SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

GABAY CUSUB OO "DAREEN" LA YIDHAA: DHULKII OO GABYAAYA

Waxaa Curiyey: Jamal Ali Hussein, Ivory Coast, Galbeedka Africa

Waxa Gabaygan Hadlaya "Dhulka" laftigiisa oo isagu Gabyaaya

Gabaygan Waxaa igu dhaliyey gabay uu hore u tiriyey Abwaan Faysal Aw-Cabdi Cambalaash. Hadaba gabaygan Dhulku wuxuu ka gabyayaa waayahiisa isagoo ka hoga tusaaleeynaya dhibaatooyinkii uu soo maray si ay hawala waran ugu noqdaan dadka qurbaha iyo wadankaba jooga. Dhulku waayahiisa, Cabashadiisa, iyo talodiisaba ka dib wuxuu ku gunaanadayaa duco. Markaa waxa dhulka ka keenay Gabayga ayaa jira. Waxaanu yidhi "Dhulkii"

  • 1. Anigu dhul dulmoon baan ahay
  • 2. Mid dareen gilgilayaan ahay
  • 3. Mid adduun dul joogaan ahay
  • 4. Mid dantiisa dhowraan ahay
  • 5. Mid dad hadhsadaan ahay
  • 6. Mid dawga raadshaan ahay
  • 7. Mid aad u ducaystaan ahay
  • 8. Mid dulmiga neceb baan ahay
  • 9. Mid danyar u roon baan ahay
  • 10.Mid deeq ka buuxdaan ahay
  • 11.Mid dihin oo durugsan baan ahay
  • 12.Mid gaajada daweeyaan ahay
  • 13.Mid Dulqaad badan baan ahay
  • 14.Mid dawyo badan baan ahay.
  • 15.In badan baa dad kale
  • 16.Doodayda sheegeen
  • 17.Dareenkayga kiciyeen
  • 18.Ha yeeshee maanta waa daw
  • 19.In aan soo durduriyaa
  • 20.Danahayga sheegtaa
  • 21.Gabay kusoo dahaadhaa.
  • 22.Dulucdeedu waxay tahay
  • 23.Afartan dhawaad dacwoo iga degin
  • 24.Aan deelka ka higaadsho,
  • 25.Dulmigii isoo maray
  • 26.Aan deelka ka higaadsho,
  • 27.Ducadiyo dareenkana
  • 28.Daa'in baa I baraye
  • 29.Waa inaan soo daliilshaa
  • 31.Daaha aan ka qaadaa
  • 32.Ku danbeeyaa danta guud.
  • 33.Waxa da'yartu dooni iiga raacayaan, baa iga degi waayay
  • 34.Waxa diintiyo dastuurka doc looga maray, baa iga degi waayay
  • 35.Waxa dadartiyo Jebiska loo daldalayo, baa iga degi waayay
  • 36.Waxa lay daryeeli laayahay, baa iga degi waayay
  • 37.Waxa duxda igu jirta looga fooraro, baa iga degi waayay
  • 38.Waxa dariiqyadii I dul yaal loo dayacin, baa iga degi waayay
  • 39.Waxa ay durba qaylo dadkii dudubinayaan, baa iga degi waayay
  • 40.Waxa dumarkii u daaleen raggii u dixindixin,baa iga degi waayay
  • 41.Waxa dibjir iyo caruurba loo dayacay, baa iga degi waayay
  • 42.Waxa damiirkii dadka qalajiyey, baa iga degi waayay
  • 43.Waxa dir-soocu weli u daran yahay, baa iga degi waayay
  • 44.Waxa daacadii looga durkay, baa iga degi waayay
  • 45.Waxa danyartii looga damqan, baa iga degi waayay
  • 46.Waxa dusduskiyo khiyaamada looga digorogan, baa iga degi waayay
  • 47.Waxa dadkii muruq isugu deyin, baa iga degi waayay
  • 48.Waxa ay dadkii qurbo joogi iigu daadegin, baa iga degi waayay
  • 49.Waxa dadkii doorashadii usoo dabreen, baa iga degi waayay
  • 50.Waxa dadka qaar laygu daawan, baa iga degi waayay
  • 51.Waxa ay daruurihii usoo daadineyn, baa iga degi waayay
  • 52.Waxa dacar iyo macaan weli deris ka dhigay, baa iga degi waayay
  • 53.Waxa dadkii dibindaabyo looga deday, baa iga degi waayay
  • 54.Waxa biyihii weli dirqi ka dhigay, baa iga degi waayay
  • 55.Waxa ay diktooriyo degree holder ii danayn, baa iga degi waayay
  • 56.Waxa ay daahyadii aqoontu ii dareemayn, baa iga degi waayay
  • 57.Waxa ay daahyadii aqoontu ii dafirayaan, baa iga degi waayay
  • 58.Waxa ay daahyadii aqoontu ii daaweyn, baa iga degi waayay
  • 59.Waxa ay daahyadii aqoontu ii dirqinayaan, baa iga degi waayay
  • 60.Waxa ay daahyadii aqoontu hadal iiga diidayaan, baa iga degi
  • 61.Waxa ay daahyadii aqoontu ii dayaceen, baa iga degi waayay waayay
  • 62.Waxa dahabka I dulsabeeya loogu degin, baa iga degi waayay
  • 63.Waxa uu dadkii weli uga gaajonayaan, baa iga degi weyday
  • 64.Waxa lay dayacee Sun laygu daadin, baa iga degi waayay
  • 65.Waxa dibad joogii ku diray dhul-joog, baa iga degi waayay
  • 66.Waxa dhul-joogii dam ka dhigay, baa iga degi waayay
  • 67.Waxa dadkii siyaasaduun ku diray, baa iga degi waayay
  • 68.Waxa aad direys u gashanood iigu digan, baa iga degi waayay
  • 69.Waxa dadkii laba duuloo isdila ka dhigay, baa iga degi waayay
  • 70.Waxa masuulkii u dareemin dadkii, baa iga degi waayay
  • 71.Waxa gaajo layla duljoogood keli darsan, baa iga degi waayay.
  • 72.Afartankaa sidii danan, ma isu daba joojay
  • 73.Dibnihii weli iskuma qabane, hadaan deelka ka higaadsho
  • 74.Hadaan inyaroo dood iyo murana, deelka ka higaadsho
  • 75.Hadaan uga digo rigtoo dulucda, deelka ka higaadsho
  • 76.Hadaan taariikhdii sii duul maroo, deelka kaaga higaadsho
  • 77.Bal aan daadshee, darso waa webi soo durdurayee.
  • 78.Imisaa diricyo laygu kor diloo, dejiyey maydkooda
  • 79.Imisaay dubaabadi I dul socotayoo, dooga iga xaadhay
  • 80.Imisaan dareemay diririyo barwaaqaba, doorna ka ciyaaray
  • 81.Imisaay diyaaradi duqaysay daarahii, daalka lagu keenay
  • 82.Imisaay dadkii qaxayay ka dabatagtoo, dulcad lagu daatay
  • 83.Imisuu I qabsaday dikteetar daranoo, dulmiyey dastuurkii
  • 84.Imisaa dad lagu dilay, daba dhilif xun weeyaan
  • 85.Imisaa dadkii mideysnaa dayr lagu kala xidhay, daala dhaceenii
  • 86.Imisaay abaar darani iiga sii dartoo, gaajo lagu daatay
  • 87.Imisaa dabayshiyo xagaayadu dulsocotayoo,ku difaacay muruq adag
  • 88.Imisaan xejiyey mid deeq haystiyo, daalin iyo tuugaba
  • 89.Imisaan xejiyey hadal ma daadshiyo, doqon iyo diricba
  • 90.Imisaan ku hungoobey diricyadii, duqay iyo xaakin
  • 91.Imisaay I qabsadeen dad noocyo badanoo, wanaag-diid lagu diray
  • 92.Imisaa jago layga dul jeexdoo, daarna laga dhisanayn
  • 93.Imisaa laysku kay dul qabsadoo, dab lays qabadsiiyay
  • 94.Imisaa dalag layga beerinoo, baryo laga doortay
  • 95.Imisaay I midab dooriyeenoo, daasad laygu tuuray
  • 96.Imisaa lay dewerayoo, dibad layga doortay
  • 97.Imisaa dhulkaygii derimaha wacnaa, dibad laga doortay
  • 100.Imikana aan u daadago
  • 101.Dulucdii hadalkee
  • 102.Kuwan deeqda haystiyo
  • 103.kuwan dibada joogow
  • 104.Dalkii idin sugayaa
  • 105.Dhulkii baana u sii daran,
  • 106.Bal caalamka deymada
  • 107.Dhul-qayrkay ku doogsada
  • 108.Siday horumar u durduriyeen
  • 109.Qurbo-joog baa ku diirsada,
  • 110.Hadal sii durkiyee
  • 111.Daadihin ku wada oo
  • 112.Dalka soo difaacoo
  • 113.Dhaqaalaha danbeeya kiciyoo
  • 114.Dadkiiyow xisaabtama
  • 115.Danyareey dedaal Keen,
  • 116.Dibadna yaan la wada degin
  • 117.Dalka yaan la moogaan
  • 118.Xataa haday dalxiis tahay
  • 119.Farxad baan dareemaa
  • 120.Markaad I dul timaadaan
  • 121.Darajaad I siisaan.
  • 122.Malaha way ila durugtee
  • 123.Gabayga waan ku daahe
  • 124.Aan ku dayo Ducadoo
  • 125.Halkan aan ka duulee,
  • 126.Ilaaha dunida uumee
  • 127.Samada dalad iiga dhigayow,
  • 128.Ilaaha deeqda bixiyee
  • 129.Roobka soo daadinaayoow,
  • 130.Ilaaha denbi dhaaf lehee
  • 131.Dareenka noo hagaajow,
  • 132.Ilaaha nabada daayee
  • 133.Dalkeenii daryeelow,
  • 134.Ilaaha nuurka daalacee
  • 135.Dayaxiyo cadceedba dusha nooga sudhayow,
  • 136.Deganaan kuma ledi karo
  • 137.Intaan gaajo la dabar goyn
  • 138.Dixduna madhan tahay.
  • 139.Anigu dad uma dudaayoo
  • 140.Ilaah baa dareensiin
  • 141.Baahidayda durugsane,
  • 142.Rabiga daacad u nuguloow
  • 143.Adigaa derajo lehe'
  • 144.Daa'inow naga yeel
  • 145.Daacad aan la dagi Karin,
  • 146.Ilaahow naxariis daa'ina
  • 147.Derejiyo dalacaad
  • 148.Aakhiray danbeysaa
  • 149.Intaanse dunida joogno
  • 150.Allow umadan daciifka ah
  • 151.Ku daadahee daryeel adag.
  • 152.Doodaha abwaanada
  • 153.Cambalaash iyo darkiisii
  • 154.Dersayoo dareenkii
  • 155.Dejiyoo dhameeyee
  • 156.Dulucda iyo ujeedada
  • 157.waan soo dayaanshee
  • 158.Diiwaankiyo maansada
  • 159.Hadalkii daboolnaa
  • 160.Cilmigii ku duugnaa
  • 161.Daaha waan ka qaadee
  • 162.Waxaanan uga dan leeyahay
  • 163.Danta guud uun weeyaan
  • 164.Dedaal hagar la'aaneed
  • 165.Dadku haku soo dareeraan
  • 166.Dalka horumarkiisii
  • 167.Daafaha adduunyada
  • 168.Ictiraaf dun adagoo
  • 169.Cidi dumin karinoo
  • 170.Dadku ay daryeelaan
  • 171.Ilaahow ku darajee,
  • 172.Dibugurasho naga reeb,
  • 173.Dun aan go'in naga yeel.

Waxaa Gabaygan curiyey;

Jamal Ali Hussein

Abidjan, Ivory Coast

Galbeedka Africa

September 5th, 2008

E-mail: jamaal71@yahoo.com

Gabaygani cid walba oo umadda bulshadeeda kala duwan ah wuu la hadlayaa. Cid gaar looguma sameeyn.

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 16, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS