SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Baaq Cambaarayn Ah Oo ay Soo Saareen Waxgaradka Beesha Dhulbahante Ee Ku Dhaqan Muqdisho Iyo Kismaanyo...
  • Iyo Suldaan Axmed Cali Sonkor, oo kamid ah Odayaal dhaqameedka beesha absame ee Koonfureed oo Ka hadlay Raggii Loo dhiibey Itoobiya

Waxgaradka,aqoonyahanka iyo Odayaasha beesha dhulbahante ee ku dhaqan magaalada muqdisho iyo kismaanyo ayaa Baaq wadajir ah kasoo saaray xubno la sheegay in dhowaan loo dhiibay xukuumada ethiopia oo kasoo jeeda beesha absame islamrkaana lagu eedeeyey jabhada ONLF taasoo ay sheegeen inay tahay mid ka baxsan xaquuqda bani aadamka iyo sharciga islaamkaba .

Baaqan ay wadajirka usoo saareen Odayaasha iyo waxgaradka beesha dhulbahante ayaa cambaareeyey falkan waxashnimada ah islamrkaana aan hore loogu arag gudaha wadanka ama xeerka soo jireenka ah ee beelaha walaalaha ah ee beesha wada sheegta taasoo ay sheegeen inay cambaaraynayaan Kuwii falkaasi ka dambeeyey iyo weliba masuuliyiinta puntland .

Sidoo kale odayaasha iyo waxagardakan ayaa bayaankooda ku xusay inay aad uga xun yihiin arintan Foosha xun islamrkaana ay uga tacsiyeynayaan iyagoo shaaca ka qaaday inaysan marnaba raali ku noqon doonin dhibaatada ay sameeyeen maamulka puntland gaar ahaan kuwa masuuliyiin isku sheega ah ee u adeega Ethiopia .

Baaqan ay soo saareen waxagaradka ,odayaasha iyo aqoonyahanka beesha dhulbahante ayaa waxaa ku saxiixnaa Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kala ah .

  1. Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen (Baqow)
  2. Caaqil Yuusuf Haybe Abokor
  3. Dr C/risaaq Maxamuud Ibrahim(Raamaale )
  4. Caaqil Salwiye Cali
  5. Cabdi Xasan Xuseen
  6. Maxamed Jaamac Xuseen
  7. Maxamed Aadan Jiciir
  8. Maxamed Axmed Qaalib
  9. Siciid Maxamed Jaamac
  10. G/dhexe Cabdikariim Cumar Xaashi
  11. G/lle Maxamed Cabdulaahi Warsame
  12. Cabdi Saleebaan Dirir
  13. Cabdi Barkhadle Cashuur
  14. Maxamed Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen( Baqow)
  15. Iidle Maxamed Aadan
  16. Aadan Siciid
  17. Maxamed Boqor Muuse
  18. Xuseen fanax
  19. Axmed naasir (bidde)
  20. cali Boobe cabdille
  21. jaamac Suudi faarax

Wabilaahi Towfiiq

Suldaan Axmed Cali Sonkor oo Ka hadlay Raggii Loo dhiibey Itoobiya

Suldaan Axmed Cali Sonkor oo kamid ah Odayaal dhaqameedka beesha absame ee deegaanada koonfureed ayaa ayaa sheegay inay arintaas rag loogudhiibey Itoobiya ay tahay mid aad u Fool xun oo cawaaqib xumo keeni karta islamrkaana Xumaato ku abuurtay haddii ay yihiin beesha absame, waa siduu hadalka u sheegaye oo uu Ku sheegay mid aan laga Fiirsan islamrkaana looga baahan yahay inay maamulka puntland oo uu sheegay inay Eeda leeyihiin hal beel ay arintaasi raali gelin ka Bixiyaan soona Celiyaan Xubnihii beesha absame ee ay u dhiibeen ethiopia .

faytin yaasiin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS