SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RAMADAN

Maxaad ku afuraysaa?

Ramadaan ayaa marti noo ah, bishii barakada iyo khayrka, bishii fadliga iyo dembi dhaafka, bishii qur’aanka iyo raadinta xasanaadka, Ilaahay korahaaye ayaanu ka baryaynaa ajar iyo dembi dhaaf in uu nagu siiyo fadliga bishaan.

Dad badan ayaa bisha ramadaanka isku mashquuliya raashinkii ay cuni lahaayeen habeenkii iyo marka ay afuraan, waddamada qaarkood gaar ahaan waddamada carabta waxaa la sheegay in haweenka maalintii oo dhan ay jikada ku jiraan iyaga oo ku mashquulsan cunto karis halkaasna waxaa ku lumaaya waqtigii ay ku cibaadaysan lahaayeen iyo iyaga oo ku dhibtooda karinta cuntadaas, annaga hadii aanu nahay Soomaali gudheenu ma yaraysano oo aad ayaanu iskugu mashuulinaa karinta afurka iyo wixii la cuni lahaa habeenkii halkaas oo aanu ku dayacno waqti badan cibaadadeenuna yaraato.

Haddaba sidee waqti yar ugu lumin karnaa raashinka aanu cuni lahayn marka aanu afurayno?

Cuntooyinku waa kala dheef badan yihiin waxaa jira cunto aad waqti yar ku diyaarinayso oo faa’eedadeeduna badan tahay iyo mid aad waqti badan ku lumunayso oo aan sidaas u faa’iido badneyn, marka aanu maalintii oo dhan soomanaano waxaa fiican in aanu ku bilawno afkeena wax khafiif ah oo aan dhib u gaysanaynin dheefshiidka iyo caloosha, dad badan oo naga mid ah ayaa caadaystay in ay ku afuraan sambuus iyo burka la shiilo taas oo runtii laga wanaangsan yahay waayo saliida ku jirta burka iyo sambuuska ma yara umana fiicna calool maanta oo dhan qatanayed in ay saliid ku bilaabato, taas waxaa ka daran sambuuska oo u baahan marka la samaynaayo shaqo badan iyo dheefta laga helaayo oo yar.

Maxaan haddaba ku afurnaa?

Waxyaalaha ugu wanaangsan afurka uguna shaqo yar isla markaana ugu dheef ama faa’iido badan sunnaha rasuulkana sallallaahu calayhi wasallama lagu sheegay waa timirta, sidoo kale waxaa fiican in la raacsiiyo waxyaabo kalo oo fudud sida:maraq ama fuud laga sameeyay misirta ama waxay Soomaalida qaarkood ugu yeeraan cadriyada (fiiri sawirka) timirta oo sida aan la socono ay ka buuxdo bir islamarkaana laga helo tabar badan una sahlan in dhiiggeena waqti yar la falgalo haddana aan sidaas qaali u ahayn, isku day in aad afur kasta ugu yaraan 11 ama 15 oo timir ah cuntid, badanaa dhaqan uma lihin in aan fuud ama maraq ku afarno maraqa wuxuu ku jiraa cuntooyinka fudud faa’iidana laga helo (waxay ku xiran tahay hadba waxa maraqa laga sameeyay) marqa laga sameeyay misirta aad ayuu faa’iido u leeyahay, misirta oo ay ka buuxdo maadada la yiraahdo barotiin, borotiinka qofka waxbadan ayuu hayn karaa ama uusan gaajoonin marka uu cuno, marka aanu soomanahay tabarta qofka sidaas uma badna haddiise calooshiisu barotiin iyo Karboohaydaro ku jira tabartiisa sidaas uma dhinmayso oo wax badan in uu qabto ayuu awood u leeyahay.




Sidee ayaan u samaynayaa maraq laga sameeyay misirta?

Aad ayay u fududahay samaynta maraqa misirta laga sameeyo, in ka yar saacad ayaana ku filan sameyn maraqa misirta ah.

Waxaad soo iibsataa misir hadba nooca aad doonto, ka dib markii aad mayrtid (qiyasta waxay ku xiran tahay hadba inta qof ee cunaysa ilaa nus kiilo waxaa cuni kara 5 qof) digsi weyn ku shub biyo ilaa litir gaaraya dabkana saar,inta misirta dabka kuu saaran tahay waxaad isku shiidaysaa ama isku googoonaysaa 2 xabo oo barbarooni cagaaran ah, 2 yaanyo waaweyn ah, hal xabbo oo basal ah, xabbad toon ah iyo haddii aad heli kartid xoogaa kamsaro caleen ah, intaas ayaad isku daraysaa ka dibna isku shiidaysaa adiga ook u daraya xoogaa biyo ah, markii aad shiidid ayaa waxaad ku daraysaa misirtii dambka kuu saarneyd oo karkaraysa waad isku walaaqaysaa adiga oo biyo ku shubaayo kuna daraysaa saliid saytuun ilaa nus bakeeri ama macsaro ama saliid kale ee aad heli kartid, xoogaa adiga qiyaaso inta aad saliid ku darsanayso maraqa,waxaad ku dartaa oo kale in cusbo ah , xawaaji iyo xabad ama xoogaa maaji ama maraq digaag.

Marka aad intaas ku dartid xoogaa daboolka ka qaad waayo waxaa laga yaabaa in uu karo oo markaas buro oo digsiga ka soo dulmaro oo daato ama qubto marka ilaali xoogaa ilaa 10ka daqiiqo ee ugu horeeya marka aad ku dartay qudaartii ha ka ag dhaqaaqin, markii ay xunbadu ka yaraato daboolka saar dabkana u gaabi markaas ka iska saarnaado dabka ilaa 30 daqiiqo.

Waqti yar ayaa waxaad ku diyaarsatay cunto dhadhan leh isla markaana dheefteedu badan tahay, waxaad maraqa ku cuni kartaa wixii aad doonto rooti, canjeero, muufo iyo sabaayad, sabaayada ama jabaatiga aad ayay qofka u haysaa ama tabar badan uga helaa, sabaayada waxay kale oo ku fiican tahay qofka ma gaajoonaayo oo waxay ku hayn kartaa 24 saac samaynteeduna sidaas uma dhib badna, haddii aad isku heshid maraqa misirta iyo sabaayad uma baahnid cunto kale oo sidaas u badan ilaa laga gaaraayo afurka kale.

Sideen u sameeyaa sabaayad?

Haweenka Soomaaliyeed intooda badan way yaqaanaan sameynta sabaayada ama jabaatiga, waxaad soo qaadataa kiilo ama nus kiilo bur ah (qiyaasta waxay ku xiran tahay inta qof ee cunaysa)

Waxaad ku daraysaa cusbo qaado yar nuskeed ama mugeed iyo xoogaa 2 qaando saliid ah nooca ay doonto ha ahaato burkii ayaad isku walaaqaysaa ka dibna ku qasaysaa biyo diiran, marba adiga oo biyaha burka korka uga shubaysid si fiican isugu qas ilaa uu kaaga noqdo cajiin si fiican isku dheggan, ka dib waad daboolaysaa ilaa 10 daqiiqo, ka dib waxaad dabka saaranaysaa bir daawada ama kuwa kale ee wax lagu dubo, burkii kuu qasnaa ayaad marba gobol soo goosanaysaa, waxaana fidinaysaa adiga oo marba xoogaa bur ah dusha kaga sayraya ama firdhinaya, marka aad burka xoogaa fidisid ayaad waxyar oo saliid ah dusha uga shubaysaa oo gacataada kula gaarsiinaysaa dhammaan burkiii fidsanaa, ka dib waad isku laabaysaa haddana marlabaad isku sii laabaysaa ka dib xoogaa bur ah ayaad dusha kaga sayraysaa markaasna fidinaysaa oo balaarinaysaa ka dib birtii dabka kuu saarnayd ayaad saaraysaa oo dabka u dheeraynaysaa ilaa 2 daqiiqo ka dib dhinaca kale ayaad u rogoysaa markaasna saliid dusha kaga shubaysaa adiga oo marba dhinac u rogaaya ilaa uu kaaga guduuto oo kaaga bislaado , sidaas ayaad burkii oo dhan ku dubaysaa, sabaayada waxay oo kale u fiican tahay saliid sidaas u badan ma liqdo ama qaadato, sida aan kor ku sheegayna tabar aan yareyn ayaa laga helaa waqti badana ma gaajoonaysid.

Afur wanaangsan

Waxaa qortay Zahra Abdi Hersi,
z.abdi@kpnplanet.nl
xubin ururka waddaniga Soomaaliyeed

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 1, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS