Xiriirkii siyaasiga ahaa ee dhexyiil
Muslimiintii Saylac iyo Nasaaradii Xabashida
Qarniyadii dhexe
1250-1543M
-Qaybta Labaad-
Akhri: Qaybtii 1aad
Sidaa daraadeed, jabkii gaaray dhaqdhaqaaqii ugu xoog badnaa uguna dambeeyay
ee reer saylac, garwadeenkana uu ka ahaa Alimaam Axmed Guray (934-949H/ 1527-
1542M) kuma dhammaan sida guushii Isbayn (Spain) ka heshay dawladdii la oran
jiray Alandalus oo diin, dawlad iyo jiritaan (kayaan) siyaasi ah, oo islaami ah
oo madaxbannaan u luntay. Alandalus waxay mar labaad ku laabatay gaalnimadii,
waxayna ka mid noqotay gobollada dawladda Isbayn. Halka xabashi awoodi kari
wayday reer saylac in ay ka tirtirto diinta islaamka.
Teeriyo maanta, reer saylac diintoodi (Alislaam) way haystaan, xabashina
kuma guulaysan in ay gaalo u rogto dadkii muslimka ahaa oo ku dhaqnaa Harar,
saylac iyo meelo kale oo hadda ka mid ah dhulalka loo yaqaan; Jabuuti,
Soomaaliya, Harar iyo Eretriya. Ha yeeshee, damacii xabashi, wuxuu joogteeyay
loolanka soomaali iyo xabashi ka dhextaagan teeriyo qarniyadii dhexe ilaa iyo
maalinka maanta ah. Maxaa yeelay; wali waxaa taagan ujeeddadii xabashida oo
ahayd qabshashada dhulalka iyada ku xeeran. Niyo-xumidaa, waxaa tillmaan u ah in
Itoobiya ilaa iyo maanta xoog ciidan ay ku haysato Ogaadeenya (Soomaali
Galbeed)[1].
Haaddaba, guushii xabashi kaga itaal roonaatay reer saylac dhammaadkii
casrigii dhaxe ma soo afjarin loolankii, inkastoo, miisaanka dhanka xabashida u
janjeersaday, sabab ay u ahayd kaalmadii reer Yurub (Europe), taa oo ilaa iyo
maanta ku socota Itoobiya. Waxaan araganaa in cadaawaddii xabashi u haysay
islaamka iyo muslimiinta ay soo caad-baxday, islamarkii, islaamku “Jasiiradda
Carbeed” ka soo baxay. Xabashi, colaadda ay islaamka iyo muslimiinta u hayso
waxay ku soo bandhigtay weerarradii ay ku soo qaadday Xijaas[2] waqtigii Nabigu
(SSC) uu noolaa, sidoo kale, waqtigii AlKhulafaa' Alraashidiin[3], dabadeed
waqtigii Umawiyiintii iyo Cabbaasiyiinta[4]. Xaqiiqada, ma dabooli karto
gobanimadii Najaashi ASXAMA[5] uu ku soo dhaweeyay saxaabadii Nabiga (SSC)
kolkay gaaladii Maka dibindaab yadoodi xajin kari waayeen oo u qaxeen
(Haajareen) dhulka xabashida. Wanaaggii iyo gobanimadii waxay ku dhammaadeen
dhimashadii Najaashi Asxama, dabadeed, waxaa soo sare maray dhabtii; ragga
diinta iyo amiiradii xabashida. Kuwaa oo dardargaliyay in ay shacabka iyo
boqorrada xabashida qaniin-siiyaan (ku diraan) islaamka iyo muslimiinta.
Bacdamaa, reer saylac ahayeen shucuubta Islaamka midda xabashi ugu dagaan
dhaw, collaysigii iyo uur-ka-nacaybkii oo idil waxay kula kufeen reer saylac.
Dil, boob iyo burburin intaba ugama ay turin boqorradii islaamka ahaa oo soo
baxay bartamihii qarnigii toddobaad ee Hijriga/qarnigii saddex iyo tobnaad ee
Miilaadiga. Runtii, reer saylac gacmaha kama laaban weeraradii oo, waxay
sameeyeen wax kasta oo iska-caabin ah oo ay la iman kareen; waa halgameen,
jihaadeen intay tabari u gaadho. Xabashi waxay ku weerareen aqalladooda
(guryahooda), waxayna ku faleen; dil, boob iyo burburin la mid ah wixii lagu
falay, inkastoo, fursadaha xabashi ay heshay ay ka badnaayeen kuwii soo maray
reer saylac.
Sidaa daraadeed, burburka gaaray dhulka reer saylac mid la mid ah ma gaarin
xabashi, maxaawacay, waxaa jiray sababo gundhig u ah taagdarrada iyo jabka reer
saylac marar badan gaaray. Waxaa kale oo jirta dhab (xaqiiq) aan laga
indho-qarsan Karin oo ah; in xooggagii islaamiga ahaa oo dalalka kale ka dhisnaa
aysan ku taageerin reer saylac jihaadkii ay kala hortageen xabashida. Garbo,
islaami ah oo gacan kaalmo u taagay reer saylac ma jirin. Nasiib darro, reer
saylac waxaa ku meersanaa “Boqorro Masiixi” ah oo waqooyi ka xigay oo xabashi
ama Nuuba ah[5], cawaan koofur Galbeed ka xigay, muslimiin tag daran oo
Muqdishow oo koofur bari ah ku nool iyo Yaman oo bari ka saran Gacanka
Cadmeed[6]. Sidaa awgeed, reer saylac waxay jihaad galeen iyaga oo darbiga
dhabarka ku haya (meel loo irkado aan la-hayn), wax taageero ahna aan helin,
marka laga reebo caga-joglayn “Salaadiintii Masar” ay ku baqdin galin jireen
Kobtigi ku nool Masar [7]. Taa, oo ay ulajeedeen in xabashi joojiso darayada[8]
ay ku hayso muslimiinta saylac iyo muslimiinta dhulka xabashda ku nool. Sida kuu
muuqata, tallaabadaa, waxay noqotay; hiil aan wax saamayn ah ku yeelan loolankii
reer saylac iyo xabashi.
Kolkii ay yimaadeen Turkidii Cusmaaniyiinta[9] oo ay la xiriireen reer
saylac, oo ay damceen in ay taageeraan dhaqdhaqaaqii Imaam Axmed Gureey
(934-949H/1527-1542M), soo galiddii mandiqadda (Geeska Afrika) waxaa kaga soo
hormaray Burtuqaal (Portugal) oo dagdag ulaxiriiray xabashi, dabadeedna, wada
dagsaday laba yool oo kala ah: Marka koowaad: Muslimiinta mandiqadda ku nool in
la wada faro-saaro (la xanuujiyo). Marka labaad: in awoodda Turkida laga
horistaago ku soo qulqulka mandiqadda. Isbahaysigii Burtuqaal iyo xabashi waa
gaareen yoolkii, natiijadiina waxay noqotay in ay si fudud lugaha isugu
dhuftaan; iska-caabintii islaamiga ahayd oo sida mintid-nimada ah uga hortagtay
“saliibiyadii xabashida” kartidana u yeelatay in xabashi ku baacsato duusho
“Buurta Xabashida”, sigtana diinta masiixiyadda oo xabashi haysato.
Waxaa laga yaabaa, duruufihii “Dunida Islaamku” ay soo mareen; teeriyo
xilligii ay oogmeen “Dagaalladii Saliibiga” ahaa ee dhulka Shaam (491H / 1097M)
iyo weeraradii Mongoolku (Mongolians)[10] ku qaadeen Baqdaad (9656H/1258M) in ay
sababa u ahaayeen; wax kaalmo ah oo ku filan in aysan helin reer saylac. Dhanka
kale, boqorradii reer saylac, qudhoodu isma dhaamin, oo is-afgarasho la'aan iyo
baratan xoog leh ayaa dhexdooda ka taagnaa, qaarbaa, hagarashada walaalihi u soo
dhawaystay boqorradii xabashida ee cadawga ahaa.
Reer saylac basarkaa, waxay la wadaageen boqorradii muslimka ahaa oo
Alandalus ka talin jiray qarinigii kow iyo tobnaad ee Miilaadiga. Midba, midka
kale in uu haadaan ka tuuro, tiirarkana u fakiyo awgeed, wuxuu hoosta soo
gashaday boqorradii nasaarada (gaalada) oo Isbayn. Taladaas, kuwan iyo kuweerba,
waxay badday; guul darrooyin waawayn, dhaxalkiina wuxuu noqday; in xukun islaami
ah looga diimo Alandalus, dhulkii reer saylacna muslim tag darran ku soo haro.
Khilaaf iyo tartan, aawadi boqorradii reer saylac lagama helin; midnimo siyaasi
ah oo u suuragalisa, guul kama dambays ah ama caabin mudda dheer socota.
Garaadkoodi (caqligoodi) wuxuu ku soo uruuray; markay dareemaan oo qura, cududda
ciidanka xabashida; in ay taageeraan, abbaan-duulka dagaalkana u dhiibaan
boqorradii Awfat ama Cadal (awdal). Kala firiirsanaanta siyaasadeed waxay ahayd
halka sartu ka quruntay oo sababtay tag darrida boqorradii saylac ee islaamiga
ahaa, taa oo xabashi tustay; mid walba in ay gaarki u baacsato (weerarto),
qaarra u liqdo, sida nasaaradii Isbayn u liqday boqorradii Alandalus oo
kooxaysiga (Daa-ifada) ku dhisnaa.
La soco qaybta saddexaad
- [1] Jamhuuriyaddii Soomaaliyana ugu soo duushay,
Muqdhisana maanta u fadhido.
- [2] Xijaas waa dhulka Sacuudiga qayb ka mid ah.
- [3]Khulafaa'a Alraashidiin; Waa afarta khaliif oo kala
ah; Abuubakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali (Dhammaantood Alaaha Raalli ka
noqdo).
- [4]Umawiyiintii iyo Cabbaasiyiintii: waa labadii talis oo
islaamka u talin jiray, midka hore Shaam ayuu ka dhismay, midka
dambana Ciraaq ayuu ka dhismay.
- [5]Nuuba: waa halka ay dagaan dadka Nuubada loo yaqaan,
koofurta fog oo Masar iyo Suudaan.
- [6]Gacanka Cadmeed: waa marin biyoodka u dhaxeeya Yaman
iyo Eretriya/Jabuuti.
- [7]Kobtig (Coptic): ama Alaqbaadh, waxay ka tirsanyihiin
Kaniisadda Artudogsiga Bari. Waa dad laga badanyahay oo Masar ku dhaqan,
Kaniisadda Al-iskandariya ayaa laga hagaa, Itoobiyana waa ku dhaqmaan
- [8]Darayo: surmayn, tab tabaha lagdinta ka mid ah oo
qofka luqunta la isaga duubo. Ruuxa darayada lagu
- qabtay, waa in uu dhulka isudaayo, ama ruuxa
darayada la helay, meel halis oo sababta in darayada uu ka furo asiibo (ku
dhufto).
- [9]Cusmaaniyiin (Ottoman Empire): waa khilaafadii
Islaamiga ahayd oo ka dhisantay Turkiya (1299-1924M). Magacu wuxuu ka soo
jeedaa GUSMAAN BIN ARDHAGOL oo aasaasihii ah.
- [10]Mongooliga (Mongolians): Waa dad ku firiisan Asiya,
waxaa hore u mideeyay Jaanjiskhaan. Dhib aan yarayn ayay Muslimka hore ugu
gaysteen. Baqdaad waxay kharibeen (658H/1260M), Dimishiqna galeen
658H/1260M). Duullamadoodi waxaa lagu joojiyay Caynu-jaaluut oo falastiin
ah. Tiimoorlinka ayaa ka mid ah raga ugu caansan.
Akhri: Qaybtii 1aad
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
Qoraaladii Hore Cabdiwali...
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 1, 2008
|