SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Baaq Kale oo ka soo baxay Odayaasha Gobolka Mudug...

  • Ciidamo hor leh oo Itoobiyaan ah oo soo galay Gaalkacyo
    iyo
    Cadde Muuse oo Itoobiya ku maqan laga soo bilaabo Maarso 30, 2008

Odayaasha, Waxgaradka, Ganacsatada  iyo Aqoonyahanka Gobolka Mudug ayaa Talaadadii [May 6, 2008] baaq kale ka soo saaray magaalada Gaalkacyo ee G/Mudug oo ku saasan dadkii laga qafaalay Puntland.

Baaqa cusub waxay Odayashu ku muujiyeen sida ay ugu xun yihiin dadkii Soomaaliyeed ee laga qabqabtay Puntland ee lagu wareejiyey Itoobiya.

Warbixin ku saasban Baaqa ee Idaacada British Broadcasting Corporation iyo hadal uu baaqa ka yiri Caaqali Cabdiwahaab Maxamuud Gurey Dhegeyso ama mp3.

Sidoo kale Cabdiwahaab Maxamuud Gurey oo bayaankaas ka warbixinayey isagoo la hadlayey Idaacadda Garoowe ayaa sheegay in loo baahan yahay dadkii laqabtay (ee loo gacan geliyey Itoobiya) in dib looga soo celiyo. Dhegeyso ama mp3.

Odayaasha iyo waxgaradka soo saaray bayaanka oo ka koobnaa in ka badan laba boqol oo qof waxaa ka mid ahaa:

  1. Caaqil Cabdiwahaab Maxamuud Gurey
  2. Nabaddoon Siciid Nuur Dirir
  3. Nabaddoon Bashiir Maxamuud Dalmar
  4. Nabaddoon Yaasin Cabdi Samad
  5. Saleebaan Dakharre
  6. Cismaan Maxamud Xaaji Xasan

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Gaalkacyo

gaariBaaqa Gaalkacyo ayaa ku soo beegmay xilli ay May 6, 2008 magaalada Gaalkacyo soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo hor leh oo aan ilaa hadda tiradooda la aqoon, lana garanayn ujedadooda.

Cadde Muuse oo Itoobiya ku maqan laga soo bilaabo Maarso 30, 2008

Madaxweynaah DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa weli waxa uu ku maqan yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu tegey Maarso 30, 2008. Intii uu joogey Addis Ababa waxa uu Gen. Cadde booqasho gaaban ku tegey Nairobi iyo London, kaddibna waxa uu ku laabtay Addis Ababa.

Aragtida Halgamaaga: Dhegeyso ama mp3

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2008

baaqOdayaasha Gobolka Nugaal oo Bayaan ka soo saaray Dadkii Loo Gacan Geliyey Itoobiya.. Akhris/Dhegeysi

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS