SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa ka jira Badda Soomaaliya? 
 

Your browser may not support display of this image.W/Q: Xasan Al-Basri Sh.C/Qaadir Max'ed 

Waa qoraa, waxna kadhiga qaar kamid ah Jaamacadaha Magaalada Muqdishu 

Sida la og yahay waxaa mudooyinkan aad loo buun-buuniyaa Burcad-badeedda ka jirta xeebaha Soomaaliya, taas oo keentay in aduunku af labadii dhawaaqo, oo uu isugu yeerto xeebaha Soomaaliya. 

Dhabtii su'aalo badan ayaa qofka la socda arintan ku dhalanaysa, sida: Maxaa fursad u siiyay burcadda in ay hawshoodu si fudud u fushadaan iyada oo ay dhooban yihiin maraakiibta dagaalka ee reer galbeedka xeebaha Soomaaliya? Maxay tahay u jeedada dhabta ah ee ka danbeysa in ay ku soo gurmaan xeebaha Soomaaliya maraakiibta reer galbeedka iyo kuwa kalaba? Ma maslaxadda shacabka Soomaaliyeed baa iyo in ay si dhab ah ula dagaalamaan burcadda, mise maslaalix iyo ujeedooyin qarsoon ayaa jirta?  

Inaga oo ka duulaynno su'aalaha aan soo xusnay, waxaan leenahay: la iskuma diidana in ay jirto dhibaatooyin ka dhashay hawlaha ay burcad-badeedu ka wadaan xeebaha Soomaaliya, balse waxaan ognahay in ay mar hore bilaabantay arintan, ka hor inta ayna talada la wareegin Golihii Maxaakiimta Soomaaliya, sidoo kale aad ayaan ula soconnaa in maxaakimtu ku guulaysteen in ay meesha ka saaraan hawlahaas burcad-badeeddu ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Balse markii ay meesha ka baxeen ayaa waxaa laba kacleeyay hawlihii burcad-badeedu ka wadeen xeebaha Soomaaliya iyo gobolkaba, taas oo keentay in ay dhibaatooyin soo gaaraan hawlihiis ganacsiga aduun guud ahaan, gaar ahaan gudaha Soomaaliya, waxaase dhacaday in ay iyada oo ay joogaan maraakiib dagaal oo ay leeyihiin reer galbeed ay laba jibaaranto hawlahaas burcadnimo, taas oo lagu fasiray in ay tahay arin si qasad ah loo sameeyay, oo iyaga oo wax badan ka qaban kara ay indhaha ka fiirsadaan.

Dadka ka faallooda arinmahan waxay ku doodayaan u jeedada dhabta ah ee ay reer galbeedku wax uga qaban waayeen in ay tahay iyaga oo doonaya in ay u noqoto arinta burcad-badeedda iyo ka hortageeda mar-marsiiyo u suurta galinaysa in ay faragalin ku sameeyaan Soomaaliya, arintaas oo markii si dhab ah loo eego u muuqanaysa mid ay wax ka jiraan, maxaa yeelay waxaan aragnaa in buun-buunintii arintan ay sharci u siisay maraakiibta reer galbeedka in ay ku soo gurmaan xeebaha Soomaaaliya.

Sidoo kale waxaan ognahay in Soomaaliya ay leedahay Bad aad u dheer islamarkaana laga helo kheyraad aad u badan oo macaadin ah, kalluunka iska ceegaaga warkiisa daa, taas oo ayna jirin cid ilaalinaysa, hadaba waxaa muuqata in ay fursad aad u wayn u tahay maraakiibta imaanaysa badda Soomaaliya in ay sida ay doonaan uga faa'iidaystaan Badda Soomaaliya.

Arinta kale ee khatarteeda leh waxa ay tahay in wadamada ku hor maray xaga warshadaha iyo kuwa haysta hubka Nugleerka ay meel u la'yihiin haraaga iyo sunta ka soo hartay warshadahooda iyo hubka Nugleerka, Soomaaliyana waxaa lagu tiriyaa in ay tahay meesha ugu badan ee lagu qubo wax yaabahaas, iyada oo aan og nahay in markii loo fasaxay maraakiibta caalamiga ah Soomaaliya aan meeshaba la soo dhigin ka ilaalinta xeebaha Soomaaliya arimahan oo kale.

Hadaba gabagabadii waxaa muhiim ah in daddka Soomaaliyeed ay ogaadaan in madax banaanidoodii iyo kheyraadkoodii halis ku jiraan, iyada oo mar- marsiiyo laga dhiganayo mushkilad xalkeedu aad u fudud yahay haddii daacad laga noqdo.

xalbasri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS