SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mabaadii’da Maamulka & Maaraynta Qeybta 1aad

Maamulka iyo Maarayntu: Waa cilmi ku qotoma in Habwanaagsan lagu gaaro Yoolal mucayan ah oo u degsan Urur ayada oo loo marayo Qorshayn, Nidaamin, Hogaamin, iyo Dabagalka khayraadka Ururkaas.

Haddii aan wax ka bidhaaminno tariikhda cilmiga Maamulka, xilliyadii u dhaxeeyay sanadyadii 1890 ilaa 1940 ayaa waxaa curtay aragtiyada cilmiga Maamulka & Maaraynta oo xilligaa wixii ka horeeyay aan ahayn cilmi qoran oo gaar u taagan, waxaana uu soo maray heerar kala duwan kuwaas oo ay soo dhiraan dhiriyeen culumada salka u ah Cilmiga Maamulka ee Casriga ah waxaana ka mid ahaa Frederick Taylor oo lagu magacaabo Curiyaha aragtida cilmiyaysan ee maamulka (scientific management theory) wuxuuna Maamulka ku qeexay in guud ahaan Hawlaha Ururka loo helo Halbeegyo Sax ah oo si qoto dheer looga taxadaray.

Xilligaas ka dib waxaa soo shaac baxay aragtiyo kale oo daba socda aragtidii Frederick Taylor isla mar ahaantaana tifaftir u noqday, waxaana qayb ka ah aragtiyaha xoogga saaraya shaqaalaha ama dadka hoostaga nidaam mucayan ah in la siiyo taxadar gooni ah, isla markaana laga qayb galiyo go’aan qaadashada iyo xallinta mashaakilka si ay ugu dhaga nuglaadaan fulinta waxyaabaha lagama maarmaanka u ah in la gaaro sida Ujeedooyinka uu higsanayo Ururka & Mu’assasadu.

Guud ahaan maamulka sida ka muuqata magaciisa waa in si hagaagsan loo maamulo Urur & nidaam jira ayada oo si heer sare ah loo qoondaynayo khayraadka uu leeyahay ururkaas isla markaana la qiimaynayo Bii’ada ku xeeran iyo hirgelinta aragti fog oo odoros ka bixinaysa Mustaqbalka iyo Uruurinta Macluumaad sax ah oo ku aadan quwadaha saamaynta ku yeelan kara habsan u socodka Ururkaas, isla markaana in laga faa’iidaysto fursad kasta oo macquul ah ayada oo laga gaahaamanayo khatar kasta oo dibadda iyo gudaha uga soo fool leh Ururka.

Sida ay qabaan in badan oo ka mid ah culimada culuumta Maamulka & dhaqaalaha, Khayraadka Dunidu waxay ka kooban yihiin 4 nooc kuwaas oo kala ah:-
1) Dadka
2) khayraadka Dabiiciga ah,
3) Maaliyadda, iyo
4) Macluumaadka.
Khayraadkan ayaa hanashadoodu waxay wax tar yeelanaysaa marka lagu lifaaqo afarta waaxood ee cilmiga Maamulka oo ah in si wanaagsan loo qorsheeyo loona dajiyo nidaam ku haboon, si fiicanna loo hogaamiyo isla markaana si joogta ah isha loogu hayo looguna kuurgalo.

Maamulku waa fan ku dabaqmi kara dhinac kasta oo ka mid ah qaybaha Nolosha ha ahaato Maaraynta shaqsiyadeed, Qoys, Mu’asaso iyo Dowlad intaba, waana sirta ku maldahan guusha uu bani aadamku ka gaaro dhamaan qaybaha kala duwan ee noloshiisa mana jirto cid gaarta guul dhaxal gal ah illaa waxaa sabab u ah ilaahay ka sokow maamul wanaag lagu dabaqay coodka uu leeyahay Ururka ama Shaqsiga Guulaystay.

Waxaa Bani aadamka soo wajaha inta uu nool yahay caqabado fara badan iyo taxaddiyo uga imaanaya Bii’ada ku xeeran waxaana aad u badan baahida Aadamigu u qabo xilli uu naadir yahay khayraadka uu heli karo, marka waxaa looga baahan yahay in uu Baahidiisa ballaaran ku qanciyo khayraadka kooban ee diyaarka u ah asaga oo isticmaalaya Aqoon heerkeedu sarreeyo oo uu ku maaraynayo khayraadka gacanta ugu jira.

Maamulka waxaa uu ka bilaabmaa in marka hore uu shaqsigu yahay mid carbisan isla markaana ku guulaysta maaraynta Naftiisa kadibna hanta in ku filan oo aqoon dhinaca maaraynta ah waxaana lagama maarmaan ah in cid kasta la dhigo booska ay ku haboon tahay iyo xilliga ay ku haboon tahy taas oo suurta galinaysa in wax kasta looga faa’iidaysto si xikmadi ku dheehan tahay.

Maamulka & maarayntu waxay leedahay 4 waaxood oo ah dhidibada ay ku taagan tahay waxayna kala yihiin;
1) Qorshaynta (Planning),
2) Nidaaminta (Organizing),
3) Hogaaminta (Leading), iyo
4) Dabagalka (Controlling).

Qorshaynta (planning): Waa unkidda ahdaafta ururka iyo dejinta wadiiqooyinka lagu gaari karo ahdaaftaas, waa dejinta istiraatiijiyad cad ee mustaqbalka iyo qeexidda dariiqa loo marayo gaaritaankeeda. Qorshayntu waxay ka jawaabaysaa Su’aalo kala ah: Halkee ayaan Hadda Joognaa? Halkee ayaan maagan nahay in aan gaarno? Sidee ayaan ku gaaraynaa?.
Hawlaha ugu waaweyn ee ay fuliso qorshayntu waxay kala yihiin:
1. Jaangoynta yoolasha
2. Qeexidda Wadiiqooyinka
3. Dejinta Qorshe hoosaadyada
4. Miisaamidda iyo isu dheellitirka yoolash la higsanayo
Qorshaha waxaa laga rabaa in uu noqdo mid suurta gal ah, Cayiman, La cabiri karo lana aqbali karo isla markaana waaqici ah ayna dajiyeen dad leh aqoon iyo awood fulineed oo waafaqsan Qorshaha.Qorshayntu waa waaxda ugu muhiimsan ee Funuunta Maamulka & maaraynta waana furaha koboca heer kasta leh ee ay dareento cid walba oo curisa qorshe wanaagsan isla markaana dhaqan galisa.

Ujeedooyinka Qorshaynta:


1. Qorshayntu waa cunsur lagama maarmaan ah oo ka mid ah tiirarka maamulka waana lafdhabarta isu haysa qaybaha kala duwan ee waaxyaha Maamulka.
2. Qorshayntu waxay dhagax dhig u tahay isku xirka dadaalada kala gedisan ee Maaraynta.
3. Qorshayntu waxay hoos u dhigtaa hubanti la’aanta iyo mudiga ku jira xogta ku saabsan doosoomayaasha ku xeeran Ururka.
4. Qorshaytu waxay yaraysaa kabadbadin iyo baatul lagula kaco hantida Ururka.
5. Qorshayntu waxay qotomisaa Yoolasha Ururka waxayna dejisaa Halbeegyo loogu kuur galo.

Qorshaynta & Hawlfulinta

Guud ahaan marka aan ka hadlayno Qorshaynta rasmiga ah waxaa ka tafiirma Faa’iido aad u weyn oo ay hanato cidda qorshaha abuuratay. Habqorshayneed tayo leh oo si wanaagsan loo taaba geliyo wuxuu soo kordhiyaa hawlfulin qurxoon oo lagu gaaro natiijooyin lamahdiyo. Xiriirka ka dhexeeya Qorshaynta iyo hawlfulinta waxaa dabra waqtiga loo igmo qorshaha hadii uu yahay mid muddo dheer ah iyo hadii uu yahay mid xilli kooban ku eg, waxaana qorshaha mar walba saamayn ku leh deegaanka dibadda uga xeeran Ururka taas oo keeni karta in ay ragaadiso hawlfulinta iyo waxqabadka Shaqaalaha u qoolan hirgelinta qorshaha la dejiyay.

Doorka Yoolasha & Qorshe hoosaadyadu ay ku leeyihii Qorshaynta


Hadii aan Marka hore bidhaamino waxa ay yihiin Yool/Hadaf iyo qorshe hoosaad, Yool waxaa loola jeedaa Hirka la higsanayno isla markaana loo xiisa qabo in la gaarno mustaqbalka , wuxuu u taagan yahay miisaanka lagu salaynayo shaqada laqabanayo ama la doonayo in laqabto. Yoolku wuxuu qeexaa su’alaha kala ah: Maxaa la doonayaa in la gaaro? Sidee lagu gaari karaa iyo Goorma ayaa lagaari doonaa?.

Qorshe hoosaadku waa khariidada ama Map-ka qeexaya sida lagu gaarayo Yoolasha Ururku uu higsanayo ayada oo lamarayo wadada ugu sahlan uguna Qarashka yar isla markaana laga dhaxlayo faa’iidada ugu baaxadda weyn.

Noocyada Yoolasha:

Noocyada Yoolashu waxay ku xiran yihiin cidda dejisanaysa nooca ay tahay, baaxadda ay leedahay, heerkeeda aqooneed, awoodeeda dhaqaale, ujeedooyinka ay ka leedahay in ay ku gaarto waxayna noqon karaan Yoolal shaqsiyadeed iyo kuwo Urur waxayna u kala gadisan yihiin hadba cidda ay matalayaan, waxaana kamid ah kuwan soo socda:
1. Yool cimrigiisu ku dhereren yahay gaarista Natiijo mucayan ah.Tusaale ahaan haddii shirkadi ay Yool ka dhigato in sanadka 20010-ka ay labanlaabto wax soo saarkeeda, Yoolkaasu waa mid loo dhigtay in xilli go’an lagu gurto miro mucayan ah waxaana Afka qalaad lagu yiraahdaa (Achievement goals).
2. Yool hawshiisu tahay fududaynta wadiiqooyinka ay lagama maarmaanka tahay in la maro si loo gaaro ahdaaf la higsanayo mustaqbalka. Tusaale ahaan in shaqaale cusub la siiyo Siminar loogu carbinayo sidii ay u gudan lahaayeen shaqada la rabo in ay barri ka maalin qabtaan.
3. Yool qeexaya ka fogaanshaha ficil ama habdhaqan gaar ah. Tusaale ahaan in shirkadi ay mamnuucdo gelitaanka kharashaadka aan lagama maarmaanka ahayn (Unnecessary Costs) si loo dhawro hantida Ururka loona gaaro faa’iid.
Intaa oo qura kuma koobna noocyada Yoolashu wayna fara badan yihiin waxayna ku jaan go’an yihiin waxyaabaha ku jira maanka jihada dejisanaysa.

Taabagelinta Yoolasha:

Hababka loo dhaqangeliyo Yoolasha waxaa loo qaybiyaa labo nooc oo kala ah:
1. Hab hidde ama Taqliidi ah (traditional).
2. Hab casri ah.
Habka taqliidiga ah wuxuu dhigayaa in Yoolasha dhamaan marka hore ay dejiyaan Maamulka sare ee Ururka isla markaana shaqaalaha hoose aysan wax talowadaag ama ka qaybgelin ah ku lahayn, doorkooduna uu ku egyahay oo qura fulinta awaamirta kor uga imaanaysa isla markaana malaha wax awood ah oo ay ku soo bandhigi karaan hab wanaagsan oo loo fulin karo shaqada iyo wadiiqooyin fudud oo loo mari karo ujeedooyinka la beegsanayo.

Sidoo kale habkanu wuxuu qabaa in maamulka sare fikradiisu ay tahay midda mar walba saxan isla mar ahaantaana ay qasab tahay in hawlaha loo fuliyo qaabka asaga la quman.

Cilladaha uu leeyahay habkanu waxaa ka mid ah in uu meesha ka saarayo isla falgalka iyo habdhaqanka iskaashi ee u dhexeeya maamulka iyo shaqaalihiisa, waxaana lumaya fikrado dhaxal gal ah oo ka imaan kari lahaa dhinaca Shaqaalaha sida tooska ah howsha gacanta ugula jira, waxaana sidoo kale dhibaatooyinkiisa ka mid ah niyad jab iyo qanaaco la’aan ku dhacda shaqaalaha ama dadka hoose ee Ururka, taas oo keeni karta in aysan u aaba yeelin tayada wax Soosaarka.

Go’aan qaadashada Maamul ee habkan waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid kali talis ah, waxayna awaamiirta dhamaan ka imaanayaan halka ugu sareeysa Ururka mana jirto cid kale oo fasax u haysata in ay go’aan ka gaarto fulinta hawlaha joogtada ah ee Ururka.

Habka casriga ah ee taaba gelinta Yoolashu wuxuu Xoogga saaraa iskaashi dhex mara maamulka iyo shaqaalahiisa, tusaale ahaan fulinta Yool mucayan ah waxaa si wada jir ah isula jaangooynaya Shaqaalaha iyo Maamulka. Maamulku waxay si joogta ah ugu kuur galayaa horumarka laga sameeyay gaaritaanka Yoolasha isla makaana wuxuu lagu abaal marin iyo dhiiri gelin siiyaa shaqaalaha haddii ay xaqiijiyaan ahdaaftii la beegsanayay.

Habka casriga ah ee taabagelinta Yoolashu wuxuu ka kooban yahay 4 cunsur:
· Xadiditaan ama jaangoynta Yoolka
· Iskaashiga go’aan qaadashada
· Wakhti go’an oo Waadax ah
· Miisaamidda natiijooyinka

Faa’iidooyinka uu leeyahay habkanu waxaa ka mid ah:-
· sara u kac ku yimaada hawlfulinta shaqaalaha iyo wax soosaarka Ururka.
· Shaqaalaha oo qanaacadoodu kor u kacdo.
· Go’aan qaadashado wanaagsan.

Sifooyinka laga rabo Yoolasha:-
· Waa in loo qoro hab waafaqsan Natiijooyinka laga sugayo
· Waa in ay noqdaan kuwo la cabiri karo lana tira koobi karo
· Waa in ay leeyihiin waqti jaango’an oo cad.
· Waan in aysan sahlanayn balse lagaari karo.
· Waa in ay ka warhayaan dhamaan xubnaha hoos yimaada Ururka.

Tilaabooyinka loo maro fulinta iyo dejinta Yoolasha waxaa ugu horeeya in aan laga bixin xayndaabka loo dhigay jiritaanka Ururuka oo ah sababta markii horeba loo aasaasay Ururka, waana in la qiimeeyaa coodka u diyaarsan Ururka si loo ogaado in uu ku filan yahay gaaritaanka Yoolka waana in dib loo raacaa natiijada lana qiimeeyaa marka hadafka lagaaro kadib.

W.Q. Cabdalla C/kariim Guuleed

ccguuleed30@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 19, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS