SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlada Kenya oo ku adkeesatay in ay leedahay Hubka saaran markabka lagu heysto xeebaha Soomaaliya kuna baaqaday In si xooga ah lagu soo furto.

Dowlada Kenya ayaa ku adkeesatay in ay leedahay Hubka saaran markabka ee lagu heysto xeebaha Soomaaliya kuna baaqaday In si xooga ah lagu soo furto.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Kenya Moses Wetang'ula Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ku beeniyay dukumenti ay heshay ritish Broadcasting Corporation oo lagu sheegay in ay hubka Saaran markabka lagu heysto Xeebaha Dalka Soomaaliya laga leeyahay koonfurta Wadanka Sudan.

Waxaa uu wasiirka uu arintaasi ku tilmaamay in ay tahay mid aan waxba ka jirin isla markana ay cadeeymo u heystaan oo wasaarada gaashaandhiga wadanka Kenya ay heyso dukumenti cadeynaya in hubkaasi laga leeyahay wadanka Kenya.

Marka la eego dukumentiga ay heshay British Broadcasting Corporation ayaa cadeeynaya in hubka saaran markabkasi uu usocaday konfurta Wadanka Sudan isla markana ay ku saxiixneeyd dowlada K/sudan.

Waxaa ay dowlada Kenya ku baaqaday in si xoog ah lagu soo furto markabkaasi sida hubka uu muranka ka taagan yahay ee lagu heysto xeebaha dalka Soomaaliya.
Waxaa uu wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Kenya Moses Wetang'ula shirkiisa ku sheegay in soo furashada markabkaasi ay tahay wax wanaagsan.

Hadalka Moses Wetang'ula ayaa waxaa uu ku soo Aadayaa xili golaha Ammaanka ee QM ay xalay go’aan ku gaareen in wadan waliba oo caalamka ka mid ah uu maraakiib dagaal u diri karo xeebaha Dalka Soomaaliya si loola dagaalomo kooxah burcad badeeda Soomaalida ah.


Abdirahman Diiriye Nuur.
Nuure1000@hotmail.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 9, 2008

Akhri qormadii "Kipkorir" oo AfSoomaali loo rogey...

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS