SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

LA MOOD NOQONSE WEYDAY
JAWAAB: DHAMBAALKII IBRAAHIM MEYGAAG SAMATAR


Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraahim Meygaag Samatar oo ka mid ahaan jiray hormuudkii siyaasiyiinta Soomaalida ee sanadihii 70aadkii iyo 80maadkii.

Sideedaba shakhsi ahaan dhaqankayga maaha in aan ka jawaabo aragtida dadka kale qabo, laakiin maanta laba sabababood dartood waxa aan go'aansaday in aan ka jawaabo meerisyo ku xusan dhambaalkan odayga ka yimi. Ta koowaad ra'yiga Ibraahim maaha ra'yi dadweyne ee waa dhambaal, farriin iyo leeb mariid leh oo ku socda shacabka, sababta oo ah Ibraahim maaha qof shicib ah wuxu horgal u ahaa intii ummadda soomaaliyeed iskuulada ugu hor gashay, sidaa darteed waa ishii ama darkii ay dadweynuhu ka dhaansan lahaayeen. Ta labaad Ibraahim waxa uu jebiyey xeerkii siyaasiyiintii hore ee da'diisa oo sheekadii dadka dhegta loo saari jiray ayuu qoray, miyaad aragtay weligaa siyaasi fikirkiisa qoray. "Wixii la qoraa quruumo hadhee muxuu hadal qiimo leeyahay".

Dhambaalkan Ibraahim Meygaag uu ugu magac daray Halka aan taaganahay "Where I stand" wuxu ku qorraa luqadda Ingiriisiga, laakiin anigu waxan ugu jawaabayaa Af-Soomaali maaddaama 90% dadkaygu aanay af ingiriisiga wada fahmin.

Inta aynaan jawaabaha u tegin waxa mudan in aan caddeeyo xurmada iyo tixgelinta weyn ee aan u hayo adeerkay Ibraahim Meygaag, laakiin qaddarintaasi iga reebi mayso in aan daah furo gol-daloolooyinka ku jira dhambaalkiisa oo toos u taabanaya masiirka dadkayga.

Qaybta koowaad ee dhambaalku wuxu ka hadlayaa "Somali Unity" Midnimada Soomaaliyed. Ruug caddaageennu wuxu ayidayaa, sharciyaynayaa, aqoon-sanayaa, isla markaana cuskanayaa qaybintii, qoqobkii iyo duulaankii gardarada ahaa ee gumeysiga. Weliba waxa intaa u dheer in taariikhdii gumeysigaa laftiisa uu xagga hore, xagga dhexe iyo xagga dambeba ka jarayo, waxa intaa ka sii daran isaga oo erayo isku macne ah laba af ku kala sheegaya sida Somaliland, Somalia iwm.

Sadarada macnaha gudban samaynaya ee ku jira dhambaalkan waxa ka mid ah:

Somaliland being treated as simply a backyard province rather tan a country"
After the military coup a slow process of reclonizing Somaliland by Somalia began
To unite all Somalis and their territories became impossible.
Even though Somaliland, before 1960, had more economic trade and other relations with Ethiopia
Clanism can be a good tool for peace, reconciliation and progress

Inta aynaan macnayn hawraarahan aan la' liqi karin sida aan kor ku soo xusay ruug caddaagu wuxu indhaha ka lalinayaa Soomaalidu waxa ay ahayd gumeysiga ka hor, illeen shalay maynu dhalane waxa marag ma doonto ah in Soomaalidu ahayd hal qoys oo ceella ka wada cabba, calafkana wada cuna, xeer iyo xannaana leh, gu'giina is dila, jiilaalkiina heshiiya. Waxa kale oo marag ma doonto ah in gumeysigu ahaa awood dhul ballaadhsi oo aan Soomaalida dalxiis iyo daawasho ugu iman ee danihiisa gurracan fushanayey. Taana waxa marag u ah mag-dhowgii balaayiinta doollar ahayd ee wiiggan Talyaanigu siiyey Liibiya si uu uga raalli geliyo gumeysashadii uu gumeystay. Waxa kale oo Ibraahim Meygaag isaga oo og is diidsiinayaa in Ingiriisku xukumi jirey Koonfurta, Talyaaniguna mar xukumi jirey woqooyiga, dhulka loo yaqaan Jubbaland ay inta badan ku jireen gacanta Ingiriiska.

Haddaba haddii aynu dib ugu noqonno hawraarihii aradnaa ee aynu ka soo qaadannay dhambaalkii Ibraahim Meygaag. Kow, ta ugu horraysa ee uu ka hadlay ee ah in xilligii dowladihii rayidka reer Woqooyiga loola dhaqmay sidii gobol ee aan loola dhaqmin sidii dal. Dabcan arrintaas waxa diidaya in 9kii sano ee dowladihii rayidka 3 sanadood oo ka mid ah uu Ra'iisal Wasaare ahaa Maxamed Ibrahim Cigaal oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolada woqooyi, isla markaana ahaa Ra'iisal Wasaarihii ugu takri falka badnaa ee soo mara Soomaaliya. U malayn maayo in sed uu ka qaaday Ina Cigaal gobollo ka tirsan jihada woqooyi uu siiyey gobollo ka tirsan jihada Koonfureed.

Waxa kale oo Ibraahim inoo sheegay in markii inqilaabkii milaterigu dhacay ay bilaabantay in Soomaaliya dib u gumeysato Somaliland. Horta waxa naxdin ah erayga (Soomaaliya) oo ay ku dhaataan isirka Soomaaliyeed oo dhan nin aqoon yahan ahi uu siiyo dhowr gobol, si kasta oo la isugu hayo Yaman, Ethiopia iyo Russia qof waliba wuxu ku dagaalamayaa magaca, laakiin ma garanayo sababta Profaysarku dhowr gobol u siiyey magacii Soomaaliyeed oo dhan. Erayga Somaliland-na qof waliba wuu og yahay in qaybtii talyaanigu gumaysan jiray ee Soomaaliya la odhan jiray Italian Somaliland, qaybtii Ingiriiskana British Somaliland, qaybtii Faransiiskana French Somaliland. Haddii taa laga gudbo oo aynu u raacno sida uu u jeedo oo ah jihada Woqooyi iyo jihada Koonfureed ee Soomaaliya, waxa naxdin leh in Ibraahim Meygaag qoraalkiisa ku bilaabo waxa aan dowladdii askarta wasiir ka ahaa 9 sano oo macneheedu yahay waxan qayb ka ahaa dhammaan wixii ay saxday iyo wixii ay khaladdayba, haddana uu yidhaahdo dadka deggan jihada koonfureed ee Soomaaliya ayaa bilaabay in ay gumeystaan dadka deggan jihada woqooyi ee Soomaaliya. Inaga oo weliba og in 15kii sano ee ugu horreysay ee xukunkii askarta siyaasiyiintii Ibraahim ka mid ka ahaa ee ka soo jeeday jihada woqooyi ee Soomaaliya hayeen xilalka ugu culus ee wax lagu gumeeyo sida: Laba Madaxweyne ku xigeen (Gen. Ismaaciil Cali Abokor iyo Gen. Axmed Saleebaan Dafle), wasiirka Arimaha Gudaha (Gen. Jaamac Maxamed Qaalib), Wasiirada Arimaha Dibadda (Cumar Carte, Jengeli iyo Qaybe), Wasiirka Gaashaandhigga (Gen. Axmed Xasan Muuse), NSS-tii Jibriilkii reer Qalloocan iyo wasiiradii awoodda badnaa ee ay ka mid ahaayeen Galaydh, Siilaanyo, Rabiile, Laxwas, Cismaan Jaamac illaa laga soo gaadho ra'iisal wasaare Maxamed Xawaadle. Oo intiinaas oo dhami ma' waxa aad doonayseen in aad gumeysataan dadka dega gobolada woqooyi. Midda kale waxa jira shacab kale oo Soomaaliyeed oo dega gobalada dhexe oo rajiimkaa aad ka tirsanaydeen wax yeello la mid ah tii woqooyiga u geystay weliba intii aad wasiirka ahayd, iyagana miyaa gumeysanayseen. Profaysar waxa ay ila tahay in arrinku aanu gumeysi ahayn ee uu ahaa xukun kala maroorsi ama ragow rag iskaraw. Haddii aan ka kharibay oo ruug caddaagu u jeedo hal reerbaa la dhibaataynayey, waa dood fiican oo wax laga garan karo taasi. Inkasta oo markaa taasi meesha ka saarayso magacyada gobolada ama jihada woqooyi ha jireen ama jihada koonfureed ha jireene oo ay noqonayaan qabaa'illo Soomaaliyeed oo is dilayey sidii ay isu dileen qabaa'ilka wada dega Woqooyiguba sanadihii sagaashanaadkii oo dhan. Oo Profosayrku waa naga maqnaaye aannu 1994kii illaa 1997kii iyaga oo aan reer Boorame iyo reer Baydhabo toona noo iman aannu anagu haddaanu reer Hargeysa nahay is dilaynay, magaaladuna haawanaysay. Taasina waxa ay meesha ka saaraysaa erayga koonfur baa woqooyi gumeysanaysay ee Ibraahim farta waaweyn ku qoray. Sagaashan sano ka hor Gabayaagii Gammuute wuxu yidhi "Dalka waanad joogine tolkaa waa dagaalamaye, malahay adiga dabadaa rag badan buu dugaag cunay"

Qodobka saddexaad qoraaga dhambaalku markii uu ka hadlayey suurta galnimada midowga ummadda Soomaaliyeed wuxu isticmaalay erayga impossible oo ah calaacal tima ka soo bexeen. 18kii May sanadkii 1999kii Maxamed Ibraahim Cigaal wuxu fagaaraha khayriyadda ka yidhi 50 sanona ha qaadatee Soomaaliyi mar uun way isu iman doontaa waanay midoobi doontaa. Waqtiga ayaynu u deynaynaa labadaa hawraarood ta rumowda inkasta oo Napoleon Bonaparte hore u yidhi impossible is a word to be found only in the dictionary of fools. Oo macneheedu yahay kelmadda suurta gal ma'aha (impssobile) waa kelmad laga helo qaamuusyada dadka ma'kasta ah.

Profaysarku waxa kale oo uu inoo sheegay in aynu xorriyadda ka hor Ethiopia xidhiidh la' lahayn ee aynaan Soomaalida xagga Koonfureed inaga jirta xidhiidh lahayn, mudane arrintaas Faysal baa kaaga horreeyey oo ceebi ka raacday ee maad iska deysid. Midda kale xidhiidh ganacsi gartay, ee tolow waa maxay xidhiidhida kale (other relations) ee Xabashida inaga dhaxayn jiray ee aad sheegaysaa, malahay isku Gobolo Woqooyi ayaynaan ka hadlayn.

Ibraahim Meygaag mar uu dhambaalkiisa kaga hadlayey in qabyaaladdu weji fiican leedahay ama ay tahay soodh laba af leh oo marna wax lagu dhiso marna wax lagu dumiyo. Ma garanayo profaysarku meesha uu ka eegay ee wanaagsan ee qabyaaladdu leedahay. C/Laahi Suldaan muu ahayn profaysar, manuu ahayn siyaasi ruug caddaa ah, manuu soo marin wasiir iyo ambaasaddoor, dal aan Soomaaliya ahayn muu arag noloshiisa, inta badanna wuxu ku qaatay dhul beereedka u dhexeeya Jifo-Mici dheer iyo Caadda haddana wuxu gartay in qabyaaladdu tahay hooyada burburka waxaanu yidhi DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE.. Ibraahim Meygaag Samatar oo leh taariikh nololeedka (CV) ugu culus siyaasiyiinta Soomaalida aqoon, waaya aragnimo iyo ilbaxnimo isna wuxu yidhi "clanism can be a good tool for peace, reconciliation and progress" oo macneheedu yahay reernimadu (qabyaaladdu) waxay noqon kartaa qalab wanaagsan oo loo isticmaali karo nabadda, dib u heshiisiinta iyo horumarka. Haddii aan kala xukumo labadaa hawraarood shaki la'aan waxa xaq ah ta Timacadde, sababta oo ah waxay waafaqaysaa xadiiskii rasuulka (C.S.W) ee ahaa "Dacuuhaa fa'innahaa muntinna" oo macneheedu yahay iskaga taga qabyaaladda way uraysaaye.

Arrinta dhaqaalaha ee Ibraahim k hadlay waxba ka odhan mayo, fikrika the Third Way ee Ibraahim ayidayna waxa asalkiisa iska lahaa Profaysar Anthony Giddens, waana fikirkii ay ku shaqeeyeen dhammaadkii 90aadkii Ra'iisal wasaarihii hore ee ingiriiska Tony Blair iyo Madaxweynihii hore ee Brazil Fernando Henrique Cardoso. Laakiin Ibraahim waxan xusuusin lahaa ummadaha barnaamijyadan loo sameeyey in aan miisaaniyaddoodu ahayn 25 milyan oo dollar oo ah miisaaniyadda hal iskuul oo hoose (Primary) oo ku yaalla Bariga London, ee loo baahan yahay si dhaqaale qorshaysan loo abuuro in dad la' raadiyo oo indhaha iyo caqligaba kor loo qaado.

Ugu dambayntii adeerkay Ibraahim Meygaag wuxu deggan yahay magaalada Tokyo oo ay habeenkii u soo hoydaan illaa iyo 15 milyan oo ruux, hal maayarna xukumo, ma garanayo aragtida siisay Soomaalida oo dhan oo marka la isku wada daro 5 milyan ah in uu 5 dal u qaybiyo, La mood noqonse weyday.


Waxa Qoray

Cismaan Abokor
London
heemaal@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 5, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS