SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL
Daabaco Boggan | Print

Waraysi la xiriira Raggii Loo Gacan Geliyey Itoobiya
Radio Australia oo Waraysi la yeeshay Maxamed Ismaaciil Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee ONLF, Magaalada Sydney iyo Sh. Ciise Cabdow Iimaam Soomaaliyeed Dhegeyso ama
halkan (mp3)

Wareeysi British Broadcasting Corporation Somali La Yeelatay Gudoomiye Ku Xigeenka O.N.L.F


CAMBAARAAAYN KU AADAN MAAMULKA GOBOLKA WAQOOYI BARI 

Jaaliyada reer Ogaadeenya ee wadanka Canada gaar ahaan gobolka Ontario ayaa isugu yimid shir deg deg ah oo ku aadan gadashada labada muwaadin ee u dhashay wadanka Ogaadeenya aay gateen maamulka gobolka waqooyi bari ee Soomaaliya. Shirkan deg dega ah oo dhacay markaay taariikhdu ahaayd 26/04/2008 ayaay isugu yimaadeen dadwaayne boqolaal kor u dhaafay. Shirku wuxuu kadhacay Lawrence Heights Community Center ee magaalada Toronto. Jaaliyada reer Ogaadeenya ee Canada waxaay cambaaraayn xoog leh usoo jeediyeen maamulka waqooyi bari iyaga oo ku dhaleeceeyay arinka wuxushnimada leh ee aay ku dhaqaaaqeen maamul kusheega waqooyi bari. Maamul kusheegan ayaa qoowmiyada tirada yar ee Tigreega gacanta u galiyey labadaas muwaadin oo u dhashay Ogaadeeniya kuwas oo marti ku ahaa degaankooda.  

Labadan muwaadin ee lagatay ayaa ku joogay waqooyi bari imaansho uu ka warhayay maamulka waqooyi bari oon wax lug ah kulahaayn siyaasad amaba dhibaato marna u keenaayn amaanka dhulka uu maamulka waqooyi bari sheegto in uu kataliyo. Labadan muwaadin ayaa maamul kusheegani faraha u galiyay sirdoonka qoowmiyada Tigreega. Maamulku sheega waqooyi bari ayaa ku xadgudbay dhaqanka soo jireenka ah ee aaay soomaalidu leedahay oo martida amaba nabad galiya ama soorya.  Maamul ku sheega waqooyi bari ayaa noqonaya maamulkii labaad ee isagoo soomaalinimo sheeganaya gacanta u galiya muwaadiniin reer Ogaadeenya ah sirdoonka qoowmiyada Tigreega. 

Jaaliyada reer Ogaadeenya ee Canada waxaay aduunwaaynaha ka dalbanayaan in qoowmiyada Tigreega lagu cadaadiyo sidii aay u sii daaynlahaayeen labadan muwaadin een waxba galabsan. Qoowmiyada reer Ogaadeenya meelwalba ooy joogaan waa inaay meel ooga soo wada jeedsadaan sidii loo cunaqabataayn lahaa maamul ku sheega waqooyi bari oo ku tiirsan dhaqaale ahaan khaayraadka reer Ogaadeenya.  

Qoowmiyada reer Ogaadeenya meel walba ooy joogaan waa inaay isha ku hayaan shaqsiyaadka la sheegay inaay gacanwaayn kagaaysteen gacan ugalinta qoowmiyada Tigreega labadan muwaadin. 

Jaaliyadda Ogaadeeniya ee Canada
jaliyadakanada@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS