SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Odayaasha iyo Culimada G/Bari oo Shan Nin oo Soomaali ah ka Badbaadiyey in ay gacanta u Galaan Itoobiya....

  • 5 Soomaali ah oo Loo Dhiibi Lahaa Itoobiya oo Laga Celiyey Qardho

Habeenimadii Arbacadu soo geleysey (May 14, 2008) ayaa magaalada Qardho waxaa dib looga celiyey shan nin oo loo wadey magaalada Garoowe oo ciidankii wadey ay doonayeen inay ku wareejiyaan Itoobiyaanka. Waxaana lagu celiyey Boosaaso.

Qaabka raggaas Qardho looga soo celiyey ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka ugu horreya ayaa sheegaya in 5-ta nin ay yihiin rag Soomaali ah oo ka soo jeeda Gobolada Soomaalida ee Itoobiya Gumeysato. Waxaana la qabtay galabnimadii Talaadadii (May 13, 2008) iyaga oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso, lana socdey diyaarad ka timid Jabuuti. Markaas ayaa Ciidanka Sirdoonka Puntland ee loo yaqaan PIS ay durbadiiba ula dhaqaaqeen Garoowe oo ay xafiis ku leeyihiin Itoobiyaanku oo ah magaalada rag hore oo Soomaaliyeed loogu gacan geliyey Itoobiya.

Magaalada Qardho markii ay soo gaareen ayaa dib loogu celiyey magaalada Boosaaso, waxaana la geeyey xabsi ku yaal dekedda magaalada Boosaaso. Arrintaas ayaa timi markii ay Culimada, Odayaasha iyo Waxgaradka G/Bari ay ka war heleen in raggaas loo wadey in loo gacan geliyo Itoobiya oo ay si xoog leh uga dhiidhiyeen.

Warar ay faafiyeen qaar kamid ah warbaahinta Puntland ayaa sheegay in "amarka 5-ta nin lagu qabtay, isla markaasna lagu xiray, uu bixiyey Madaxweyne ku xigeenka DGPL, ahna kusimaha Madaxweynaha, Xasan Daahir Afqurac."

Waxaa wararku intaas ku dareen in markii madaxweyne ku xigeenka ay la xiriireen qaar kamid ah Odayaasha G/Bari oo ay weydiisteen in aan raggaas loo gacan gelin Itoobiya uu ku jawaabey in uusan hadalka odayaasha aqbalayn isagoo marmarsiinyo ka dhigtay in "arrinku gacan ka awood saraysa ku lug leeyahay".

Wararku waxay intaas ku dareen in markaas arrintu cirka isku shareertay oo gaartey Madaxweynaha DGPL oo ku sugan Addis Ababa oo uu ku maqan yahay laga soo bilaabo Maarso 30, 2008.

Markaas ayaa Wasiirka Amniga Puntland C/laahi Siciid Samatar iyo Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse ay si degdeg ah oo toos ah ula xiriireen Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Yaasiin Siciid Xuseen (Calaacala-weyne), iyaga oo weydiistey in raggaas oo ku soo aadanaa Qardho ay dib ugu celiyaan Boosaaso, isla markaana uu Guddoomiyuhu xaqiijiyo in raggaas aysan gelin gacanta Itoobiya.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar oo la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyey in ay la soo xiriireen Madaxweynaha iyo Wasiirka Amniga DGPL, kana dalbadeen in shanta nin laga celiyey magaalada Qardho oo dib loogu celiyo Boosaaso.

Yaasiin Siciid Xuseen isagoo u waramayey idaacada Codka Maraykanka waxa uu yiri: "Xalay (oo Arbaca soo geleysey May 14, 2008) xilli ay ahayd 8:30 fiidnimo waxaa na soo wargeliyey wasiirka Amniga oo ii sheegay nimankaas maxaabiista ah oo ku soo aaddan Qardho abaare 9-ka fiidnimo in dib loo soo celiyo. Annaga oo fulineyna amarkaas Wasiirka iyo Madaxweynaha ayaan arrinkaas u hawl gallay, waana ku guulaysaney in aan dib ugu celino meeshii laga soo xiray oo ay xaq u lahaayeen in lagu baaro."

Guddomiyaha Gobolka Karkaar waxa uu sheegay in ragga dib loo celiyey ay ahayeen "5 qof oo saarna gaari ah nooca loo yaqaan MARK iyo hal gaari oo ah Tekniko oo ay wateen ilaaladii waardiyeyneysey." Waxana uu intaas ku daray in markii raggaas dib looga celiyey Qardho in lagu sii daray "Taliyaha Saldhiga Qardho si uu noogu xaqiijiyo in bartii loogu talo galay la geeyo, waxaana saaka (May 14, 2008) subaxnimadii 8:20 lagu celiyey dekeda Boosaaso, waxaana lagu raja weyn yahay in sida ugu qurux badan oo raggaasi ay xaq u leeyihiin loola dhaqmo, qofkii dembiile ahna in sida sharciga waafaqsan loola dhaqmo."

Guddoomiyaha G/Karkaar waxa uu caddeeyey in uu tegey Kantaroolka Qardho isaga iyo Taliyaha Ciidanka Qardho si raggaas loo celiyo. Sidaas waxa uu u sheegay Idaacada Radio Garoowe. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay khalad tahay in la qabqabto dad ka soo jeeda kililka shanaad oo Soomaali ah.

Hadalka Gudoomiyaha waxaa ka cad in Sirdoonka PIS aan lagu hallayn 5-tii nin oo ay waten, balse lagu daray Taliyaha Ciidanka Qardho si loo xaqiiqsado in raggaas lagu celiyo Boosaaso iyo in aysan dhexda ka bixin oo gelin gacanta Gumeysiga Itoobiya.

Waxaa jira warar kale oo tibaaxaya in shacabka magaalada Qardho ay is hortaageen in raggaas la dhaafsiiyo magaalada Qardho bar kantarool oo ku yaal, kaddibna muddo markii wadahadal socdey sidaas dib loogu celiyey Boosaaso. Balse waxaa laga xcabsi qabaa in raggaas Boosaaso diyaarad laga saaro, ayey tibaaxeen wararku.

Shanta nin waxay la socdeen diyaarad ay leedahay Shirkadda Daalo, iyagoo ka yimid dalka Jabuuti, soona maray magaalada Hargeysa, sidaas waxaa sheegay idaacada dalka Ingriiska warark au faafisa ee British Broadcasting Corporation. Idaacaddaas oo intaas ku dartay in kulan ballaaran oo ka dhacay Boosaaso ay odayaashu maamulka DGPL ka dalbadeen in aan Puntland noqon meel laga ugaarsado dadka Soomaalida.

dr ibrahimSomaliTalk oo Nairobi Waraysi kula Yeelatay Qoyska Dr. Ibrahim G. Cali,
oo ah Dhakhtar Somali-Kenyan ah oo ku xiran Boosaaso, iyo Waxgarad & Odoyaal si weyn isugu Hawlaya sii Deynta Dhakhtarka Dhegeysi/Akhris

Shacabka Gobolka Bari ayaa aad uga caraysan ficillida ay Ciidanka Sirdoonka PIS ay Garoonka Boosaaso ka ugaarsadaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo degaya ama ka dhoofaya. Dhacdadan ugu dambeysey ee 5-ta nin looga qabtay Boosaaso [May 13, 2008] ayaa la sheegay in Ciidmada Sirdoonka Puntland ay ku eedeeyey in raggaasi ka tirsan yihiin Jabhadda JWXO, sidaas darteedna ay ku doonayeen in ay durbadiiba ugu gacan geliyaan Itoobiyaanka xafiiskooda Garoowe. Balse Odayaasha, culimada iyo waxgaradka G/Bari oo ka dhiidhiyey awgeed ay khasab ku noqotay madaxda sare ee Puntland in ay arrinta soo dhex galaan oo raggaas lagu celiyey Boosaaso. Lama oga in la siideyn doono iyo in kale.

Dhacdada taas ka horeysey ayaa ahayd in Ciidanka PIS ay garoonka Boosaaso ka xireen Dhakhtar Soomaali-Kenyan ah, Dr. Ibraahim G. Cali, oo muddo ka shaqaynayey dhakhtar ku yaal Boosaaso oo markii uu Garoonka Boosaaso ka dhoofayey [May 2, 2008] xabsiga loo taxaabay isaga oo lagu eedeeyey in uu watey Baasaboor Soomaali ah. Dhakhtarku waxa uu fasax bil ah u qaatay Kenya si xagaaga uu ugu maqnaado. Weli dhakhtarkaasi waxa uu ku xiran yahay Boosaaso.

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2008

plShir Nairobi ay ku qabteen Jaaliyada Puntland
oo lagu Canbaareeyay DG Puntland falkii ay Itoobiya ugu gacan galisay Raggii Soomaaliyeed. Bayaan/Akhris/sawiro
May 12

:::Beesha Warsangeli ee ku dhaqan wadamada Austalia iyo New Zealand oo cambaarayn xoogan u diray Mamul Gobeleedka Puntland

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS