SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Warqad Furan oo kusocoto Madaxda, iyo Shacbiga Puntland.

Assalaamu Calaykum Waraxmtullah wabarakaatuhu, salaan kadib, waxaa mahad iska leh Allihii inagu hanuuniyay xaqa, wanaaga iyo xumantana nakala tusay, waxaa ku dayasho mudan Nabi Muxammed (SCW) waxay amaan u sugnaatay cid walba oo ka dhidhisay falalkii foosha xumaa oo ay ku kaceen madaxda Dowlad Goboledka Puntland, Ceeb iyo caro Alle waxay u sugnaatay cid walba oo soo qabqabatay shacbiga la dulmiyay oo cadawga loogu gacan galiyay iyo cid walba oo ka danbeesay soo qabqabashadeeda, Waxaan maqaalkaan rabaa inaan kaga hadlo falalkii lagula kacay shacbiga Ogadeniya ee loogu gacan galiyay Cadawga Alle iyo cadawga Shacbiga Soomliyeed, Maqalkaan wuxuu kusocdaa Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo shacbigeeda.

Mudane Madaxwayne, Mudane Wasiir, iyo Mudane Taliye, waxaa ay shacbiga Somaliyeed meel walba oo ay joogaan is waydiinayaan sababta aad oogu kacdeen falalka fooasha xun ee aad walaalihiin cadawga ugu gacan galiseen, jawaabtiina way ka fogaan waysay inaad kalsooni iyo Jacayl kaga raadinaysaan Itoobiyaanka, miyeedan damiir lahay, aaway ehelnimadii, xigtonimadii, Somalinimadii, iyo islaamnimadii, ma xeerbaa ma xaqbaa! maxay galabsadeen oo lagu soo qabqabtay, ma sidaas ayaa idinla qurux badnaatay, miyeedan ogayn jacaylka iyo kalsoonida aad Itoobiyaanka ka raadsanaysaan inay idinka fogeenayso walaalihiin, mase ka fakarteen Cawaaqibka ay idin dhaxalsiinayso aduun iyo aakhiro, hogaamiyenimadu waa mid ku dhisan aayo ka talinata shacbiga iyo dalka aad hogaamiyaha u tahay, tiinii waxay noqotay xumo ka talin, cadaw kalkaalid iyo inaad cadaw u gacan galisaan walaalo aan waxba galabsan.

Mudanayaal waxaa badatay hadal heenta falkinii foosha xumaa, waxaa la is waydiinayaa madaxda deeganada puntland ma Shacbiga Ogaden oo idil ayaa danbiilayaal ah oo la yiri soo qabqabta, mise Ogden oo idil ayaa ah ONLF oo meel walba waa laga soo qabanayaa, hadii ay saas idinla noqotay, ama la idinka dhaadhiciyay qabiil maanta hal meel isku raaci karaya malaha, kuwa ka arimiyo kililka shanaad ama Somali Galbeed waa Ogaden, kuwa raba inay reeryada gumaysiga tuuraan oo har iyo habeen hoyaadka ka tagay oo ka dagaalamaya deegnada ay u dhasheena waa ogaden, somali waxay tiraahdaa xaajo nina la toosan nina tuur la leh hadafka ONLF dad badan uu u dhashay Ogaden ayaan xal u arkin, nina duurka ayuu u galay oo naftiisa u huray, mana jiro hal qoys oo manta isku fikir ah ama arin isku raaaci karta, balse waxaa yaab iyo amankaak noqotay markii deegaanada aad ka arimisaan aad ka biloowdeen ololaha lagu gacan galinayo cid walba oo u dhalatay Ogaden taas oo lala xiriirinayo inay ka midyihiin Jabhadda Xoraynta Ogadeniya (ONLF).

Mudanayaal waxaan idinka sugeenay hormar, waxaan idinka sugeenay Amni, waxaan idinka sugeenay wax qabad, waa la idinku rajo waynaa, balse hooshiinii oo idil guryo noqod ayeey noqotay oo shacbigiinii ayaad dib ugu soo laabateen taasna waa ayaan daro, ma askar Itoobiyaan ayaad noqoteen, ma dable xabashi ah ayaad amarkiisa maqashen, ma walaalkaabaa lagugu yiri soo qabo oo aad MAYA kari waysay, Mudanayaal waxaad sameeseen taariikhbay idiin gashay, bini-aadamkana gaf waa ka dhacaa balse kuwo toobad keen ah uma muuqataan oo wali waad soo indha cadihiin oo aad rabtaan inaad kuwo kale ku dartaan oo aanan waxba galabsan.

Mudanayal ma waxaad kursiga ugu fadhisaan inaad walaalihiin ku wax yeeleesaan, ma waxaad siyaasadiinii ku xirteen xabashiga madow, miyaad ilaawdeen aakhiro, miyaadan dadnimo idinku jirin, Mudane Taliye xilka aad heeso waa inaad Amniga sugtaa, ilaalisaana amniga qof walba oo deegaanka aad ka taliso marti ku ah, Madaxwayne iyo Wasiiro kale oo aan ku shuqul lahayn wax laga waydiin maayo arimaha amniga waa howl adiga laguu xilsaaray, qof aan ku howl lahayna awood kugu gacan dhaafo malahan, wax lagu qancayana maaha in aad dhahdo waxa ka dhacayo deegaanka lama socdo, ma waxaan wax kaa waydiinaa Amniga mise waxaan wax kaa waydiinaa dhaqaalaha, cafimadka iyo siyaasado kale, su'aasho waa maya hooshaadu waa xilka aad heeso, xilka aad heesana waa inaad ilaalisaa muwaadinkasta oo ku sugan deegaankaada, mana dhicin ayaan daro, oo gawaari ayaa lagu daabulay sidii raashinkii aygoonan waxba galabsan, hadalkaadiina wuxuu noqday waxba kalama socdo!. Taliye waxaan kuusoo jeedinayaa hadii aadan lahayn awood aad ku ilaaliso amniga qofka ku nool deegaanada aad ka taliso oo aanan waxba galabsan raalina aadan ka ahayn waxa socdo inaad xilka iskaga dagto, waayo wixii dhacay masuul kama ihi cidna kama yeelayso oo waa wax adiga Madaxwaynaha, iyo Wasiirka soo qabqabashada uwada dhantihiin.

Hadaba madaxdeenii waxay ku kaceen falalkaas foosha xun, waxay inoo soo jiideen Ceeb, waxaa meel walba gaaray falalkii naxdinta lahaa, waxay iska kayn horkeeneen walaalaheen, waxaa deegaanadeenii laga dhiibay dad aan waxba galabsan loona gacan galiyay cadaw manaxe ah, hadaba maxay tahay waxa nala gudboon, maxaase xal ah, ma badbaadin kartaa walaalkaaga kale ee manaxayaasha usoo xargo gadanayaan, lana rabo in kuwo kale oo hor leh loo gacan galiyo cadawga, jawaabtu waa HAA, hadii aynu aamusno waxaynu noqonaynaa kuwo ka raali ah falalka foosha xun ee ay ku kacayaan madax ku sheegta, hadaba diyaar ma u tahay inaad la qeebsado murugada walaalkaa, ma tahay qof ka dhiidhin karo falkaas foosha xun, hadii ay tahay jawaabtaadu HAA, ka kac fadhiga oo aynu ka dhiidhino falalkas foosha xun, aynu kacdoon sameeno, aynu mudaaharaadyo ka dhigno deegaanada Puntland oo idil, Aamusnaantaadu waxay ka turjumaysaa ka raali ahaanshaha lagu soo qabqabanayo walalaha aanan waxba galabsan, hadii aadan ka dhiidhin cadaalad darada lagula kacayo walaalkaa ogoow in ay bari adiga ku qabsan doonto.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Puntland inay ka waantoobaan falalka foosha xun, waxaan shacbiga leeyahay haku daawanina walaalihiin in guryihiina lagala baxo idinkoo nool, ka kaca fadhiga oo haku fiirsanina walaalahiin la dulmiyay falalka lagula kacayo, badbaadi oo tusi madax ku sheegtay inaadan raali ka ahyn waxa ay ku kacayaa, cadawgu wuxu rabaa in dadka walaalaha ah lakala dilo waxayna sameesteen Wasiiro u xilsaaran qabqabashada, fahan qorshaha cadawga, oo ka dhiidhi falalka fosha xun.

Ugu danbeentii waxaan tacsi u dirayaa ehelkii iyo asxaabtii dadkii manaxayaasha ay u gacan galiyeen cadawga Somaliyeed, waxaan Alle ooga baryayaa in sharta cadawga ka badbaadiyo, nasro dhawna u fidiyo, Ummada Somaliyeedna guud ahaan waxaan leeyahay ka digtoonaada dhagarta cadawga oo iska ilaaliya qorshooyinka guracan ee uu la damacasanyahay dalka iyo dadka, Cizi iyo sharafi waxay u sugnaatay Alle iyo rasuulkisa, iyo mu'miniinta, Allaha Somali isku soo duwo quluubtooda, Aamin... Aamin...Aamin.

Abdallah Mohamed
abdallah0@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS