SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa ku Jaban Garta Garsoore Simpson?

        « Guracnaanta xaajadu ka culus taan gorfayn jiraye 
        Waa gunaad fogaadiyo ragaad gumaradiisiiye 
        Geedka yaa ku soo jira, meel shishaa  layga ganayaaye? … 
        Nin caddaalad goobaa arlada waa ku go'ayaaye 
        Gobannimo ninkii raadguraba gebi ku soo ciirye … 
        Adiguba garaadkaa intaad gaar isugu sheegto 
        Geddaad sharaf ku leedahay caqliga galab ku jeedaali. » 
                            (Haldeeq , Maxmed Cali Cartan: Garqaad) 

Bishan Oktoobar bartameheedii ayaa magaaloda London lagu soo gebaggebeeyay sannadguurodii "Dabbaaldegga Toddobaadka Fanka iyo Suugaanta Soomaalida." Halkudheg ka duwan kii hore, dabbaaldegga sanadkan 2008, waxa uu diiradda saarayay “Gobannimo”. Isla bishan bartameheedii, wargeys ka soobaxo isla magaaloda London, The Independent, waxa lagu soo bandigay xakun lagu miidaaminin lahaa nin Soomaaliyeed, kaas oo soddomeeye sano degganaa dalka Ingiriiska. Iskubeegaanta kalkooda ka soke, kolley aniga, garaad is ahaaneed, garabdaar kale, ayaa iiga kordhay. Garsoore, James Simpson uma uu gefin oo qura "gobannimoda Soomaalida;" bal se, labaddaraadle, waxa uu haybtoodii ku cayaaray Soomaali isu haysato Ingiriis dhalad ah.

Intaas marka aan iri; akhristow ogow, ujeeddoda qoraalkaygan, misana, kolna ba, hiil uga dhigi mayo tuug la iska wada fogeyn lahaa; sidaas oo kale na, xeerilaalin guud ahaan lagu yiqiin midabtakoor, kuma eedeynayo oo qura Garsoore u sii jiifiyay -- dhinacii ugu wada qalloocanaa. 

Arrimo ku saabsanaa garqaadka iyo halkudheggii dabbaaldegga isaga ahaa; dabadeed kolkii aan madaxayga dhowr jeer ku rogrogay, ayaan is weydiiyay: Yaa ah dembiile? Weydiintaas, wax aan "caqliga galab ku jeedaali"-yo ba; dareenkii ay igu dhalisay, ayaan rabi lahaa in aan la wadaago akhriste Soomaaliyeed oo badan. 

Horta Maxamed Cabdi ma tuug Ingiriis ba mise waa tuug Soomaaliyeed? Maxay se ku kala wanaagsanaan karaan tuug dhalad ah iyo tuug sheegato ah, kuwaas oo dembi isku mid ah wada falay? Tuug madow iyo tuug cad? Yaa haddaba sheegi kara daraadda Garsoore James Simpson uu eedeysaneha ugu yiri: "You're a criminal, you'll be safe in Somalia." Quursiga, kajanka, hanjabaadda, iyo nacaybka dhex ceegaago weedhaas iyada ah, ayaa ah wax la kahsodo. Maxuu se Garsoorehu uu tuugaas ugu arkayay Soomaali madow uun? Maxuu se, sida ku habboonayd ba, uu ugu arki kari waayay Ingiriis madoobaa uun? Maxuu se ugu qabi karay in Shaydaankii madow ba uu ku "badbaadi karay" dalka la yiraahdo Soomaaliya uun? Garqaadkii, bilow iyo ka dhammaad, waxa uu u muuqdaa xadgudub weyn iyo jawrfal uu James Simpson kula tagrifalayo xilqabeennimodii markeedii hore ba isaga loogu igmaday xilka garsoornimo ee uu sharaftii ka halleeyay. 

Bal aan gardiidnimoda Maxkamaddaaas dhex tiil kaa tusiyo qirdaas ka mid ah dhigane ay iigu qoran yihiin foolxumida xeerararka dadyowga, siiba Xeerarka Ingiriiska. U fiirso. Xukunkan lagu riday Maxamed Cabdi maxaa ku jaban? Maxaan se anigu u qoonsaday? Sow lama moodo tiiyoo "dibadda loo wada qubayo muluqii [afarjirkii] iyo biyohii loogu dhaqdhaqay oo is wata." Dhan loo dayo ba, su'aalohan ku saabsan gorfaynta iyo falcelintoodii ba waxa aan u deyn lahaa qareen iyo xeerdhaarigii kasta oo aqoonsan gobannimoda Soomaalida. 

Maxaa yeelay, "Mar haddii qalooc hadalku galo  waa qaraar yahaye (Ayax Dhawre:  Quursidiid)."  

Sida ay aniga ila tahay, Garsoore James Simpson, waxa uu isu haystaa xogogaal kala bargaran karo tuugoda oo idil goorta ay joogto uun: tuugga isaga ka hormuuqdo -- tuug aan sina ula dhaqmaad ahaan karin qarankii uu asal ahaan ka ba soo jeedi karay. Maxamed Cabdi se marka lagu eego indhoha Garsoorehan oo kale, waa dembiile xun; waa mujrim mudan in loo dhoofiyo dal shisheeye, kaas oo, hayeeshee, ka sii ciqaab kulul xabsiyoda qurmuun ee ku yaal dalka Ingiriiska. Garsoorehu, maleha, Soomaaliya na waxa uu u arkayaa: Xabsi ay ku nool yihiin Shacab madmadow oo wada Mujrim ah? Ama dhul ay ka taliyaan Tuugo: Maamullo u wada baahan turjubaan mujrim ah, kaas af Ingiriisi iyaga uga afceliya isla Bulshodii Caalamka ee abuurtay madaxdooda wada khaa'inka ah? Mise sabab kale ayuu u yiri, "[T]o speak English would help him [Mohamed Abdi] find work?" Af Ingiriisku se ma Soomaali dhalad ayuu ka dhigayaa tuug ah saar Ingiriis? 

Garsoore James Simpson baaritaan ha loogu laabt0. Haddii uusan waallaneyn; wallee waa dhalad jirran. Caabuq xun ayuu se qabaa. Caabuuq maxay ah? Waa cudur la yiraahdo ISIRNACEYB. 

Akhristow adigu na bal haatan is weydii: Garsoore James Simpson maxuu shaqo ka dhigan haddii Tuugta Reer Sheegato ay wada joogsoto (dabargo'do)? Yaa guriga u fiiqi doona? Kaboha u dhalaalin doona? Yuu addoonsan doonaa? Yuu se dhalasho been ah ku dhagri doonaa?…  

Intaas aan uga baxo Garsooreha dembiile ah iyo tuugiisa xun ee la sinjidhaamay.  

Qormo: “Maxaa ku jaban Garta Garsoore Simpson?”

Wq A. M. Yusuf
wayeel@operamail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 22, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS