SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gaaleysiinta Musliminta Jihaadka ka mid ma aha Q:1aad

Waxaa waayaahaan dambe Dunida Muslimka oo dhan ka jiray Fidnooyin isdaba joog ah oo mid walba ay yaraaneyso marka loo eego tan ka dambeysa, waxaana Fidnada sii balaariyay in ay kuwii aqoonta lahaa afka qabsadeen amaba danta shib ku siisay, Caamadiina Culimo ismooday oo ay ka Fatwooneyso arimo waa weyn sida Masiirka Ummada, Dhiiga iyo Sharafta Muslimiinta, waxaana si gaar ah wadanka Soomaliya ku soo batay Dhalin yaro ama Odayaal xoogaa Cilmiga Diinta wax ka yaqaan ama Dacwada kaalin ku leh ama Jihaadka magac ku yeeshay oo Culimo Muftiyaal ah ismooday kana hadla wax walba oo ku saabsan Diinta Dalka iyo Dadka Somaliyeed ayaga oo aan laheyn darajo xaga Cilmiga ah ee ay arimahaas wax uga yiraahdaan, weliba waxaa qaarkood aaminsan inaan wax Fatwa ah laga qaadan cilmina lagu tixgalin ruux hadii uusan qori garabka ugu jirin, waxaa ayna dhalin yarada xamaasadeysan si cad ugu sheegaan in ay Culimada saxda ah yihiin kuwii geeriyooday 60 sano ka hor ama kuwa Duurka ku jira ee Gaalada eryaneyso, ama ku jira Xabsiyada Caalamka ee u xiran magaca Diineed ee aysan Culimo aheyn Culimada joogta Caalamka Islaamka intooda kale, waxaana muuqata in ay aaminsan yihiin Shuraadaha Muftiga in ay ka mid tahay in Ameerika ku tilmaanto Ruuxa inuu Argagixiso yahay haduu doono jaahilba ha ahaadee, arintaasna waxa ay albaabada u furtay in Caamadii dad aan Culimo aheyn moodo Culimo maadaama Cadawga Islaamka kula dagaashan yahay magaca Diinta, taasoo keentay in ay soo baxaan kooxo dadka u kala bixbixay magacyo wax loogu dhimaayo Sharafta Muslimka ama laga yaabo in lagu baneesto Dhiiga muslimka …. iwm

Sidaa daraadeed waxaan rabaa in aan Maqaalkaan oo taxane noqon doona kaga hadlo arimo badan sida:Caalim mufti ah waa kee, Caamada Fatwo ma u banana tahay ama Cubbaada, maxey Diinta ka qabtaa Gaaleeysiinta Muslimiinta , maxaa ka dhalan kara oo dhibaato ah Gaaleeysiinta Musliminta, iyo arimo kale oo fara badan aniga oo soo guurin doona Fataawi fara badan oo ay Culimada muslimiinta ka soo saareen arimahaas ama soo xigan doona kitaabo laga qoray arimahaas hadii illaah (cw) idmo…

Marka hore waxaa laga maarmaan ah inaan ka hadalo sababta kaliftay mowduucaan maxaa yeelay waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay garan waayaan Dulucda maqaalkaan hadii aan loo faahfaahin meesha uu ku wajahan yahay .

Maqaalkaan waxa si toos ah ugu saabsan yahay Shaqsiyaad ka mid ah kooxaha Saxwada Soomaliya, gaar haan waxaa uu daba joogaa hadalo isdaba joog ahaa oo mudooyinkii la soo dhaafay ka soo yeerayay Shaqsiyaad ka mid ah Xarakaadka ka jira Soomaliya haba ugu horeeyo ninka la yiraahdo Abuu Zubeyr oo ah madaxa Kooxda Alshabaab ,Abuzubeyr waxaa la dhihi karaa waa qofkii ugu horeeyay ee si toos ah ugu bareeray inuu Culimadii horjoogtay Kacdoonka Maxaakiimta ku tilmaamo in ay yihiin Wadaad Xumayaal markii loo caleemo saaray inuu yahay Amiirka kooxdaas si iclaan ah taaso ku beegneyd xiliyadii la dhisay Isbaheysigii Dib u xoreynta oo xaruntiisa aheyd Magaalada Asmara, waxaa ayna kooxdaas sidoo kale soo saareen Bayaano ay wax kaga sheegayaan dhismaha Isbaheysigaas ayagoo tuhunsanaaya Diinka Culimadii joogtay Asmara, waxaana xigay kalimad maqal iyo Muuqaal aheyd oo uu jeediyay ninka la yiraahdo Sh Fu,aad oo uu ku shegayay inu kaga hadlayo waxa ay Shareecada ka qabto Dhismaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta, taasoo uu ku tilmaamay in Culimada joogta Asmara ay ka leexdeen Istiqaamadii (Jidkii Toosnaa) waxaa kaloo hareer socday hadaladaas iyo Bayaanaadkaas kalimado Masaajida laga jeediyo oo si toos ah iyo si dadbanba loogu Gaalnimo xukminayo Guud ahaan Shacabka gaar ahaan Culimada Soomali.

Xaalada markii ay halkaas kasoo gudubtayna waxaa soo ifbaxay qilaafkii soo kala dhex galay Culimadii markii hore wada joogtay Magaalada Asmara Heshiiski Jabuuti ka dib, waxaan cirka iskusii shareeray dhaqan xumudii lagula kacayay Muslimiinta Guud ahaan gaar haan Culimada qeytii u guurtay Jabuti ayadoo rag ay ka mid yihiin Sh xasan turki iyo Abu Mansuur si cad u Gaaleysiiyeen, waxaana barbarsocda muxaadaraad lagu qabto Masaajida oo si cad loo leeyahay Sh Hebel waa Gaaloobay (illaah ma qadaree) ama guud ahaan kuwa Heshiiska Jabuuti Saxiixay oo dhan, waxaana Muxaadaraadkii ugu dambeyay ee ka dhcay qaar ka mid ah Magaalada Muqdisho oo uu Sh Fu’aad ninka la yiraah jeediyay ku sheegay in dad dagan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho uu dhiigooda Xalaal yahay oo la laayo ayadoo ay goob joogayaal ka yihiin halkaas dad ka badan 200 dhalin yaro ah asaga oo ku eedeynaya waxa ay la jiraan Dowlada C/llaahi yusuf ....

Sidaas daraadeed waxa lagama maar maan ah in wax laga yiraahdo arimahaas maadaama ay kasoo muqato in ay sababi karaan dhibaatooyin hor leh oo ka sii dhaca wadanka Soomaliya 18 sano ka dib, waxaanan soo guurin doonaa waxa ay Culimada Muslimiinta ka yiraahdeen arintan ku Saabsaan in Muslimiinta la gaaleeysiiyo iyo waxa ka dhalan kara hadii illaah (cw) idmo, waayo waxaa halis ah hadii arimahaan qatartooda aan leesku baraarujin oo aan loo nasexeynin kuwa ku kacaaya in ay la qabsadaan oo ay maleeyaan Asal sax ah oo Diinka ka mid ah taasoo sababi karta in ay abuurmaan kooxo Bidco ah oo arimahaas Diin ka dhigta( illaah ma qadaree)..

Waxa uu yiri Sheekh la yiraahdo Dr Naasir ibnu C/kariim oo wax ka qora in badan arimaha ku saabsan Caqiidada mar uu ka hadlayay Khawaarihta iyo Muhiimada ay leedahay in laga digtoonaado Dhaqankooda…

كما أني أخشى إن لم تعالج هذه الظواهر ويناصح أهلها أن تتجارى بأصحابها وتتأصل وتتكاثر،حتى تكون بذوراً للأهواء(لا قدر الله). هذا ولا يحسن بل وليس من الحكمة أن يدعي المسلم أنه في مأمن من الأخطاء والأهواء كيف لا والنبي صلى الله عليه وسلم المعصوم كان يقول: "يامقلب القلوب والأبصار ثبت قلبي على دينك" –صححه الألباني رحمه الله في صحيح الجامع الصغير(4677).

Waxaana uu yeaalan doonaa Maqaalkaan qeybo kale maalmaha soo socda ee lasoco....

Waxaa soo diyaariyay Asad Cali Axmad

asadcnx@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 4, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS