SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Assalaamu Calaykum Waramatullahi Wabarakaatuh.

Qaraxyadii Hargaysa iyo Bosaso Yaa ka danbeeyey?

Dhamaan waxaan uga tacsiyeynaynaa Dadkii muslimiinta ahaa ee ku wax yeeloobey qaraxyadii lala beegsadey Hargaysa iyo Bosaso eheladii iyo qaraabadii ay ka geeryoodeen dadkaasi waxaan leenahay samir iyo iimaan ilaah ha'idinka siiyo kuwa ku dhaawacmayna waxaan leenahay ilaahay ha idin shaafiyo.

Intaas kadib, Sida aad wada maqasheen ama aad ka daawateen TV-yada waxaaa lala beegsadey xurumaha Maamullada ka jira Somaliland iyo Puntland Qaraxyo Is miidaamin ah, qaraxyadaas oo ay ku nafwaayeen muwaadiniin somaliyeed.

Hadaba ma is waydiisey hadaad tahay muwaa'idn soomaaliyeed maxaa kalifey in qof ismiidaamiyo oo uu naftiisa ku qarxiyo meelahaas maxay tahay ujeedada ka danbaysa?yaaase fulin kara ficil kan?.

Sida ay iila muuqato ficiladan noocan oo kale ah dalkeena laguma aqoon waa arimo inagu cusub oo aan hore inoo soo marin, sida ii muuqata ficiladan waxaa fulin kara dad badan oo dano kaleh dalkeena si la isaga horkeeno maamulada iyo culima awdiinta dalkeena.

Qof walba oo muslim ah wuu ogyahay in qofkii qof muslim ah xaqdaro ku dilaa uu yahay ehlu naar, waxaan kale oo ognahay qofkii qof muslim ah u gacan galiya cadowga ilaahay inuu isaguna yahay gaal, sanadahan danbena waxaynu maqlayney dad aan waxba galabsan oo muslimiin ah in cadowga loo gacan galiyey iyadoo ay maamuladeenu awoodaan in qofkii danbi lagu helo dalkeena lagu maxkamadeeyo oo la marsiiyo waxa sharciga waafaqsan.

Hadaba waxaynu u baahan nahay sidii looga hortagi lahaa ficiladan waxaa jirta maah-maah odhanaysa (Prevention is Better than Cure) Macnaha ka hortagga ayaa ka wanaagsan Daawaynta, hadaba si aynu uga hortagno ficilada noocan oo kale ah waxaa laga rabaa maamulada iyo dadwaynuhuba inay la yimaadan arimahan soo socda:-

Ka hortaga laga rabo maamulada.

1- In ay ka dhawrsadaan oo iska ilaaliyaan arimaha khuseeyo muqaddasaadka ayna ka fiirsadaan inta aysan ku dhaqaaqin, tusaale ahaan waa inay ka dhawrsadaan in la cabudhiyo culimada iyo dadka diinta xanbaarsan iyadoo loogu marmarsiyoonayo argagixsiyo
2- In ay iska ilaaliyaan arimaha gaaladu u adeegsanayso muslimiinta sidii loo baabi'in lahaa oo ah waxa ay ugu magacdareen la dagaalanka argagixisada.
3- In qof Soomaaliyeed ama muwaadin somaliyeed aan cadowga ilaahay loo dhiibin iyada oo la leeyahay waa argagixiso.
4- Hadii ay cadaato in muwaadinkaas somaliyeed danbi lagu helo waa in la horgeeyaaa maxkamd ku dhisan cadaalad lana marsiiyaa xukunka waafaqsan sharcigeena islaamka.
5- Waa in dhamaan la'baabi'iyaa Goobaha loogu magac darey la dagaalanka argagixisada ee dalkeena laga sameeyey.
6- Hadii ficil argagax leh uu dhaco maamulku waa inuu ka fiirsadaa tallaabada uu qaadayo waana inuuna adeegsadaa xikmad si ay aysan u dhicin dhibaato ka wayn ta dhacdey.

Arimaha laga rabo bulshada.
1. waxaa laga rabaa qof kasta oo muslim ah inuu ilaaliyo nabadgalyada meesha uu ku noolyahay iyo dadka uu la noolyahay.
2. Hadii ay dhacdo inaad ku aragto madaxdaada wax ka baxsan sharciga islaaamka waa in loo diraa Culimada loogana nasteexeeyaa ficilkaas xun.
3. waa in aysan noqon in Xabad aynu wax ku raadino ee ay noqotaa in aynu xaqeena si wanaagsan ku doonano inagoo adeegsanayna Culima awdiinta iyo Madaxdhaqameedkeena.
4. Waa inaynu u samirnaa madaxdeena ilaahayna uga barinaa inuu toosiyo xaqqa iyo diintana fahansiiyo.
5. Waa inaynu ka dhiidhinaa oo aynaan qaadan in mar danbe qof muslim ah oo walaalkeena aan cadowga loo gacan galin waana in laguna soo oogaa dadka ficiladaas samaynaya maxkamad cadaalad ah si aysan u sahashan mardanbe dhiibitaanka dadka muslimiinta ah.
6. Waa in Dhalinyaradeena aynu u caqli celinno barnana samirka hadii ay dhacdo in maamulku ficil xun ku dhaqaaqo.


Nasteexo ku socota Madaxwaynaha.

Mudane madaxwayne ilaahay ayaa dadkan masuul kaaga dhigey masuuliyaddaas aad dadka muslimiinta ah u hayso ilaahay wuxuu ku waydiinayaa maalinta qiyaamada waa inaad diintaada iyo dadkaaga iyo dalkaagaba aad si wanaagsan ugu shaqaysaa dadka aad xukunka u dhiibanaysana aad ka fiirsataa.

Waa in dalka aad madaxwaynaha ka tahay aadan u ogolaan in laga furo waxa loogu yeedho xafiiska la dagaalanka argagixisada, magacan la dagaalanka argagixisada gaaladii baaa isku waafaqi waayey jiritaankiisa kaliya hadda waxaa loo adeegsadaa dadka muslimiinta ah in lagu gumaado, sidaa darted yaan la iska kiin horkeenin adiga iyo shacabkaaga.


Ilaahay waxaan baryeynaa inuu dhamaanteen xaqa inagu sugo waxaan ilaahay waydiisanaynaa dhamaan dadkii muslimiinta ahaa ee ku waxyeeloobey qaraxyadii dhacy in ilaah u naxariisto jannatul firdowsna geeyo. Waxaan ilaahay waydiisanaynaa inuu madaxdeena xaqa fahmsiiyo kuna hanuuniyo inay ku dhaqmaan, ilaahay waxaan waydiisanaynaa in dhalinyarada uu fahmsiiyo diintooda kana dhawro fitanta iyo ficil-ka shaydaan.

"Wabillaahitawfiiq"
Mustafa Akhyaar


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2008

Go’aankii IGAD ee 29kii Oktoober 2008
IGAD ay soo saareen go’aan ku saabsan siyaasadda Somalia

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS