SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ARAGAGIXISO NINKII GABAAD SIIYAY GOWRACDAA

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com


 

QAAHIRA
Si ka duwan Jamaal Cabdinaasir oo isagu kooxaha mintidka ah ka dhigay wax uu xukun dil ah ku fuliyey iyo wax uu xabsiyada ka buuxiyey, Anwar Al saadaat wuxuu bilaabay inuu soo dhoweeyo kooxahan, wuxuuna qaar badan oo ka mid ah u fidiyey cafis iyo magdhow ay ka mid ahayd in shaqooyinkoodii dib loogu celiyo, Ragii uu xabsiga ka soo saaray Anwar waxaa ka mid ahaa Khalid Islambouli oo ah ninkii gacantiisa ku diley Anwar Al Saadat (Alla ha u naxariistee) xili uu dawanayey dabaal deg ay ciidamadu samaynayeen fagaaraha lixda octoobar.

KISMAAYO
Dadka degan magaalada Kismaayo ee Gobolka jubbada Hoose waxay taageero buuxda siiyeen kooxda Xasan Turki iyagoo filayey inay u dhaami doonaan maamulkii Bare Hiiraale ee “Liitey” Hase yeeshee mudo yar kadib waxay bilaabeen kooxihii magaalada qabsaday falal naxariis daro iyo amar ku taaglayn kuwaas ay ku laayeen dad xabsiyada ku jirey oo uu ka mid ahaa Faarax Ooje, jir dil iyo qisaas aan sharciga islaamka waafaqsanayn oo ay ugu danbaysey gabadhii Caasho Ibraahim Dhuxuloow ee ayadoo la kufsadey intay u dacwootey kooxaha magaalada haysta iyadii qudheedii dhagax lagu diley, (Ninmakii kufsaday waxaa la sheegay in magaalda joogaa)

HARGEYSA
Dagaaladii muqdisho iyo weerarada aan kala joogsiga lahayn ee Aragagisada magaca islaamka ku adeeganaysaa ay ku qaayadayeen ciidamada dowlada, kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiyaanka iyagoo gabaad ka dhiganaya shacabka reer muqdisho, waxay sababtay in tiro badan oo shacab maato u badani ay u qaxaan magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee gobolada waqooyi kuwaasoo ku naa-loonayey nabagalyada ay walaaladooda reer Muqdishu waayeen.
Shacabka Hargeysa iyo maamulkuba iyagoo qudhoodu aan awood badan hayn hadana waxay si wanaagsan oo walaaltinimo leh u soo dhoweeyeen dadki ka soo barakacay gobolada koonfureed noocay doonaanba ha noqdeene, taasoo keentay in in badan oo Aragagixsada ka mid ahi ay ku soo dhex dhuuntaan maatada ay awelba soo qixiyeen ee dartood guryahoogii uga soo baxay.
Waxayna Aragagxisadu iyadoo ka faaiidaysanaya dareenka guud ee reer hargaysa u qabeen dadkan soo qaxay, bilaabeen sidii caadada u ahayd in ay “gooyaan gacantii caawinaysey” buburiyaana nabada aan cagaha badan ku taagneyn ee ay keenen shacabka labada gobol ee Hargeysa iyo Boosaaso.


ANBAAR
Sidaa si lamid ah Wadanka ciraaq gobolada dadka sunaha ahi degaan ee Anbar aayaa noqday meesha ugu badan ee marti gelisey argagxisada isaga timid daafaha dunida iyagoo markaa u arkayey kuwo u soo gurmadey si ay ugu hiiliyaan ulana xoreeyaan wadankooda, nasiib daro waxay bilaabeen inay dadkii gobolka u gestay dilal iyo qaraxyo arxan daro ah kuwaas oo keenay in gobolka loo bixiyo “Muthalthul Mowt” ama sadex geeskii dhimashada, ugu danbayntii shacabkii Anbar ayaa samaystaan maleshiyooyin ay u bixiyeen “Saxwaat” kuwaasoo ka sifeeyey aragagixsadii “dhiiga u oomanayd” gobolka gebi ahaanba, waxayna ka mid tahay hada Anbaar gobolada ugu amaanka badan wadanka ciraaq, intii badnay dadkii gobolka ee horay uga qaxayna dib ayay ugu soo noqdeen.
Hadaba soomaaliya meel kasta oo ay joogaan waxaa waajib ah inay is midaysan uga soo horjeestaan kooxaha burburka iyo dhiiga u ooman, aana la soo dhowaysan si looga badbaado sharkooda.

Walaahu Aclam


Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2008

Go’aankii IGAD ee 29kii Oktoober 2008
IGAD ay soo saareen go’aan ku saabsan siyaasadda Somalia

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS