SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mujaaahid  Jeneral Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi (Ahmed Gurey) iyo Jahaadkiisii 

Taaladiin Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi  (Ahmed Gurey ) ee Mogadisha   
 
Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi Ahmed Gurey, waxuu ku dhashay dhulka somali galbeed ee Ethiopiyaanku guumaystaan mujaahidku   waxuu ka mid noqday ciidamadii Cusmaaniyiinta isagoo ciidamada ka gaaray darajada Jenan sidoo kale Jen waxuuna ahaa suldaan. 

Mujaahisku kadib markii uu dhawri waayay gumaysiga Xabashida ku hayso somalida waxuu qorsheeyay sidii uu u xoraynlahaa dadkiisa  iyo dalkiisa waxuuna qorshahaas ka dhaadhiciyay dawladii islaamka ahayd ee cusmaaniyiinta wuuna ku guulaystay inuu hirgalo qorshahaas lagu xoraylahaa dhulka somalida sidaas ayuu duulaan qorshaysan oogu soo qaaday boqortooyadii Xabashida isagoo ka soo tilaabay bada cadmeed waxuuna weerar ku ekeeyay ciidamadii xabashida wax badana kama soo wareegin ilaa iyo intii uu cashir lama ilaawaan ah siiyay ciidamadii Ethiopia. 

Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi  (Ahmed Gurey) waa nin ka suuro galiyay inay somaliya yeelato xeebtaan dheerarka badan ee hada baylahda ah  Ahmed Guray waxuu gaaray guulo badan oo is daba joog ahaa waxuuna gabi ahaanba ka guulaystay ciidamadii xabashida oo iyagu markaas ku dagaalamayay hub aad ooga tayo liitay hubka ay haysteen ciidamada islaamka halkaas  waxaa kaaga muuqanayso sida islaamku ooga horumarsanaa gaalada. 

Xiligaas uu mujaahidku dagaalka kula jiray  Etiopia waxaa xukumayay boqorkii Lebna Dengelin. sanadkii 1527  Jen Ahmed Gurag oo hogaaminayay ciidamadii muslimiinta waxay qabsadeen inta badan dhulka Ethiopiya sidaa darteed intii u dhaxaysay 1529–1543   4/3 afar meelood marka loo qaybiyo dhulka Ethiopia sadex meelood oo akmid ah waxaa qabsaday ciidankii islaamka ee uu hogaaminayay jen Ahmed guray

Intii lagu dhexjiray dagaalkaas waxaa la sheegaa in ciidamadii islaamku cagta mariyeen 80% kaniisadihii kuyaalay Ethiopia  iyo meelihii  sida aadka ah ay oogu cibaadaysan jireen gaaladu sidoo kale waxaa la sheegaa inay ciidamadii islaamku burburiyeen qoraaladii taariikhiga u ahaa Xabashida.

Balse in dhamaan dhulka hada Ethiopiya layiraahdo uu qabsado Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi  (Ahmed Gurey)  waxaa baajiyay Portaqiiska oo taageero ka helayo ree galbeedka kuwaas oo cudud militari oo gu soo gurmaday Xabashida kadib markii xabashidu qayladhaan u dirsadeen dawladihii kirishtaanka ahaa ayagoo ka codsaday in loo soo gurmado lana badbaadiyo dawlada kirishtaan ka ah ee faca wayn ee Ethiopia sidaa darteed xeebaha geeska Afrika ay u noqdeen meel ay soo beegsadaan   maraakiibta dagaalka ee Portaqiiska iyo reer galbeedkaba si loo badbaadiyo kaniisada faca wayn ee muslimiintu ha reereeyeen.

Sidaa darteed ciidamada bada ee Portaqiisku waxay ka soo shiraacdeen India waxayna yimaadeen bishii 2aad sanadkii 1541 meesha loo yaqaano Massawaan waxana si toos ah oogu biireen ciidamadii xabashada waxayna dagaal kala hor yimaadeen ciidamadii islaamka ee  uu hogaaminayay Jeneral Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi  (Ahmed Gurey)

Imaansha ciidamada portaqiiska kadib waxaa sii laba kacleeyay dagaalkii ayagoo ciidamadii islaamku hal haleel u galeen jahaadka aygoo soo hooyay guulo fara badana isla markaana jabiyay ciidamadii cadawga.

Arintaas markay dhacday ciidamadii huwanta (gaaladii) waxay yeereen aflabadii waxayna qaylo dhaan u dirsadeen dawladii portaqiiska waxayna ka codsadeen in loo soo diro ciidamo fara badan oo dagaalka la galo Portaqiiskuna waa ka yeelay bishii 7aad  waxaa yimid ciidaamadii Portaqiiska ee la dhihi jiray Christovão da Gaman waxayna ku biireen ciidamadii Etiopian . dagaaladaas qaraar ee uu galay jen Ahmed Guray dhamaantood markii hore waa uu ku guulaystay .

Sidoo kale Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi  (Ahmed Gurey( waxuu galay dagaalkii  loo yaqaanay Woflan  28. 7. 1542 halkaas oo ciidamaddi gaalada looga guulaystay aydoo ciidamdii islaamku u suuro gashay inay qabtaan oo ay gacanta ku dhigaan taliyihii guud ee ciidamada Etiopian ka dibna  waa la dal dalay.

Bishii 2aad sanadkii  1543 Portuqiiska oo garab ka helayo reer galbeedka iyo ciidamadii Xabashida waxaa u suuro gashay inay jabiyaan ciidamadii muslimiinta dagaalkii looyaqaanay Wayna Dagan halkaas oo shahiid Jen Ahmed Gurey uu ku shahiiday ciidankii muslimiintana looga awood roonaaday.

Balse mujaahidkii waynaa  Nur ibn Mujahidiin ayaa balan ku qaaday inuu u aaro mujaahid Jen Ahmed Guray  ugu dambayntiina  waxuu mujaahid Nur ibn Mujahidiin ka dhabeeyay malnqaad kiisii waxayna ciidamadii islaamka u suuro gashay inay dhgta dhiiga u daraan boqorkii   Etiopiya ee la dhihi jiray Emir Nur sanadkii 1567.

Hadaba akhristaw intaa oo kaliya kuma ekaan gurmadka gaalada si soomaalida loo dulaysto ee waxaa ka dambeeyay.

Daraawiishtii oo xoreeyay dhulka somali balse gaalaa u soo hiilisay Amxaarada waxayna noqdeen daraawiish ama somaliya dalkii oogu horeeyay ee afrikaan ah ee loo is ticmaalo diyaarad waanan ka hadli doonaa arinka Mujaahid Siyid Abdule Hassan. 
 

Sidoo kale sandkii 1977 markii ciidankii xooga somaliyeed ay cagta mariyeen ciidanka xabashida kana xoreeyeen dhamaan dhulka somalida waxaa somaliya ka hiiliyay aduunka oo dhan.

hadal iyo dhamaantii somaliya hanoolaato cadawgeeduna ha dhaco aamiin. 
 
Waxaa qoray  Eng Idiris Hassan Farah

Idirishf@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS