Wacyi la’aanta
ummadeed: Sidee xal loogu heli karaa?
Wacyi la’aantu waa cudur ku dhaca ummad
ama bulsho meel ku dhaqan, waxaana lagu ogaaday sooyaalka ummaddaha
burburay in cudurkani uu halis ku yahay jiritaanka umadaha uu haleelo,
igu danbayna sabab u noqdo burburkooda. Culimada ku xeeldheer cilmiga
bulshada ayaa waxay mataaneeyaan cudurka qofka ku dhaca ee waalida iyo
kan bulshooyinka ku dhaca ee wacyi darrada ummadnimo, waxayna doodoodu
tahay in labadan cudur wadaagaan hal qeexitaan oo ah ”Qof ama bulsho ka
dhacsan fahanka xaaladda ay ku noolyahiin iyo duruufaha ku xeeran”, taa
oo ugu danbayntii dhaxalsiisa inay ku fashilmaan qaabkii ay ula
jaanqaadi lahaayeen dunida ku heeran. Waxaa intaa sii dheer in falalka
ka dhaca ummaddaha wacyi darradu haayso, ay ka dhici karaan oo kaliya
qof waalan. Waxayse ku kala duwan yahiin waalida qofka waxaa lagu
ogaadaa shaybaarada xarumaha caafimaad, halka wacyi la’aanta lagu garto
qiimayn cilmiyeysan oo lagu sameeyo hab dhaqanka bulshadeed ee ummadda.
Haddaba haddii ummad wacyi la’aan
ekayso, waxaa u caado ah in ay fashalka iska leexiyaan oo ay u saariyaan
awooddo kale iyo duulal aanan la garanayn, maxaa yeelay ma hayaan waddo
kale oo ay ku sharxaan haddii la waydiiyo mashaakilka haysta, mararka
qaarna waxaaba dhacda inay fashalka u duwaan dhanka Ilaah (S W), iyaga
oo hadalhays ka dhigta in waxa ummadda haysta yahay masiibo Ilaah u
keenay, ayna tahay astaamahii akhiru-sabaankii. Sidoo kale waxay
samaystaan tababo, xeelado iyo luqado ay uga baxsadaan xaaladda dhabta
ah ee taagan, waxayna taa ka dhax muuqan kartaa dhinacyada siyaasadeed
ee isku hayo talada Soomaaliya oo kale ah:-
1-Dowlado Ku-beel Gaar ah [1]:
ku dhawaaqid dowlado ku-beel gaar ah, waa tabtii ugu horeysay oo ay
Soomaalidu isku dayeen inay uga dabaashaan dhibaatada taagan, iyaga oo
iska dhaadhicinaya si wacyi la’aani ku dheehantahay in xalka ummadda
Soomaaliyeed lagu yegleeli karo qabyaalad iyo kala ququbka ummadda
walaalaha ah, waxaana looga golleeyahay in lagu quusiyo tiro yar oo
Soomaalinimo wali ku danbayso, looguna diyaariyo gayiga Soomaaliyeed
xaaladdihii uu ku jiray qarniyadii gumaysiga iyo xilliyadii Itoobiya ku
amar taaglayn jirtay Soomaaliya. Qorshaha qabiilaystayaasha oo ay ku
taagantahay dowlada ku-beel gaarka ah waxuu u gogol xaarayaa in
Soomaaliya ku laabato gacanta Itoobiya, mana lahaan karto ujeeddo kale
oo intaa ka dheer.
2-Kooxo Imaarado doon ah:
Magacan ayaa waxaan ugu yeerayaa kooxo wadaadada ka mid ah, oo
Soomaaliya intii ay dowlad la’aanta ahayd, ka sameeyay qaybo ka mid ah
dhulka Soomaaliya waxa ay ugu yeereen “Imaarado Islaami ah”. Kooxdan
ayaa iyaduna samaysatay xeelado ay uga fasax qaataan fahmidda dhibaatada
ummaddooda ku habsatay, hase ahaatee; qoorta gashaday xal u helidda
qadiyadaha haysto in ka badan bilyan muslimiin ah oo ku nool qaaradaha
dunida.
Kooxdan ayaanan waxba ka duwanayn kuwo
hore, haddii aanu ku fiirino diiradda xal u raadinta Soomaaliya, oo
haddii aan hanka qabiilaystaha ku dhaliilnay inuu yahay mid ka hooseeya
himilada ummadnimo , kuwana waxaan ku dhaliilaynaa in hankoodu aanu
xuduuda lahayn, oo aan la gaari karin, isla markaana ka dhacsan yahay
aqrinta dunida aynu maanta joogno.
Luqadda: Ujeedada aan uga
golleeyahay luqadda, ayaa ah in luqaddu tahay qaab kooxaha siyaasadda
isku hayo mid walba uga dhuumato xaaladda murugsan ee ay abuurtay, kuna
qurxiso falalka fooshaxun ee ay maalin walba kula kacaan shacabka
Soomaaliyeed, waxayna koox walba ku guda-jirtaa qorista qaamuus cusub
oo luqadeed. Qalabka isgaarsiinta ayaanu ka helnay qaar kamid ah
eraybixino cusub oo ay ku soo biiriyeen luqada Soomaaliga:
Qaamuuska Ku-beel Gaar ka :
Dowladda ku-beel gaarka ah: Dowladda Ku-meel Gaarka ah
Dabo’dhilif: Wadani
Qalqal abuurid: Amaan sugid
Gumaad shacab: Sifayn argagixiso
Taliyaha nabad sugudda: Taliyaha colaad ogidda
Ciidamada gumaysiga: ciidamada walaalaha aynu nahay
Duqa magaalada:Taliyaha howl’gallada Ciidamada
Gaajaynta shacabka: ku dadaalista caafimaadkooda.
Qaamuuska Imaarado Doonka:
Baaba’a shacabka: Astaan guul.
Jabka: Xeelad dagaal.
Xaaladda oo ka sii darta: Guusha oo soo dhawaato
Aqoonyahan: Gaalo raac.
Wadani: Cilmaani
Heesta calanka: ficil shaydaan
Calanka Soomaaliya: Maro labo yaardi ah.
Afawarki: Najaashiga qarniga 21aad
Nin xukun raadis ah: Raadin xukun Ilaah.
Soomaalinimo: Bidcinimo
Haddaba sidee lagu gaari karaa wacyi
ummadnimo?
Wacyiga umadnimo oo soo laabto ayaa
waxaa saldhig u noqon kara garashada dhaqanka siyaasadeed ee ay soo
bandhigeen labada garab ee kor ku xusan iyo sida ay uga gabi dhaceen
fakarka ummadnimo, taasina ay keentay in ugu danbayntii ummadda
Soomaaliyeed galiyaan dabka dunida ka aloosan ee “la dagaalanka
Argagixisada”.
Waxaa jiro dad Soomaaliyeed oo
xanbaarsan wacyi ummadnimo hase ahaatee, dhibka haysto uu yahay in mid
walba dooddiisii iyo caqligiisii uu la fadhiyo qolkiisa, isla markaana
ay noqotay kaalintiisa inuu daawado waxa socdo, kana faaloodo xaaladda
isaga iyo ummaddiisa lagu qasbay.
Wacyiga oo soo laabto waa ummadda oo
gaarta heer ay tiraahdo “MAYA” labada qorshe ee looga dhuumanayo
waajihidda xaaladda dhabta ah ee taagan. “HAA” qorshayaasha danta
ummadnimo ku jirto, waxaana bilaaw u noqonkara in la sameeyo xarumo
“Doodwadaag ummadnimo” oo ay ku bahoobaan dhammaan dadka leh wacyiga
ummaddeed, isla markaana lagu bisleeyo fakar aan ahayn Ku-beel gaar
doon iyo Imaarado doon midna, ee ah mid lagu bisleeynayo fakarka
ummadnimo doon ah.
Abuurista “Dood wadaag ummadnimo” ayaa
dhagax-dhig u noqon kara soo laabasho bulsho leh dhaqan wacyi
ummaddeed, dibna u nooleeysa luqadda lagu tuntay, iyaga oo soo celinaya
anshaxii ay lahayd luqadda Soomaaliyeed. Doodwadaaga ayaa waxaa ka soo
bixi kara luqad kawada dhaxeeyso ummadda, taa oo ugu danbaystii keeni
karto ummad isla garata inay dhalato ummad “Dan-wadaag ummadnimo”.
Xarumahan ayaa sidoo kale waxaa hubaal ah inay kasoo baxayaan
hogaamiyayaal aqoon u leh heerka ummaddoodu marayso iyo sida ugu haboon
ee ay uga soo dhalaali karto himilooyinka ummadnimo.
W/Q: C/raxiim C. Shaafici
Email:
shafieuk@gmail.com
---------------------------------
[1] “Dowlada-ku-beel gaarka ah” Waa
Magaca aan u arko inuu ku haboonyahay Dowladda hada jirto, maadaama
lagu soo dhisay in lagu gaaro dan beel.