SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Saxafiyiinta Soomaalida waxay ka liitaan qaab sameynta wararka. 
 

                                 W.qoray : Cali Cabdi Cali (Suxeyfa)

                                       asuheifa@hotmail.com 
 

Runtii waxaan shalay oo aheyd 16-ka November 2008 si weyn aan ula soconayay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ka jira Magaalada Nairobi oo ay ku hardamayaan Madaxweyne Yuusuf iyo R/wasaarihiisa Nuur Cadde . 
 

Dabcan , qof kasta oo saxafi ah waa fahmi karaa waxyaabihii qaladka ahaa ee saxafiyiinta soo tabinayay shirka jaraa’id ee R/wasaaraha ay ku dhaqaaqeen , waayo shirka Jaraa’id ee Xukuumadda loogaga dhawaaqayay , lagama helin hal wariye oo yiraahda oo u dhiga warka sidaan“ Xukuumad aan heysan ogolaanshe Madaxweyne ayaa R/wasaare Nuur Cadde uu ku dhawaaqay , isagoo la jecleysanaya inuu horgeeyo Baarlamaanka FS oo isna aan la ogeyn waxa uu ka oran doono ka hor inta aaney ka doodin xilli islaamiyiinta hubeysan ee Soomaaliya ay wada qabsadeen inta badan dalka , kana dagaalamayaan xaafado ka mid ah Caasimadda Muqdisho iyo Magaalada Beydhabo oo fadhi u ah Baarlamaanka Soomaaliya oo waqtigiisa uu idlaanayo August 2009 “ 
 

Hadii aad dhageysan laheyd Idaacadaha Muqdisho , oo aad daalacan laheyn web-bejyada qora wararka af-soomaaliga intoodaba shalay warka xulidiisa waa ay ku liiteen , xitaa waxaan oran karaa BBC- Somali ayaa xitaa garan weyday inay ka baaraan degto qaab u dhigidda warka . 
 

Bal wariye , waxaad ila eegtaa oo aad isha soo wada marisaa Wakaaladaha Wararka ajnabiga , kuwa carbeed iyo Wargeysyada Caalamiga ah , iskaba daayee Telefishanada afaf-ka carabiga iyo English-ka wax ku tabiya inay wax ka qoreen shirkii Jaraa’id ee shalay uu qabtay R/wasaare Nuur Cadde . 
 

Hadaad gasho oo aad daalacato shabakadahaasi midna kuma arkeysid oo warkaasi qoray , xitaa hadii war sidaa u eg uu diro weriye wakiil wareed u ah Tv, Wargeys ama Wakaalad midna lagama qaateen , waadna wada dareemi kartaa “halka il wareed uu ku jiro” bal eeg “hadii uu oran lahaa Nuur Cadde waan is casilayaa hadii Madaxweyne Yuusuf aanu ka laaban diidmadiisa Magacyada cusub ee wasiirada” warkaasi wuxuu noqon lahaa mid kulul oo la wada qaato , laakiin hadda “warka wuxuu u muuqanayay mid aan isku dheeli tirneen” . 
 

Waa iga talo aan u jeedinayo dhammaan weriyaasha Soomaaliyeed in marka ay wararka qorayaan ay u eegaan muhiimadda warka , saameyntiisa , waxtarkiisa , dhibtiisa iyo inta faallo bixin uu keeni karo. 
 

Mahadsanidiin.

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS