SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Baaq Gabay

Abwaan abshir salad ciise {Roble}
Kala xiriir : mr_roble@hotmail.com



Ku belaabay magaca Alle Naxariir iyo midgaaraba naxariista , bulshaweynta somaliyeed waxaan u soo bandhigayaa Gabaygaan Baaq , gaar ahaan Habweynka ku dhaqan gobolada puntland , gabaygaan wuxuu taabanayaa sidii eey ahaan jirtay puntland iyo sada eey maantay tahay waana kaaf iyo kala dheeri waxbadan yaanan hadalkugu daaline waxaa ka dhex heleeysaa Gabayga oo taabanaya maamulka ka jara oo diciifay iyo digniin musharixiinta ah , gabaygaan waxaa Alifay Abwaan abshir salad ciise { Roble} waxaana la tiriyey 29/10/2008 wuxuuna yirir !!

1. Baydka ugu horeeyaan , aan ku bilaabay bisinkee
2. Bogan waayey hurdoo , oo xalaan soo baraarugay
3. Baaq anoo qoraya , Oo babinaaya calanka
4. Barta aan u jeediyo , aan u bayro dulucdee

5. Buntlaaneey waxaad tahay, Baarafuun ka caraf badan

6. Bilic iyo wanaag badan , Baal nabada baa tahay
7. Burburkii dalkeena , adaa bantay bulshada
8. Baruur iyo ku dhayey subag , Oo aan beel u kala dhigin
9. Binu aadan wada simay , saxan baafa ugu riday
10. Beled lagu negaadoo , Lagu baahi beelo
11. Beryo lagu nastaatay , barbaartuna ku naaxdo
12. Balse waxaan tirsanayaa , Ama baaq ku leeyahay
13. Belbel iyo dab baa tahay , nabaduna ka bayrto
14. Meel la isku baarto , Burcaduna ku badan tahay
15. Beriga is ka dhaafoo , bada la isku baartaa
16. Dhankale baan u baxayaa , burhaan ma ila socotaa

17. BIlcaan laaskii waan Tebey , Barbarada aboor cunay
18. Booliiskuna ma helo biil , baahi buu la jiifaa
19. Mulateriga boodana , birtuu calashanaayaa
20. Beerkii bog kama xigo , usna waa bukaan jiif
21. Bulsho weyn ma dheregto ,bisiniskuna dhulkuu galay
22. Beeso aan lagaranayn , baa beeydka lagu sameeyaa
23. Sicir barar ka kicisoo , bederka aan la gooyn Karin
24. Baadiyaha abaar baa , duunyada ku baabi in
25. Booyad biyaha qaadiyo , baan looma geeyo
26. Laami la isku baacsado , baabuurtu marin maleh
27. Markab baaxad weyn lihi , baroosiga ma dhigan karo

28. Baasiinka ceeriin , rag baa biro ku qodaya
29. Baaranaaya khayr koo , laboodaaya kii badan
30. Macdanta soo bexeeysana . buug iyo qoraal ma leh
31. Waxaan baabku soo xiray , ama baaq ku leeyahay
32. Baarlamaanku kala diris , ka bedela ku wii hore
33. Kuwa been ku naaxdaa , berri yaanuu soo noqon
34. Barisidhentaha ma ogolin . in uu liiska buuxsado
35. D oorashada ku soo boxo , beled kuna ka siidaro
36. Midka baarka xiirtee , ku fekeray in uu boxo
37. Baanbooyda loo tumo . iga hoo barkaaga
38. Hadii aad burseel tahay . bedelaynin xaajada
39. Boqorku kuguma saacido ,biladana lagaa qaad
40. Hadii aad bashaash tahay , bulshadana u roontahay
41. Adoon bixin baqshiiSH , barkhad eebe kugu keen
42. Bahweyntoo dhan soo bexe . biladana laguu geli
43. Buraanbur iyo mashxaradiyo , boqolalaal kun soo bexe
44. Bilkhayr nuurtay noo noqo , barkaan tebayo soo celi
45. Adiguu baroon ridin . baabuur lagaa gubin
46. Baafinta wax ugu sheeg , intaa la isku baabi in
47. Barkaygii ma celiseen , mise bilaawe dhiigaan
48. Barbarka idinka geliyaa , baaruud idinku dhaashaa
49. Ba.aleey Gabaygii waan xiray , nabad baann uga baxay

Abwaan abshir salad ciise {Roble}
Kala xiriir : mr_roble@hotmail.com am siciidsamatar98@hotmail.com
ama Yahoo: abshir_salad@yahoo.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS