SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SAWIRKA DHABTA AH EE DALKEENA HOOYO

  • Ciidamada Ethopia ayaa xasuuq ka geystay masaajid
  • Doon waday tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku degtay biyaha malta
  • Meydad Soomaali ah ayaa ku soo caariyay xeebaha dalka Yaman
  • Burcad ayaa rasaas ku furtay gaari safar ah
  • Madfac ayaa ku habsaday Qoys waxaana ku geeriyooday dhammaan caruurtii iyo waalidkood.
  • Rag bistoolado ku hubeysan ayaa dil u geystay nin rayid ah
  • Dad Soomaaliyeed oo qaxooti ah una socday Kenya ayuu libaax cunay
  • Dad ayaa gaajo ugu dhintay xerooyinka ay degen yihiin dadka soo baro kacay
  • Caruur ayaa haraad ugu dhimatay gobolada dalka Soomaaliya.
  • Koox dabley ah ayaa kufsi u geystay haween ku jiray xerada dadka soo baro kacay
  • Gaari kuwa rakaabka ah oo ka shaqeeya magaalada dhexdeeda ayaa miino la kacday.
  • Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu afduubay xeebaha Soomaaliya.

Musiibooyinkaa aan soo sheegnay iyo qaar kale oo aan halkan lagu soo koobi karin ayaa inta badan wadanka ka dhaca, hase yeeshee dhegaheena oo ay ka bateen awgeed waxa ay nala noqdeen wax caadi ah oo nolosha ka mid ah.

Dabar go’a ku socda ummadda Soomaaliyeed kuma koobna intaa oo kaliya ee bal aan fiirinno qeybaha arimaha bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

Waxaa si aad ah isku dhimay tirada dadka ku nool wadanka gudihiisa, kadib markii intii carari kartay wadanka isaga hayaameen. Dadka Soomaaliyeed oo ah bulsho muslim ah, dhaqan ahaana isgargaarta ayaa intii wax bixin kartay dalka isaga baxday waxaana isku soo haray dad aan wax badan is dhaamin oo daruufta dhaqaale ku adag tahay danina meesha dhigtay, xaalkooduna waxa uu noqday laba qaawani isma qaado!!

Wadanka oo dhaqaalaha soo galo inta badan ku tiirsan yahay xoogsatada dibada, waxaa lagu qiyaasay dhaqaalaha ka soo gali jiray xawaaladaha in ka badan hal bilyan oo dollar (1 billion) sanadkii, laakiin taasi aad bay hoos ugu dhacday ka dib markii xoogsatada dibaddu ay eheladooda kula taliyeen in ay tagaan goobo xasiloon oo ka nabad wanaagsan Soomaaliya. Dadkii intooda badana waxa ay tageen waddammada dariska ah sida Kenya, Itoobiya, Jabuuti kuwaas oo dhaqaalahoodu kor ugu kacay lacagaha adag ee soo maraya xawaaladaha Soomaalida.

Intaa waxaa dheer ganacsatadii Soomaaliyeed ee wax soo dejin laheyd naftooda ayay la baqeen, wadankana wey isaga tageen. waxayna dhismayaal bilicsan ka dhisaan wadamada ay ka mid yihiin Imaaraadka, Masar iyo Kenya ka dib markii ay ka quusteen in ay wax ka soo dajiyaan xeebaha Soomaliya oo u xiran burcad aan ogoleyn in Soomaaliya wax la keeno, cunaqabateyna ku haya ummadda maatada ah ee Soomaaliyeed.

Iyadoo taasi jirto, ayaa haddana dadka tirada yar ee ku haray wadanka oo aan lahayn awood dhaqaale oo ay wax ku iibsadaan, waxaa si aad ah hoos ugu dhacay wax iibsiga oo dadku wax ma iibsan karaan.

si gooniya ayaan u naxaa markii aan maqlo raashin gargaar ah oo Soomaaliya loo soo wado isla markaana ay maraakiib dagaal oo ay leeyihiin gaalo ay ka waardiyeynayaan burcad Muslimiin Soomaali ah si loo gaarsiiyo dadka gaajada u dhimanaya ee Soomaaliyeed.

Burcadda cunaqabateynta ku haysa shacabka Soomaliyeed kuma eka badda oo keliya, laakiin masaakiinta waxaa lagu baadaa xerooyinka ay ku barakaceen iyo waliba dariiqyada wax u soo maraan oo dhan. Iyadoo weliba intaa dheer tahay raashin iyo lacag looga rabo dhulka ay degen yihiin ee goofafka[1] ayaa ka kiraysan[2] dadka barakacay.

Lacagta Shillin Soomaaliga ah oo wadanka ka shaqeysa oo ah hal kun oo isku taal ayaa halis ugu jirta in ay istaagto sidii dhacday kal hore, taas oo markii danbe fadliga Alle ka dib Alle ku suurogaliyay dadaal ay bixiyeen Cullumaa’udiin iyo wax garad kale.

Sidoo kale wadanka waxaa ka socday mashaariic tiro yar oo ay maalgelin jireen Qaramada Midoobay iyo hay’daha caalamiga ah dalkana soo gelin jiray dhaqaale, iyagana meesha way ka baxeen amaandarrada awgeed, taasina waxay mar kale meesha ka saartay dhaqaalihii wadanka soo geli jiray.

Soomaalidii hore kuma tiirsanaan jirin xoogsatada dibadda ama hay’ado shisheeye balse dhaqaalaha Soomaalida waxaa ebid laf dhabar u ahaa xoolaha nool iyo beeraha, haddaba su’aashu waxay tahay maxay maanta ku sugan yihiin Xoolaha iyo Beeraha Soomaaliyeed.

Abaarta iyo daryeel la’aanta waxa ay keentay in xooluhu u dhamaadaan abaar, dhaqaalo darro ileyn dhalinyaradii ilaalin laheyd tahriib ayay ka door bideene. Mid-midkii Alle ka badbaadiyo baddana waxa uu qowsaar ka noqdaa xoolo Sacuudiga laga leeyahay halka xoolihii Soomaaliyeedna cid dayaca iyo dugaagga ka celiso la la’ yahay, loogana soo tegay waayeel ay daruufi hayso oo aan tabar badan lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, naxdinta ugu weyni waxa ay ka jirtaa xaalufinta lagu hayo dhirta si looga shido dhuxul la dhoofiyo.

Xooluhu waxa ay la’ yihiin geed ay ka dugsadaan gabadanada dhaxanta ama ay ka harsadaan milicda qoraxda, dhulkii Soomaaliyeedna waxa uu u ekaan rabaa saxaro lama degaan ah, dhirta fara-ku-tiriska ah ee hartana hadda ayay ku socotaa jarid iyo gubid cid ka ceshataana ma jirto!!

Dhir jariddu waxa kale oo ay keentay bacaad ku fidaya dhulkii carrosanka ahaa oo ay ku tiirsaneyd beerashada iyo daaqsintaba.

Dadka dhirta jara oo aan lahayn aqoon iyo damiir wadaninimo oo celiya, ayaysan hadana jirin awood hor istaagta ama culimo si dhab ah ugu istaagta wacyi gelintooda.

Dadka dhuxusha shidaa qaarkood lacagta ay ka helaan dhirta ay gubeen waxa ay ku iibsadaan xoolo nool, laakiin garaadkoodu ma gaarsiisna in ay ka fekeraan mustaqbalka xoolahaasi waxa ay daaqi doonaan.

Dhanka beeraha waxaa aasmay kanaaladii biyaha qaadi jiray waxaana la waayay qalabkii lagu qodi jiray keliyada, waxaana wadanka ka hayaamay dadkii aqoonta u lahaa cilmiga beeraha taasina waxa ay keentay in wax soo-saarka beeruhu aad hoos ugu dhaco.

Soomaaliya waxaa ka jira dhul badan oo beero ahaan jiray maantana duur ah.

Beerasho la’aanta iyo burcada badduba waxay sabab u yihiin cuno la’aanta ka taagan Soomaaliya.

Haddaba dadka gudaha wadanka ku nool xaalkoodu waa sidee?

Dadkii ku dhaqnaa magaalooyinka markii ay u adkeysan waayeen madaafiicda arxan darada ah ee Itoobiya waxa ay door bideen qorrax iyo dhaxan magaalooyinka banaankooda ah.

Guryaha u dhisani waa ulo’ lagu xirxiray xarko, baco iyo baakado. Kiiba heli kara.

Adeegyada aadanuhu u baahan yahayna sida cuno ku filan, biyo nadiif ah, tacliin iyo caafimaadna warkooda daa!!

Caruurta dadka barakacay oo aan helin tarbiyo toosan iyo tacliin waxa ay keeni kartaa in ay ku dhaqmaan falal lala argagaxo haddii aan hadda la helin cid daba qabata

Dhanka kale, dhalinyarada wadanka sida aadka ah uga yaacday waxa ay ku jiraan da’dii taranka taasina waxa ay keeni kartaa in caruurta ku dhalato wadanka gudihiisa aad u yaraato.

Haddaba dadku maxay ku nool yihiin?

Dadka muruq-maalka ah sida fuundiyada, xamaaliga iyo farsamo-yaqaanada ayaa meel cidla ah ku soo dhacay ka dib markii la waayay cid loo shaqeeyo.

Dadku waxa ay ku nool yihiin intooda badan cunooyin dhacay ama la dhaafay xiligii cunitaanka ay ku habooneyd, magaalada waxaa ku yaal makiinado lagu furfuro burka dhacay oo isku dhegdhegan kuwaas oo qaarkood la qabtay xiligii maxaakiimta islaamku wadanka ka talinaysay

Sidoo kale bariis dhacay oo midab-doorsoomay ayaa la furaa oo teendhooyin inta lagu waro lagu daraa mid kale oo isaga dhaamo, kadibna dib ayaa jawaanno lagu cabeeyaa.

Daawada ayaa ka mid ah waxyaabaha la qiyaameeyo oo loo soo ekeysiiyo daawo horey u jirtay ama laga bedelo taariikhda si loo dheereeyo taariikhda dhicideeda (expire date)

Waxaa sidoo kale qishku ka jiraa caanaha oo inta badan lagu badiyo biyo aan weliba nadiif ahayn oo ah kuwo ku raagay harooyin waxaa kale oo lagu qooshaa magaad, shaah, dambaska garaska iyo waxyaabo kale. Sidoo kale hilibka neef aad caato u ah ayaa lagu dhex iibshaa neef iska wanaagsan.

Qishka iyo ribbadu kuma koobna qeybaha aan ka soo sheekeynay oo keliya laakiin waxa kale oo ay ka jiraan dhammaan qeybaha kale ee ganacsiga Soomaaliya

Dadka qaarkoodna waxa ay ku andacoonayaan in aysan dadku iibsan karin wax nadiif ah oo aysan u lahayn awood dhaqaale, sidaa darteed loo baahan yahay in dadka loo yeelo si ay wax ku iibsan karaan.

Intaa waxaa dheer dhimashada iyo dhaawacyada joogtada ah oo ku dhacaya shacabka ay haysato duruufta nololeed, waxaa jira dad badan oo dhaawac darani ku yaal oo waayay qaar ka mid ah xubnaha jirkooda, hadana lagu hayo guryaha iyo geedaha hoostooda oo aanan haysan wax daawo iyo daryeel ah cid u maqana aynan jirin, dadkaasi waxaa dhiiri-gelin u ah dhawaaq nabadeed oo kasta waxaana naxdin u ah dhiillo kasta oo colaadeed.

Gabogabo

Dhamaanteen aan ku fekerno in aanan noqonin dadkii ugu horeeyay aduunka ee karti u yeelan waayay in ay midnimadooda iyo jiritaankoodaba ilaashadaan.

Caqligu ha na hogaamiyo ee caadifadu yaanay na hogaamin.

Alloow towfiiqda na waafaji.

Aamiin…

[1] Dhul balaaran oo aan magaalada gudaheeda ku ool oo ay dad leeyihiin, inta badana waxaa ka baxa cows magaalada loo iibgeeyo

[2] Waxaa jira dad tiro yar oo dhulkooda aan kiro ka qaadin, kuna taba rucay dadka soo baro kacay

W/Q Maxamed Maxamuud Ducaale
Cujub@yahoo.com , mducale@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 9, 2008

Akhri qormadii "Kipkorir" oo AfSoomaali loo rogey...

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS