkiisa uusan jirin xaq dastuuri ah oo awood u siinaya inay guddigaas Magacaabaan waxay ula siman yihiin lana xuquuq yihiin murashixiinta kale.

TALO SOO JEEDIN

Mar haddii arrinku sidaas yahay sharci ahaan waxaan talo ku soo jeedinaynaa arrimaha soo socda kuwaas oo xal u noqon kara:-  

Waa isimadu maadama iyagu ay yihiin meesha ama marjaca loo noqdo marka khilaaf caynkan oo kale ahi yimaado ay soo xulaan Guddiga Ansixinta iyo Khilaafaadka Baarlamaanka Cusub Waa in gobol kasta laga soo xulaa  1 qof  oo bulshada magac ku leh dhex dhexaadna u muuqan kara isla markaasna yeelan kara awood  iyo madaxbanaani uu hawshiisa si xaq ah ugu guto.  

Haddii taas ay suurtoobi weydo waxaan  soo jeedinaynaa in murashax kasta oo u taagan xilka madaxynaha  uu soo magacowdo hal qof oo howshaas u matala.  
Maadaama Madaxweynahu uu ku dhawaaqay inuu Murarshax yahay waxaan ku talinaynaa in Madaxweynaha, M/xigeenkiisa, iyo xubnaha Golaha Wasiiradu ay mudada doorashada ka dhimman xaaladda dalka ay ka qaataan door ah ilaalayaal guud oo ilaalaya in xaaladda sideeda lagu hayo (Care Takers) inta doorashadu ka dhacayso, waana in aysan isu haysan sidoodii hore maadaama xilli doorasho lagu jiro.  
Maadaama Madaxweynaha iyo M/xigeenkiisu ay murashaxiin Yihiin waxaan ku talinaynaa in Maamulka Dhaqaalaha dalka inta doorashada lagu jiro lagu Wareejiyo Xisaabiyaha Guud, Hantidhawrka iyo Agaasiamaha Guud ee Maaliyadda laguna isticmaalo oo keliya Mushaharaadka Shaqaalaha iyo Ciidamada dawlada iyo hawlsocodsiinta shaqada lagama maarmaanka ah ee dawlada, sidaas waxaan u soo jeedinaynaa waxaan ka digaynaa in dhaqaalaha dalka oo dadka ka dhexeeya loo isticmaalo doorashada.  
Dhammaan Isimada DGPL Waxaan ka codsanaynaa inay soo dhexgalaan arrintaan isla markaasna ka joojiyaan Madaxweynaha Murashaxa ah ku tagrifalka awooddeed ee uu sameeyey kuna Magacaabay  guddiga uusan xaq dastuuri ah u lahayn inuu isagu magacaabo, guddigaas oo lagama maarmaan ay tahay inuu noqdo guddi dhexdhexaad ah.

 Magacyada Murashaxiinta Bayaankan Saxiixay:-

  • Murashax Nuuradiin Aadan Diiriye
  • Murashax  General  Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilko jiir)
  • Murashax Prof. Muxyadiin Cali Yuusuf  

Shir Jaraa'id  oo maanta ka dhacay hoyga Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye ee Bosaso

mush3

Saddex ka mid ah murashaxiinta u tartamaya doorashada jagada madaxwayne ee Puntland ayaa maanta shir-jaraaid ku qabtay hoyga marashax Nuuradiin Aadan Diiriye ee International Village ee magaalada Bosaso.

nurudiinShirkaan  jaraa'id ayaa murashaxiintu waxay ku soo saareen bayaan cad oo ay ku diidanyihiin kuna qaadacayaan Guddiga Ansixinta Baarlamaanka ee uu magacaabay  murashaxa   ahna Madaxwaynaha talada haatan haya  General Cadde Muuse. General Cadde Muse ayaa wuxuu maalintii shalay faafiyey  liiska Gudigga cusub kaasoo ka koobnaa xubno katirsan dowladiisa iyo shaqsiyaad kale oo u ololaynaya sidii Cadde Muse uu markale ugu guulaysan lahaa doorashada lagu wado inay ka dhacdo Puntland bilowga sannadka 2009.

Murashaxiinta manta bayaanka soo saaray ayaa waxay kala yihiin:

  • 1-Nuuradiin Aadan Diiriye
  • 2-Jeneraal C/laahi Axmed Jaamac 
  • 3-Muxiyadiin  Cali Yuusuf

Axmed Saciid Awnuur: Bishii Sagaalaad Waxaan soo Xaraynay 48 Bilyan Shiling Cidna mushaar lama siin, Waxaa cad in Laqaatay lacagtaa. Video

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS