SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaad Kala Socotaa Heerarkii ay soo Martay  Magaalada Boosaaso

joojeCabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadiban dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qaayaha mudan waxaan halkan uga soo gudbinayaa salaanta islaamka (A.C.W.W).

Boosaaso oo ah magaalo taariikh dheer, oo harsaneysay xaadarad aad u fog, ayaa waxaa lagu soo waramaa in uu ka jiri jiray weligeed ganacsi qoto dheer oo ay la lahaan jirtay ganacsato carbeed iyo kuwo ka yimaada bariga fogba. Waxa ay ahaan jirtay Boosaaso xaruntii dhulkii la oran Dhulkii udugga ama Puntland. Magacii hore ee loo aqooni jiray wuxuu ahaa Bandar Qaasim. Boosaso waxey ka mid ahaan jirtay magaalooyinkii ugu horeeyay Soomaaliya, ee uu ka jiri jiray dhaqdhaqaaq ganacsi iyo kuwii la lahaa ganacsaar badmareenadii u kala socdaali jiray Bariga dhexe iyo bariga fogba.

Kadib markii loo halgamayey Xorriyaddii Soomaaliya, ayaa dadkii markaa wax u soo bartay gayigaa iyo kuwoodii waxgaradka ahaa, ayaa waxey u soo wareegeen dhanka iyo koonfurta, si ay uga qeyb qaataan halgankii xoriyadoonka, oo ay qaarkood hormuudba u ahaayeen, sida halgankii SYL. Haddaba markii la gaaray hadafkii Soomaali weyn ee ahaa in la helo xorriyad buuxda, ayaa waxaa dhidibada loo taagay dowlad Soomaaliyeed, oo ka kooban dhammaan Soomaliweyn, oo xarun looga dhigay Magaaladii Muqudisho. Taas ayaa waxey horseeday Soomaali intii markaa reer magaal u aheyd, oo kasoo wada hayaamay dhammaan goboladii dalka inay kusoo hirtaan xaruntii dowladeenii aynu muddo u haraadaneen. Halkaas waxaa ka bilowday in dadkii indhaha u ahaa bulshada ee deganaa goboladii dalka, ay badankoodii soo faaruqiyaan magaalooyinkii ay hormuudka u ahaayeen.

Dowladihii isaga danbeeyay maamulkii dalka, oo hadafkoodu badanaa ahaa bal in marka hore la hormariyo caasumadii dalka, ayaa iyaguna wax howlgal ah oo ay ka qabteen magaalooyinkii kale oo horey u jiray ma jirin. Waxyaalaha aadka looga naxo waxaa ka mid ahaa xilligii dowladii Milateriga, in Boosaaso ay kasoo degi jireen ganacsigii dalka ka socday Bedeecadihii lagu kala iibsan jiray 40%, haddana lasoo dhaafin jiray oo lagu kala iibsan jiray magaalooyinka Xamar iyo agagaarkeediiba. Nasiibdarro xitaa magaalloyin kaloo badan ayaa uu kacaankii iyo dowladii rayidkaba  maalgeliyeen, laakiin marna fursad lama siin goboladaa leysku oran jiray waqooyi Bari Soomaaliya. Waxaa xitaa goboladaa la oran jiray ama loo bixiyay magacyo ay ka mid ahaayeen ( La Gaari Waa ), oo looga gol lahaa fogaanta iyo wado la’aanta ka jirtay.

Boosaaso kama dhisnayn iskuulo horumarsan, kama dhisnayn isbitaalo, kama jirin adeegyada bulshada ee muhiimka ah. Arimaha iguugu cajiibka badnaa waxaa ka mid ahaa, sanadii 1983dii dhamaadkeedii innagoo ku jirna Dugsigii tababarka Xalane ee Xamar, ayaa waxaa leysu yeerinayey gobol gobol, maalin maalmaha ka mid aheyd,wax iga yaabiyay wuxuu ahaa, gobolka Bari, oo ah Gobloka Soomaaliya ugu weyn, uguna degmooyinka badnaa marka Xamar laga reebo, inay ka yimaadeen 28 Arday oo qura, halka gobolada kale ay ka socdeen, gobolka ugu yar illaa iyo 100 Arday. Intaanu la kaftanay arday ka mid ahaa ardeydii markaa ka timid Bari, ayaanu ku niri, idinkoo dhan waxaa idinka baddan Fasalkeenii, oo ahh fasalka { Form Four J, ee Dugsigii Sare ee Sakhaawadiin – Xamar  }. Waxaa iyaduna arimaha aadka loola yaabo ahaa ganacsatadii ugu waaweyneyd gobladaas, oo weliba had iyo jeer wax uga soo degi jireen dekedii Macmalka ahaa, ee ka jiray Boosaaso iyo Qandala, oo had iyo jeer Gobolka ku xirnaa, oo aan midkoona Guryo ku laheen Magaalada Boosaaso iyo magaalooyinkii kalaba ee gobolka ka tirsanaa.

Dhamaadkii 80aadkii, ayaa waxaa ay nasiib u heleen Goboladaa Bari, in looga faa’ideeyo Barnaamijkii horumarinta Africa ay ku deeqday dowladdii Talyaaniga, kasoo loogu dhisay waddada dheer ee isku xirta Gaalkacayo Illaa iyo Boosaaso, iyo weliba wajiga 1aad ee dekadda Boosaaso. Runtii barnaamijkaas horumarineed wax weyn buu ka qaatay horumarka ay illaa iyo maanta higsanayaan goboladdas. Adeegyadaas waxey sahleen ama fudueeyeen isusocodka gawaarida isaga kala goosha Min Bari illaa iyo koonfur. Waxaana mahadeeda iska leh, Allaah ka soke Maxamed Siyaad Barre, oo markaas ahaa madaxweynihii SoomaaliYa ( Allaha u naxariistee ), oo wuxuu goboladaas kasii jeestaba, Allaah markii danbe uga soo qaaday.

Haddaba markii ay bur burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya, bilowgii 90kii, oo uu waddanka ka dhacay dagaaladi saokeeye, ayaa waxey somaali isu leysay beel beel iyo qabiil qabiil, taasoo keentay in dadkii deganaa magaalada Xamar ab ka ab, inay dantu baddo ama inay Qurbo u qaxaan ama ay kasoo jeestaan magaaladi ay asal ahaan u nisbo sheeganayeen. Waxaana mashaakilkaas ka shaqeeyay nimaan Mujrimiin ah, oo iyagu rabay inay qaadaan wado alla waddadii ay ku gaari karayeen kursiga, iyagoo isku diray oo madaxa isu galiyay ummadihii walaalaha ahaa, oo uu ka dhaxeyn jiray deris wanaaggu. Taasoo ay dad ka baddan boqolaal kun oo qofood, ay dib ugu noqdeen  goboladii ay asal ka yimaadeen. Dadkaan oo aaminsanaa inaan lakala xigin dhulka soomaaliya, ayaa hanti waxa ay lahaayeen gashaday Caasimadii soomaaliya, oo iyadu markaas aheyd Muraayaddii waddanka. Dowladihii soo maray soomaaliyana waxey adeegyo ka fuliyeena waddanki, wax ay galiyeen 90% Muqudisho, halka dalka oo dhan loo qeybiyay 10%, oo runtii aheyd wax aan leys bar bar dhigi karin.

Haddaba dadkii faraha badnaa ee dib ugu soo noqday magaaldii Boosaaso, oo ayan weligood ku riyoon inay dib ugu soo noqon doonaan, ayaa waxa ay dantii baday qof walba wixii uu xirfad lahaa iyo meeshii uu nolol ka bilaabi lahaaba ay noqotay hadda iyo koow.

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadiban dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qaayaha mudan waxaan halkan uga soo gudbinayaa salaanta islaamka (A.C.W.W)

Kadib markii uu bur burkaas dhacay, oo qof waliba ay dantii baday inuu dib ugu noqdo magaaladii ama tuuladii uu asal kasoo jeeday, ayaa Boosaaso waxa ay ka mid aheyd magaalooyinka sida aadka ah loogu noqday, loona camiray. Dadkaas ku noqday Boosaaso badankoodii ma ayan heysan xitaa wax ay nolol ku abuurtaan, nasiib wanaag Allaah ayaa u barakeeyay dhulkoodii, oo qof waliba wixii uu aqoon lahaa, ama xirfad lahaa ayuu ku howlgalay. Iyadoo uu qof walba diyaar u noqday inuu nolosha kasoo bilaabo saqcadda ( Grass Root ). Wax uu qof walba ordaba, oo dhinaciisa uu isaga dayo siduu naftiisa iyo magaaladiisaba wax ugu qaban lahaa, ayaa akhiiran waxa ay ku guuleysateen ugu yaraan inay magalada bal marka hore maamul kumeel gaar ah loo sameeyo. La abaabulo waxooga kala danbeyn ah iyo ganacsatadii oo iyagoo wada jira sameystay ciidan u ilaaliya hantidooda.

Boosaaso 18 sano kadib, maanta waxa ay ka mid tahay 3da magaalo ee ugu waaweyn Soomaaliya { Muqadisho, Hargeysa, Boosaaso }. Waxaa kaloo loo qiray inay tahay magaalada ugu koboca weyn Soomaaliya oo dhan, oo uu horumarkeeda xowli ku socdo. Boosaaso waxaa ka jira waxbarasho la tartameysa tan ka jirta dunida, waxaa ku yaala in ka baddan 40 Dugsi sare iyo Machadyada la siman, waxaa kaloo ku yaala Machadyo  waxbarashadooda sareyso, sidoo kale waxaa ku yaal jaamacadda caanka ah ee East African Universiry, oo ka kooban faracyo baddan oo kala duwan. Waxaa kaloo ku yaala machadyo diini ah oo fara baddan iyo Dugsiyo baddan oo casri ah oo lagu xafido Quraanka. Waxaa kaloo Boosaaso farac cusub ka furatay Jaamacadda weyn ee Muqudisho University, oo dhawaan howlgali doonta.

Dhanka Caafimaadka magaalada waxaa ka howl gala Taqaatiir aad iyo aad u tiro baddan, oo waxaa ku yaala illaa iyo 3 isbitaal, iyo rugo caafimaad oo faraha ka baddan. Waxaa kaloo indhahaaga soo jiidanaya rugaha farmashiyaasha oo aad iyo aad u tiro baddan. Dhanka ganacsiga magaalada waxaa si xowli ah u shaqeysa dekeda weyn ee Boosaaso, taaso ay  shaqadeedu socoto 24ki saacba, waxana wey kasoo degaan waxna waalaga dhoofiyaa. Waxey kaloo leedahay magaalada Shirkado waaweyn oo ka ganacsada, waxyaalaha muhiimka u ah nolosha Soomaalida. Waxaa kaloo xarumo waaweyn ku leh dhammaan shirkadaha ka jira waddanka ee xawaaladaha. Waxaa magaalada si toos ah uga baxa Diyaaradaha aad Khaliijka, ugana soo degta. Waxey kaloo magaaladu leedahay Hoteelo waaweyn oo ah kuwa casriga ah ama loo yaqaan 3Stars, sida Villa International, Panorama, Huruuso, Karaama 2, Al-khaleej, Abuudabey, iyo kuwo kaloo fara baddan, oo isugu jira kuwa yar yar iyo kuwo waaweynba. Waxaa magaalada ku yaala illaa iyo 2 Idaacadaha leyska arko, oo casri ah, sidoo kale magaaladu waxey leedahay dhowr raadiyo. Waxaa kaloo magaalada ka jira oo kasoo baxa wargeysyo faraha ka baddan, oo qaarkood maalinle ah, qaarna ay soo baxaan todobaadkiiba mar. Waxaa magaalada laga dhisay dhismayaal aad iyo aad u casri ah, oo qaarkood ay yihiin deegaan, qaarna loo dhisay in lagu isticmaalo qaab ganacsi. Magaaladu waxa ay fiday in ka baddan 85%, taasoo ay magaaladu dhan walba ka fiday. Xagga isgaarsiinta magaalada waxaa ka jira shirkado baddan oo telefoon, sida Golis, Netco, telecom. Weliba intaas waa warbixinta aynu heyno, waxa ka baddan weli inta aynaan helin. Sidoo kale waxaa magaalada ka furan warshado yar yar, ha noqdaan kuwa cabitaanka, cuntada i.w.m. Waxaa kaloo magaalada tuulooyinka u dhow dhow laga sameeyay Beero fara baddan kuwaas oo illaa xad daboolay baahiyaha ka jira magaalada

Runtii horumarka ay sameysay magaalada Boosaaso maaha mid halkan lagu soo koobi karo, runtii waa wax allaah loogu mahdiyo una baahan in lagu shukriyo nimcooyinkaas uu Allaah idiinku galadeystay.

Sidoo kale waxaan halkan doonayaa inaan idinkuugu soo gudbiyo talooyin islaamnimo iyo mid walaaltinimoba ah, oo aan doonayo inaan ugu gudbiyo dhammaan ummadda reer Puntland gaar ahaan, Waxgaradka, aqoonyahanada, ganacsatada, Culimada, Issimada, iyo dhammaan dadka wanaaga ehelka u ah ee reer Boosaaso. Talooyika aan usoo jeedinayaa waxa ay yihiin:-

  • In aad ku shukrisaa nimcooyinkaas uu allaah idinku galadeystay.
  • In aad ka warqabtaan, daka kasoo barakacay deegaanada ay dhibaatooyinku ka jiraan.
  • Inaad had iyo jeer ka shaqeysaan sidii Soomaali ay isugu soo noqon laheyd, oo aad hormuud u noqotaan dib u heshiisiinta Soomaalida.
  • Inaad u gurmataan xeryaha Qaxootiga ah ee ka jira agagaarka Boosaaso.
  • Inaad ka qabataan waxmagaratada had iyo jeer dulminaya dadka idiin soo mutay.
  • Inaad wax ka bixisaan hantida iyo Xoolaha uu Allaah, idinkuugu galadeystay, oo aad quudisaan dadkkas idiin soo mutay.
  • Sidoo kale inaad ilaashataan nabadda uu Allaah idinkuugu deeqay
  • Had iyo jeer ilaaliya oo xafidana nimcooyinkaas uu Allaah idinkuugu deeqay, oo waa wax leydinku eegayo.
  • Inaad wax ka qabataan xeryahan Cooshadaha ah, ee maalin walba iyo waqti walba iska gubanaya.
  • In aad wax ka qabataan Tahriibka iyo dadka dulmiga u geysanaya dadka masaaakiinta ah, ee iyagu nolol wanaagsan raadsanaya.

Haddii aad yeeshaan sidaas waxaa dhici karta inuu Allaah idiin barakeeyo deegaanadiina, oo ay idiin sii siyaado baraarahaa iyo horumarkaas. Laakiin maalinti aad raali ka noqotaan qof wax dulminyaaa ogoaada ciqaabta allaah ma foga.

Sidoo kale iska qabta wax magaratada had iyo jeer caadeystay inay soo afduubaan Maraakiibta, taasoo sumcaddiina hoos u dhigaysa, idiin gaarsiin kartan heer aan lasoo aadin carrigiina, oo aad go’doon noqotaan.

Intaas ayaan qormadeyda kusoo gabagabeynayaa, waxaa inoo Ballan ah inaadan fogeyn walaalkiin Soomaaliga ah, ee idiin soo mutay, haddii uusan dhibaato wadan.

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac jooje

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 11, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS