Heshiiska Jabuuti guul mise fursad la lumiyay
Wadanka Jabuuti waxa shalay oo ay taariikhdu ahayd
25/11/2008 lagu kala saxeexday heshiis dhexmaray dawlada
ku meel gaadhka ah ee Soomaaliyeed iyo Isbahaysiga dib u
xoraynta Soomaaliyeed garabka Jabuuti. Heshiiskan -oo
ahaa mid ay dad badani in mudo ahba sugayeen- waxa ka
muuqata daldaloolooyin waaweyn kuwaas oo shaki wayn
galinaya suurtagalnimada in uu heshiiskani hirgalo.
Faaladan waxa aan si kooban ugu eegi doonaa daldaloolada
uu heshiiskani leeyahay iyo natiijooyinka dhabta ah ee
shirka Jabuuti.
Daldaloolada heshiiska
Daldalooda heshiiskan waxa ugu wayn kuwan:
Dawlada Balaadhan:
Nuqdada ugu muhiimsan ee ay labada dhinac ku
heshiiyeen waxa weeye in la soo dhiso dawlad iyo
baarlamaan ay labada dhinac ku midaysan yihiin. Waxa uu
heshiisku ku baaqayaa in la balaadhiyo baarlamaanka
Soomaalida ee iminka jira, kaas oo uu heshiisku leeyahay
waa in xubnihiisa la laban laabo. Sidoo kale heshiisku
waxa uu ku baaqayaa in la soo dhiso dawlad cusub oo ay
labada qolo ku midaysan yihiin. Nuqdooyinkani waxa ay u
muuqdaan qaar aan aad looga baaraan dagin. Way adag
tahay in labada dhinac ee heshiiyay uu midkastaba
natiijadan taageerayaashiisa ka iibiyo. Way adagtahay in
reer Asmara, Alshabaab iyo in badan oo ka mida
qolooyinkii wadaada ee gudaha ku jiraa ay aqbalaan
kuraasta la siiyay iyo ka qayb galida dawladan uu
heshiisku sheegay in la soo dhisayo. Sidoo kale way
adagtahay in Cabdullahi Yusuf iyo xulafadiisu ay
ogalaadaan heshiis u muuqda shirqool siyaasadeed oo
Cabdullahi Yusuf iyo xulafadiisa lagu khaarajinayo. Mida
kale waxa la garan la’ayahay sida ay ku ogolaadeen
qolooyinka Jabuuti ku shirayay in la dhiso baarlamaan ka
kooban 500 xubnood. Ma is waydiiyeen sida loo maaraynayo
cadadka intaa le’eg? Sidoo kale ma is waydiiyeen cida
masruufaysa cadadka intaas le’eg. Timir lafbaa ku jirta
ayay Soomaalidu ku maahmaahdaaye ee waxa muuqata in ay
jiraan ujeedooyin qarsoon oo la doonayo in loo
balaadhiyo baarlamaanka iyo dawlada. Ujeedooyinkaas
waxaa ka mida:
- Iyada oo qolooyinka Jabuuti ku heshiiyay ay ka
baqayaan hadii la kala diro baarlamaanka iminka jira
in odayga Cabdullahi uu dhiniciisa u soo jiito
xubnaha baarlamaanka iminka ku jira taas oo
adkaynaysa in Nuur Cade iyo Axmed Cabdisalaan ay
hirgaliyaan shirqoolka siyaasdeed ee ay rabaan in ay
Cabdullahi Yusuf kaga takhalusaan.
- Itoobiya oo aan rabin in nidaamka TFGdu uu
burburo taas oo hadii ay dhacdo jabkii milatari ee
ay Soomaaliya kala kulmeen ugu daraysa jab
siyaasadeed.
- Dawladaha caalamka qaarkood oo aan rabin in ay
wadaadu owood siyaasadeed oo muuqata ku yeeshaan
Soomaaliya.
- Qolooyinka Isbahaysiga garabka Jabuuti oo u
baahan kuraas badan oo ay u qaybiyaan taageerayasha
isbahaysiga si aan looga raacin dhinaca kale ee ka
soo horjeeda heshiis lala galo TFG’da.
Axdiga Ku meel gaadhka ah in lagu socdo
Nuqdada labaad ee muhiimka ah ee ay labada dhinac ku
heshiiyeen waxa weeye in axdiga ku meel gaadhka ah la
waafajiyo heshiiskan. Nuqdadani waa nuqdad kale oo ka
mida daldaloolada heshiiskan. Waa maxay ujeedada laga
leeyahay in la yidhaa heshiiska ha la waafajiyo axdiga
ku meel gaadhka ah?. Jawaabtu waxa weeye in 4.5 lagu
qaybiyo kuraasta cusub ee la siiyay Isbahaysiga. Hadii
isbahysigu ay keenaan xubno aan lagu soo qaybin 4.5 waa
la diidayaa waayo sida uu heshiisku dhigayo ma
waafaqasana axdiga ku meel gaadhka ah. Qolooyinka
Isbahaysiga ee ka qaybgalay shirkani waxa ay mudo dheer
naqdinayeen habkan 4.5 ka laakiin waxa muuqata in ay ay
iminka taas ka tanaasuleen. Waxa adkaanaysa in
Isbahysiga garabkiisa Jabuuti uu aragtidan ka iibiyo
dhinacyada kale ee isbahysiga, waayo nuqdadani waxa ay
khilaafsan tahay qaabkii markii horeba isbahysiga lagu
soo dhisay oo aan ahayn qaab qabiil. Nuqdadani waxa ayba
keeni kartaa in khilaaf hor lihi uu ka dhex bilaabmo
isbahysiga garabkiisa Jabuuti. Mida kale Isbahaysigu
waxa ay mudo dheer naqdinayeen dustuurka ku meel gaadhka
ah, iminka se waxa muuqata in ayba ogolaadeen in isaga
wax kasta lagu xaliyo. Way adagtahay qolooyinka taageeri
jiray isbahaysigu in ay arinkaas aqbalaan. Taasina waxa
ay adkaynaysaa in uu heshiiskani hirgalo.
Natiijada Shirarka Jabuuti
Waa wax fiican in la heshiiyo lana wada hadlo, taasi
waa sida kaliya ee lagu soo afjari karo mushkiladaha
siyaasadeed ee Soomaalida. Rajada ay dad badan oo aan ku
jiraa ay ka qabeen shirkan Jabuuti waxa ay ahayd in
heshiis macno leh oo waaqiciya lagu gaadho Jabuuti
laakiin waxa aad moodaa in taas iminka lagu hungoobay.
Natiijada shirkan ka soo baxday waxa ay noqotay:
- Qaybinta xoogagii islaamiyiinta ahaa ee
Itoobiyaanka ka soo horjeeday, halkii uu heshiiskani
keeni lahaa isu soo dhawaansho siyaasadeed oo
Soomaalida dhexdeeda ahna waxa uu heshiiskani dhalin
karaa dagaalo hor leh oo markan ka dhex dhaca
qolooyinka wadaada ahaa ee ku midaysnaa iska
caabinta Itoobiyaanka. Waxa laga yaabaa in uu
bilaabo loolan cusub oo hubaysan oo diin ku dhisan
oo aan hore loogu arag Soomaalida dhexdeeda.
- Waxa uu cadeeyay in wadaada Soomaalidu aanay
wali si fiican u ciyaari karin kubada siyaasada
Soomaalida. Qolooyinka Isbahyisga garabkooda
Jabuuti, mawqifkasta oo ay sheegeen in uu agtooda
muqadas ka yahay waa ay ka tanaasuleen. Arinkooduna
waxa uu dhaafi waayo kuraas la qaybsado. “Xabashidu
ilaa ay baxdo lama hadlayno TFG’da”, “awood qaybsi
lagama wada hadli karo ilaa ay Itoobiyaanku baxaan”,
“ujeedadayadu ma aha xukum ee waa in Itoobiyaanku
dhulka nooga baxaan.” Kuwaas ayay ahaayeen
mawaaqiftoodii muqadaska agtooda ka ahayd laakiin
natiijada shirarkan Jabuuti waxa ay markhaati u
tahay in ay intaasba ka tanaasuleen iyada oo aanay
cadayn wax wayn oo badal ah oo ay heleen.
- Waxa laga yaabaa in uu sii xoojiyo xoogaga aan
marka horeba ogolayn in la wada hadlo lana heshiiyo.
- Inkasta oo laga yaabo in uu heshiiskani dhaliyo
in Itoobiyaanku ay ciidamadooda kala baxaan
Soomaaliya, hadana waxa uu heshiiskani guul
siyaasadeed u yahay Itoobiya, waayo qaybsanka
Islaamiyiinta Soomaalida iyo in ay sii socodo
khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalidu waa hadaf
Istaraatiijiya oo ay Itoobiyaanku ka xaqiijiyeen
heshiiskan kaas oo ay ku gaadhi kari waayeen
cududoodii milatari.
Gabagabadii natiijada shirkani ma aha mid soo
afjaraysa mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida.
Shirkani iyo natiijadiisuna waxa mari doonaan halkii ay
mareen kuwii isga ka horeeyay. Siyaasada Soomaaliduna
waxa ay gashay waji cusub oo aan la garanayn meel ay sal
dhigan doonto
Siciid Cali Axmed
Said.ali.ahmed@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2008 |