SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SI AAN HASHA DHIIG LOOGA MAALIN!!!!

Soomaalida qaarkeed qoladii ay nacaan waxay ku habaaraan “Tiih iyo tala waa!!”. Inkastoo aananan luqad-yahan ahayn, haddana waxan u malaynayaa in “tiihu” yahay marka qofku uusan si dhab ah u ogeyn meesha laga haysto, “tala waaguna” yahay inuu qofku qaato go’aan khalad ah, oo qiima badan ugu kaca, waqti aysan jirin fursad lugu saxo.

Ma ihi caalim ehel u ah inuu rayigiisa iyo xujadiisa ku “af-tiro” dadka kale, mana ihi qof jaah iyo sumcad dugsanaaya oo ra’yigiisa ay u dhag raaricinaayaan taageerayaal uu leyahay, ama af-maal suugaan macno fog leh wax ku soo jiidan kara. Sidaa darteed ma filaayo inuu maqaalkeygu wax badan dooriyo kumanaanka maqaal ee is-garbinayasa iyo afkaaraha kala jeeda ee ku xardhan saxaafadda soomaalida. Haddaba anigoo ka mid ah caamada Muslimiinta Soomaaliyeed, dhacdooyinkuna saamayn toos ah iyo mid dadban igu leeyihiin waxaan arkay inaan qoro waxa ii muuqada, anigoo ka rejeynaaya akhriste kasta ee uusan farax gelin qoraalkeygu inuu ii cudur daaro ogaadaana inaan wanaag u jeedo.

Waxay dad badan oo wax qori jirey ku siganyihiin inay qalmaantoodu guraan oo inqaastoodu qallasho waxaana ugu wacan wareerka qaddiyadeed ee haysta shacabka Muslimka ah ee soomaaliyeed iyo tala-waaga lugu imtixaamay dadka isu xil-saara inay metelaan.

Ku dhawaad laba sano ka dib markii aan qorey maqaalkeygii “Muqdisho, Dhadhanka ciidda iyo shiirka gumaysiga” kaasoo aan kaga warramay sidii aan u weynay farxaddii ciidda Carafo markay gaaladu na qabsatey, Waxaan maanta jeclaa inaan wax ka qoro dhacdooyinkii aan anigu shakhsiyan shaahiday.

Waxaa fiicneyd inaan is bar-bardhig ku sameeyo farqiga u dhaxeeya Xabashida iyo madiidinkooda berigii ay soo galayeen Xamar iyo Jubboyinka, islaweynidii iyo shaafeertankoodii iyo manta oo markaad wejiyadooda aragto aad moodayso in loo wado tiirka toogashada.

Waxaa bilneyd inaan cabbiro, niyadda birta ah ee Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo sida ay ugu qoslaan mar kasta oo gumaysiga iyo shaqaalohooda ay fariin caga-jugleyn ah soo diraan. Waxaa wacneyd inaan ka sheekeeyo qisooyinka kuwii shahiiday, kuwa goostay inay shahiidaan, iyo kuwa diyaarka ah. Waxa habooneyd inaan sawiro dhibkii soo gaarey shacabka, hooyooyinkii gablamay, caruurtii agoontowday, kuwii sida xoolihii meel lugu xareystay ee lacag la siistey, kuwii xoolohooda iyo dhiigooda la bannaystay, kuwii sharaftooda meel looga dhacay ee dhaawacdayada waayen jirkooda iyo dareenkoodaba loo geystay.

Waxaa habboneyd inaan caddeeyo dharaandhirin iyo saafid taxaddar leh ka dib, in Shacabka Soomaaliyeed uu yahay birlab aan la sahal lugu loodin karin balse ay duruufuhu ka hilliyeen.

Waxaan wanaagsanayd inaan ku digto kuwi laga harsan waayey oo kibirka iyo akhlaaq-xumada isku suntey, sidii qaarna dacar-ta loo leefsiiyey gaarna ay kabahooda uga carareen, qaarna ay hoos-kooda iska ilaaliyaan.

Laakiin …. !! waxaa jira xanuun aan wax badan la taxarsaneyney oo waxaasoo dhan na illowsiiyey…hadii waranka cadawgu naga asiibey wadnaha, waxaa jira mid aan qarsanayno oo nooga taagan “xabaysta!” iyo meel aan dadka la tusi karin. Hadii cadawgu naga jebiyey daanka iyo shanshada, waxaa jira sokeeye na jebiyey kubka iyo biixi aan kabis lahayn!.

Lama yaqaanno si loo sheegto iyo si looga aamuso toona. Inkastoo aan wax badan manuunsannay oo aan hadda billownay inaan hirmacno, waxaa muuqata in cadawga iyo sokeeyaha labadaba ay ka go’antahay inay suuskooda si waafi ah nooga beegtaan, iyagoon kala jeclayn inaan qosolno iyo inaan oyno!

Dad badani waxay ku doodaan in dhibaatada na haysata ay sababtoodu ku koobantahay cadawga gumaysiga ah ee na qabsaday, iyo luggoyada ay weligooda reer Bariga iyo reer galbeedku nala daba socdeen, hase yeeshee waxaa xaqiiqo in wax badan oo ka mid ah ay sabab u tahay annagoo marka hore is-moogeysiinna inta ay arrimuhu hoos u qodan yihiin, annagoo aysan noo caddayn cidda aan dagaalka kula jirno, iyo saamaynta ay yeelan karaan hadalladeenna , ficilladeenna iyo hab dhaqankeennuba.

Kacdoonkii Maxkamadiihii Islaamiga ee 2006 wuxuu abuurey fursad ay dadka wanaagga jecel ay wax uga qabtaan dhibaatada ragaadisey koonfurta Soomaaliya, hase yeeshee waxaa jirey “talo-waa” la kowdsay markii ay soo baxeen, iyagoo ku guul darreystay inay si mideysan u sheegaan waxa ay yihiin, cidda ay la dagaashan yihiin, ujeeddadooda.

Sababihii keenay inay maxkamadihii Islaamku dagaalka uga adkaadaan isbhaysigii argaggaxa waxaa ugu muhiimsanaa taageeradii xagga tababarka iyo ciidanka ee ay ka heleen dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab oo ahaa awoodda runta ah ee maxkamadaha, iyo aqbaladdii ay ka heleen qaar ka mid ah culimada, wax garadaka iyo inta wanaagga jecel ee shacabka soomaaliyeed. Halkaas waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo in Al-shabaab iyo kooxaha kale aysan midkoodna awoodi lahayn inay soo hooyso guulihii ay ku gaareen isku duubnida.

Inkastoo ay ahaayeen iftiin soo baxay loogana diirsaday dhulkii ay gaareen, loogana hanaqal taagey meelaha aysan weli gaarin, haddana waxay la mid ahaayeen hal jir oo ay ”dhowr nafood” kujiraan, oo midba dhinac u jiidanaayo, taas ayaana keentay in marar badan wax lagu fasiro la garan waayo hab-dhaankooda kala duwanaa iyo kala hadalkoodii joogtada ahaa. Waxaa jirey ”is-kahsi” xagga habdhaqanka ah, waxaana si aad ah u caddaa inay yar tahay kalsoonida laysku qabo, laakiin waxaa la aaminsanaa in la heli doono fursado dheeraad oo waxaa jira laysugu caddeeyo, iyadoo la door biday in loo korto inta ”keynta gubanaysa” laga baxaayo, laakiin taas waxaa ka soo hormaray qaddarta Alle iyo bur-burkii deg-degga ahaa ee ku yimid maxaakimta (sabab kasta ha lahaadee).

Waxaa ka hoosbaxday talo muhiim ah markii ay ku guul darreysteen inay kala doortaan laba dariiq iyagoo doortay inay wax qar-qariyaan. Labada darqiiq waxay kala ahaayeen (1) In Golihii Maxaakimtu uu qeyb ka noqdo Jihaadka Caalamiga ah ee ay reer Galbeedka kula jiraan Musliminta kale ee dulman ee caalamka sidaasna wax lugula qeybsado mujaahidiinta kale ee ku hawllan arrimahaas. (2) iyo in ujeeddadoodu ay ku koobantahay inay nidaam iyo kala dambayn ay ku soo celiyaan waddankaan dhibaatadku ku raagtay iskuna xukumaan shareecada Islaamka. Taladaas dayacantahay waxay keentahay ina lakala hadlo, la kala dhaqan duwanaado, ugu dambayntiina qolo walba ay raadsato cid ay ku kaashato taageeridda aragtideeda.

Haddaba maanta waxaa mar kale nala gudboon talo, waxaana loo baahanyahay inaan sidii horey u dhacday uusan dhinac kasta wax ku xugmin xamaasaddiisa, carada, jacaylka iyo nacaybka uu u qabo dhinac kale. Waxaan filayaa in dhinac kasta uu qabtay hawl aad u dhib badan oo ah in la huro naf iyo maal loona babac dhigo cadaw arxan daran oo ay dhab ka tahay inuusan laf iyo hilib toona reebin. Hase yeeshee waxaa muuqata inay ku guul darraysn doonaan arrin kaas aad uga fudud oo ah inuu qofku xamaasaddiisa iyo dareenkiisa xakameeyo, dul-qaato, dadka kale ku dhegysto “dhego laab u daloola”.

In badan oo ka mid ah dadka wax qora waxay hiwaayad u ah inay si daran u naqdiyaan (oo meyd garaacaan),qolyaha dowladda naanaysta ka dhigtay, iyo kuwa taageera, iyagoo kasoo qaadaya in dadaka xabashida la dagallamaya ay ceeb ka saliim yihiin ama aan la gaarin waqtigii wax laga sheegi lahaa, haddaba taasi ma aha caddaalad, waxaanna hubaa in kooxaha mujaahidiinta iyo muqaawamadu aysan ka khalad yareyn, cadawga muuqda iyo midka qarsoon, saxaafadduna si ay runsheeg u noqoto loo baahanyahay in ay si isku mid ah u iftiimiso.

Waxaa madax lasoo baxay sheydaankii oo ku guuleystay inuu qolo kasta u qurxiyo khaladkooda. Waxaa cod dheer lugu maqlayaa sheegashooyinkii dhalnteed-ka ahaa ee qolo walba ay dadka u sheegi jirtey inay iyaga oo kaliya ay u dagaallamaayaan ilaahay dartiis, inta kalena ay ku dagaallamayaa “raayo” mugdi ah iyo dariiq khaladan oo uusan Ilaahay ka raalli ahayn.

Waa jidkii ay weligoodba mari jireen Islaamiyiinta oo tii ugu geesa-weynaata ay billabi jirtey inay geedaha kala baxdo kuwa kale ilaa ay iyada iyo dugaaggu isu soo haraan! Waxay billaabeen is-yasiddii, kooxaysigii, yooyoontankii, waxa harayna waa in mid dhur daran (Sida kii boqna jarey hashii Nebi saalax) uu dilo mid ka mid ah dhinaca kale, halkaasna ay cagta saaraan waddadii halaagga, sidii dhacday markii la diley hoggaamihii Jabhadda Salifiyiinta ee Afgaanistaa Sh. Jamiilurraxmaan (Ilaahay ma qaddaree)!!

Sh. Xasan iyo Sheekh Shariif

Walaalayaal ma rabo inaan ku dheeraado dhacdooyin hore, iyo inaan idiin kala garqaado, oo aan idin kala xukmiyo sidii ay yeelaan dadka wax qora barkood. Haddii horey laydiin dhihi jirey “ Culimada daaya”, maanta waxaan laga maarmayn in wax laysu caddeeyo.

Haddii sida aad ku socotaan aydan dhaqso uga soo laaban, waxaad ku dambi tihiin Xabashida, hadii aydan ka dabmi badnayn. Taariikhdu waxay qori doontaa in iyadoo ay iska dhicinta cadawgu mareyso meel aad u rajo wanaagsn, aad u qasadeen inaad dantiinna shakhsiga ah raacataan ama aad dareenkiina qofnimo ama danaysi kooxeed aad ka doorateen midnimadii. Waxaa diiwaanka geli doona in sidii ay dadka soomaalyeed idiin soo eegaayeen ay ogaadeen in halkii ay khery ka sugaayeenna ay shar maliiqan kasoo butaacdey. Walaalayaal kolley ma filaayo inuu midkiin tanaasulo kan kale, laakiin hadii aad tiinna raacateen joojiya sheegashada masuuliyadda dadka dhiiggooda daadinaaya, si ay hoggaankooda u doortaan, si arrinku uusan saamayn ugu yeelan jabhadda gudaha, khaladkiinnunu uu u noqdo mid idinka idinku kooban.

Ilaahey ma wuxuu idin amrayaa inaad dad ay duqeyn iyo xasuuq kusocdaan oo masaajidda lugu gawracaayo aad idaacdaha uga baahisaan tafaraaruq iyo kala tag? Ilaahay ma amro foolxumo ee fadlan isu noqda haddii ay wax wanaag ihi idinku hareen, hadii aydaan sidaas yeelin, kolley Ilaahay jid ayuu noo furi doonaa, taariikhduna ma naxariisan doonto waxaadna ka geli doontaan meesha ay ka galaan kuwa kale ee xumaha fala.

Waxaa lala dhakafaarsanaa khilaafka idinka iyo Al-shabaab intii aad isku dayi lahaydeen inaad kaas xallisaan, side naftiinu ugu raalli noqtay inaad intii kale kala dirtaan?? Fadlan kusoo noqda waddanka oo taga meel aad idinkoo xor ah aad ku wada hadli kartaan.

Sh. Xasan ma waxaad leedahay Efawarqi iyo Xuseen Caydiid dhexdooda ayaan dowlad Islaami ah kasoo wadaa?? Waxaa fahmi waayay sababta ay reer galbeedku kuu dhahaan waa wadaad mayal adag!! Fadlan ku soo noqo dariiqii lugu ballamay ama sida qeyrkaaba yeelay iska naso hadii aad caajistey adigoo aan masuuliyad sheeganayn.

Sh. Shariif, gartu Ilaaheed ayay taqaan adiga si gaar ah ayaa fartu kuugu gudantahay, waxaa muuqata inaad ka dallacday dadkaaga oo aad ku tashanayso wax kolley aad adigu ogtahay. Haddii aad arrinka Jabuuti kheyr ka raadinaysay, waxaa caddaatey inuu shar yahay, hadii aad tan dambe lafteeda u qasadday, uma horreyn doontid nin isagoo nool xijaabtey, waxaanna kaaga digey ciribtii Yacquubkii Masar!. Fadlan hadii dariiqu kugu dheeraaday inta kale ha niyad jebin ee ama kusoo noqo ballantii aad dadkaaga u qaaddey ama iska nasoo adigoo aan masuuliyad sheegan, dadkana kala qeybin, xoogana kala dhantaalin.

Sh. Cumar Imaan

Marna ma isweydiisay waxay ay soo kordhinaayaan fatwooyinka aad usoo ridayso sidii wiil dhallinyaro oo qori deegta u saran dhawr xabbadood ka riday isagoo aan u aaba yeelin meesha ay ku dhacaayaan, cidda dhibsata iyo cidda ku faraxda? Maxay fatwadaadu ku soo kordhinaysaa dad aad awalba iskhilaafteen???. Maxay taraysaa fatwo uu adiga waaqicaagu burinaayo?

Fatwada sheeku waxay qiima ku leedahay in ay wax u caddeeyaan dad masalo doon ah oo aysan fatwooyinka ka qiimaha laga qaadin lagana dhigan aalad laysku difaaco. Tusaale ahaan hadii lagu wediiyo su’aashaan oo kale waxaa laga yaabaa in ay dadka qaarkii wax ka faa’iidaystaan (maadaama ay aad ugu murmaan):

Tee ayay ku jirtaa maslaxadda dadka, diinta iyo dalka Soomaaliyeed: In loo dhiso dowlad la mid kuwa ka jira waddamada wadaaddo badan ay qoysaskooda geysteen (oo reer galbeedka u nacamleysa) iyo in ay iska samraan inta uu ka guulaysanaayo jihaadka caalamiga ah ee lagala soo horjeedo reer galbeedka, dunidana ay ka hareyeyso caddaaladda Islaamka, si qofkii geeriyoodana uu shahiid u noqdo kii noolaadana uu sharaf ugu noolaado? Ma noo saafi kartaa mowduucaas, marka aad xor noqoto ka dib??

Garabka Jabuuti

Sh. C/raxmaan Jinaqow, Dr. Daahir Geelle, Prof Sh, Ibrahim caddaw…. aaway cod-karnimadiinnii, aaway fasaaxadii uu ilaahay idin siiyey oo aad xaqa ku caddayn jirteen? Maxay tahay sababta aad laba kelmadood oo lugu qanco isugu xijin la’dihiin? Maxay tahay sababta aad geedaha isuguu aadinaysaan? Jawaabtu waxay tahay waxa cod-karka ahi waa xaqa iyo runta!!

Walaalyaal xaqu waa bariiranyahay, baadilkuna waa silloonyahay. Waxaa muuqata inay wax idinka khaldanyihiin. Waxaan dhici karta in arrinka jabuuti idinka yahahy xujo fur aad u samaynaysaan reer galbeedka sidaasna aad u kabateen dacartii(heshiiskii) ay walaaqeen. Laakiin waxaa muuqata in waxa laydiinku xujeeey ay yihiin “dhunkaal” lugu dhinto oo wax dawo ah aysan ku jirin.

Walaalayaal arrinka “Mustacmaradda” Jabuuti ka socda wuxuu jahawareer ku riday dadkii idinka amar qaadan jirey oo raayadiinna ka hoos dagaallami jirey, wuxuu ciidankiinni ka dhigay agoon waxayna ku khasban yihiin inay dhinacyo kale ku biiraan ama ay hhubka dhigaan oo madax ciidda gashadaan. Haddii ay taasi idin danqinayso waxaa laydinka sugayaa inaad soo noqtaan, hadii aydaan kala jeclayn, malaha kuwaan moodnay ayaadan ahayn!.

Walaalyaal waxaa adag in la kala garto qofka wanaagga kuugu naseexaynaaya iyo kan jeesjees iyo jaa’ifo u jeeda, laakiin runtu waxay tahay inay wax badan iska kiin beddeleen, Xitaa waxaa isbeddelay wejiyadiinna!! Ma aha wax aan tebaayo cimaadadihii madax idiin saarnaan jirey, ama inaan qoonsaday luqun-xirka aad isku merjiseen. Ilaah baan idinku dhaarshee is daba qabta, haddii aad wanaag u jeeddeen aniga waxay ila tahay inaadan dariiqiisi haynin, hadii aad wax kale u jeeddeena, ma ihidiinn dadkii laga malaysan lahaa. Fadlan mar uun ku soo noqda sidiinnii, si ka fiicanba ha joogtee!

Sida muuqata Ilaahay fursad aad ku soo noqotaan ayuu idin siiyey maadaama wixii la weday ay iska burbureen, fadlan haka daahinnina inaad waxaas ka beri noqotaan waddankana aad ku soo noqotaan si aad u dhaydaan boogihii ka dhashey khaladkiina, una badbaadisaan wixii kumanaanku u shahiideen, u dhaawacmeen ama u barakaceen.

Garabka Asmara

Walaalayaal anigu runta ahaantii waa ogahay waxa u dhaxeeya Al-shabaab iyo maxkamadaha intooda kale ama alshabaaab iyo isbahaysigii dib-uxuraynta, laakiin anigu iima muuqdo farqi weyn oo idiin dhaxeeya idinka iyo qolyaha Jabuuti. Sababtu waxay tahay Al-shabaab ma aqoonsana wax la yiraahdo Beesha Caalamka, qaramada midoobay iyo xuduudaha ay gaaladu calaameeyeen. Laakiin adinku inta aan ka war qabo waxaad aqoonsantihiin waxaas aan soo sheegay. Anigu ma fahmin koley hadii farqigiinnu uusan ahayn wax weyn sababta aad ugu yaraa midnimada kelmadda u ilaalin weyseen oo aad ugu ekaysan weydeen inaad diidaan wax ay wadaan inta layska soo gaaraayo? Waxa aad isku haysaan sow maaha hala hadlo iyo yaan lala hadlin?? Taasi ma u qalantaa in loo gawraco midnimada iyo wada jirka, si jaha wareer iyo niyad jab loo geliyo shacabkii isku kiin hallaynaayay??

Ma waxaa wax kasta idinkala weynaaday inaad raalli gelisaan dowladda aad martida u tihiin oo la hubo hadii ay teeda idinku gaarto inaysan qaddarin doonin taageerada aad siiseen mowqifkooda.? Fadlan waddanka ku soo noqda.. waxaa laga yaabaa inay wax kasta fududaadaan markii la tago meel xor la yahay.

Maxaakimta Gudaha

Walaalayaal waxaa Ilaahay iyo addoomadiisuba ay marqaati ka yihiin inaad hawl weyn oo dawladaha qaarkood aysan qaban karin qabateen, cadawga soomaaliyeedna aad xanuunjiseen, dhiiggiinna qaaliga ahna aad hurteen, hase yeeshee muuqata inuu idin soo wajahay jahawareer weyn oo su’aal gelin kara hadafkiinna. Waxaa idinkula talinayaa inaad yeeshaan sidaa: (1) Inaad ku dhawaaqdaan hogaan ku meel gaar ah muddo cayiman leh (2) Inaad muddo u qabataan hoggaankiinna kala qeybsamay ay kusoo galaan waddanka gudihiisa (maadaama ay duruuftu saamaxayso). Haddii midkood idin Ajiibo aad isaga caleema saartaan. Haddii ay idn wada ajiibaan waa sidii la rabay ee khaladaadkii dhacay wada saxa.

Hadii ay idin ajiibi waayaan waxay ila tahay inaad 2 arrimood mid samaysaan: (1) Inaad ku dhawaaqdaan hogaan cusub oo raga gudaha ay ku mideysan yihiin. (2) Inaad la midowdaan garabyada kale ee mujaahidiinta sida Alshabaab iyo Jabhadda Islaamiga. Maxaad uga caroonaysaan hadii la yiraahdo maxkamadaha waa burbureen? Yaa idiin amiir ah? Yaad hadafkooda fulineysaan ma Jabuuti mase Asmara?? Haddii aad ku tala jirtaan inaad labada u dhaxaysaan, waxaa yaraan doona inta aad socon kartaan ee si aysan taasi u dhicin fadlan go’aan qaata.

Arrinka ugu khatarsan ee idinku soo socda waa in qaarkiin loo isticmaalo in lugu socodsiiyo arrimo aysan oggolayn garabyada kale ee muqaawadada, kaasoo ah hadii aad aqbashaan meesha ay ku halaagsami doonto diintiinna iyo sharaftiinna, waxaan rejeynayaa inaad ku adkaysan doontaan mowqifkiinna wanaagsan iyo ixtiraamka aad kula hadashaan walaalihiinna kale ee aad aragtida isku diidan tihiin.

Heshiiska Jabuuti hadda wuxuu ku egyahay inuu wax qariib ah oo aan la fahmi karin, laakiin wuxuu isu beddeli doonaa musiibo weyn marka laysku dayo in adinka laydiin isticmaalo ku sandullaynta dadka kale. Idinkuma ogi inaadan dhug la’hayn laakiin waa iga xasuusin.

Soomaalida Wax Bixisa

Walaalayaal Ilaahay ha barakeeyo xooggiinna iyo xoolihiinna. Waxaad ku jirtaan laba Jihaad oo dhinacna waxaa la idinkaga baahanayahay inaad bixisaan xoolaha cadawga lugula dagallamo dhinacna aad u gargaartaan dadka uu cadawgu barakaciyey, agoonteeyey, ama dhaawacay. Waad arkaysaan sida uu xaal yahay. Waxaad arkaysaan in raggii hoggaanka u ahaa maxkamadihii islaamiga ay doorteen in mid waliba ama geed cidlo ah jiridda ka qaniino ama uu la yimaado wax la inkiro. Waxaa laydinkaga baahan yahay inaad hubisaan waxa xoolihiinna lugu samaynaayo. Waxaa loo baahanyahay inaad heshaan dariiq aad wixiinna ku gaarsiisaan dadka dhimbisha gacanta ku haaya. Fadlan indhaha ku haaya waxa gudaha waddanka ka dhacaaya, yaan xoolihiinna lugu gumaysanin dadka cadawga hortaagan oo hadii ay ka wareegaan ay dalkeenna, diinteenna iyo sharafteennuba ay “baylah” noqonayaan. Waxaan idiin soo jeedinayaa haddii ay maxaakimta guduhu ay go’aan qaataan inaad go’aankooda aad ku taageertaan, wixii karaankiinna ahna aad iyaga iyo walaalohooda kale ee mujaahidiinta ku tartaan.

Sh. Xasan Turki

Sheek xasanow waan ka xishoonayaa inaan afkayga kugu taago, maadaama aad tahay sheikh heybad leh, sababna u ah inaan yeelanno miciyo aan cadawga isaga celino. Ma filayo in qoraalkaygu ku soo gaari doono, ama hadii uu ku soo gaaro wax ku qaadan doonto, laakiin maaadama aad saxaafadda Isticmaashey, waxaa u jeedaa in dadka ra’yigaaga dhegeystay ay siyaabo taada ka duwan ay wax u arki karaan.

Waxaa tahay nin kelmaddiisa la maqlo dad badanna ay ixtiraam u haayaan gaar ahaan qeybaha kala duwan ee mujaahidiinta. Waxaad ku hawlaneyd inaad wax isku keento, laakiin waxaad ku dhawaaqdey kala dirid aan isu soo noqosho lahayn!. Waxaan dhegeystay inaad gaalaysiisay Sh Shariff. Sidoo kale waxaad meel khatar ah gaarsiisey Ibrahim Shukri iyo Sh. Xasan Daahir. Yaad ku tala gashey inaad heshiisiiso?? Haddii aad aaminsantahay in dadkaasi ay taageera beeleen oo la gaaray waqtigii xargaha iyo heeryada laga furan lahaa waxaan kuu sheegayaa inaad khaldantahay, waqtiga ayaana kuu bayaanin doona.

Wareysi aad BBC siisyey dhowr maalmood uun ka hor, hadlkaagu kaas aad ayuu uga duwanaa oo waxaad lahayd “laba Sheekh inay ilaahey u tooban keenaan oo soo noqdaan baan rejeynayaa”, maxay tahay gaalnimada dhowrka maalmood gudahooda cirka ka soo boodday?? Maxay tahay ujeeddada laga leeyahay in lagaa tufo fatwadaas ka dibna laga duubo?? Maxaa swirkaaga loogu arki waayay website-ka kataaib, fatwadaas ka hor?

Waxyaabaha aad ku gaalaysay waxaa ka mid ah inuu Shariif aqoonsanyahay waxa la yiraadho “Beel caalam” iyo inuu la shirey. Haddii gaalo lala shiro ay gaalnimo tahay, waxa filayaa in la gaaloobay markii uu jirey nidamkii maxaakimta ee aad ka tirsanayd iyadoo ay shirarka qaar ka qeyb geli jireen qaar ka mid ah madaxda Al-shabaab. Marka ma wuxuu ku gaaloobay inuu la gooni noqday?

Haddii aanan khaldanayn, waxaad ugu baaqdey Soomaalida qurbaha inay xoolohooda ku bixiyaan Jihaadka, haddaba maxay ku la tahay inay aqoonsan yihiin beesha caalamka, la shiraan la deggan yihiin una shaqeeyaan, abaalna u haayaan? Ma gaalada ayay soo gelaayaan mase muslimiinta? Mase arrinku wuxuu khuseeyaa dadkii aad beri wada socoteen??

Waxaa kale oo aad ka dhawaajisey in la qabtey oo lasii daayey. Ma kaa dhabaa inay taasi yaab kula tahay? Miyaanay gaaladu soo daynin dad ay geeyeen Guantanamo oo ugu horreeyo Mulla C/salaam Daciif? Miyeysan iska sii deyn Wakiil Axmed Mutawakil? Miyaaney Pakistaan ka qabanin Mujaahid Carraale(Allaha soo furtee) iyagoo ninkii ay la qabteenna u dhaadhiciyey Guantanamo? Miyeysan sii daynin kuwo ay ka qabteen Jubbooyinka?

Miyaadan adiga laftaadu ogayn in Shariif uusan weligii sheeganin inuu khatar toos ah ku yahay reer galbeedka? Markii Guddoomiyaha aad u dooranayseen ma wuxuu idiin sheegay inuu reer galbeedka la collaytami doono? Miyaysan istiraatiyadda gaalada ka mid ahayn inay cadawyadooda kala hormariyaan iskuna dayaan inay kala shaki geliyaan? Tusaale ahaan, adiga meel loo tiriyo inaad ka taliso ayaa laga abaabulay weeraro loo geystay danaha reer galbeedka, adiguna waxaad qirtey inaad ku faraxday, maxaa la yaab ka dhigay in adiga iyo Shariif siyaabo kala duwan laydiinla dhaqmo?

Sheekhow ma galaaysiineysaa qofkii aan caqligiisa iyo fekerkiisa aan ku jimaynin kaaga?? Arrinku miyuusan ku koobnayn inay meel aan xal jirin xal ka raadinaayaan loona baahanyahay in guntiga la qabto, ama aayar laga tashado?

Sh. Xasanow hadii Shirkii Jabuuti uu Albaabada u furey tafaraaruq iyo dhabar jab, fatwadaadu waxay irdaha u ballaqaday arrin ka khatarsan, taasoo ah inaad bananaysay dhiiggooda, rag arrinkaas wax ay ku sharciyeystaan la’aana aad saxiix iyo tiimbare u saartey. Arrinku hadda wixii ka dambeeya waxaa weeyaan cidda lugu billaabi doono, ciddda loogu aari doono, inta uu galaafan doono iyo inta uu ku ekaan doono!!! Allaahumma Sallim!!.

Fadlan ka laabo arrinkaas, hadii aadan sidaas yeelin, si fiican u xanjeero si uusan dharkaaga kaaga gaarin dhiigga gondahaaga kusoo butaaci doona, haddii uusan adigaba ku galaafan!

Al-shaabaab

Walaalayaal ilama aha inay sheeg-sheegis u baahantahay kaalinta aad ku leedihiin Jihaadka barakaysan ee ka socda guud ahaan dhulka Soomaalida. Caddayn uma baahna in Xarakada Al-shabaab ay ahaayeen laf-dhabartii maxaakimta, inay ahaayeen nudihii ay kasoo bilaabatey dubaaxashada dib-usoo noolaanshaha jabkii weynaa ka dib. Inaad tihiin kuwa dhiiggooda iyo dheecaankooda u daadiyey Jihaadkuna uu dhab ka yahay. Laakiin sida bani’aadam kasta uu marna u khaldamo marna u saxmo, waxaa ii muuqata arrimo aan isleeyahay waxay u baahan yihiin fiiro dheeri iyo taag-taagsi si aysan arrimo badan isugu milqin.

Walaalayaal, cid kasta waxbaa loo sheegi karaa, dhaliishooda ayaa laga hor caddeeyaa marka laga reebo adinka. Sida aad ogtihiin (lagana yaabo inaad ku tala gasheen) qof kasta oo ku hadla wax kasoo horjeeda rayigiinna wuxuu u cabsadaa naftiisa. Waxaa muuqata inaad is cajabiseen oo aadan u aaba yeelayn dareenka cid kale. Cimilka idin galay kama soo billaabanin Asmara iyo Jabuuti midna, waxaana mar kasta laydinka fahmayaayay inaad u arkaysaan qof kasta oo aan idinka ahayn inuu daba joogo dan shakhsi ay ama ku dagaallamaayo “raayo” mugdi ah oo jaahili ah!!

Maxkamadaha (oo idinku aydaan aqoon-sanayn, xitaa shirkii Jabuuti ka hor), waxay sheegeen inay u dagaallamaayaan inay kelmadda Ilaahay kor noqoto, shareecada Islaamkana looga dhaqmo dhulka soomaaliya. Sidoo kale Jabhadda Islaamiga anigu inta aan ka arkay ariinkoodu waa cad yahay oo waa sidaas oo kale.

Inta aan ogahay farqiga kaliya ee idiin dhaxeeya waa inaad adinku doonaysaan in qeyb laga noqdo muslimiinta jihad doonka ah ee caalamka dhulka soomaaliyeedna uu yahay meel aysan muslimiintu kala xigin. Arrinkaasi miyuusan ahayn mid dadaal (Ijtihaad) geli kara? Amaba laga yaabo in laydinkaga gar leeyahay? Sida ay ila tahay Ilaahay waa nugu addonsaday inaan isku xukunno shareecadiisa laakiin nuguma addonsan inaan raaciye u noqonno Muslimiin kale oo iyaguba duruufahoodu haystaan.

Waxaad mar kasta u muuqateen inay ”far” idiin laabantahay. Markii Soomaalida in badan ay farxad la kala bateen berigii maxaakimta, qaar idinka idinka mid lagama dareemaynin wax farxad ah iyagoo ogaa inaan dagaalkii dhabta ahaa uusan bilaabanin, cidda runta ah ee ay ishayaan aysan ahayn qab-qblayaashii Muqdisho, waxaana soo xasuusan jirey marka aan qiimeeyo xaalka qaarkood, tix gabay oo aanan aqoon cidda marisay:

“Waan kula cawaysimahayaa kugu calool maahi
Meeshaan ka ceel-shubahayana waa carro an muuqan!!”

Walaalayaal sida aad ogtihiin waxa ka dhacaya meelaha qaarkood ma aha wax habeen iyo maalin ku dhashey, ee waa wax ka dhashey cuqdado laysu qaaday intii la wada shqeynaayay, iyo qanaaco ay ku qanceen walaalha qaarkood inaydaan dib dambe u wada shaqeyn karin sidaas darted waxaan anigu arkayaa inaad wax ku leedihiin kala tagga iyo kala leexashada.

Waxaad mar dhow soo dhigteen website-kiinna Cajalad ku saabsan Saalax Nabhaan (Abuu Yuusuf), oo ay wax badan reer galbeedku sheegeen inuu ka mid yahay rag sheegeen inay dartiis u asaaseen Isbahaysigii argaggaxa (Ashahaado la dirirka). Waxaan hadda ka hor dhigeystay waraysi Abuu Mansuur(Allaha dhowree) uu leeyahay “maba jiro nin aan naqaano oo magacaas la yiraahdo”. Haddaba Maxaa keenay maanta inaad qirataan joogitaanka ninkaas idinkoo weligiin beenin jirey?? Abuu mansuur ma run ayuusan waagaas sheegaynin mase markaas ka dib ayuu bartey?

Waxaan xasuustaa inaan adduunka ugu necbaan jirey qofkii aan ka maqlo ninkaas iyo walaalihiisa kale joogitaankooda, annagoo ku tiring jirney munaafiqiinta, Haddaba maxaad xujada noogu soo oogteen?

Maxaad u qiran weydeenn markii uu socday dagaalkii Ashahaado la dirirka? Oo Madaxdii maxaakimtu ay beenta u sheegi jireen iyadoo aan laga tala gelin joogitaanka iyo bixitaanka raggaas? Fadlan caddaaladdii islaamka lugu yaqiinnay ku jawaaba ee hadii ay caddaato in walaakaas iyo raggisii kale ay marti noo ahaayeen, reer galbeedku ma nooga gardarnaayeen inay marna mooryaanytii shayaadiinta ahaa nugu hubeeyaan, marna ay xabashi oo ay godob hore na dhex-taallo?? Miyaysan ahayn wixii aan ku fali lahayn cidii soo dhaweysa dad col noo ah?

Walaalahaas laftoodu waxay ka yimaadeen waddamo dad muslminiin ah ay joogaan, maxay tahay duruufta keentay inay Soomaalia magan usoo soo raadsadaan, maxay soomaalidu ka taag roon yihiin muslimiinta joogta meelaha ay ka yimaadeen? Ma waxaa tihiin dowlad saanaddeedu u dhamaystirantahay oo laga heybaysto. Haddii aysan magan ahayn ee rag dagaal u jooga yihiin (sida ay gaaladu sheegaan), maxay dhimbisha uga soo fogeeyeen daarahooda iyo ehelkooda?

Dagaalka klaiya ee aan cadawgeenna la geli kanro waa kudhufo oo ka carar sida aan haddaba aragno, kaasina waa qaab uu isku difaaco qof cadaw ka xoog weyni ku soo gar darrooday qaab kale oo uu isku difaacana waayay! Ma aha qaab uu ku dagaallamo nin dagaal u diyaar garoobay oo shafka u garaacay “qofkii muslim ah ee baqa aniga ha isoo magansano”! Waa qaab aad ugu qasaara badan shacabka una qasaara yar dagaal yahannada. Sidee loogu qanci karaa inaad qeyb ka noqotaan dagaal horey u socday aadna u dhibaato badan? Idinku diyaar garowgiinnu uu kaas yahay?

Sidee baa looga raalli noqon karaa u yeeridda Abuu Yuusuf (Nabhani) uu ugu yeeraayo muslimiinta Jihaadka doonaysa inay u soo deg-degaann xeryaha tababar ee ka furan Soomaaliya? Waxa aad u dagaallmeyseen ma waxaa weeyaan in waddankeenna laga dhigo xeryo lugu tababarto? Dad aan aanigu ka mid ahay waa la khaldanyahay arrinkaas, maxay tahay xukunka ay shareecadu ka qabto inaan dhahno arrinkaas tabar uma haynee naga daaya? Waxa aad u leedihiin kooxaha kale ee mujaahidiinta “raayadoodu” ma cadda ama waa jaahili ma sidaas ayaa loola jeedaa??

Walaalayaal haddii ay jirto qolo fursad u haysata inay midayso kooxaha mujaahidiinta, waxay ila tahay inay adinka tahay, waxaad u baahan tihiin oo kaliya arrinka inaad ka daysaan caalaminimada, iyo dadka aan loo jeedin ee aad u gacan haaadinaysaan, oo aad hadafkiinna ku soo koobtaan in Dalkaas cadawga haysta laga xoreeyo luguna dhaqo shareecada Islaamka. Inkastoo aan cadawgu taas lafteeda ku farxi doonin haddana waa meel ay ka wada siman yihiin mujaahidiinta kale waa hadaf nafta looo huri karo. Adinkana waxay ila tahay inaadan taas ilaahay ku caasinin haddii aad sidaas yeeshaan. Walaalayaal qolo kasta oo aan tixgelin duruufta iyo deegaanka ay ku nool yihiin waxaa u dambeeya fashil. Fadlan ogaada hadii aad inta kale kala dirtaan idinkuga kaligiin meel ma gaari kartaan ee har eydaan ku sii nagaan doonin haka saarinina walaalihiin.!

Walaalayaal Ilaahay wuxuu ballan qaaday kuna qoray kutubtiisa inuu dhulka dhaxalsiin doono addommadiisa wanaagsan, idinka idinma saarra inay guushu soo deg-degto, waxaa idin saran inaad u martaan dariiq sharci ah. Waxay ila tahay inaadan moogayn in qof dhiiggiisu daadanaaya, ama xoolihiisa bixinaaya inuusan ujeedin xummaan. Fadlan joojiya qoraallada wax dhaawaca iyo go’aamada aad la kali noqonaysaan. Joojiya riyada ah in dadku ay isku si wax u arkaan wixii aad farta ku fiiqdaanna horey looga wada qanco. Arrimaha ijtihaadka (dadaalka) keli kara dadka haku ciriirinnina. Aniga waxay iila muuqataa in wax badan oo dhaqankiinna ah ay abuureen kala fogaansho iyo kala shaki mustaqbalkana ay noqon karaan wax aan ciribtooda la mahadin.

Arrimaha caddaynaya in loo baahanyahay inaad dib u eegtaan siyaasaddiinna la dhaqanka dad-ka kale waxaa ka mid ah qoraal ku soo baxay Interenetka kaasoo ka hadlaayay cidda ay saamaysay xiritaanka garoonka Muqdisho waxaa aan meeshaas ka akhriyey waxaa ka mid ahaa “Garoonka Xiridiisa sidoo kale waxay saameyn ku yeelatay Dadka ku qaraabta magaca midowga maxaakiimta oo horay u burburay ayadoo aan la garan Karin ujeedada dhabta ah ee ay u diidan yihiin go,aanka lagu xiray Garoonka, waxaana ka hadlay arintaas.Dr.Cumar Iiman, Xaaji Yuusuf indha Cadde, Sh. C/qaadir Cali Cumar iyo C/raxiin Ciise Caddow (?????)” . Hadalkaasi haddii uu ka soo baxay cid ay arrintu ka go’do wuxuu daliil cad u yahay inaad shar maagantihiin, Ilaahey baase arrinta xaqiiqadeeda og.

Hadii aad ula jeeddaan ganacsatadu kama hadlin idaacadaha, taas waxaan u malaynayaa inay kaftan idinka tahay, maxaa yeelay waa tee cidda Alshabaab kala hadli karta idaacad xamarna sii joogi karta? Hadii aad ujeedaan waxay ku faraxsan yihiin in garoonka laga xiro, taasi waxay weli muujinaysaa in wadaaddadu markay rabaan ay been sheegaan!

Maxkamadihii way burbureen!!

Maxay tahay danta aad ku qabtaan inay burburaan maxkamadaha. Waxay ahayd markii xamar laga Baxay oo hawdka laysugu tegay markii lasoo boodeen maxkamadihii waa burbureen. Wuxuu ahaa Sh. Muxyadiin Maxamed Cumar (Ilaahay haka qabalee shahaadadiisa), kii waqti dheer ku bixiyey inuu cadeeyo inay burbureen. Waxay aheyd su’aashii aad sanka ka gelinayseen Sh. Xasab turki. Maxaa idinka xumaanaaya hadii aad iska daysaan iyagoo koox kale ah, oo cadawga la dagaalama, xitaa hadii ay labo nin yihiin??????

Dilalka Qorsheysan!

Walaalayaal arrin kale oo aanan jeclayn inaan hoos ugu daadego laakiin aad ogtihiin in dad badan ay ka wel-welsan yihiin waa arrinka ku saabsan dilalka dadka cadawga loo arko ee qorsheysan. Walaalyaal bilihii ugu dambeeyey arrinkaas wax qariib ah ayaa ku soo kordhay. Waxaa dhici karta in uu khlad soo galay daba galka iyo hubinta dadka oo laga yaabo in la fududaysto ogaanshaha waxa runta ee qofka la daba socdu uu yahay. Sida aad ogtihiin qof bani’aadam ah (ma aha muslim kaliya) ma banana in dhiiggiisa loo daadiyo wax shaki ku siman. Aniga waxaa ii muuqata in hawlahaasi ay xadkoodii sharciga ahaa ka sii baxaayaan una baahn yihiin dib u eegis.!

Walaalyaal miyaan la gaarin waqtigii lugu waana qaadan lahaa khaladaadka ka dhaca meelaha kale, weydiiya dadka gobolka Anbaar ee Ciraaq raadka khatarta ah ee dilalku ay yeesheen hawlihii Jihaadka ee Gobolkaas. Waxay noqotey dalool khatar ah oo uu cadawgu ka faa’iidyasto. Ogaada qofna ku farxi maayo walaalkii ama aabbihiis dilkiisa, xitaa haddii uu markaas hore iska aamuso wuxuu suganayaa fursad uu ku aargoosto, marka waxay ila tahay inaan la dilin qof aan loo arkin in noloshiisu ay khatar toos ah tahay arrinkisuna uu cadyahay.

Jabhadda Islaamiga

Walaalayaal waxaa idinkugu hambalyeynayaa qeybta aad ku leedihiin xanuunjinta cadawga iyo u dhimrinta shacabka. Waxaa adinka taas idiin dheer sida afkiinna looga nabad galo oo aan inta badan la maqal idinka iyo qolo kale oo hawada ka yoo-yoo-tamaaya. Waxay ila tahay inaad qeyb ka qaadan kartaan midnimada iyo caddaynta xaqa, inaad ka fogaataan kooxaysiga oo ay muuqato inuu noo jiidaayo meel khatar ah. Ila akhriya khudbadii Daariq Bin ziyaad u jeediyey mujaahidiinta markii ay galeen Andalus (Isbayn), http://www.aleppogate.com, waxaan nahay dad ay baddiina ka dambayso cadawyo badanna ay hor joogaan, fadlan ku baraaruga khatarta intaan taladau faraha ka bixin.!

Dhamaantood

Walaalayaal waxaan idiin sheegayaa in cadawgu uu fashilmay waxa kaliya ee uu ku sii waari karana ay yihiin khaladaadkiinna. Hadii ay dhab idinka tahay in aad cadaw la dagaashaan ku dadaala inay yaraadaan khaladaadkiinna hadii ay idinka dhacaanna haku madax tiirinnina ee noqdo kuwa khaldama kuwa ugu qeyrka badan oo qirta kana cudurdaarta wixii walaalihiinna kale ay idinku dhibsadaan. Waxaa haboon in qola walba ay dib u dhigato waxa iyada u gaarka ah ee laysugu yimaado kan asaasiga ah ee dhammaan laysku raacsanyahay, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara mad-madow.

Hadii ay Xabashidu Baxdo

Dad badan waxay aaminsan yihiin in hadii ay baxaan itoobiyanka oo ay waddanka dib u qabsadaan Islaamiyiinta in loo bixi doono nasasho, iyagoo maanka ku haaya wixii dhacay kal hore, laakiin xaqiiqdu waxay tahay inaysan meesha joogin dadkii kala dambaynta iyo is-ixtiraamka badanaa ee markii loo jeedo qalbiga barafku mari jirey, balse la soo rogi doono bog cusub oo uu ku xardhan yahay dhiig-sokeeye, iyo muuqaal u eg kii Kaabuul markii ay mujaahidiintu ka adkaadeen ciidamadii Ruushaka. Waxaa laga soo weriyey mid ka mid ah hoggaankii maxkamadaha ”ilaahay waa noo ballan qaaday guul, laakiin nooma ballan qaadin inaanan is dilayn!!!!”, oo hadii lays dilo maxay tahay guushu??

Ma ogtihiin waxa ka dhacay Afgaanistaan iyo ugu dambayntiina ciraaq? Maxaad ka ogtihiin in Axmed Shaah Mascuud beryihii hore loogu yeeri Jirey ’Libaaxii Baansheer”, qeyb weynna ka soo qaatey Jihaadkii, in markii dambe ay isaga iyo kooxihii kale ee dagaallamayay ay iksu khilaafeen sida wax loo maareynaayo, markiisii dambana laysku qarxiyey maantana ay dadka qaarkiis ay ugu yeeraan ”Murtad-kii bakhtiyey!”. Ma laydiin warramay, waxa jira arlada, in dalka Ciraaq Mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Jeeshka Islaamiga ee Ciraaq oo ahaa laba kooxood oo aad u awood badan in markii dambe ay gacanta isula tageen oo dhiiggoodu isku daatay, haddana qolaba qolada kale ay leedadahay waa munaafiqiin ushaqeeya qola heblaayo?? Marka la fiiriyo annaga sida ay wax u socdaan inteen u jirnaa arrinkaas isaga ah??

Somaaliyeeyey hankiinna iyo filashadiinna hoos u dhiga, haddii aad sugeysiin in hasha caano dhaay ah laga maalo, ogaada inay suurta gal tahay inay dhiiqi weydo ama dhiig xinjiro ah iyo waxaan la filayn laga maalo hadii aan Ilaahay Madi loo dhalin ama duul kheyr leh noo bixin!

Ma filaayo in walaalaha qaarkood ay diyaar u yihiin inay ka faaiidaystaan khaladdaka dadka kale, wxaan hubaa inay doonayaan inay iyaga laftoodu dhadhamiyaan dacartii ay dhadhamiyeen kuwii iyaga ka horreyey balse waa loo joogaa haddii sibirkii (dacarkii) shalay uu maanta sokor isu beddelaayo! Berritona nin gaaraaba meel ma jirto!

Wixii aan saxo waxaa i waafajiyey Allaah, wixi aan khaldana waa nafteyda daciifka ah iyo sheydaan.

Mohamed Ahmed Wallays
inawallays@yahoo.com
4 Shawaal 1429 / 04/10/2008

Akhri: Maqaalladii Hore ee Maxamed Wallays

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 5, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS