SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowlada magac kuyaalkaa iyo maxkamadaha maxaa kala heysta....!

Marka laga hadlayo dowlad waa in ay lahaataa dhul ay maamusho dad ay maamusho iyo wax ay wax ku maamusho waana waxyaabaha ugu muhiimsan ee maamul kasta ee dowladnimo sheegta looga baahan yahay in uu lahaadaa, ................

laa kiin maanta aduunka aan joognaa wax walba waa is badaleen waxa uu umuuqdaa aduun run in lasheego laga jecel yahay in been la sheego waliba aan kuusii raaciyee hadii aad been sheegto waxaa laga yaabaa in aad si fiican taageero ugu hesho, dalka soomaaliya oo mudo18 sano ah maamul la,aani ay ka jirtay waxaa soomaray maamulo intooda badan xarun ka dhiganayay magaalada caasimada ah ee moqdisho hase yeeshee miciin ka waayay beesha caalamka iyagoo ku fiirsaday dhowr iyo toban hogaamiye kooxeed oo xaafad xaafad iyo gobol gobol u xirtay dalka soomaaliya aaqirkiina sidaas ku baaba!ay, inta badana dowladahaasi hore loosoo dhisay waxa ay eersanayeen wadamada dariskaa oo ay ugu horeyso dowlada itoobiya oo raxan raxan usoo dhiseysay hogaamiyayaal dagaal iyadoo marwalba u arkeysay maamuladaasi in aysan dan ugu jirin oo aysan udhaga nugleyn dhinaceeda waxa ayna aaminsaneyd waa itoobiyee in soomaaliya dowlad la!aan iska ahaato ama hadiiba ay yeelaneyso ay dowladaasi noqoto mid si toos ah uga amar qaadata iyada taana waxaa la dhihi karaa magac ahaan wey ku guuleysatay laakiin awood ahaan kuma guuleysan.


Dowladii lagusoo dhisay Kenya afar sano kahor waxa ay aheyd mid si toos ah ay ugu lug laheyd dhismaheeda itoobiya laakiin waxaa cajiib ku noqotay in uu ilaah ku sababay oo ay lug ka qaadi weyday hogaamiye kooxeydyadii ay awalba iyadu suuqa soo galisay oo xataa ku jirabay in ayba cagta soo dhigiweyso magaalada caasimada ah ee moqdisho oo ay maamuladii iyada ka horeeyay tagayeen balse ku najixi waayeen, shacabka soomaaliyeed iyagu iyagoo og in dowladani ay tahay mid itoobiya wadato ayey si fiican usoo dhaweeyeen waayo waxaa wax walba kala weynaa dhibaatada ay ku jireen iyagoo ay ka joogtay mar un arka wadankiinoo maamul leh laakiin horaa loo yiri labadii xaqdaro ku heshiisaa xaqbey ku kala tagaan iyo hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho waxa ay dowlada lug ka qaadi weyday kuwii maamulayay oo awalba ka koobnaa hogaamiye kooxeedyo ay maamul wadan guud kala qiimo badan tahay maamulida xaafadaha yar yare e ay kala heystaan...............

Abuuritaankii ay maxkamadaha islaamiga kusoo biireen masraxa siyaasada waxa ay waji cusub uyeeshay siyaasada dalka waxa ayna soo saartay waxyaabo badan o qarsoonaa mudo gaaban gudahood ayey kaga taqaluseen hogaamiye kooxeedyadii faraha badnaa ee ka jiray dalka iyagoo la wareegay inta badan koonfurta soomaaliya waxa ayna taasi soo dadajisay in shacabka soomaliyeed ay ucadaato oo ay banaanka iskeenaan dowladihii lugaha ku dhagaa in dalku uu dowlad yeesho waxaa halmar dhinacyo badan oo caalamka ah kasoo yeeray halku dhigyo ay ka mid ahaayeen hala taageero dowlada iyo waxanu geyneynaa ciidamo nabada ilaaliya soomaaliya waacajiib oo maxaa hore wax loogu qabanwaayay shacabka soomaaliyeed mudadii dheereyd ee ay dhibaatada ku jireen marka hada la leeyahay dowlada hala taageero markii inta badan wadankii nabadii kusoo laabatay oo ay maxkamaduhu lawareegeen su!aasha isweydiinta lihise waxa ay tahay aaway dowlada lataageeraa?.................

Dowlada magac kuyaalkaa ee fadhisa baydhabo waxaa isugu tagay niman manaxayaal ah oo qaarkood marka aad lakulanto oo aad aragto qaabka ay udhaqmayaan aad isleedahay ala nasiib daranaa dadka ay xukumayaan, sanadii hore ayaa waxaa magaalada nairobi yimid wafdi kasocday dowlada waxaanan ka qeyb galay warsaxaafadeed ay ku qabteen safaarada soomaalida ee nairobi mid ka mid ah raga maanta ugu tunka weyn dowladaasi ayaa ka mid ahaa wasiiradii shirkaasi saxaafadeed ka hadlay markuu hadalkii dhameystay oo wariyayaashii su!aalo weydiin kubilaabeen ayaa mid wariyayaasha ka mid ah waxa uu weydiiyay sababta ay xamar utagi la!yihiin markaasuu waxa uu jawaab uga dhigay war waxaa tahay reer hebele inta xamar tagtid qori soo qaado ee dagaalan halmar ayaa dadkii meesha joogay dhan wada yaabeen bal ka warama hadii wasiiradeenii sidaasi yihiin............

Dowlada taagta daran waxa ay ku faantaa in wadamada dariska ah ay ka waardiyeynayaan maxkamada, oo dowlad iyadii dadkeedii laga waardiyeynayo maxey dad uqabataa waxa ay howsheedii kusoo koobantay in laga qeyb galo shirarka caalamiga ah iyo in la dacaayadeeyo maxkamadaha islaamiga ah oo caalamka ay ka dhaadhacsiiyaan maxkamaduhu waa argagixiso marka lafiiriyo waxyaabaha ka socda baydhabo waxa ay umuuqataa meel tartiib tartiib looga kala siibanayo waxaa moqdisho si xaddhaaf ah usoo galaya xildhibaano ka imaanaya baydhabo qof kasta oo ka mid ah kuwa hada joogana waxa uu ka fakaraa sidii uu mar un uga bixi lahaa halkaasi inta aanu qaraxa ka dhicin waxaana la saadaalinayaa in dowlada ay mar kale labo garab ukala jabi doonto oo kala jooga moqdisho iyo baydhabo taasna ay ukeni doonto in ay weydo aqoonsiga yarkaa ee ay hada ku faanaan oo ay beesha caalamka ka niyad jabidoonaan laakiin sida ay sheegayaan raga indha indheeya arimaha siyaasada maxkamadaha iyaga baaban diyaar u aheyn xiligaan in ay weeraraan baydhabo waxa ayna doonayaan in ay go!doomiyaan oo ay sidaas iska sii ahaato inta laga kala tagayo isla markaana ay dadka dagaanku maseyrayaan oo ay is weydiinayaan waxa ay tahay danda ugu jirta dowladan liicliiceysa waxaana la saadaalinayaa in ay ugu danbeyntii isugu soo hari doonaan baydhabo C/laahi yuusuf, nuur cade dhowr wasiir iyo ciidamo itoobiyaana markaana ay arintu laba arimood mid noqondoonto waa mida horee in itoobiya ay go!aan gaarto oo ay iyada iyo inta taageersan isaga cararaan magaalada oo ay si fudud ugu gacangasho maxkamadaha ama in ay itoobiya dagaalkeeda cadeysato oo halkaas uu ka bilowdo dagaal saameynweyn ku yeesha gobalka oodhan markaana lama filayo in howshu ay ku koobnaandoonto maxkamadaha iyo itoobiya ee ay lug ku yeelan donaan dowlado kale...
wabilaahi towfiiq..


abdirahman diiriye nuur.

Email nuure1000@hotmail.com
tel:25472094403
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 6, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS