SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Puntland Iyo Soomaliland Oo Ciyaar Saaxiibtinimo Ku Yeelan Doona Dabayaaqada Sanadkan Garoonka Cabdi Bille Cabdi Ee Magaalada Laascaanood…

Faaqidaada Ciyaaraha:-Kulankan oo ah mid saaxiibtinimo,ayaa waxaa ay labada Naadi ugu diyaar garoobayaan,Koobka Kooxaha heerka koowaad ee Gen Daa’uud oo furmi doona bilowga sanadka soo socda.

Labada kooxood ayaa waxaa ay haatan ku jiraan diyaar garowgii ugu danbeeyey ee Kulanka Laascaanood,waxaana ay horay u wada ciyaareen labo goor.

Masuuliyiinta labada Naadi ayaa sanadkii 1998-kii heshiis ku gaadhay in ciyaaraha aan rasmiga ahayn ee labada kooxood lagu qabto Garoonka Cabdi Bile Cabdi ee Gobolka Sool,waxaanna ay sheegeen in Garoonkaasi yahay mid balaadhan oo dhex-dhexaad ah.Dadka gobolkaasina ay aad xiiseeyaan ciyaaraha,sidoo kalena ay kala taageersan yihiin labada kooxood.

Kooxaha Kubada Cagta ee Puntland iyo Soomaliland,ayaa waxaa ay ciyaartoodii ugu horaysey wada yeesheen 29/10/2004, inkasta oo kooxda Puntland ay ka ciyaar wanaagsanayd kulankaas kooxda Soomaaliland, hadana waxaa ay labada kooxood isla dhaafi waayeen barbar dhac.

Ciyaartii labaad oo iyaduna ahayd mid saaxiibtinimo ayaa waxaa ay labada Naadi fooda is dareen 15/10/2007,waxaana sadex iyo waxba loogu awood sheegtey kooxda Puntland.

Guuldarada ku dhacday Tim-ka Puntland 15-kii bishii oktoobar ee kal hore ayaa waxaa ay ku sheegeen dadka ciyaaraha ka faaloodaa in ay sabab u ahayd labo arimood,waa tan koowaade diyaar garow la’aan haysey kooxda Puntland,iyo ciyaaryahano si weyn kooxda uga dhax muuqan jiray oo qaarkood loo qaatey qaranka federaalka,qaarna ay ciyaaraha iskaga fadhiisteen,halka xubno kalena laga eryey Naadiga.

Inta badan is-aragyada kooxaha S/land iyo P/land ayaa waxaa ka dhasha rabshado ay dad ku dhintaan,kuwana ay ku dhawaac-maan,iyadoo kulankii ugu danbeeyey uu ahaa kii ugu khasaraha badnaa,kadib markii taageerayaal reer Puntland ah oo ka cadhaysan guuldarada ku dhacday Kooxdooda ay caasha ku qaateen Boqolaal dumar iyo caruur ah, sidoo kalena taageerayaasha reer S/land ay iyaguna farxadii cag iyo cidi kula tageen guud ahaanba magaalada Laascanaood.

Isimo,Waxgarad iyo Kooxaha u doodda xaquuqda Aadamaha ayaa canbaareeyey dhibaatooyinka ka dhasha ciyaaraha labada Naadi, ee ay wax yeeladu ka soo gaadho dadka Ra’yidka ah,waxaana ay xidhiidhada ciyaaraha ee Soomaliya iyo kan Qaarada Afrika( Caf ) ugu baaqeen in meel kale loo wareejiyo ama guud ahaanba la joojiyo kulmada aan rasmiga ahayn ee labada kooxood.

Sidoo kale Wakiilka Ururka Kubada Cagta Aduunka (FIFA) u qaabilsan Soomaliya ayaa isaguna walaac weyn ka muujiyey rabshadaha ay ka tagaan kulamada Soomaliland iyo Puntland.


Qoraal uu dhawaan ka hor akhriyey kulan sanadeedka Q.M ee dhanka Isboortiga ayaa waxaa uu ku sheegay Wakiilku in bulshadda ku dhaqan Gobolladda Sool Sanaag iyo Cayn ay dhib weyn ku qabaan ciyaaraha labada Naadi ee lagu qabto Gobolkooda..

Wuxuuna ugu danbayntii ugu baaqay FIFA iyo Qaramada Midoobay in ay cadaadis dheeraad ah saaraan Maamuladda Somaliland iyo Puntland,sidii ay u xakamayn lahaayeen xiisadaha ka dhex dilaaca Taageerayaasha labada Kooxood.

Ciyaarta la filayo in ay sanadkan ka dhacdo Gobolka Sool, ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay ka qarxaan rabshado keeni karra dhimasho iyo baro kac cusub,inkastoo ay jiraan dadaalo arimahaas lagaga hor tagayo.

Dhanka kale warar aanu ka helnay gudiga maamulaya ciyaartaas ayaa waxaa ay sheegayaan in dhamaanba la iibsaday tigidhadii ciyaarta,islamarkaana taageerayasha labada kooxood oo ka kala imaanaya Boorame ilaa Baar-gaal ay sanadkan ka badan yihiin tiradii la filayey.

.Gudoomiye ku xigeenka Naadiga Puntland ayaa isaguna dhawaan shir safaaxadeed uu qabtey ku sheegay in kooxdoodu aad ugu diyaar garawday ciyaartaas,ayna ka badin doonaan kooxda Somaliland.

Inkasta oo ay jiraan masuuliyiin iyo Xidigo u ciyaari jiray kooxda Puntland oo dhaliisan qaab ciyaareedka kooxda iyo maamulka Naadiga,ayaa hadana dadka ciyaaraha falanqeeyaa waxaa ay sheegayaa in kooxda Puntland ay ciyaartan si fudud oo xarago leh ugu durdurin doonto dhigeeda Soomaliland.

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa aynu dhawrnaa waa cidda ku awood roonaata ciyaarta sanadkan oo u muuqata mid ka xiiso iyo xamaasad badan kulamadii hore.

Dhinaca kale xayeysiiska ciyaartan oo ay shirkado badan u tartameen,ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku guulaysatey Shirkada African Oil,halka sanadkii horena ay xayeysiiska iska lahayd Shirkada Conocco.

La Soco Qoraalada danbe ee Faaqidaada Ciyaaraha.

Qoraalkeena danbe ee faaqidaada ciyaaraha,waxaa ay aynu ku soo qaadan doonaa hadii alle idmo.Guushii ay kal hore sida fudud ku heshay Somaliland.Arimaha loo aanaynayo guuldaradii ku dhacday Puntland.Iyo faallo guud oo aynu ku eegi doono,Ciyaartoyda,Tababarayaasha iyo farsamooyinka labada xul.

C/casiis Saleebaan Axmed
Cumaani@hotmail.com
Garoowe Soomaliya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 5, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS