SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

BAYAAN Ficilkii Maamulka Cadde ku iibiyeen.......

Ku: Maamulka Puntland iyo Golihiisa shacabka
Ku: Kulanka ISSIMADA sharafta leh ee Puntland
Ku: Kulanka Culimaa,uddiinka Qaaliga ah
Ku: Aqoonyahanka iyo Indheer garadka reer Puntland

BAYAAN: Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan dalka Finland oo cambaaraynaysa falkii waxashnimo ee ay kukaceen qaar kamida maamulka Puntland oo cadoowga loogu gacan geliyey shacab soomaaliyeed!

1-Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan Finland waxay kadigeysa in maamulka Puntland kudhaco tubtii Qabqablayaashi Muqdisho, haddii aanay tallaabo degdeg ah oo wax ku'ool ah ka qaadin falkan waxashnimada ah ee ay ku kaceen dad huwan magaca reer puntland oo caado qaatayaal ah, kuwaas oo usoo jiiday ceeb iyo fadeexad mahadho ah dadka deegaankaas ku abtirsada!

2- Jaaliyaddu waxay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland ugu baaqeysaa inay ka dhiidhiyaan kana hortagaan wiilashooda iyo werisadooda la iibsanayo sidii ari qadhab ah taas oo ah masuuliyad ALLE weyne hortiis la weydiin doono waxay ka yeeleen!

3- Waa in shacab weynuhu shucuurtooda ku muujiyaa isusoo baxyo nidaamsan, oo ay horkacayaan Isimada iyo culumaaudiinku, si looga fogaado in fowdo dhacdo, arrintaasna laga hirgeliyaa magaalo walba, insha'llaah

4- Jaaliyaddu waxay shacabka soomaaliyeed ucaddeyneysaa in ay barii ka tahay falkaas waxashnimo ee ay ku kaceen waxma garadkayyagu, siwalbana u hor istaagayaan insha'llaah...

5- Jaaliyaddu waxay bogaadinaysaa hadalkii qiimaha badnaa ee uu ka jeediyey waxgarad CABDALLA JAAMAC JIBRIIL magaalada gaalkacyo, kaas ayaana ah aragtida shacabka Puntland 100%, waxaanna ka digeynaa in maamulku ku kaco talaabo kasta oo lagu caburinayo codka shacabka , taas oo haday dhacdo dedejinkarta kacdoon dadweyne oo baaxad leh, maamulku ha xasuusto in ficilkani lamid yahay kii qabqablayaashi muqdisho eersaday!!!, ummaduna hogaamintii ay u igmadeen ahayn inay cadoowga u iibgeeyaan...

Mahadsanidiin
Wabillaahi tawfiiq
M.Ali Hassan
Jaaliyadda Puntland ee Finland
Tel. +358-9-42899296
mucaad1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS