SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

GOLAHA XUQUUQUL-INSAANKA GEESKA AFRIKA

Uj: CANBAAREYN FALALKA KHILAAFSAN SHURUUCDA ADUUNKA EE MAAMULKA PUTLAND KULA KACAYO SOOMAALIDA REER OGADENYA.


KU: Urudada caalamiga& kuwa dowliga ah ee UNta, EU, AU, Jaamicadda Carabta & OIC
KU: Amnesty International & A. Watch
KU: Dhammaan hay'adaha xuquuqul-insaanka dunida ee kale
KU: Qalabka warbaahinta gudaha & dibadda

Golaha xuquuqul-insaanka Geeska Afrika wuxuu la socodsiinayaa dhammaan ururada caalamiga ah, hay'adaha xuquuqul-insaanka, dowladaha iyo qalabka warbaahinta in Maamul gobaleedka waqooyi-bari ee Soomaaliya [ Puntland] uu jabiyey qodobo ka mid ah sharciyada xuquuqul-insaanka dunida oo kala ah Art: 1,2,3,4-9 oo ku xusan Universal Declaration of Human Rights, kadib markuu u gacangaliyey Ethiopia 23 ruux oo Soomali ah, isla markaana uu wali wado olalahan kor ku xusan.

Dadkan kor ku xusan oo rayad & xoogsato isugu jira waxaa laga soo qabqabtay magaalooyinka : Boosaaso, Garoowe & Gaalkacayo oo hoos yimaada maamulka Puntland, isla markaana qaab qabiil ayaa loo soo soocay, looguna gacangaliyey ciidamada Ethiopia.

Talaabadan dhanka ka ah xuquuqda aadamaha oo wali socota waxay xadgudub ku tahay xushmadda aadanimo, tan Islaanka iyo tan Soomaaliyeed, isla markaana waxay u horseedi kartaa dhibaatooyin horle oo ka dhexdhacda walaalaha Soomaaliyeed.

Haddaba Golaha Xuquuqul-Insaanka Geeska Afrika wuxuu si kulul u canbaareynayaa falalkan foosha xun ee maamulka Waqoo-Yari ee Soomaaliya kula kacayo dadka Soomaali galbeed, isla markaana wuxuu codsanayaa in si deg deg ah loo joojiyo.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa ururada caalamiga, hay'adaha xuquuqul-insaanka iyo dhammaan dunida in falkan la canbaareeyo, waxna la qabto.

GOLAHA XUQUUQUL-INSAANKA GEESKA AFRIKA
LONDON-UK,07/05/08

Dr. Abdi, Chairman

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2008

baaqOdayaasha Gobolka Nugaal oo Bayaan ka soo saaray Dadkii Loo Gacan Geliyey Itoobiya.. Akhris/Dhegeysi

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS