Maxay tahay sababta Itoobiya Goloyaasha Dowladda ugu rareyso Nairobi
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Markii ay sii cakirnaatay xaaladda Soomaaliya, Isla markaana dagaaladu ay
noqdeen kuwo joogto ah ayaa Dowladda Itoobiya waxay Magaalada New York kulan ugu
qabatay qaar ka mid ah wadamada IGAD wuxuuna kulankaas uu ka dhacay Qunsuliyada
Itoobiya New-York, waxaana kulankaasi ka qaybgalay Dowladda Uganda oo ciidamo ka
joogaan Soomaaliya iyo dowladda Kenya oo ah dowladdii martigelisay shirkii lagu
soo yagleelay Dowladda Federaalka, waxaana shirkaasi ka maqnaa wadamada Jabuuti,
Ereteriya iyo Suudaan.
Inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn waxyaabihii shirkii ka soo baxay haddana
waxaa la isku raacay in goloyaasha dowladda la isugu geeyo Magaalada Nairobi ee
dalka Kenya, waxaana la sheegay in qorshahan ay waddo dowladda Itoobiya.
Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, inkastoo aysan wax faahfaahin ah ka bixin
kulankaasi ayaa haddana afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe waxa uu
sheegay in aysan suuragal aheyn in dhamaan Dowladda loo raro Magaalada Nairobi,
hase yeeshee warar kala duwan oo aanu ka helnay rag ku dhow dhow dowladda ayaa
waxay noo sheegeen in jiraan sababo Dowladda loogu rari karo Magaalada Nairobi,
waxayna ku tilmaameen sababahaasi, kadib markii ciidamada Itoobiya ee gacanta
siinayey Dowladda Federaalka ay ku soo uruureen labo magaalo oo ah Baydhabo iyo
Muqdisho, markii kooxaha ka soo horjeeda ay gacanta ku dhigeen Magaalada
Kismaayo oo ah goob muhiim ah, markii Magaalada Baydhabo ay ka dhaceen dagaalo
isla markaana lagu dilay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka, markii uu
khilaaf soo kala dhex galay xubnaha Dowladda ugu sareeya, inkastoo khilaafkaasi
la dhameeyey haddana waxaa weli muuqda raadkiisii, waayo waxaan weli la fulin
qaar ka mid ah qodobaddii lagu heshiiyey oo ay ugu horeyso in maamul loo sameeyo
Gobolka Banaadir mudo 15 maalmood ah.
Qodobada kale waxaa ka mid ah markii ciidamadii loo soo tababaray dowladda
iyana ay bilaabeen in ay dhac iyo dil ka gaystaan qaybo ka mid ah Magaalada
Muqdisho, markii kooxaha Muqaawamada ay bilaabeen in ay xiraan Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyo weerarada lagu hayo ciidamada AMISOM,
dowladda Itoobiya waxay kaloo ka fekereysaa sidii ay faraha ugala bixi lahayd
guud ahaan dalka Soomaaliya, sidoo kale markay aragtay in ay xirantay wadada
isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, markii kooxaha Burcad-Badeedka ay gacanta ku
dhigeen markab sida hub kala duwan oo ay Taangiyo ku jiraan oo ay Itoobiya ka
cabsatay in ay gacanta ku dhigaan kooxaha ka soo horjeeda, markii Golaha
Baarlamaanka uu dib Madaxweynuha ugu celiyay go’aankiisii ahaa in ay sii
shaqeeyaan 13 wasiir ayaa waxaa halkaasi ka dhashay in uu khilaaf soo kala dhex
galao Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul Wasaare Nuur Cadde oo
ilaa iyo hadda aan magacaabin 13-kii wasiir, markii ciidamada Itoobiya ay
joojiyeen hawlgaladii ay ka wadeen Magaalada Muqdisho ayna ku ekaadeen
xeryahooda oo ah kadib markii ay ka daashay dagaalo joogto ah oo lagu hayey,
markii Dowladda Federaalka laga jaray dhamaan dhaqaalihii ka soo gali jiray
dalka Dibaddiisa, markii uu burbur ku yimid heshiiskii Jabuuti ee ay wada gaari
lahaayeen Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah kooxaha Muqaawamada, markii
ciidamo ka tirsan Dowladda iyana u baxsadeen dhinaca kooxaha Dowladda iyo
joogista ciidamada shisheeye ka soo hotjeeda, markii hubkii ay dowladda Itoobiya
bixisay siisayna ciidamada Dowladda ay dib u gateen kooxaha ka soo horjeeda
ciidamada Itoobiya intaas oo dhan ayaa lagu sababayn karaa in dowladda haatan
looga waco Magaalada Nairobi oo ay u guurto,
hase yeeshee xildhibaana diiday magaciisa ayaa sheegay in dowladda Itoobiya
ay dooneyso in shirka ka dhacaya Nairobi ee ay isugu tagayaan golayaasha
dowladda in mudo 3-sano kale ah xilka loogu daro C/llalahi Yuusuf Axmed oo isagu
ku doodaya in mudo 4 sano ah aysan waxba qaban dowladiisa oo ay ku jirtay
dagaalo aan dhamaad laheyn, waxaa kale oo oo ay dowladda Itoobiya damacsan tahay
in marka la isugu keeno Nairobi dhamaan xubnaha dowladda oo ay dowladda ka
dhigto dibad joog si oo ay caalamka u tusto in Dowladda aysan ku laaban Karin
Magaalada Muqdisho ilaa la helo ciidamo ka socda Qaramada Midoobey sidaana ay
uga baxaan ciidamada itoobiya soomaaliya waxay kaloo uga danleedahay in dowladda
Itoobiya ay caalamka ku cadaadiso in la helo dhaqaale fara badan si loola
dagaalamo waxa ay ugu yeerto kooxaha Argaixisada ah.
warar kale ayaa sheegaya in shirkaas looga gol leeyahay sidii loo qaybsan
lahaa awooda dowlada gaar ahaan mucaaradka ku sugan jabuuti isku soo wada duuboo
ilaa iyo hadda ma cadda wax ka soo bixi doona shirkaasi.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Isku-aadka Dagaalka Muqdisho oo la soo
Bandhigey.. Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2008
|