SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qoraaga Ku deel Qaafay Qalinkiisa(C/Waaxid C/hi Khaliif )

8/10/2008 ayuu soo saaray maqaal magaciisa ugu yeeray:
"Sheekh Shariif ma la Ogyahay in Tigreegu Galaan Luuq".

Markaan aqriyay Maqaalkaas waxaa ii soo baxay wuxuu cinwaanka ka dhigay iyo nuxurka maqaalka in ay kala duwanyihiin, waxaan islahaa qoraagu intaas waa dhamaa. Dibna waan ka cadayn doonaa meelaha uu deel qaafka ku sameeyay.

Ninka maqaalka soo saaray waa nin layaqaan oo in mudda ah wax ku qorayay baraha internet-ka iskuna daya in uu ka faa'ideysto waxa markaas saaxada ku jira. Qaabka uu wax u qoro ayaa ah mid macruuf ah oo dadka badankiis waxay jecelyihiin ayuu tageeraa ma ahan nin mawqif iyo aragti madax banaan leh.

Waxaan tusaale noogu filan markii ay konfurta soomaaliya ka bilawdeen Midawgii maxkamadaha wuxuu aad isku taxalujiyay in u dadka tuso tageerada uu uhayo maxaakiimta wuxuu sidoo kale aad u weraray dowladda ku meel gaarka ah, anigu waan dareensanaa in aysan daacad ka ahayn, lakiinse wuxuu ku fashilmay markii ay kala jabeen midoowgii maxkamada islaamiga oo ay kala nodeen garabka Xasan daahir iyo Shariif Sheikh Axmed. Wuxuu dagaal culus oo xagga qalinka ah ku qaaday xataa maqaaladiisa qaar waxaa laga dhan-dhansanayaa in uu ku tilmaamay dabo dhilif, yacnii nin gaalada u shaqeeya.

Intaas kadib aan u soo laabto qoraalka aan kor ku xusay cinwaankiisa.

Suaal ayuu ku bilaabay oo ah Shariifka yuu Xukumaa? Cajiib suaal uu ogyahay jawaabteeda cinwaanka qoralkiisana aan qusay ayuu dadka weydiinayaa. Shariif waa la yaqanaa cidda uu xukumo iyo hogaankiisa siyaasadeed. Waa nin jecel sida ka muuqata hadaladiisa iyo qaab u dhaqankiisa in uu ku soo dabaalo Somaaliya Nabad waarta. Marka Qoraaga waxaan leeyahay dadka ha ku jahwareerin Suaalo aan wax ku ool ahayn.

Wuxuu shariifka ku tuhmay Qabiil iyo nin aan mabda' lahayn taas oo ah meel oga dhac shakhsiyada shariifka. Waxaad moodaa qoraaga in uusan kala garanayn qabiil iyo qabyaalada waxa u dhaxeeya. Qabiil wax dhib ah kuma sugna waana tan Allah Sharciyeey si ay dadka isu aqoonsadaa. Meesha ay qabyaaladu tahay wax xun oo diinta iyo caqliga wanaagsanba sheegeen xumaanteed. Shariifka qabiil buu ka dhashay walina lagama hayo in cid uu qabyaalad ku raacay ama ku colaadiyay.

Waxaad moodaa qoraaga in uu ku dhacay wuxuu ku eedaynayay shariif oo ahaa qabyaalad, waayo wuxuu kala fadilayaa rag isku mid ah isku moowqif ah, bal ila eega suaashan uu isweydiiyay oo isla asaga ka jawaabay:"Yaa muran uga jiraa in C/hi Yuusuf dhaamo Shariif Xasan?" Cajiib muxuu qofka ka dhadhansanayaa in ninka qoraaga fadilayo madaxweynaha Somaliya oo ay asagu isku beel yihiin. Jawaabta waxaan oga tagay aqristayaasha.

La soco aqristoow wali kama uusan hadlin cinwaankii ku qoranaa qoraalka.

Aleeylahee hadda ayuu wax yar ka taabtay ujeedadii qoraalkiisa oo ahayd Shariifka oo sheegtay in Itoobiyaanka oga baxeen wada hadal iyo hiish ay wada gaareen, wuxuu Qoraaga ku eedeeyay in uu kaligiis yacnii shariifka go'aan gaaray ama sida uu yiri luuq la galay tigreega!! Haddaba waxaa is weydiin leh ma wuxuu rabay in asaga iyo kawa lamidka ah ay goob joogayaal ka ahadaan wada hadallada Dowladda iyo garabka shariifka?

Maxaase ku jaban hadii wada hadallo kadib ay baxeen hadii mar xabad lagu saari kari wayay? Suaal u taal Qoraaga. Yaab badanaa qoraalka meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo lamayaqaan, wuxuu haddana isku qaaday shuuradii MMI-da ee lagu dhisay xamar maxaa arintaaas oo cilaaqa ah ka dhaxaysa iyo qoraalkiisa? waa iska faduul iyo war badni.

Waa nin ujeedo kale lehee isla markiiba wuxuu ku qaaday Odayaasha Besha Hawiye oo si dadban u magacaabay waana la ogyahay ragga uu isleeyahay toogo Waxaa ka mid ah Axmed Diiriya oo ayaan dhaweyd u hanjabayay Al-shabaab ayadoo la ogyahay dhibka ay ku hayaan umadda somaliyeed ayaa oday Axmed sheegay hanjabaadka soo gaartay rag ka mid ah Ururka xag jirka ah laguna bartay in dilaan ama galaysiiyaan ciddi fekerkooda Khilaaftaa.

Qoraaga mid buu been ku sheegay oday axmed ma magacaabin Fu'aad shangole, balse wuxuu carabka ku dhufta ninka lagu magaacabo Abuu mansuur rooboow, oo asaga si toos ah u iclaamiyay in uu joojiyay shaqadii ay hay'adaha samafalka ka wadeen Gobolada somaliya uu degaan ahaan ka soo jeedo Oday Axmed. Xaq buu u leeyahay in uu difaaco dalkiisa, cirdigiisa madaama si toos ah loogu hanjabay.

akhristoow yaan hadal kugu daalin ninkaan hadal kama daalo waa nin qora wax kasta oo ku soo dhaca maskaxdiisa, qoraalkiisa baaba is burinaya horay wuxuu ku soo yiri shariifka yuu xukumaa ogu danbayntiina wuxuu yiri:
"Ma la gaaray markii ay Maxkamaduhu sixi lahaayeen khaladkooda oo inta sheekh Shariif ummadda ka qabtaan sameysan lahaayeen hogaanka kale? "

Waxaanu ku leenahay adeer adaa isu jawaabay.

Ogu danbayntii waxaa qoraalkiisa ka dhandhansaday nin diidan hanaanka nabadda somaaliya kana masayrsan jidka cusub uu qaaday sheikh shariif. Muqaawamada uu sheegayo lama hayo ilaa maanta meel ay ku gubeen Hal taangi oo ay axmaaro leedahay maalin kasta dagaal bay galaan hal axmaar ma nolal kuma soo qabtaan. Maxay tahay hor marka ay umadda u soo wadaan waxaa ku dheer in ay u kala jabeen 100-laal firaq oo khilaafsan manhajka islaamka madaama islaamku na amrayo wada jir.

Nasiib Nasteex
nasiibboy@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 9, 2008

Akhri qormadii "Kipkorir" oo AfSoomaali loo rogey...

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS