SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

FAALLO: Heshiiska Jabuuti

Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya iyo Dowlada ku meel gaarka ah ayaa heshiis uu garwadeen ka yahay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane Axmed Wallad Abdalla ayna goob joog ka ahaayeen beesha caalamka, kuwooda daneeya arimaha Soomaaliya, sida:Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Masar, Jabuuti, Jaamacada Carabta, Midoowga Afrika iyo ururka wadamada Islaamka, ku kala saxiixday dalka Jabuuti heshiis hor dhac u ah sidii dalka Soomaaliya loogu dhisi lahaa dowlad wadaag ah isla markaana dalka looga saari ciidamada Ethopia ee sida sharci darada ku jooga dalka Soomaaliya.

Heshiiska Jabuuti ayaa caalamka oo dhan laga soo wada dhaweeyay madaama loo arko fursad kale oo looga bixin karo dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed mudada dheer, halka shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay soo dhaweeyeen halka iyana koox yar oo dano shaqsiyadeed wata ay ka soo horjeesteen heshiiska, madaama aysan u arkin xalkaas mid ka shaqaynaya danahooda qaaska ah.

Hadaba qormadaydan waxaan ku eegayaa waxyaabaha ku qoran heshiiska sida aadka ugu muhiimsan inay ka hirgalaan.

Qodabka Lixaad Heshiiska Jabuuti

In ciidamada Ethopia ay gabi ahaanba ka guuraan 26 Nov 08 goobaha kala ah Warshada Baastada, Xayle Bariise, Garoonka Cayaaraha iyo Wasaarada Gashaandhiga.

Qodabka 7aad Heshiiska Jabuuti

In Ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya uga baxaan gabi ahaantiis sida ku xusan heshiiskii Jabuuti 19 Agoosto marka la gaaro 120 maalmood oo ku eg 18 December 2008.

Qodabka 2aad heshiiska. Jabuuti

In si rasmi ah labada dhinac u joojiyaan xabada laga bilaabo 5 Nov 08.

Sadaxdaas qodab ayaa ah kuwa aad muhiimad gaar ah ugu leh labada dhinac ARS & TFG-da, sida hadba loo fuliyo ay ku xiran tahay inuu hirgalo heshiiska Jabuuti.

Marka aad eegto ARS waxaa muhiim u ah in Ethopia dalka uga baxdo sida ku qoran heshiiska Jabuuti waqtiga loo qabtey, halka qodabka labaad looga fadhiyo inay xabada joojiyaan 5 November 2008,si ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya uga baxaan.

TFG-da iyo Ethopia waxay eegayaan sida ARS u fulin karaan qodabada lagu heshiiyay heshiiska, ayna ugu horeyso inay joojiyaan ama hirgaliyaan 5 November 08 xabad joojinta sida ku cad heshiiska Jabuuti.

Hadaa eegto hadalada ka soo yeerayo kooxaha sharwadayaasha ee ka howl gala guadaha Soomaaliya ayaa si cad ugu baaqay inaysan joojin doonin dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ethopia iyo kuwa TFG-da, isla markaana ay ka soo horjeedaan Heshiiska Jabuuti.

Hadaba waxaa meesha kaaga soo baxaayo in joogitaanka ciidamada Ethopia ee magaalada Muqadisho inay jiraan kooxo hortagaan inay dalka ka baxaanEthopianka. sida ku cad Heshiiska Jabuuti, iyagoo u arka hadii ay dhacdo in ciidamadaas ay ku baxaan waqtiga loo qabtey inaysan sii jiri karin marmarsiiyo kale ay ku sii fushadaan danaha ama ujeeda badanka ay ka leeyihiin dagaalka ka holcaya Soomaaliya.

Waxaa cad isla markaana marag ma doonta ah in dhamaan dadka Soomaaliyeed ay ku dhibaatoonayaan dhibaatada ka aloosan dalkooda, dhibatadaas oo ay hurinayaan kooxo kala duwan oo dhamaantood u shaqeeya ama lagu shaqaysto una adeega cadawga Soomaaliya, hadii ay ahaan lahayd:

Kooxda Mbagath Zenawii, Kooxda Afawerki, Kooxaha sharwadayaasha Alqaacida, kooxaha isbaaroolayda iyo shaqsiyaadka danaystayaasha ah.

Hadaa eegto sida ay rabaan inay dadka Soomaaliyeed u marin habaabiyaan, iyagoo u aqrinayaa hadalo aan xaqiiq ahayn oo aan macno badan samaynin, iyagoo raba inay uga faaidaystaan danahooda qaaska ah ayay dadka u yeerinayaan eedamahaan Ethopia lala heshiiyay, TFG-da laga mid noqonayaa iyo waxaan jirin.

Marka waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed inay kooxahaan fidna walayaasha ah isla markaana u adeega shisheeyaha la rabaa inay su’aalaan dhawr su’aal oo aan u arko inay muhiim tahay inay ka jawabaan, si xaqiiqda aan u ogaano.

  • Hadii ciidamada Ethopia hadal lagu saarayo oo ay dalka nooga baxayaan maxay u hor istagayaan in la bixiyo ?
  • Maxay xal ah u hayaan Soomaalida hadiiba Ethopia iyo camiilada ay wadato na dhafaan ayna dalka ka baxaan?
  • Kooxahan iska soo horjeeda yaa u wakiishay inay dantooda hadii ay ka wayaan shir walbo, iskugu dayayaan inay dhibaato kale dalka sii galiyaan?
  • Ethopia labo sano ayay Xamar fadhidaa maxaa u diiday inay hal xero ka qabsadaan ama uga saraan xooga ay hada ku fanayaan?

Uga dambayntii waxaan shacabka Soomaaliyeed u soo jeedin lahaa inay danahooda gartaan isla markaana ka soo horjeestaan kuwa wajiga soo duubta ee iska dhigaya kuwa loogu soo waxyooday inay dadka Soomaaliyeed ku dilaan fadwo ay jeebkooda kala soo baxeen, iyagoo xeerinaya dano shisheeye iyo danta qaaska ah iyagoo dadka ku laxoowsanaya shaar diimeed oo qabiil ka soo urayo si ay u garaan dantooda qaaska ah, marka hadii Kooxna Zenawi uu ku adeegto kuwana Afawerki halka kuwa kalane Tora Bora looga soo gacan haatiyo dadka Soomaaliyeed goormay ka baxayaan dhibaatada ku haysata gudaha iyo dibadaba?.

Waxaan oran lahaa caqliga waa inuu shaqeeya looma baahna dagaalo beleedyo shaar diimeed lagu dhax qarinaayo, waxaan la yabaa goormay wadaado noqdeen Yusuf Indha Cade, Macalin Xaashi, Abuu Mansuur, Xasan Dahir Cuman Iimaan,,Xasan Turki IWM ah, halkeesa jireen 19 sanado ee la soo dhaafay markii dadka Soomaaliyeed is dooxayeen, mise hadaa loogu soo waxyooday inay dalka xukumaan kuna xukumaan rabitaankooda qaas ahaaneed halka aynu wada ogayn kooxda Mbagathi Camiilada Zenawi , Yeey, Cadde, Ali Geedi, Xusen Caydiid, Axmed C/salaam, Barre Hiiraale, Aden Madoobe iyo dhamaan Warlords uu maanta fashilkoodu uu gaarey meeshii ugu hooseysay kadib markii Zenawi uu gacanta ka taagay inusan Soomaaliya ku qabsan karin camiiladaan dalka Soomaaliya, marka caqli ma ahan in kooxda Afawerki ay noqdaan caqabad ama fursad kale uu dalka ku sii haysto Zenawi.

Mahadsanidiin

Yusuf ( MAY)
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS