SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL
Daabaco Boggan | Print

Waraysi la xiriira Raggii Loo Gacan Geliyey Itoobiya
Radio Australia oo Waraysi la yeeshay Maxamed Ismaaciil Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee ONLF, Magaalada Sydney iyo Sh. Ciise Cabdow Iimaam Soomaaliyeed Dhegeyso ama
halkan (mp3)


Bayaan ku saabsan xubno JWXO ah oo Maamulka Puntland u dhiibay gumaysiga Itoobiya

25 April 2008

Jabhadda Waddniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO waxay si wayn u canbaaraynaysaa falkii cadowtinimada ahaa ee loo gaystay labo xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee JWXO oo laga afduubay magaalada Garowe markii ay taariikhdu ahayd 22 April 2008, isla markaana lagu wareejiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Labadan xubnood waxaa Hutel Global oo ku yaalla magaalada Garowe ka afduubay ciidammada Maamulka Puntland, ka dibna waxay ku qaadeen Baabuurka Gaarka ah ee wasiirka Maaliyada ee Puntland Maxamed Cali
Yuusuf (Gaagaab), kaasoo lagu geeyay xadka Ogaadeenya iyo Soomaaliya, halkaasoo ay ku sugayeen ciidammo Itoobiyaan ah.

Xubnahani kuma aanay jirin arrimo wax u dhimi kara ammaanka Maamulka Puntland,  siyaasada JWXO-na ma aha in wax daanno ah loo gaysto dalalka iyo dadyowga dariska la ah Ogaadeenya, halganka ay hormuudka ka tahayna wuxuu ku jeedaa gumaysiga Itoobiya oo kaliya. Labadan xubnood ee cadowga Itoobiya loo dhiibayna waxay Garowe u tegeen arrimo la xidhiidha muwaadin Ogaadeenya u dhashay oo dhawaan si waxshinimo ah loogu
dilay xabsi halkaas ku yaalla iyo booqasho dad ehel ah oo Puntland ka joogay.

Tallaabadan uu Maamulka Puntland kula kacay labadan xubnood ee JWXO waxay si cad uga soo horjeedaa Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka Jidhdilka iyo Falalka kalee Cadowtinimada iyo Bani’aadamnimada Xumada ah, sababtoo ah labadan xubnood waxaa iska cad inay halis u yihiin in la dilo ama jidhdil iyo dhibaatooyin kale loo gaysto.

Tallaabadani ma aanay xeerinin Walaalnimada iyo Islaanimada ay wadaagaan labada dadwayne ee Ogaadeenya iyo Puntland, Ma aanay xeerinin darisnimada iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee dhaqan iyo dhaqaalee ka dhexeeya labadan dadwayne,  Ma aanay xeerinin dhaqanka Soomaaliyeed ee diida in dhibaato loo gaysto cid aan cadow kugu ahayn oo gurigaaga kugu soo martiday iyo waliba xeerarka ilaalinta xuquuqda aadanaha, Mana aanay xeerinin guud ahaanba danaha labada dadwayne, waxayna si cad ugu adeegaysaa gumaysiga Itoobiya oo cadow u ah labada dadwayne ee Ogaadeenya iyo Puntland.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay u aragtaa falkani inuu yahay dagaal gardarro ah oo Maamulka Puntland ku qaaday dadwaynaha Ogaadeenya, isla markaana ay dadwaynaha Ogaadeenya xaq u leeyihiin inay
iska difaacaan dagaalkaas gardarrada ah ee lagu soo qaaday, waxayna aaminsan tahay in dhibaato kasta oo falkan ka dhalata ay masuul ka yihiin Maamulka Puntland.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO-ONLF)


Dawlad Gob. Puntland  ee Soomaaliyeed   | Punt land State of Somalia

Wasaaradda Warfinta iyo Isgaarsiinta,Dhanqanka iyo Dalxiiska
 
Ref: W/W/ISG/DH/D/58/2008    Date:apriL, 26, 2008

WARSAXAAFADEED  

WASAARADDA WARFAAFINTA P.LAND OO LAASHAY EEDAYNTA ONLF. 

Labadii maalmood oo ugu dambeyey waxay Idaacada BBC-du baahineysey waraysi ay la yeelatay ninka lugu magacaabo Caddaani Hirmooge oo ah Guddoomiye ku-xigeenka ONLF. Wacaalkaas ay BBC-du Hirmooge ka qaadatay wuxuu kaga hadlay inay jiraan niman, sida uu sheegay, uu Wasiirka Maaliyadda P.Land, Maxamed Cali Yuusuf, Dawladda Ethiopia u gacangeliyey. 

Qaranka Puntland wuxuu leeyahay ciidammo kala hannaan iyo hawlgalla ah, sida kuwa Daraasiishta, kuwa Booliska ee sugidda amniga gudaha, kuwa wardoonka, Ilaalada xeebaha, kuwa baariska dembiyada, kuwa kastammada, kuwa ururinta khidmooyinka canshuuraha iwm. Intaas oo ciidammo ah oo dhaqdhaqaaqa soohdimaha, xaqiijinta xasilloonida iyo degganaanshaha, la socoshada bulshada gobollada isaga gooshta iyo cidda hadba degaanka ku soo biirta u dhisan, waa arrin aan maanka iyo garashada sina ugu xasili karin in loo xambaariyo, oo lugu masabbito, wasiir intaasoo ciidan  qaran ah talisyadoodu aysan midna ka hoos u imaan. Misna, waa wax aad loo quursado, amase markhaatiba u ah, inaan masabbidkaasi raad iyo gadaan la cuskado toona lahayn, isagoo Hirmooge eedda uu sheeganayo beel u tallaabiyey, taasoo muujinaysa inuusan ka fiirsan ama hubinnin waxa uu afka ku ballaariyey iyo cawaaqibka uu ku wacnaan karo. 

P.Land waa dal, siduu Wasiirka Maaliyaddu sheegay, aysan bulshadiisu dhaqan u lahayn inay dadka xorriyaddiisa faragashato ama wax u dhinto, hadduusan isagu sabab ka noqon; weliba dadkeedu ka sarriigto in badan oo antaradhaafta. Waa dal ay ku soo hiloobaan kuwa carraday ku dhaqnaayeen loogu awood sheegtay, lafohooda badbaado ugu waayey, ama nolol ay dugsadaan aan ka heli karin, oo Soomaali ah ama derisya ah amase dalal kale ka soo dalaabay. Gaar ahaan, Ismaamulka Kilinka 5aad ee Ethiopia Puntland waxay weligeed u ahayd, haatanna u tahay, dhul aan kuwa deggani abidkood ka sheegan ayna isku si ugu dhaqmaan, meeshay doonaan ka maraan, dhankay rabaan kaga gooshaan, ganacsigoodu ka socdo kana shaqaysta. 

Waxaa taas saldhig u sii ah: 

  • - Dhiigga iyo dhalashada ay wadaagaan.

  • - Iyagoon dhibaato dhex ool.

  • - Iyadoo carrigay ku dhaqmaan uusan bari taniyo galbeed kala qoqobnayn.

Haddaba hadalka ka soo yeeray Hirmooge waa mid duluc muuqata oo siyaasadeed ku arooraya, siduu Wasiirka Maaliyadda P.Land sheegayba, oo ah:

  • 1. In mugdi la kala geliyo bulshada walaalaha ah.

  • 2. In cabsi, khalkhal iyo carqalad lugu abuuro dadka Kilinka 5aad ee Ehiopia oo Puntland deggan, ka ganacsada ama ka xoogsada .

  • 3. In maamulka, madaxda iyo bulshada P.Land magocooda,  ummadnimadooda iyo qarannimadooda la dhaamo.

  • 4. In dadka dagaalladu muddada riiqeen ee xasillooni iyo nadad in loo  raadsho u baahan loo abaabulo inay xaaaladdaas fursadeheeda la dayacay     ku sii jiraan. Iyo;

  • 5. inaan marna Geeska Afrika nabad waarta lugu naalloon oo ay qalalaaso ka oognaadaan.

Sidaas darteed, P.Land warkeedaan saxaafadeed waxay shaaca kaga qaadaysaa inaysan mudnayn garna loogu lahayn eedda Caaddaani Hirmooge u soo jeediyey ee ay iyagu dib isugu laabtaan.

Puntland waxay u taagan tahay:

  • - Astaanta nabadda iyo xasilloonida.

  • - Dhawridda dhaqanka iyo wada noolaanta.

  • - Ilaalinta danaha guud iyo kuwa gaar ee bulshadeeda iyo inta la dhaqan.

  • - Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, sugidda qarannimadeeda iyo   horumarkeeda.

  • - Iskaashiga Geeska Afrika, guud ahaan qaaradda iyo ummadaha adduunka. 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland.
C/qaadir Faarax Bootaan
foolayone@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS